Skip to main content

Tuesday 11 November 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Aragti

Ilbaxnimo Aan La Difaaci Karin: Xasuuqa Qasa iyo Gumeysi-diidnimadii Siiseer - Q. 2aad

8 October, 2025
Image
Ilbaxnimo Aan La Difaaci Karin: Xasuuqa Qasa iyo Gumeysi-diidnimadii Siiseer - Q. 1aad
Share

Carruurtaydii waxaa la dilay iyaga oo gaajaysan.” Hooyo Falastiiniyad ah baa ku barooratay.

Waxay ku sakhraameen urka dhiigga hawada oo dhan ku baahay, waxayna ku mabeen toogashada, kama badbaadin hal haweenay ahi, kamana baxsan hal cunug … Dabadeed duhurka dabadii, saamaynta milicda darteed, ceeryaamo ayaa cirka isku shareertay: ceeryaamadu waxay ahayd dhiigga shantii kun ee ruux ee magaalada ku noolaa oo gabbal dhicii uumi-baxaya.” Eymi Siiseer.

Anigu had iyo goor waxaan garab taagnahay kuwa la dulmiyo.” Eymi Siiseer.

-------------------------------

Wax dhaaxaa Israa’iil lagu sheegay in ay tahay iftiin barakaysan iyo dhul Eebbe ugu deeqay ummaddiisa ka badbaadday foornooyinkii Holokoostiga, laakiin hadda dunida oo dhan waxaa u cad in Israa’iil ay tahay Sahyuuniyad fulinaysa Holokoosti. Dad badan waxay iswayddiinayaan: Sidee bay ku dhacday in aan beentan mar hore ogaan waynno? Tusaale ahaan, qoraaga Maraykanka ah ee Ta-Nehisi Coates, waxa uu sheegay in markii uu booqday Daanta Galbeed iyo Qudusta Bari uu dareemay in la dhagray: “Waxaan dareemay in been la ii sheegay, waxaan dareemay in ay been ii sheegeen kuwa aan isku xirfadda nahay. Waxaan dareemay in ay been ii sheegeen hay’adaha waaweyn ee warbaahintu.” Mar kale Ta-Nehisi wuxuu yiri: Markaan tagay Daanta Galbeed “Waxaan ogaaday in koonka oo idil ay ka jirto hal meel oo u eg meeshii aabbahay uu ku dhashay ee uu ka shaqayn jirey sharcigii midabtakoorka ee Jiim Korowga (=Jim Crow Law)”.

Waxaa beenowday sheekoxariirtii faaftay ee ahayd in Israa’iil ay tahay dowlad dimuqoraadi ah – bal e waxaaba lagu tilmaamay in ay tahay dimuqoraadiyadda qura ee Bariga Dhexe ka jirta — oo xaq u leh in ay jirto, ayna difaacdo jiritaankeeda. Miyaan horay loogu andacoon in Maraykanku uu yahay dimuqoraadiyaddii dunida ugu horraysay?!

Waa dimuqoraadiyad ay xaq u leeyihiin caddaanka Maraykanka iyo Yuhuudda oo keli ah, oo aan loo oggolayn ummadaha kale ee dhulka kula dhaqan. Haa, caddaanka oo keliya, Yuhuudda oo qudha.

Sida uu qalinka ku duugay indheergaradkii Edwaad Saciid: “Boqortooyo kastaa hadalkeeda rasmiga ah waxay ku sheegtay in iyadu aysan la mid ahayn ‘kuwa kale oo dhan,’ oo ay leedahay duruufo iyada u gaar ah, oo ay fulinayso wacyi maanfur, ilbixin, in ay keento nidaam iyo dimuqoraadiyad, iyo in ay awoodda u adeegsato sida xalka ugu danbeeya oo keliya. Waxaase ka murugo badan in mar walba ay jiraan koox aqoonyahanno sheegta oo erayo wanaagsan oo dadka lagu dejinayo ku ammaana boqortooyada iyo samafalkeeda, sida in aan loo baahnayn in qofku uu rumaysto caddaymaha indhihiisa hortooda ka muuqda ee isugu jira burburka, hoogga, iyo dhimashada ee ay keentay kooxdii ugu danbaysay ee wadday mashruuca ilbixinta.”

