Sunday 9 November 2025
Qoysku waxa uu igu jalbeebi jirey in aan aniga oo afar jir ah bilaabay wargeyska Taymis akhrintiisa. Berigii aan Landhan dugsiga ka dhigan jirey waxa aan ahaa cunug aan gacmaha ka dhigi jirin akhrinta masraxiyadaha Shakisbiir oo aan kolkaa dhiganaynnay amaba tixo ayaan tirin jirey. Dugsigii sare ee Nayjeeriyana suugaanta waan ku wacnaa, balse aad uma weelayn jirin. Xilliyada dugsiyada la fasaxo waxa aan booqan jirey magtabadaha ay leeyihiin saafaraadaha dalalka shisheeye, waxqabadyada suugaantooda ayaanan halkaas ka soo dheegan jirey. Safaaradda Maraykanka waxaan ku bartay Emerson iyo Whitman; ta Jabbaan iyana waxa aan ku bartay Karate, Zen Buddhism iyo Basho, dabadeedna waxa ay ila noqotay in saynisayahan la ii carbinayo.
Nuqulkaygii u horreeyay wax aan ku dhex qoray iskurarantii Laagoos oo aan hiirta waaberi ka shaqayn jirey. Kolkii ay daabacaddeedii soo baxdayna noloshii aan ku taami jirey ayay ii horseedday.
Jaamacad baan codsaday, afar iyo toban jir ayaan se ahaa oo da’yaraan baa i dabartay. Sannad ayaan guriga joogay si aan u koro una weynaado. Hawshii u cuslayd ee aan sannadkaa qabtay waxa ay ahayd in aan boodhka ka jafay maktabaddii aabbahay. Waxay ahayd inaan habaaska ka jafo ee aanan akhrin. Buugga Samboosiyoom (Nadwo) ee uu Balaato qoray ayaa judhiiba i soo jiitay. Xiisa weyn ayaan falsafadda u hayay oo durba hammuun ayaan ku dhammeeyay doodihiisii oo idil. Sidoo kale, waxa aan akhriyay riwaayadihii Ibsin, Shaaw iyo Shakisbiir; sheekooyinka gaagaaban ee Maupassant, Sheekhoof, Maugham; kaddib waxa aan ku dhex dhumay sheeko-faneedyada qarnigii 19 aad. Tabta uu qof kasta yeelo ayaan aniguna dhugtay sheekooyinka halaasiga ah ee Maraykanka iyo Ingiriiska. Saamayn taban ayay igu reebeen, marka laga reebo in ay ii yeeleen habqoraal lagu dagmayo.
Kolkaas waxa aanu ku noolayn goob la yidhaa labo iyo tobanka mayl. Saboolnimo daran ayaa nagu gadaamnayd. Horraantii waxa aan deganayn xaafadaha dadka ladan ee Laagoos, haatan se duleedyada ayaan u baxnay.
Waxa la tebiyaa qofka in ay saddex qodob midkood qoraa ka dhigaan: xanuun dhallaanimo kugu haleela, nolosha qoyska oo xumaata, ama tabaalaha geerida oo xilli hore ku taabta.
Intaba anigu waan ka dheregsanahay, oo waan ka soo waayo arkay.
Goonniyawgu waa u daran yahay barbaarka, waa se mudan tahay inaad barato sidii aad qudhaada uga fekeri lahayd. Barbaartii aanu isku ayniga ahayn kolkii ay ka dhaantaynayeen dabbaaldegyadii qaranka ee dagaalladii sokeeye ka danbeeyay, anigu xaafadaha iskuraranta ayaan ku sugnaa oo barashada qoraalka ayaan ku fooganaa. Aabbahay danyarta ayuu qareen u noqday. In aad xaqiiqada bulshadaada si dabiici ah u aragto waxa ay ahayd tacliinta ugu wanaagsan ee qoraa da’ yari heli karayay. Waxa aan bilaabay in aan maansoodo. Boqol maanso oo jacayl ah ayaan qoray, shan mooyee intoodii kale waan wada gubay.
Haddaba, waxa dhacday xaalad uu qalinkaygu ku sii bulaallay. Mulkiilayaasha iska leh dhismayaaha ay danyartu deggantahay waxay doonaan ayay yeeli jireen. Waxay awoodi kareen in ay qoyska iyo agabkoodaba guryaha bannaanka uga soo tuuraan. Qarracan baan ka qaaday kolkii aan arrintaas la kulmay. Kaddib waxa aan goostay inaan dhacdadaa qormo ka curiyo, waxa aanan u diray wargeyska Evening Times. Layaab ayay igu noqotay kolkii ay faafiyeen. Dhiirrigelin ayaan ka sii qaaday, waxa aanan sii waday inaan wax ka qoro gaboodfallo kale. Hayeeshee qormooyinkaas kale iyaga lama faafin. Dabadeed waxaba igu dhalatay inaan sheekooyin ka curiyo garsoorxumada, laba sheekooyinkaas ka mid ahna waxa lagu baahiyay majallad Haweenku leeyihiin. Halkaas ayaa ii noqotay bartii aan ka sii ambaqaaday curinta sheekooyinka gaaban, sheekooyinkaas gaaban middood ayaa sii bullaashay oo markii danbana sheekofaneed noqotay.
Goortaa waxa aan soo ebyay imtixaannadii A-levels-ka, shaqo ayaana ka helay shirkad Rinjiyaynta qaabbilsan. Samxad ayay waddooyinku Laagoos ahaayeen, aad bayna xaaladdu u ba’nayd oo ugu yaraan saddex saacadood ayay igu qaadan jirtay si aan goobta shaqada u soo gaadho. Waaberiga ayaan hurdada ka kici jirey, saacad baanan wax qori jirey, ka hor inta aanan shaqada u bixin, kolka aan soo laabtana hore ayaan ka seexan jirey, haddana jeer kale ayaan misna qoraalka bilaabaa. Aroortii marka aan baska koro ayaan sii dhex seexan jirey inta uu jidka ku sii jiro ee uu san xafiiska gaadhin.
Nuqulkii koowaad (noofalkaygu) sannad ayuu qaatay, shaqadiina waan iskaga tegay, waxa aanan soo gatay teeb iyo kaamarad. Weriye ahaan ayaan wargeysyada midkood uga hawl galay. Dayrtii 1978-dii ayaan Landhan waxbarasho u imi. Run ahaan in aan wax qoro ayaan u imi. Jaallayaashay iyagu Maraykan ayey ku riyoon jireen, anigu se tan iyo dhallaannimadaydii Iglan ayaan caashaqsanaa. Teebkaygii, kaamiraddaydii iyo nuqulkaygii koowaad ee noofalkaygaba hore ayaan ka soo qaatay. Iskay baan suugaanta Afrika iyo ta adduunkaba u akhriyay oo xusuus uga la hadhay. Dib-u-qorid baan bilaabay. Kani waa gurigii adeerkay ee New Cross. Qoraalkaan dareeriyey baan u diray daabacaado badan oo dhammaantood waa ay igu gacansydheen. Haddaba, aroor ayay warqadi iiga timi Taxahana Qoraayada Afrika ee Longman, taas oo aanan illaawin illintii riyaaqa ahayd ee ay iga keentay. Ilbidhiqsiyadaas baana wax walba beddelay. Sagaal iyo toban jirkaygii ayaa la faafiyay daabacaadda sheekadaydii koowaad, Hooska iyo Ubaxyada (Flowers and Shadow). Jeerkaas ayayna ii curatay noloshii aan ku taamayay.
Qormadan waxa laga soo turjumay halkan, waxaana soo turjumay Ibraahim Iman.