Sunday 16 November 2025
“Carruurtaydii waxaa la dilay iyaga oo gaajaysan.” Hooyo Falastiiniyad ah baa ku barooratay.
“Waxay ku sakhraameen urka dhiigga hawada oo dhan ku baahay, waxayna ku mabeen toogashada, kama badbaadin hal haweenay ahi, kamana baxsan hal cunug … Dabadeed duhurka dabadii, saamaynta milicda darteed, ceeryaamo ayaa cirka isku shareertay: ceeryaamadu waxay ahayd dhiigga shantii kun ee ruux ee magaalada ku noolaa oo gabbal dhicii uumi-baxaya.” Eymi Siiseer.
“Anigu had iyo goor waxaan garab taagnahay kuwa la dulmiyo.” Eymi Siiseer.
-------------------------------
Eymi Siiseer, sannadkii 1938-kii, isaga oo ah barbaar shan iyo labaatan jir ah oo ku sugan magaalada Baaris ee dalka Faransiiska, ahna arday markaas jaamacad dhammeeyey oo doonaya in uu dib ugu laabto jasiiradda uu u dhashay ee Maartiniik, ayaa maanso dheer oo uu tiriyey oo cinwaankeedu yahay “Xusuus-qorka Ku Laabashada Dhulka Hooyo / Cahier d'un Retour au pays natal /Notebook of a Return to the Native Land,” oo lagu tiriyo in ay ka mid tahay gabayadii qarnigii 20-aad afka Faransiiska lagu tiriyey kuwooda ugu mucda iyo miisaanka weyn, waxa uu ku leeyahay:
“Waxaan aadayaa dhulkaygaas, waxaana ku oranayaa:
‘Cabsi la’aan hab i sii, oo i dhunko … Haddii waxa qudha ee aan awoodaa uu yahay in aan hadlo, waan hadlayaa, adiga dartaa baanan u hadlayaa.’
Mar kalena waxaan ku oranayaa:
‘Afkaygu waxa uu noqonayaa afka dhibbaneyaasha aan afka lahayn, codkayguna wuxuu ahaanayaa codka gobannimodoonka codkooda lagu ceejiyey xabsiyada quusta.’
Inta aan jidka ku sii jirana naftayda waxaan kula dardaarmayaa: “Jirkayga iyo ruuxdaydow taxaddara! Hor iyo horraan ka feejignaada in aad gacmaha isku laabataan, oo aad ku qanacdaan hab-dhaqanka madhalayska ah ee daawashada, waayo noloshu ma aha bandhig, badda murugaduna ma aha hordhac riwaayadeed, ninka barooranayaana ma aha oorso/madaxkuti dhaantaynaysa.”
Eymi Siiseer ballaantaas uu naftiisa la galay wuu ka dhabeeyey, oo cimrigiisa oo dhan waxa uu ku qaatay u qareemidda runta, caddaaladda iyo dulmanayaasha aan codka lahayn. Dhammaan qoraalladiisu — tix iyo tiraabba waxa ay ka hadlaan hal mawduuc oo ah gumeysi iyo gobannimadoon. Qoraaga Robin G. D. Kelley oo marar badan Siiseer wax ka qoray waxa uu sheegay in “hubka gabaygu uu yahay waxa ugu weyn ee Siiseer uu ugu deeqay dunida weli xorriyadda baadigoobaysa.”
Siiseer oo isna tilmaamaya qiimaha ay xorriyaddu ugu fadhido, wuxuu meeris gabay ah ku leeyahay:
“Laakiin Ilaahayow? Sidee baan Alle ku illaawi karaa? … Waxaan ka wadaa, Xorriyadda…”
Erayada uu Siiseer sida weyn u jecel yahay waxaa ugu horreeya erayga Sawaaxiliga ah ee ‘Uhuru’, oo macnihiisu yahay ‘Xorriyad’.
Qeexitaannada faraha badan ee gumeysiga la siiyo waxaa ka mid ah midka yiraahda: Gumeysi “waa denbiyada la galo iyada oo ujeeddadu tahay in qolo isir wadaagtaa ay qabsato qolo kale oo ka isir duwan, ayna maamulato iyada oo adeegsanaysa cadaadis iyo ciqaab qorshaysan.”