Waxaana xusid mudan, in Sahyuunidii tagay Falastiin ay horay u sheegeen in ay sidaan mashruuc Carabta lagu ilbixinayo, oo looga ciribtirayo “xijaabka, koofiyadda darbuushka leh, cudurrada, wasakhda, iyo aqoon la’aanta”.

Yeelkadeede, waxaa jira ifafaale xoog leh oo muujinaya in haddii aan dhaqso loo xakamayn xasuuqa, uu keeni karo in uu dhaco gadood caalami ah oo horseedi kara in isbeddel weyni uu ku yimaaddo nidaamka hadda dunida ka jira oo reer Galbeedku ay hoggaamiyaan, danahooda dhaqan-dhaqaalena ay ku qunsadaan. Ifafaalaha caynkaan ahna waxaa laga dheehan karaa waxyaabihii toddobaadkaan ka dhacay kulankii Qaramada Midoobay iyo wixii ay kala kulmeen Israa’iil iyo quwadaha reer Galbeedka ee taageerada shuruud la’aanta ah la garab taagani. Madax badan oo uu ugu horreeyo madaxweyneha dalka Kolombiya, Mudane Gustafo Betro, ayaa Israa’iil iyo taageerayaasheeda u sheegay: “Ma jiro isir kuwa kale ka sarreeya, mana jiro ‘shacab Alle doortay’. Maraykan iyo Israa’iil midna Alle si gaar ah uma uu dooran. ‘Shacabka Alle doortay’ waa bani’aadamka oo idil.”

Muddo dheer waxa ay Israa’iil lagu tilmaamay ummad ka badbaadday xasuuq daran ‘Holokoosti’ oo dhisatay dawlad ilbax ah iyo dimuqraaddiyadda qudha ee Bariga Dhexe, xaqna u leh in ay difaacdo jiritaankeeda barakaysan. Ha se ahaato e, waxa dad badan oo hore aragtidaa loogu qalday u caddaatay hadda in ay Israa’iil tahay koox Sahyuuni ah oo fulinaysa Holokoosti, heer ay foolxumadeedu ku dhawdahay in kiciso gadood caalami ah

Waxgarad badan oo dunida ah ayaa waxay qabaan in nidaamkii dunida ee samaysmay Dagaalkii Labaad ee Adduunka ka dib, iyo weliba kii samaysmay Dagaalkii Qaboobaa ka bacdi, ay labaduba burbureen. Laakiin, weli waxaan la hubin nidaamka cusub ee beddelayaa sida uu noqon doono iyo cidda hoggaanka u qaban doonta. Booreel iyo kuwa la midka ah waxa ugu weyn ee hadda ka hadlinayaa waa welwelka ay ka qabaan in uu dhaco isbeddel ku yimaadda nidaamka adduunka oo aan danaha reer Galbeedka u adeegayn. Waxay ku mintidayaan sidii loo bakhti afuufi lahaa nidaamkaan sakaraadka ah, ee looga hortagi lahaa in uu curto nidaam cusub oo horseedi kara in reer Galbeedka lala yeesho talada adduunka.

Halkaan ka daawo Madaxweyne Falaadamiir Buutin oo saacad ka hor khudbaddiisa sannadlaha ah ku soo qaatay mawduuca ah in dunidu ay ka baxayso sebankii ku hoos jirka xukunka reer Galbeedka, ayna samaysmayso adduunyo ay awoodo badani ka jiraan (=multipolar world):

Waddamada Galbeedka hadda waxaa ka jira walaac la mid ah kii Yurub ka jirey sanooyinkii u dhaxeeyey 1920aadkii iyo 1960aadkii. Dagaalkii Koowaad ee Adduunka ka dib, dad badan oo reer Yurub ah ayaa waxay dareemeen cabsi ku aaddan in awoodda gumeystayaasha reer Yurub ay dunida ku leeyihiin ay dhakhso ku wiiqmi karto. Maxaa yeelay, dhan waxaa u muuqday in bariga iyo galbeedka Yurub ay ka samaysmeen labo quwadood oo xoog leh oo kala ah: Maraykanka iyo Midowgii Soofiyeet oo Yurub dhinacyada ka soo ciriirinaya. Dhan Kalena, waxaa jirey guux gobannimodoon ah oo ka curtay qaaradaha Aasiya iyo Afrika.

