Skip to main content

Sunday 9 November 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Aragti

Ilbaxnimo Aan La Difaaci Karin: Xasuuqa Qasa iyo Gumeysi-diidnimadii Siiseer - Q. 4aad

13 October, 2025
Image
Ilbaxnimo Aan La Difaaci Karin: Xasuuqa Qasa iyo Gumeysi-diidnimadii Siiseer - Q. 1aad
Share

Carruurtaydii waxaa la dilay iyaga oo gaajaysan.” Hooyo Falastiiniyad ah baa ku barooratay.

Waxay ku sakhraameen urka dhiigga hawada oo dhan ku baahay, waxayna ku mabeen toogashada, kama badbaadin hal haweenay ahi, kamana baxsan hal cunug … Dabadeed duhurka dabadii, saamaynta milicda darteed, ceeryaamo ayaa cirka isku shareertay: ceeryaamadu waxay ahayd dhiigga shantii kun ee ruux ee magaalada ku noolaa oo gabbal dhicii uumi-baxaya.” Eymi Siiseer.

Anigu had iyo goor waxaan garab taagnahay kuwa la dulmiyo.” Eymi Siiseer.

-------------------------------

Yurub iyo Maraykanka Midkee Dhib iyo Munaafaqnimo Badan?

Dagaalkii Labaad ee Dunida ka dib, Maraykanka waxaa laga bixin jirey sawir qurux badan oo waxaa lagu tilmaami jirey in uu yahay dhulka dimoqoraadiyadda iyo fursadaha (=Land of opportunity). Hayeeshee, Siiseer aragtidaani uma ay qurqursamin, si buuxda ayuuna u deedifeeyey, wuxuuna sheegay in Maraykanku uu yahay hoyga sharka iyo dulmiga.

Siiseer oo qodobkaan qalinka ku adkeeyey waxa uu yiri: “Anigu ma qarinayo ra’yigayga ku aaddan in waqtigaan xaadirka ah dugaagnimada Yurubta Galbeed ay gaartey heer aad u sarreeya oo ay adag tahay in la rumaysto, cidda qura ee dugaagnimada ka badsataa waa Maraykanka — taasi waa run.” Siiseer wuxuu intaas ku sii daray: “Mar kale feejignaada! Qabsashada Maraykanku waa qabsashada keliya ee cidina aysan ka soo kaban. Waxaan ula jeedaa waa qabsashada qura ee aan laga bogsan haar ama nabar la’aan /Once again, be careful! American domination, the only domination from which one never recovers. I mean from which one never recovers unscarred.”

Waxaana xusid mudan in marka Siiseer uu erayadan qorayey uusan weli dhicin dagaalkii Fiitnaam, nidaamka gumeysiga iyo dhulboobka ku dhisan ee Israa’iilna uu curdan ahaa, xogihii xasuuqii Jeju ee Kuuriyana aysan weli si buuxda bannaanka ugu soo bixin. Maraykanku waa dal ku abuurmay xasuuq iyo addoonsi. Taariikhdiisa oo dhanna fekerkaas ku shaqeeya.

Ugaasyada ugu miisanka culus ee Maraykanku ay ku faanaan waxaa ka mid ah Toomas Jeferson, oo soo jeediyey talo ahayd in Hindida idil ahaantood la xasuuqo, madowgana Afrika dib loogu musaafuriyo, iyada oo marka hore Kariibiyanka la isugu geynayo.” Sababta Afrikaanka loo tarxiilayaana waa in aysan waxtar lahayn. Waayo “waa duul aan caqli lagu ogayn, oo dareen keliya ku shaqeeya. Caajiska iyo hurdada badan ee lagu arko marka aysan ciyaarayna waxaa ugu wacan in ay la mid yihiin xayawaan uu jirkiisu xaalad nasasho ah ku jiro. Ma fekeraan, sidaas darteedna waa in ay mar walba hurdaan.” Markii Jeferson uu taladaas soo jeedinayey Doonald Taraam ma uu dhalan, mana soo dhawayn.

