Skip to main content

Friday 16 January 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Aragti

Ilhaan Cumar; Sooyaalkeeda Qoys Ma Caawinayo Qaddiyaddeeda Siyaasadeed

17 December, 2025
Image
Ilhaan Cumar; Sooyaalkeeda Qoys Ma Caawinayo Qaddiyaddeeda Siyaasadeed
Share

Soomaalida Maraykanka ayaa in dhawaydba bartilmaameed u noqotay beegsiga shisheeye nacayb (xenophobia) oo ah dareen isa soo taraya, marka la joogo dalalka Galbeedka. Dhacdooyinkii u dambeeyay waxa si dardar leh u dhiirrigaliyay Madaxweyne Donald Trump oo, markii ugu horreysay, ku tilmaamay Soomaalida in ay yihiin ‘qashin’ ka yimid dal aanay nidaam iyo dawlad, midna, ka jirin oo qas iyo qalalaase ku nool. Waxa uu, sidoo kale, ku eedeeyay Soomaalida in ay Maraykanka boobeen oo ay hantidiisa u diraan ‘Soomaaliya’. Weerarkaas afka ah kuma uu koobnaan e, waxa uu qaaday tallaabo kale oo beegsi ah; waxa la galiyay gobolka Minisoota, oo ah kan Soomaalidu ugu badan tahay, ciidanka Socdaalka iyo Kastamada (ICE) si ay u qabqabtaan dadka aan sharciga ku joogin, iyaga oo fulinaya siyaasadaha Madaxweyne Trump ee beegsiga shisheeye. Dad badani waxa ay qabaan in weerarka uu Donald Trump ku hayo Soomaalidu uu, qayb ahaan, salka ku hayo colaadda shakhsiga ah ee ka dhexeysa isaga iyo haweenayda Soomaaliyadda ah ee Kongereska ku metasha Minisoota, Ilhaan Cumar, oo ay ilaa muddo xileedkiisii hore is dhaafsanayeen weerarro afka ah. Madaxweyne Trump oo lagu yaqaanno in aanu, siyaasad ahaan, waxba xeerin ayaa si xun u aflagaaddeeyay marar badan, waxana uu iyada u sii maray in uu caayo, guud ahaan, Soomaalida iyo, gaar ahaan, dalka Soomaaliya ee ay ka soo jeeddo Ilhaan Cumar.

Weerarka aan sarriigashada lahayn ee uu Donald Trump si joogto ah ugu qaado Ilhaan Cumar, sababo la xidhiidha isirkeeda iyo mawaaqifteeda, waxa uu galinayaa khataro amnigeeda taabanaya, sida ay sheegtay, waxana uu, dhanka kale, u soo jiidayaa taageerada dad badan oo la mawqif iyo niyad ah Mrw. Ilhaan. Ha se ahaato e, sida ay leedahay jariidadda Daily Mail oo baadhis ku sameysay, sawirkeeda xaq-u-dirirka ah waxa ka dambeeya hadh fool xun oo ah dhaxalkii shaqo ee aabbeheed.

Nur Cumar Maxamed iyo ilhaan Cumar

Weerarrada aan sarriigashada lahayn ee uu Trump ku hayo Mrw. Ilhaan Cumar, iyo Soomaalida oo ay dad badani qabaan in uu iyada u sii maro, waxa ay Ilhaan galinayaan khataro taabanaya amnigeeda, haddana waxa ay u abuurayaan taageero tacaaduf. Ha se ahaato e, sawirkeeda xaq-u-dirirka ah waxa ka dambeeya hadh fool xun, sida ay qortay Daily Mail