Dadkii reer Yurub ee walaacaas qabay waxay isweydiiyeen: Sidee baa lagu badbaadin karaa awoodda Yurub ay adduunka ku leedahay?

Falanqayn dheer ka dib, dadkaas waxaa u soo baxday in ay jirto hal waddo oo awoodda Yurub lagu badbaadin karo. Halkaas waddo waa in Yurub la mideeyo, oo la helo qaab lagu furdaamiyo khilaafaadka iyo loollannada faraha badan ee Yurub ka dhex aloosan. Sida keliya ee Yurub la isugu keeni karaa waa in la tuso dan weyn oo ay dhammaanteed wadaagi karto. Dantaas weynna waxay noqotay in midnimadeedu ay tahay sida qura ee ay ku haysan karto qaaradda Afrika ee ay gumeysato. Yurub si ay u ilaashato danaheeda qaaradda Afrika, waa in ay hesho hab ay ku maaraayso kala duwanaanta gudaheeda ka jirta, si iyada oo mid ah ay qorshe uga yeelato Afrika iyo dunida inteeda kaleba. Dadkii aragtidaan iibinayey waxyaabihii ay xisaabta ku darsanayeen ee ay ka duulayeen waxaa ka mid ahaa; in markii ugu horraysay ee Yurub ay nabad iyo nolol heshay ay ahayd wixii ka danbeeyey kolkii uu dhacay heshiiskii nabadda ee Westifaaliya, ee lagu xakameeyey colaadihii Yurub muddada dheer ka holcayey. Heshiiska Westifaaliya, wuxuu Yurub u suurogeliyey in ay kansho u helaan duullannada dhulalka dibedda, oo ay kheyraadkooda soo boobaan, iyaga oo aan dhexdooda si weyn ugu dagaallamin.

Tusaale ahaan, sannadkii 1923-kii, nin la oran jirey Rijaadh Coudenhove-Kalergi (1894-1972) oo ka mid ahaa dadkii bilaabay u ololaynta midaynta Yurub ayaa wuxuu soosaaray buug uu u bixiyey “Midaynta Yurub /PANEUROPA,” kaas oo uu ku yiri: “Marka la eego qalalaasaha argagaxa leh ee ay maanta wajahayaan Jarmalka iyo Faransiisku, waxaa la gudboon in ay ka samatabaxaan iyaga oo ah reer Yurub midaysan, ama midiba kan kale uu cunaha ku dhego, oo ay dhiig baxaan ilaa labaduba ay ka dhimanayaan.”

Sidaasna waxaa ku bilowday mashaariicda Yurub lagu midaynayo oo maraaxil kala geddisan soo maray, laakiin mar walba matoorka riixayey uu ahaa sidii ay ku xajisan lahayd gumeysiga Afrika. Gumeystayaasha reer Yurub waxay si buuxda u hubeen in Afrika la’aanteed aysan Yurub nabad iyo barwaaqo ku naalloon karin.

Yurub waxaa laga bilaabay mashruuc loo bixiyey ‘Midowga Yurub iyo Afrika /Eurafrica,’ oo labo ujeeddo oo kala duwan lahaa. Dadkii reer Yurub ee mashruucaan gadhwadeenka ka ahaa dadkooda waxay u sheegi jireen in midnimada Yurub ay tahay sida keliya ee ay Afrika ku gumeysan karaan, halka ay Afrikaanka uga sheegi jireen in ay noqonayaan walaalo gacal ah oo dhib iyo dheef wadaaga, barwaaqasooranna ka wada tirsan. Yurub waxay u aragtaa qaaradda Afrika meel ay ka helayso dhul ay dalagyo ku beerato, muruq ay ku shaqaysato, iyo seylad ay u suuqgeyso badeecadaheeda. Rijaadh Coudenhove-Kalergi buuggiisa kor ku xusan wuxuu ku leeyahay:

“Yurub waxay Afrika ka heli kartaa walxaha ceeriin ee warshadaheedu ay u baahan yihiin, nafaqada dadkeeda, waxaana fursado shaqo ka heli kara dadkeeda shaqo la’aanta ah, sidoo kale waxay u suuqgeyn kartaa waxsoosaarkeeda… Yurub waxay noqonaysa madaxa Yurub-Afrikaanka, halka Afrika ay ka noqonayso jirka (Europe is Eurafrica’s head, and Africa is the body).”