Siiseerna buuggiisa caanka ah ee “Gumeystow Lagula Dood,” qaybihiisa hore waxa uu ku qeexayaa macnaha uu gumeysigu leeyahay, wuxuuna ku soo koobayaa qaacido uu u dhigay sidatan:
Gumeysi =Walxayn
Gumeystuhu ummadda uu gumeysto wuxuu ka xayuubiyaa dadnimada, wuxuuna hoos ugu dhigaa sidii in ay yihiin walxo ama badeeco. Dadnimo ka xayuubintaas baana tiir-dhexaad u ah waayo-aragnimada laga dhaxlo gumeysiga. Gumeystuhu dadka uu gumeysto waxa uu ka dheereeyaa afkooda, dhaqankooda, taariikhdooda, iyo guud ahaan aqoonsigooda. Arrinkaas oo ah waxa culuumta bulshada baartaa ay ugu yeerto “shisheeye ama soo galooti ka dhigid” (=alienation /(الاغتراب. Waa in ruuxa iyo bulshadu ay garan waayaan cidda ay dhab ahaantii yihiin.
Gumeysigu waxa uu dadnimada ka xayuubiyaa la-gumeystaha, waxa uu ka dheereeyaa afkiisa, dhaqankiisa, sooyaalkiisa iyo haybtiisa jeer uu noqdo qof aan garanayn cidda uu dhab ahaan yahay oo uu ahaanshihiisu ku noqdo gudihiisa ‘shisheeye’ – sida uu Siiseer qabo, gumeysigu waxa uu cidda la gumeysto u rogaa walax ama badeecad.
Intaa dabadeed, Siiseer wuxuu si adag uga hor imaanayaa sheegashada gumeystayaashu ay had iyo jeer ku andacoodaan ee ah in gumeysiga reer Yurub uu ahaa mashruuc ilbixin (=civilizingmission), oo diin iyo ilbaxnimo lagu gaarsiinayey ummadaha cawaanta ah ee Afrika iyo Aasiya.
Siiseer waxa uu leeyahay si aan u ogaanno waxa gumeysigu uu yahay ee nuxurka u ah, waa in aan marka hore ogaanno waxa uusan ahayn: “gumeysigu ma aha diin faafin, ma aha mashruuc samafal, ujeeddooyinkiisana kama mid aha in xididdada loo siibo jahliga, cudurrada iyo kelitalisnimada, sidoo kale ma aha mashruuc lagu xoojinayo doonisda Eebbe, ama isku day lagu hirgelinayo sarraynta sharciga … Haddaan wayddiinta si kale u dhigo, gumeysigu ma yahay qaabka ugu fiican ee ilbaxnimooyinku ay xiriir ku yeelan karaan? Anigu waxaan ku jawaabayaa ‘Maya’. Waxaan leeyahay gumeysi iyo ilbaxnimo masaafo aan dhammaad lahayn baa u dhaxaysa.”
Gumeysi waa adeegsiga xoog xad dhaaf ah, dugaagnimo, iyo xasuuq wadareed loo fulinayo si qorshe iyo ka baaraandeg ku dhisan.
Buuggan ‘Gumeystow Lagula Dood,’ Siiseer wuxuu ku kashifay, oo bannaanka keenay munaafaqnimada ilabxnimada reer Galbeedka iyo qaabkeeda aasaasiga ah ee la macaamilka adduunka oo ku dhisan gumeysiga bulshooyinka kale. Shan sano ka dib dagaalkii labaad ee adduunka, xilli aqoonyahannada Yurub iyo Maraykanku ay ku doodayeen in ay ku jaahwareersan yihiin halka ay ka yimaadeen fekradaha dugaagnimada xanbaarsan ee Naasiyadda iyo Fashiistadu, ayuu Siiseer cudurka si toos ah u abbaaray, oo ku dhiirraday in uu sheego halka sartu ka quruntay ee jeermisku uu ka soo jeedo, waxaanu ku dooday:
Ilbaxnimada aan awoodin in ay xalliso dhibaatooyinka ay iyadu abuurtay waa ilbaxnimo liidata.