Mrw. Ilhaan, oo laga soo doorto Minisoota, waxa ay sheekadeeda siyaasadeed ku dhisantay in ay tahay haweenay qaxoonti ah oo, iyada iyo qoyskeedu, ay ka soo carareen Soomaaliya, xilligii dagaallada sokeeye iyo colaadaha, ka dibna si fiican ula jaanqaadday qiyamka Maraykanka iyo ‘horusocodnimada’ oo ay u istaagtay difaaca xuquuqda aadane iyo qiyamka liberaaliga ah, waana qaddiyadaha ay u taagan tahay marka ay ka qaybgalayso doodaha Kongereska iyo marka ay iska difaacayso weerarka aan xushmada lahayn ee midigta iyo Madaxweyne Trump, labadaba. Waxa ay dunida kaga caanbaxday mawaaqifteeda ku aaddan Israa’iil, Sucuudi Arabiya, Ruushka iyo Shiinaha oo ay dhammaantood ku weerarto arrimaha la xidhiidha tacaddiyada xuquuqda aadane. Ha se ahaato e, u-guurgal ah ay sameysay jariidadda Daily Mail ee Ingiriiska, oo ay ku raadgurtay sooyaalkeeda qoys iyo xidhiidhadeeda gaarka ah, ayaa waxa ay ku soo bandhigtay in Mrw. Ilhaan Cumar aanay ka soo jeedin qoys ka soo cararay hagardaamooyinkii Soomaaliya ee dhammaadkii siddeetaneeyada e, ay, sidaas lidkeeda, ka soo jeeddo qoys gacan ka geystay burburkii iyo xadgudubyadii baahsanaa ee ka dhacay Soomaaliya.

Ilhaan Cumar aabaheed, Nuur Cumar Maxamed

Waxa ay Daily Mail soo bandhigtay Ilhaan aabbeheed, Nuur Cumar Maxamed, oo ahaa sarkaal sare oo ka tirsanaa Ciidankii Xoogga Dalka, lana shaqeynayay kelitaliye Maxamed Siyaad Barre, xilligii ay dhacayeen colaadaha baahsan, gaar ahaan gumaadkii ka dhacay waqooyi oo hadda ah Somaliland. Nuur Cumar, sida ay sheegtay Daily Mail, ma ahayn askari caadi ah e waxa uu ahaa Gaashaanle ay dad, ay soo xigatay, sheegeen in uu qayb ka ahaa mishiinkii taliska ee dhacdooyinkaas. Sarkaalkan sare ayaa ay jariidaddu ka dhex aqoonsatay muuqaal ay hore u tabisay Aljazeera oo ku saabsanaa sooyaalka gumaadkii uu taliskii Soomaaliya ka geystay Waqooyi (haddana ah Somaliland), iyada oo gaar uga dhex tilmaantay sarkaal si la aqoonsan karo u buuxinaya muuqaalka Ilhaan aabbeheed oo, markaas, ka qaybqaadanaya dood ku saabsan ‘sidii loo dabarjari lahaa’ kacdoonkii reer Waqooyiga, arrintaas oo kor u qaadaysa kaalintii uu ku lahaa gumaadkii dhacay dhammaadkii siddeetaneeyada.

Sida ka soo baxday baadhista Daily Mail, Ilhaan aabbeheed, Koloneel Nuur Cumar, waxa uu ahaa sarkaal sare oo si dhaw ula shaqeyn jiray Jeneraal Moorgan iyo taliskii Kacaanka, waxana muuqaalkiisa laga dhex aqoonsan karaa fadhiyadii tashi ee lagu gaadhay in la fuliyo xasuuqii Hargeysa.