Toomas Jeferson, Madaxweynihii 3aad iyo mid ka mid ah aasaaseyaashii Maraykanka ayaa mar ku taliyay in Hindida la xasuuqo, dadka madowna lagu ururiyo Kariibiyanka ka dibna la masaafuriyo. Waa xilli aanu Donald Trump awowgii, xitaa, u haajirin halkaas. Kolkaa, Maraykanku waa dal ku abuurmay xasuuq iyo addoonsi. Sida awgeed, waxa uu Eymi Siiseer qabay in Maraykanku yahay gumeyste aan nabarradiisa laga bogsan

Goortii Siiseer uu buuggan qorayey weli waxaa qaxmayey qaraxyadii qumbuladihii nukliyeerka ee Maraykanku la dhacay magaalooyinka Hiroshiima iyo Nagasaaki ee lagu kala naanaysay wiilka yar iyo ninka buuran (=little boy and fat man), kuwaas oo amarkooda uu bixiyey Madaxweynihii xilligaas ee Haari Turumaan. Siiseerna wuxuu rumaysnaa in adduunyada uu ka bilowday gumeysi cusub oo Maraykanku uu hormuud ka yahay. Gumeysiga cusub, wejiga hore, hubka la adeegsadaa waa dhaqaale iyo diblomaasiyad, laakiin kolka laga maarmi waayo wuxuu yeeshaa weji ciidan oo madfac baa la isku muquuniyaa. Siiseer, isaga oo arrinkaan tilmaamaya maankana ku haya amarkii uu bixiyey Turumaan ee lagu duqeeyay Jabbaan, ayuu tusaale ahaan wuxuu u soo xiganayaa eray uu leeyahay Turumaan oo odhanaya:

“Kaalmada la siinayo dalalka baahan… Waa laga gudbay sebankii gumeysigii hore /Aid to the disinherited countries … The time of the old colonialism has passed.”

Gumeysigii hore ee qoriga caaraddiisa la isugu xoog-sheegan jirey, waxaa beddelay mid cusub oo ka halis badan midkii hore ee loo wada jeeday. Gumeysigii hore iyo midka cusub waxaa ku rumoobaysa maahmaahda soomaaliyeed ee tiraahda: Dhurwaaga aammusan iyo kan qayliya kee baa la qaataa? Warcelintuna waxay noqotay: Kan qayliya, saa yur baad iska tiraahdaaye. Gumeysigii hore wuxuu ahaa mid doqoni garatay ah oo si fudud loola dagaallami karo, laakiin midka cusubi waa sun dilaa ah oo dhadhan malab leh.

Waqtixaadirkan, waxgarad badan oo dunida ah baa waxay rumaysan yihiin in taageerada Maraykanku siiyo Israa’iil ay dhaaftay taageero caadi ah oo ay noqotay ‘caqiido ama diin siyaasadeed /political religion’. Siyaasiyiinta Maraykanka badankoodu waxay qabaan in “Qaddartii Caddayd /Manifest Destiny” ee xagga Alle caddaanka Maraykanka qarnigii 19-aad ugu xukuntay in ay isku ballaariyaan Waqooyiga Ameerika ay haddana u oggoshahay in ay Qasa ka dhistaan dhul lagu dalxiiso. Taariikhda Maraykanku waa lix qarni oo dulmi iyo duudsi ah.

Madaxda Israa’iilna, dhankooda, waxay ku andacoodaan in ujeeddada ka danbaysa xasuuqa Qasa ay tahay ilaalinta ilbaxnimada reer Galbeedka. Tusaale ahaan, madaxweyneha Israa’iil Isxaaq Hersog mar wax laga wayddiiyey xasuuqa Qasa ka socda, wuxuu ku jawaabay: “Dagaalkani ma aha mid u dhexeeya Israa’iil iyo Xammaas. Runtii, sida dhabta ah waa dagaal looga golleeyahay in lagu badbaadiyo ilbaxnimada reer Galbeedka.” Taariikhda Maraykanku waxa keliya oo ay kaga duwan tahay tan Israa’iil waa in ay xagga xilliga ka dheer tahay, oo ay jirto lix qarni. Waa lix qarni oo dulmi iyo duudsi ah.

Taageerada Maraykan ee Israa’iil waxa ay dhaaftay xad kaste oo macquul ah jeer ay u eekaatay gudasho diineed. Ha se ahaato e, qofkii og in Maraykanku ku qotomo taariikh lix qarni taxan oo dulmi iyo duudsi ahi waa uu fahmayaa in xasuuqa Qasa, oo uu Madaxweyneha Israa’iil ku sheegay in lagu difaacayo ilbaxnimada reer Galbeed, uu yahay taariikhdii Maraykanka oo wax looga jilayo qaab ay horornimadeedu sii gaamurtay

Maxaan Qaban Karnaa?