Ilbaxnimada doorata in ay indhaha ka qarsato dhibaatooyinkeeda waaweyni, waa ilbaxnimo jirran.
Ilbaxnimada mabaadi’deeda u adeegsata dhagarta iyo khayaanadu waa ilbaxnimo dhimanaysa.
Xaqiiqadu waxay tahay in waxa loogu yeero ilbaxnimada reer Yurub – ilbaxnimada Galbeedku … aysan xallin karin labo dhibaato oo jiritaankeedu uu keenay: dhibaatada borolataariyada iyo dhibaatada gumeysiga. Ilbaxnimada Yurub ma heli karto wax ay isku difaacdo marka la hor istaajiyo maxkamadda ‘caqliga’ iyo ‘damiirka’. Waa ilbaxnimo aan heli karin dhufeys ay ku badbaaddo oo aan ka ahayn dhufeyska laba wejiilaynta, kaas oo gabaabsi sii noqonaya mar walba oo ay caddaato carada loo qabo iyo waxtar la’aantiisa ku aaddan in dadka oo idil aan mar walba la siri karin. Yurub lama difaaci karo… Waxa halista ahi waa in ‘Yurub’ akhlaaq ahaan iyo ruux ahaan aan midna la difaaci karin /Europe is indefensible… What is serious is that ‘Europe’ is morally, spiritually indefensible.”
Sida Siiseer uu ku dooday, ummadaha adduunku, marka laga reebo Yurub, waxay oggol yihiin in ay jiraan ilbaxnimooyin kala geddisan oo iskaaba, laakiin si taa ka duwan Yurub waxay oggoshahay hal ilbaxnimo oo ah teeda. Addoonsigii iyo gumeysigii Yurub waxaa laga dhaxlay “… Bulshooyin ruuxda laga siibay, dhaqammo lagu tuntay, hey’ado la wiiqay, dhulal la qaatay, diimo la baabi’iyey, farshaxanno quluud sare lahaa oo la burburiyey, iyo fursado aan caadi ahayn oo la tirtiray.” Waa ayaan darro in xaaladdu ay weli tahay sidii uu Siiseer ku sifeeyey: “Bulshada caalamka horteeda Yurub baa mas’uul ka ah meydadka ugu badan ee taariikhdu xustay.”
Foolxumada Qasa ka socota -oo lagu tilmaamay in ay tahay xasuuqii ugu horreeyey oo si toos warbaahinta looga daawado – qof kasta oo waxuun damiir bani’aadamnimo ah leh waxay si buuxda ugu qancinaysaa in liibiraaliyadda reer Galbeedka iyo nidaamkeeda hantigoosigu ay akhlaaq ahaan musallifeen, lana joogo goortii lagu oran lahaa: Ma doonayo in aan wax la wadaago.
Foolxumada xasuuqa Qasa, oo ah xasuuqii ugu horreeyay ee si toos ah warbaahinta looga daawado waxa uu marag u yahay ilbaxnimada reer Galbeedka oo ku dhisantay gumeysi, ummado la hayb-tiray, dhul la qaatay, dhaqanno iyo diimo la tirtiray iyo nidaamyo dhisnaa oo la dumiyay. Akhlaaqda ilbaxnimada Yurub waa mid aan la difaaci karin, cid walbana lama siri karo mar walba
Eymi Siiseer kuma ay adkayn in uu fahmo halka Hitler ka yimid iyo sababta keentay in nidaamka Naasigu uu abuurmo, oo weliba uu xoogaysto. Hitler iyo Naasiyaddu ma aha wax Yurub carro fog uga doolaalo yimid, balse waa miraha dalaggii ay beerteen ee isugu jirey addoonsiga, gumeysiga, iyo midabtakoorka dadyowga kale.