In kaste oo aanay jirin caddeymo shakhsigiisa abbaaraya oo ku saabsan in uu bixinayay amarro ‘layn’ ah, haddana caddeymo xaaladeed (circumstantial evidences) ayaa muujinaya in uu si muuqata ugu lug lahaa waxii dhacay oo dhan; darajadiisa ciidan oo ahayd mid sare, xilligaas uu dagaalku ka socday Hargeysa, iyo xidhiidhka shakhsi ee uu la lahaa Jeneraal Maxamed Siciid – Moorgan oo ahaa taliyehii Qaybta 26-aad iyo xaakinkii milatari ee taliska u joogay Waqooyi, ayaa ah caddeymo xaaladeed oo tilmaamaya in aabbeha dhalay Mrw. Ilhaan aanu ahayn sarkaal ka gacan/talo madhnaa xasuuqii sannadahaas ka dhacay Waqooyi iyo dambiyadii kale ee ka dhacay, guud ahaan, Soomaaliya. Jeneraal Maxamed Siciid – Moorgan, oo ay u-doodeyaasha xuquuqda aadane ku naaneyseen Dad-qalkii Hargeysa (the Butcher of Hargeisa) waxa uu ahaa gacanta midig ee fulinaysay siyaasadda iyo amarrada Maxamed Siyaad Barre oo galaafatay nolosha dad ay hay’adaha xuquuqda aadane ku qiyaaseen labo boqol oo kun (200,000) oo qof, kuwaas oo lagu laayay ololihiisii gumaadka ee lagu gaadhay fadhiyadii tashi, ee uu ka soo dhex muuqday muuqaalka loo aqoonsan karo Koloneel Nuur Cumar Maxamed, iyo Waraaqdii Geerida ee uu Moorgan ku xardhay hindisihii xasuuqa. Moorgan waxa uu xidhiidh qoys oo toos ah la lahaa kelitaliyeha oo waxa uu qabay inantiisa, sidaas ayaa uu ku noqday mid ka mid ah shakhsiyaadka kooban ee uu ugu kalsoonida badan yahay hoggaamiyeha talisku, waxanu ahaa qofkii u dambeeyay ee uga masuulka ahaa Gaashaandhigga Soomaaliya, kolkii ay kooxda talisku ka kala yaacayeen hoggaamiyehooda.

Maxamed Siyaad Barre, oo sawirkiisan la qaaday 1990, waa bilo yar uun ka hor intii aanay jabhaduhu isu bahaynsan sidii ay xilka uga tuuri lahaayeen.

Ninkaas, waa Moorgan e, ayaa uu Ilhaan aabbeheed ka hoos shaqeynayay, isla markaasna uu la hayb ahaa, isaga oo ah sarkaal sare oo ciidan, arrintaas oo ah mid yareynaysa fursadaha uu kaga baxsan karo in uu qayb muhiim ah ka ahaa mishiinkii dilka ee wareegayay xilligaas, kaas oo horseeday burburka Jamhuuriyaddii Soomaalida jidkana u xaadhay colaadihii sokeeye ee jiitamay oo ay boqollaal kun oo kale u sii dhinteen, ka dib xasuuqii uu tooska u geystay inta aanu dhicin.

Mid ka mid ah xabaal wadareedyada xasuuqii waqooyi
Mid ka mid ah xabaal wadareedyada xasuuqii waqooyi

Muuqaallo kale oo ay soo bandhigtay Daily Mail waxa ay si cad u tilmaamayaan xidhiidhka qoys ee ka dhexeeyay Jeneraal Moorgan iyo qoyska Ilhaan Cumar, kaas oo u muuqda mid soo abuurmay xilliyadii shaqo-wadaagga ee labada sarkaal; Moorgan iyo Cumar. Sawirrada ay jariidaddu heshay ayaa caddeynaya kulamo is-adeersi ah oo dhex maraya Jeneraal Moorgan iyo Ilhaan walaalaheed oo deggan Ingiriiska, waana arrin xoojinaysa xidhiidhka qoys ee ay la leeyihiin madaxii ama taliyehii hore ee aabbehood, xidhiidhkaas oo laga dheehan karo kaalintii uu aabbehood ku lahaa shaqadii Moorgan ee ku biyoshubatay dambiyo ka dhan bani-aadannimada, dambiyo dagaal, iyo, xitaa, xasuuq ay diinwaangaliyeen hay’adaha xuquuqda aadane, laakiin aan weligood u gudbin in gal maxkamadeed laga furo, sida ay ku dambeeyeen dhammaan dambiyadii ka dhacay Soomaaliya muddadii u talinayay ‘Kacaankii’ ciidanka ee uu hoggaaminayay Siyaad Barre, intii u dhexeysay 1969-kii iyo 1991-kii, kaas oo horseeday burburka Soomaaliya oo u furfurantay colaado sokeeye iyo caddaalad ka-baxsi dhammeystiran.

