Saturday 13 June 2026
Waxa suurogal ah in ay Somaliland qarka u saarantahay in ay aqoonsi caalami ah ka hesho dal labaad, dalkaasina uu noqdo Imaaraadka Carabta, ka dib shan bilood aqoonsigii ay Israa’iil siisay, oo ahaa go’aan muran badan dhaliyey, falcelinno badanna laga sameeyey. Filashooyinku waxa ay kor usii kaceen ka dib markii masuul Imaaraati ah, Dherar Belhoul al-Falasi, uu u caddeeyey kanaalka Israa’iiliga ah, i24, in aqoonsiga uu Imaaraadku siin doono Somaliland uu yahay wax dhacaya, horrayso ama dambayso.
Al-Falasi oo madax ka ah shirkadda Cruisank and Dean Global Intelligence, horena uga tirsanaa xubnaha Guddiga Qaran ee Imaaraadka, ayaa yidhi: “Waxa aannu xidhiidh wanaagsan la leennahay Somaliland, wax kastaana sidii la rabay ayaa ay u socdaan. Kolkaa, marka ay arrimuhu jidkii la rabay maraan, waannu aqoonsan doonnaa Somaliland”.
Sannado badan, Somaliland iyo Imaaraadku waxa ay lahaayeen xidhiidh saaxiibtinnimo, labada dhinacna waxa ay is weydaarsadeen xafiisyo uu midiba ka kale ka dhex furtay, waxaana dheer in Abu Dhabi ay saldhig millatari ku leedahay magaalada Berbera, sidoo kalena ay ballanqaadday dib-u-dhiska madaarka magaalada.
Imaaraadku waxa uu xidhiidh adag la leeyahay Israa’iil, ka dib heshiiskii muranka dhaliyey ee Ibraahiimiyada ee sannadkii 2020, oo labada dal ka dhex dhaliyey xidhiidho diblumaasiyadeed, iyadoo labada dhinacba isku soo dhawaadeen, kana midaysmeen xaqiijinta ballaadhinta awooddooda jiho-siyaasadeed ee Badda Cas iyo Geeska Afrika.
Haddaba, waa maxay suurogalnimada in Imaaraadku ku dhaqaaqo tallaabada aqoonsiga Somaliland?
Cumar Maxamuud, oo ah gorfeeye arrimaha Geeska Afrika oo ka tirsan Kooxda Dhibaatooyinka Caalamiga ah, waxa uu ku doodayaa in aqoonsi uu Imaaraadku Somaliland siiyaa uu waxtar labada dhinacba u keenayo.
Cumar waxa uu wargeyska “New Arab” u caddeeyey in kolka Imaaraadku uu Somaliland u aqoonsado dawlad madaxbannaan, ay tallaabadani fursad u siinayso in uu ka helo meel uu cagta dhigto oo gobolka ka mid ah, si uu u xoojiyo awooddiisa jiquraafi siyaasadeed ee marin badeedkan istiraatiijiga ah. Waxa uu hadalkiisa ku daray in tallaabadani ay sidoo kale taageeri doonto maalgashiga shirkadda DP World ay ku samaysay dekedda Berbera oo weli aan weli si dhammaystiran looga faa’idaysan.
Imaaraadku waxa uu sannado badan ku dedaalayey inuu ballaadhiyo awooddiisa Geeska Afrika, isagoo dedaal ugu jiray badinta ilahiisa dhaqaale iyo yaraynta ku tiirsanaantiisa shidaalka, isagoo ka duulaya hiraalkiisa 2031-ka. Damaca uu gobolka ka leeyahay waxa uu xoogga ku saaray horumarinta dekedaha iyo gacan-ku-dhigidda jidadka ganacsiga, siiba Badda Cas. Warbixinuhu waxa ay tilmaamayaan in uu Berbera oo keliya ku maalgashaday 442 milyan oo doollar.