Siiseer waxa uu leeyahay fekrad caan ah oo lagu magacaabo “raadka gadaal u soo laabashada gumeysiga ama saamaynta buumaraang ee gumeysiga /the boomerang effect of colonialism.” Waa aragti sheegaysa in dowladaha gumeystayaasha ah ee horumariya farsamooyinka lagu ciqaabo dadyowga dhulalka la gumeysto, ay ugu danbaynta farsamooyinkaas dib ugu dhoofiyaan gudaha dalalkooda, ayna ku ciqaabaan muwaadiniinta dalalkooda. Metalan, si loo fahmo Naasiyadda, waa in marka hore la dersaa sidii bahalnimada lahayd ee gumeystayaasha reer Yurub ay u la dhaqmeen dadyowgii dibedda ee ay addoonsiga iyo gumeysiga isugu xijiyeen.
Siiseer isaga oo fekraddan faahfaahinaya, tusaale ahaanna u soo qaadanaya sida uu Hitler ku dhashay, Naasiyadduna ku abuurantay ayuu cod dheer wuxuu ku leeyahay:
“Ugu horrayn, waa in aan baarno sida gumeysigu uu u shaqeeyo, ee uu gumeystaha uga saaro ilbaxnimada, uguna dooriyo dugaag marka la eego macnaha dhabta ah ee eraygu uu leeyahay, waxa uu hoos u dhigaa qaddartiisa, wuxuuna toosiyaa dareennada ku duugan ee damaca, gacan ka hadalka, isir nacaybka, iyo nisbinimada akhlaaqda. Waxaana waajib ah in aan caddayno in mar kasta oo Fiitnaam luqun lagu gooyo ama il lagu rido, Faransiiskana falkaas laga soo dhaweeyo, goor walba oo gabar yar la kufsado Faransiiskana arrin caadi ah looga arko, kol kasta oo qof lagu cadaabo Madagaskar Faransiiskana laga aqbalo, dhammaan waqtiyadaas iyo kuwa la midka ah, ilbaxnimadu waxay bilowdaa in ay gudho, dib-u-dhac caalami ahina waa ku yimaadaa, jirkeeda oo dhanna waxaa haleesha gaangari (=gangrene), oo isaga oo dhan ku baahda. Dhammaan heshiisyada la jabiyey ka dib, dhammaan beenaha la faafiyey, dhammaan duullaannada ciqaabta ah ee gumeystuhu qaaday, dhammaan maxaabiista loo silciyo si xog looga helo, iyo muwaadiniinta halgameyaasha ah ee la ciqaabo, marka uu idlaado dhaammaan kibirka cunsuriyadda xanbaarsan ee la dhiirrigeliyay, iyo dhammaan faanka la soo bandhigay, waxaa ka haraysa sun lagu muday halbowlayaasha Yurub, oo si tartiib-tartiib ah balse la hubo ugu fidaysa qaaradda, dugaagna ka dhigaysa.
Dabadeed maalin cadceed fiicani ay jirtey, borjuwaasiyaddu waxay ku toostay naxdin iyo argagax aan xisaabta ugu jirin: iyada oo Gestaabadii (=Naasidii) ay aad u mashquulsan yihiin, xabsiyadii buux dhaafeen, jirdilayaashii ay hadba hindisayaan qaab cusub oo wax loo ciqaabo, kana doodayaan siyaabaha lagu horumarin karo qalabka iyo xeeladaha ciqaabta.
Dadku waa yaabban yihiin, way xanaaqeen. Waxay yiraahdeen: “Waa yaab! Laakiin, waxba yaan la welwelin- waa Naasiyad, waana iska idlaanaysaa!” Way sugeen iyaga oo rejo isgelinaya, naftoodana runta ka qarinaya, runta ah in Naasiyaddu ay tahay dugaagnimo, laakiin waa dugaagnimada ugu darajo sarraysa, dugaagnimada taajka boqornimada xiran ee soo koobaysa dhammaan noocyada kale ee dugaagnimada maalinleha ah.