Sawir lagu baahiyey Facebook ayaa muujinaya walaalka iyo walaasha Ilhaan oo UK ku nool—Maxamed Nur Siyaad iyo Sahra Nuur—iyagoo sawirro kula jira Janaraal "Morgan” xilli ay ku sugnaayeen Puntland, Soomaaliya.

Caddaalad ahaan, waxii Soomaaliya ka dhacay 35 sannadood ka hor kuma eedeysna faca ay ku jirto Ilhaan Cumar oo 9 jir ahayd markii uu burburay taliskii gumaadka geystay, xitaa haddii uu aabbeheed xubin muhiim ah ka ahaa kooxdii dejisay ama fulisay foolxumooyinkii la galay. Xidhiidhka qoysnimo iyo midka haybeed oo keliya ayaa aan, isna, sina u ahayn dambi gaar ah oo uu qof ku muteysan karo eed. Sidaas oo ay tahay, qaddiyadaha ay difaacdo Mrw. Ilhaan, iskagana difaacdo xagjirka midigta ee ay ka mid yihiin taageereyaasha Donald Trump, waxa ay toos lid ugu yihiin meel-ka-soojeedkeeda (background) oo aan ku jirin arrimaha ay ka hadasho ama qaddiyadaha ay difaacdo. Mrw. Ilhaan kama aamusna arrimaha Soomaalida oo si firfircoon ayaa ay ugu lug leedahay dhacdooyinka siyaasiga ah iyo kuwa bulsho ee la xidhiidha Soomaalida waxana ay si adag uga soo horjeeddaa qaddiyadda Somaliland oo ah qaddiyad si weyn ugu dhisan dambiyadii ay gashay dawladda Soomaaliya sannadihii dambe ee siddeetaneeyada. Sidaa awgeed, Mrw. Ilhaan waxa ay leedahay baraarug siyaasadeed oo ku saabsan waxii, horreyso iyo dambeysaba, ka dhacay Soomaaliya, kuma se jiraan arrimaha ay ka hadasho dambiyadii laga galay xuquuqda aadaneha, hadda iyo horreysaba.

Caddaalad ahaan, Ilhaan Cumar kuma eedeysna waxii Soomaaliya ka dhacay iyada oo 9 jir, xidhiidhkeeda qoys oo keli ahina uma soo jiidi karo eed gaar ah. Haddana, siyaasad ahaan meel-ka-soojeedkeedu waa uu khuseeyaa shakhsiyaddeeda, mawaaqifteeda ku aaddan Soomaaliduna waxa ay burinayaan sheekada siyaasadeed ee ay Maraykan ku joogto oo dhan

Sooyaalka qoys ee Ilhaan Cumar iyo mawaaqifteeda siyaasadeed ee ku aaddan Soomaalidu waxa ay si cad u burinayaan dhammaan sheekadeeda nololeed iyo middeeda siyaasadeed ee ku saabsan sidii ay ku noqotay qof ‘soo badbaaday (survivor)’ oo qoyskeedu dhibbane u ahaa foolxumooyinkii ka dhacay Soomaaliya oo ay ka soo carareen, ka dibna noqotay Ameerikaan qabatintay qiyamka bulsho-siyaasadeed ee ku dhisan ilbaxnimada ‘sinnaanta’ iyo xaqdhawrka aadane oo lid ku ah tilmaamaha Soomaaliyadii ay ka soo carartay ee ku suntanayd tacaddiyada, sharci-darrada iyo dilka haybeysan. Tilmaamahan dambe, waxa ay Ilhaan Cumar ku eedeysaa in Donald Trump uu horseedayo, iyada oo u aragta in uu khatar ku yahay qiyamka Ameerika ee ay difaacdo. Ha se ahaato e, sooyaalkeedan qoys, mawaaqifteeda siyaasadeed iyo sida ay hadda u eegto Soomaaliya ma caawinayaan, sida ay leedahay Daily Mail, sheegashooyinkeeda qiyamka iyo dooddeeda siyaasadeed oo dhan oo ay ku jirto in ay difaacdo Soomaalida bartilmaameedka u ah siyaasadaha midigta ee Maraykanka.

Qoraallada kale ee qoraaga