Eymi Siiseer maansadiisa “Xusuus-qorka Ku Laabashada Dhulka Hooyo,” wuxuu isku wayddiiyey su’aal caan noqotay oo ah:

Maxaan samayn karaa?

Warcelinta wayddiintanna cid kale kama uusan sugin ee isaga ayaa isaga jawaabay, oo ka yiri tuducyo ay dad badani dusha ka qabteen, ayna ku celceliyaan marka ay la kulmaan xaalad qallafsan oo la mid ah dhibka hadda Qasa ka taagan. Siiseer waxa uu yiri:

Waa in meel uun aan ka bilownaa.

Maxaan bilaabaynaa?

Sheyga qudha ee ifka ugu mudan in la bilaabo.

Dabcan dhammaadka adduunka, wax ka yar maya.

Waa meerisyo ina xusuusinaya oraahda halgamaagii reer Falastiin ee Qasaan Kanafaani ee tiraahda tani waa “duni aynaan annagu lahayn /عالم ليس لنا”, iyo sidoo kale oraahda faylasuufkii Kaaral Maarkis ee ahayd: “Faylasuufyadu siyaabo kala geddisan bay dunida u fasireen, laakiin hadda waxa muhiimka ahi waa in dunida la beddelo.”

Fasiraadda keligeed kuma filna, balse waxaa loo baahan yahay in faataxada ficil lagu daro, oo la helo wax qabad dhab ah oo weji san dunida loogu yeelayo. Dunida waa in loo yeelaa weji wanaagsan oo leh xorriyad, caddaalad, iyo bani’aadamnimo dhab ah oo loo wada siman yahay. Gumeysiga waa in la dumiyo, maxaa yeelay sida Siiseer uu sheegay “Ma jirto cid wax gumeysata iyada oo beri ah, sidoo kalena ma jirto cid wax gumaysata oo aan ciqaab mudnayn /that no one colonizes innocently, that no one colonizes with impunity either.

Siiseer markii uu tuducyadaas tirinayey waxa uu ka fekerayey sidii lagu burburin lahaa gumeysigii tooska ahaa ee xilligaas weli ka jirey meelo badan oo ka mid ah Afrika, Aasiya iyo jasiiradaha Kariibiyanka. Laakiin hadda xaaladda inna hortaagani waa sida lagu suulin lahaa meelaha gumeysiga tooska ahi uu weli ku harsan yahay sida Falastiin, iyo sida gumeysiga dadban looga guulaysan lahaa.

Afrika, Aasiya, Laatiin Ameerika iyo Kariibiyanka gumeysigii tooska ahaa ee cududda ciidan ku dhisnaa ilaa xad hadda kama muuqdo, laakiin waxaa ka jira gumeysi dadban oo weji maaliyadeed, mid siyaasadeed, iyo xitaa marka loo baahdo mid ciidan isugu jira. Tusaale ahaan, dalka Heyti waxa uu ahaa dhulkii ugu horreeyey ee addoontii Afrika laga daabbulay ee ku sugnaa ay sameeyeen kacdoon ka dhan ah caddaankii addoonsan jirey iyo dowladihii reer Yurub. Sannadkii 1804-kii, Heyti waxay noqotay dhulkii ugu horreeyey ee qaaradda Ameerika laga sameeyo dowlad ka madaxbanaan gumeystayaashii reer Yurub.

Laakiin, in ka badan laba qarni ka dib, dadka reer Heyti oo loo qiray in ay yihiin geesiyaal tol waayey, weli waxay ku jiraan gumeysi isugu jira mid toos ah iyo mid dadban, labadaba. Heyti waa mustacmarad uu Maraykanku gumeysto. Qulqulatooyinka had iyo goor ka taaganna waxaa hurisa dowladda Maraykanka oo sina aan u oggolayn in dowlad waddani ah oo xasillooni ay Heyti ka hanaqaaddo. Waxaa se ayaandarro ah in awoodda sida ba’an loogu burburinayo Heyti ay ka mid noqdeen kuwo Afrikaan ah oo ay ugu horreeyaan ciidamo Kiiniyaan ahi, kuwaas oo hadda warbixinuhu ay sheegayaan in iyaga qudhooda ay naftoodu halis ku jirto, ka dib markii dowladihii halkaas geeyey ay u waayeen saanad ciidan iyo dhaqaale ay ku noolaadaan.