Haa, waa Naasiyad, laakiin waa middii ay ka qaybqaateen samaynteeda ka hor intii aysan dhibbanaha u noqon; Naasiyadda waa oggolaadeen waana u dulqaateen wixii ka horreeyey markii iyaga lagula soo jeestay, iyaga oo aan wax denbi ah dareemin bay indhaha ka laabteen, jiritaankeedana sharciyeeyeen, waayo wixii kolkaas ka horreeyey waxaa lagu fulin jirey dadyowga aan Yurub u dhalan oo keliya. Dugaagnimadaas iyaga ayaa beeray, oo dadaal iyo daryeel ku bixiyey. Iyaga ayaa ka mas’uul ah jiritaanka naasiyaddaas ka hor intii biyaheeda calwisan ee wasakhda ahi aysan qarqin gebi ahaan markabka ilbaxnimada Kirishtaanka Galbeedka, oo aysan dhan walba uga dusin, oo wada dumin.
Haa, way mudan tahay in si kilinik ah oo faahfaahsan loo baaro tillaabooyinkii ay qaadeen Hitler iyo taageerayaashiisu, si loo ogaado in borjuwaasiga sarraynta, bani’aadannimada iyo kirishtaannimada sheegta qarniga labaatanaad uu gudaha Hitler qarsoon ku sito, isaga oo aan is ogaynna uu Hitler dhex deggen yahay, Hitler baa hooy ka dhigtay, Hitler oo jin ah baa xarun ka dhigtay, haddii uu damco in uu arrinkaas ka dhiidhiyana waxa uu is arkaa isaga oo kurboonaya oo caqli iyo dareen fiyow midna aan lagu ogayn oo hadalkiisa iyo fekradihiisu aysan iswaafaqayn. Borjuwaasigaasi kolka uu si qumman uga baaraandego denbiyada uusan Hitler ka cafin karin, waxa uu ogaanayaa in aysan ahayn denbiyadii Hitler uu aadamiga oo dhan ka galay, balse ay yihiin denbiyadii Hitler uu ka galay dadka cad ee reer Yurub oo keliya. Waxa uusan cafin karin waa bahdilkii qofka cad loo geystay. Sida dhabta ahse, Hitler gumeystayaasha reer Yurub waxa uu kula kacay wax ka mid ah waxyaabihii waagaas ka hor lagula aqdaaman jirey carabta Aljeeriya, xammaaliga Hindiya iyo madowga Afrika.
Taasina waa eedda ugu weyn ee aan u jeedinayo duulkaan bani’aadamnimada beenta ah sheeganaya: maxaa yeelay muddo dheer bay xuquuqda aadanaha iska indha-tirayeen, fekradda ay xuquuqu insaanka ka haystaanna waxay ahayd -welina tahay- mid gaaban oo kala dhantaalan, eex, midabtakoor iyo xumaan oo dhammina ay afka kahayaan.”
Mar kale, Siiseer isaga oo tilmaamay raadka xun ee gumeysigu uu gumeystaha qudhiisa ku leeyahay ayuu wuxuu oranayaa: “Gumeysigu gumeystaha wuxuu u beddelaa kormeere fasal, saajin ciidan, waardiye xabsi, iyo addoon mid kale ku shaqeeya.” Fal gef ah waad samaysaa lagaagamase tago, oo arrinku waa “Kamaa tadiinu tudaan /كما تدين تدان”.
Siiseer kuma adkaan in uu fahmo sirta iyo sababta Naasiyadda ama Faashistaha oo ah xaalado bahalnimo oo ay Yurub aad uga argagaxday. Wax kale ma aha e, waa dhaqannadii ay reer Yurub kula kacayeen ummadaha kale ee ay gumeystaan oo ay iyagu iskula kaceen! Waa dhaqannadii bahalnimo ee marka laga hirgalinayo Afrika, Aasiya iyo meelo kale looga arkayay Yurub wax caadi ah oo ilbixin ah.