Sida muuqata, mashruucan loo bixiyey magaca qurxoon ee “Midaynta Yurub iyo Afrika /Eurafrica,” waxa uu ahaa mid la doonayey in gumeysigii tooska ahaa ee Afrika loogu beddelo mid dadban oo dhaqan-dhaqaale, si weyn baana loogu guulaystay. Mashruucan waxaa dhidibbada loogu taagey ‘Heshiiskii Rooma /the Treaty of Rome,” oo la saxiixay laba toddobaad ka dib maalinkii dalka Gaana uu xorriyadda qaatay, 6-dii Maarso 1957-kii. Gaana ka dibna waddamo badan oo Afrikaan ah baa qaatay xorriyad magac u yaal ah oo dux dowladnimo ka maran.

Hoggaamiyeyaashii Afrika ee khatarta mashruucan ku baraarugay waxaa ka mid ahaa Kuwaame Nakruuma iyo Axmed Sakatuuri. Hase ahaatee, hoggaamiyeyaashii kale ee qaaradda ayaa dabinkaan ku wada daatay. Nakruuma khudbad uu u jeediyey barlamaanka dalkiisa, sannadkii 1961-kii, isaga oo tilmaamaya khatarta mashruucan ayaa wuxuu ku yiri: “Heshiiska Rooma ee keenaya in Yurub ay yeelato suuq ay wadaagto, waxaa la barbardhigii karaa heshiiskii ka soo baxay shirkii Baarliin qarnigii sagaal iyo tobnaad. Heshiiska hore wuxuu horseeday hab heshiis lagu yahay oo gumeystayaashu ay Afrika ku qaybsadeen; kan dambena wuxuu astaan u yahay gumeysi cusub oo Afrika lagu soo rogi doono… Bulshada Dhaqaalaha Yurub (=The European Economic Community) waxay ka dhigan tahay nidaam cusub oo si wadajir ah Afrika loogu gumeysanayo, wuxuuna noqon doonaa mid ka xoog iyo halis badan sharkii hore ee aan halganka ugu jirney in aan tirtirno.”

Guud ahaan, walaaca reer galbeedku ay hadda ka muujinayaan in burbur ku yimaado nidaamka caalamiga ah ee dunida, wuxuu la mid yahay kii ay qabeen qaybtii hore ee qarnigii 20-aad, kaas oo ay ku sameeyeen waxay ugu yeereen “Mashruuca Yurub iyo Afrika /Eurafrica” (Akhristaha danaynaya faahfaahinta qodobkaan wuxuu kaga bogan karaa buugga ay wadajirka u qoreen Peo Hansen iyo Stefan Jonsson ee cinwaankiisu yahay “Eurafrica: The Untold History of European Integration and Colonialism).


Nidaamkii caalamiga ahaa ee ay reer Galbeedku ku haystaan dunida, sida ay dad badani qabaan, waa uu burburayaa waxana jira walaac ay reer galbeed ka qabaan burburkiisan iyo nidaamka beddeli doona oo ay u badan tahay in taladii dunida lala yeelan doono. Walaaca ay reer Gableedku qabaan waxa uu la mid yahay walaacii ay Yurub qabtay 1920yeedii iyo 1960yeedii oo awooddeedii gumeysigu soo talaxgabaysay