Eymi Siiseer oo gacaltooyo badan u qabay dadka reer Heyti iyo halgammadoodii faraha badnaa, buug u gaar ahna ka qoray, gabayadiisana had iyo goor ku xusa. Mid ka mid ah maansooyinkiisa waxa uu ku yiri:

“Heyti halkii markii koowaad ay madowgu ka gadoodeen…

Halkii markii koowaad dadnimada madowga lagu xaqiijiyey…

Aniguna naftayda waxaan u sheegaa: Boordoo, Naanti, Liiferbuul, Niyuu Yoork, iyo Saan Faransiisko,

Dunidaan lagama helo meel aan raadka farahaygu ku ool,

Ciribta cagtayduna waxay ka muuqataa dhabarka danbe ee dabaqyada dhaadheer,

Dhididkayguna wuxuu ku laban yahay dhammaan dhagxaanta (macdanta) qaaliga ah.”

Waxba yaan hadalku na la sii durkine, dunida koonfurtu hadda waxay u baahan tahay in la helo nidaam cusub oo beddela kan hadda jira oo ah nidaam samaysmay dagaalkii labaad ee adduunka ka dib, xilligaas oo waddamada dunida koonfurta badankoodu ay weli gumeysi ku jireen. Nidaamka hadda dunida ka jiraa waa midkii lagu sameeyey dowladda Israa’iil oo aamminsan in sida keliya ee ay ku jiri kartaa uu yahay xasuuq iyo qaxin si joogto ah loogu geysto dadweynaha reer Falastiin iyo hadba ciddii kale ee loo baahdo.

Siiseer wuxuu si mug leh u dhaleeceeyey beenta iyo laba wejileynta fikirka iyo ilbaxnimada gumeystayaasha reer Galbeedku ay sheegtaan. Wuxuuna ku baaqay in la dumiyo dunidaan uu faddareeyey fikirka mashruuca ilbixinta Yurub ee ku salaysan qiimo tirka wax walba oo aan Yurub ku abtirsan. Wuxuu kaloo ku hammiyi jirey in la helo aadami cusub oo ka fayow nabarrada cunsuriyadda, liidashada iyo nacaybka. Bani’aadam xor ah oo karaamo leh, oo ka caafimaad qaba cudurrada laga dhaxlo gumeysiga ku dhisan walxaynta la’gumeystaha. Xorriyaddu ma qabysanto, inta ay jiraan dad la addoonsado ama la gumeystana, bani’aadamka oo idil bay saamayn ku yeelanaysaa xorriyad la’aantaasi.

Nidaamka dunida ee maanta jiraa waxa uu ku dhismay gumeysi iyo cunsuriyad ku qotonta ‘ilbixintii’ gumeysiga Yurub oo ay Maraykan iyo Israa’iilba ka mid yihiin. Nidaamkaas waa in la dumiyo, sababta oo ah xorriyaddu ma qaybsanto e inta uu gumeysi jiro, mid toos ah sida kan Israa’iil iyo mid dadbanba, dunida oo dhan waa uu haystaa gumeysigaasi

Hadal iyo dhammaantii, Eymi Siiseer wuxuu waa hore ku baraarugay arrin dadyowga la addoonsado ama la gumeysto ay kaga awood badan yihiin kuwa wax addoonsada ama gumeysta. Arrinkaasi waa dhanka anshaxa iyo munaafaqnimo la’aanta. Siiseer oo arrinkan ka hadlayaana waxa uu yiri: “Waxaa laga yaabaa in gumeystayaashu ay dad ku laayaan Indo-Shiina, waxna ku jirdilaan Madagaskar, kuwana ku xiraan Afrikada madow, hawlgallana ka fuliyaan Galbeedka Indiis [=Kariibiyaanka]. Laakiin, wixii hadda ka dambeeya, dadyowga la gumeystay waa ogsoon yihiin in ay dhanka akhlaaqda kaga sarreeyaan kuwa iyaga gumeystay. Waxay og yihiin in gumaystayaashu ay beenaalayaal yihiin, beentuna waa astaan itaal yari muujisa.”

Dhammaad. Halkanna ka akhri qaybihii 1aad, 2aad iyo 3aad.