Haddadan la joogana waddamada reer Galbeedka oo Maraykanku uu kow ka yahay waxaa ka jira welwel laga qabo in dalalkaas gudahooda ay ka dhacaan qulqulatooyin gacan ka hadal wata oo la isku maquuninayo. Tusaale ahaan, dalka Maraykanka waxaa cabsi badan laga qabaa in Madaxweyne Taraam uu ciidammada qalabka sida u adeegsado cabburinta codka muwaadiniinta isaga oo marmarsiinyo ka dhiganaya in uu dagaal kula jiro ururro argagixiso ah iyo kuwo maandooriyeyaasha ka ganacsada. Waxaa jira dad badan oo ku doodaya in gudaha dalka Maraykanka uu ka bilowday casri Makaartiyo oo cusub (=a new era of McCarthyism).
Dadka u qiilbixiya xasuuq wadareenka sida midka hadda Qasa ka socda waa in ay u dhug yeeshaan erayada toddobaatan iyo shan sano ka hor uu Eymi Siiseer ku tilmaamay duulkii reer Yurub ee nidaamyadii Naasiga iyo Fashiistada u sacabbinayey: “ka hor intii aysan dhibbenaha u noqon, Naasiyadda waa oggolaadeen, waana u dulqaateen… indhahana way ka qarsadeen, jiritaankeedana way sharciyeeyeen, waayo wixii kolkaas ka horreeyey waxaa lagu fulin jirey dadyowga aan Yurub u dhalan oo keliya.” Siiseer wuxuu ku sii daray: “Anigu kama hadlayo Hitler, ama waardiye xabsi, ama qar iska xoore, balse waxaan ka hadlayaa ‘wadeyga ikhyaarka ah’ ee waddada dhankeeda kale maraya; kama hadlayo xubin ka tirsan amniga gaarka ah, ama burcad, laakiin waxaan ka hadlayaa burjuwaasiga la ixtiraamo.”
Docda kale, Siiseer wuxuu qalinka ku duugay in gumeysigu uu ku taagan yahay adeegsiga cilminafeedka. Gumeystayaashu waxay og yihiin in sida ugu sahlan ee ummadaha lagu gumeystaa ay tahay in xagga nafsadda ama ruuxda laga dilo, oo laga dhaadhiciyo in ay yihiin duul aan qiimo lahayn, oo in la maamulo mooyee aan iyagu iskood kartidooda isugu maamuli karin.
Gumeystayaashu si ay la gumeystaha ruuxda uga dilaan darteed, waa in ay ku qanciyaan in ay duunyada kala mid yihiin xagga garashada iyo kartida. Sidaas darteedna, suugaanta gumeysiga waxaan si joogto ah ugu arkaynaa iyada oo dadka la gumeysto lagu sifaynayo in ay xayawaanka ka tirsan yihiin. Eymi Siiseer oo xaqiiqadaan ka faalloodayna waxa uu yiri: “Gumeysigu, waan ku celinayaa, aadanaha xataa kan ugu ilbaxsan ayuu bani’aadamnimada ka saaraa… gumeystuhu si uu damiirkiisa u dabiibo darteed, wuxuu caado ka dhigtaa in uu kuwa kale xayawaan ku sheego, naftiisana wuxuu ku carbiyaa in ay dadka kale duunyo u aragto, sida duunyadana u la dhaqanto. Hase ahaatee, carbintaasi waxay keentaa in isaga qudhiisu uu bahal noqdo. Waa qodobkaas midka aan doonayo in aan idiin caddeeyo: sida sharku cidda samaysa uu ugu soo guryo noqdo. Waxa aan tooshka ku ifinayaa waa mirahaas kharaar ee ka dhasha gumeysiga iyo dhaqammadiisa.”
Haddaba, ma aha wax lagu diimo in aan maqalno saraakiisha Sahyuunidda oo marar badan Falastiinida ku tilmaamaya in ay yihiin duul dugaag ah. Hab-dhaqankaan Israa’iil iyo guud ahaan gumeystayaashu ay wadaagaanna wuxuu ka dhigan yahay halkii laga yiri: abeesadu intaysan kugu candhuufin baa lagu candhuufaa. Gumeystaha dugaagga ahi ka hor inta aan dugaagnimadiisa la arag buu ummadaha kale dugaag ku sheegaa.
…. La soco Q. 4aad, halkanna ka akhri qaybihii 1aad iyo 2aad.