Sannadkii la soo dhaafay, eray aan ka jeediyey munaasabad lagu soo bandhigayey buugga Eymi Siiseer ee “Gumeystow Lagula Dood,” oo aan Soomaali u turjumay, waxaan ku sheegay in si qofku uu qummaati ugu fahmo xasuuqa Qasa ka socda loo baahan yahay inuu marka hore si fiican u akhriyo dhigaallada ay ka tageen halgameyaasha ay ugu horreeyaan Eymi Siiseer iyo Faransi Faanoon oo ahaa macallin iyo ardaygiisa oo u dhashay jasiiradda Maartiniik ee carriga Kariibiyaanka. Siiseer iyo Faanoon waxay safka hore uga jiraan mufakiriinta mayalka adag ee aasaaska adag u dhigay fekerka gumeysidiidka ah. Maanta oo xasuuq iyo barakicin ba’ani ay ka socdaan Qasa, Suudaan iyo meelo Kale oo dunida ah, qoraalladoodu waa kuwa dunida loogu akhrinta badan yahay. Maxaa yeelay, dunida daafaheeda dad badan baa waxay iswayddiinayaan: War waxaan oo kale horay adduunyada ma uga dhaceen? Maxaase laga yiri?!

Siiseer iyo waxgarad kaleba waxay qabaan in uu jiro xiriir adag oo ka dhexeeya wacyiga iyo waaqica lagu noolyahay. Sidaas awgeedna, ay lamahuraan tahay in aan xoreynno maankeenna iyo nolosheenna gudaha, isla marka bulshada laga xoreynayo gumeystaha dhiigga ka jaqaya.

Eymi Siiseer (=Aimé Césair, 1913-2008) oo ahaa gabyaa, qoraa, siyaasi, iyo mid ka mid ah raggii abuuray dhaqdhaqaaqii madowga ama neegarnimada (=the Négritude movement /حركة الزنوجة) ee u halgamayey xorriyadda iyo ilaalinta aqoonsiga dadka madow, waxaa laga yaabaa in jirkiisu uu dhuuntay oo uusan hadda ifka nala joogin, hayeeshee waxaan haysannaa dhaxalkiisa uu ugu mudan yahay buugga “Gumeystow Lagula Dood /Discourse on Colonialism,” oo markii ugu horraysay la daabacay sannadkii 1950. Waa buug ka mid ah dukumiintiyada aasaaska u ah fekerka gumeysi-diidka ah, aqoonyahanno badanna ay u tixgeliyaan in uu yahay bayaanka fekerka gumeysidiidka. Waa dhigaal ruuxa maanta akhriyaa durba dhex istaajinaya Qasa, oo aad moodayso in haddadaan la joogo laga qoray waxa Qasa ka taagan.

Siiseer wuxuu si weyn ugu doodayaa in xididdada uu ku taagan yahay fekerka faashiistigu ay ka soo farcamaan taariikhda duullaannadii gumeystayaasha reer Yurub. Waxaana hubaal ah in Fashiistada, Naasiyadda iyo Sahyuuniyaddu ay yihiin walaalo walcan wadaag ah. Sahyuunidu waxay ku hamminayaan in ay gaaraan guulo la mid ah ama ka ballaaran kuwii ay gaareen Bortaqiiska, Isbaanishka, Biritan, Faransiiska, Jarmalka iyo Talyaanigu markii ay ku duuleen qaaradaha Afrika, Ameerika iyo Aasiya.

Si loo fahmo xasuuqa ka socda Qasa, waxa muhiim ah in la akhriyo dhigaallada indheergarada ay ka mid yihiin Aimé Césair, 1913-2008. Sida uu Siiseer qabo, fekerka faashiistigu waxa uu ka soo farcamay duullaannidii gumeysiga reer Yurub, waxana hubaal ah in Faashiistada, Naasiyadda iyo Sahyuuniyaddu ay yihiin walaalo walcan wadaag ah

Taa awgeedna, la yaab ma leh in hoggaamiyeyaasha reer Galbeedka iyo warbaahintoodu ay taageeraan xasuuqa ay samaynayaan Israa’iil iyo ciidankeeda ay gumeystayaashu ku tilmaamaan in uu yahay “kan adduunka oo idil ugu akhlaaqda badan /the most moral army in the world.” Ciidan “halkiisa dagaalyahan uu u babacdhigo guutooyinka Carab ah oo uu indhaha kaga candhuufo, lana dagaallamo.”

Haddii xasuuqa iyo barakicinta maatadu ay akhlaaq badni iyo geesinnimo yihiin, akhlaaq xumada iyo fuleynimadu maxay noqonayaan?!

Gumeystoow lagula dood

 

…. La soco Q. 3aad, halkanna ka akhri qaybtii 1aad