Iyadoo la eegayo dabeecadda Geeska Afrika ee qalalaasaha badan iyo lagamamaarmaannimada ilaashiga danaha dhaqaale, Imaaraadku waxa uu sameeyey saldhigyo ciidan oo uu ku leeyahay Somaliland, Jabbuuti iyo Eretariya. Saldhigyadani kumay koobsan uun la dagaallanka budhcad-badeedda, ee sidoo kale waxa ay ka qayb qaateen yoolal millatari oo intaa ka ballaadhan oo xidhiidh la leh dagaalka Yaman.
Imaaraadka oo ku guda jira ballaadhinta awooddiisa Geeska, waxa uu ku dedaalay inuu xidhiidho la sameeyo dalal ku yaalla Geeska Afrika. Arrinka la xidhiidha Somaliland, Cumar Maxamuud waxa uu sheegayaa in aqoonsiga Somaliland uu Imaaraadku siiyo ay tallaabo weyn noqon doonto, siiba xilli Israa’iil ay noqotay dalkii koowaad ee aqoonsada Somaliland. Waxa kale oo uu hadalka ku daray: “Haddii uu Imaaraadku jidkaas Israa’iil raaco, waa wax indhaha dunida soo jeedin doona, waana tallaabo ay Somaliland u aragto inuu albaabka u furayo dalal kale oo tallaabadan ku dhiirrada. Sidoo kale, waa tallaabo kor u qaadaysa kordhinta iskaashiga labada dhinac, sida maalgashiyo dhaqaale oo dheeraad ah iyo isweydaarsiga khibrado”.
Kolkii la weydiiyey Cumar Maxamuud suurogalnimada aqoonsi rasmi ah, waxa uu ku sheegay “mid saadaashiisu adag tahay”. Waxa uu xusayaa in aqoonsigu yeelanayo dhib loo badheedho, sida go’doomin diblumaasiyadeed oo ay Imaaraadka kula kacaan dalalka kasoo horjeeda madaxbannaanida Somaliland. Waxa uu sheegay: “In xitaa ururrada caalamiga ah ee Imaaraadku ka tirsanyahay, sida Jaamacadda Carabtu, ay aqoonsigan kasoo horjeedaan. Waa arrin adkaynaya go’aan kasta, waana arrin dal sida Imaaraadka ah ku riixaya inuu muddo fikiro ka hor intaanu tallaabo qaadin”.
Ka sokow faa’idooyinka uu yeelanayo xidhiidh diblumaasiyadeed oo rasmi ahi, haddana, Maxamuud waxa uu ku doodayaa in “aqoonsigu aanu si dhab ah meesha uga saari karin caqabadaha gobolka…”. Waxa kale oo uu ku doodayaa in ismaandhaafka Somaliland iyo Soomaaliya lagu xallin karo in xulafada khaarijiga ahi ay labada dhinac ku cadaadiyaan wadahadal dhab ah oo midhodhal yeesha, oo lagaga gudbo xaaladda taagan.
Imaaraadku hore ayaa ay Soomaaliya isugu dhaceen, heer xidhiidhka labada dhinac uu gaadhay in bishii koowaad ee sannadkan ay Soomaaliya laasho heshiisyadii ay kula jirtay Imaaraadka. “Soomaaliya waxa kale oo walaac ku haya isku soo dhawaanshaha Israa’iil iyo Somaliland, oo hadda ay safaarad ka furatay magaalada Qudus…”.
Somaliland waxa ay dardar cusub lasoo baxday ka dib markii si rasmi ah ay aqoonsi uga heshay Israa’iil, oo ahaa tallaabo ay dhaleeceeyeen Soomaaliya, Midawga Afrika, Jaamacadda Carabta iyo dalal kale. Soomaaliyana waxa ay ku doodaysaa in madaxbannaanideeda lagu xadgudbay.
Qormadan waxa laga soo turjumay halkan.