Saturday 8 November 2025
“Carruurtaydii waxaa la dilay iyaga oo gaajaysan.” Hooyo Falastiiniyad ah baa ku barooratay.
“Waxay ku sakhraameen urka dhiigga hawada oo dhan ku baahay, waxayna ku mabeen toogashada, kama badbaadin hal haweenay ahi, kamana baxsan hal cunug … Dabadeed duhurka dabadii, saamaynta milicda darteed, ceeryaamo ayaa cirka isku shareertay: ceeryaamadu waxay ahayd dhiigga shantii kun ee ruux ee magaalada ku noolaa oo gabbal dhicii uumi-baxaya.” Eymi Siiseer.
“Anigu had iyo goor waxaan garab taagnahay kuwa la dulmiyo.” Eymi Siiseer.
-------------------------------
24-kii Oktoobar 2023, laba toddobaad ka dib weerarkii Xammaas ay ku qaadday Israa’iil, Wasaaradda Caafimaadka Ee Qasa warbixinteeda maalinleha ah waxay ku sheegtay war argagax leh oo sheegay in 24-kii saac ee la soo dhaafay oo keliya ay duqaymaha Israa’iil Qasa ku dileen 704 ruux oo Falastiini ah.
Subaxdii xigtay, qoraa Masri-Kanadiyaan ah oo lagu magacaabo Cumar al-Caqaad ayaa barta uu ku leeyahay aaladda X, waxa uu ku qoray: “Maalin uun, marka ay xaaladdu nabad noqoto, oo qofna uusan dhib kala kulmayn in walxaha loogu yeero magaca ay leeyihiin, ee laga gudbo goor cid lala xisaabtami karo, jeerkaas cid waliba waxay ku andacoon doontaa in ay si buuxda arrinkaan uga soo horjeedday.” Caqaad arrinka halkaas ugama uu harin ee dhawaan wuxuu soosaaray fekraddii koobnayd oo noqotay buug dhan oo uu u bixiyey “Maalin Maalmaha Ka Mid Ah, Qof Kastaa Wuxuu Noqon Doonaa Mid Weligiis Middan Diiddanaa /One Day, Everyone Will Have Always Been Against This.”

Xasuuqa Qasa, sida uu ku bilowdayba, waa ay caddayd in ay soo fool leedahay maalin aanay cidna indhaha ka qarsan karin oo, sida uu Caqaad sheegay, ay cid weliba sheegan doonto in ay ka soo horjeedday foolxumadaas ‘aan la qarin karin’ ee dibedyaalka ah
Labo sano oo xasuuq ba’an uu socday, hadda waxaa muuqda ifafaalaha in la gaaray maalintii Cumar al-Caqaad uu sheegay ee cid waliba ay bilaabi lahayd in ay sheegato in ay abidkeed si buuxda dulmigaas u diiddanayd. Tusaale ahaan, bishii Maaj ee sannadkan 2025, Jooseb Booreel oo horay u ahaan jirey Madaxa Siyaasadda Dibedda iyo Amniga ee Midowga Yurub oo faallo ka bixiyey xasuuqa ka socda Qasa ayaa wuxuu yiri:
“Waxaan wajahaynaa hawlgalkii ugu weynaa ee isir sifayn ah ee dunida ka dhaca, tan iyo Dagaalkii Labaad ee Adduunka, si loo abuuro meel lagu dalxiiso oo qurux badan, ka dib marka Qasa laga nadiifiyo malaayiin tan oo burbur ah, Falastiinidana laga dhigo wax la dilay iyo qaar qaxay… Qasa waxaa lagu dhuftay qaraxyo saddex jibbaar ka xoog badan qunbuladdii Hiroshiima lagu dhuftay… Muddo bilo ah, waxba lama geyn Qasa: biyo lama geyn, raashin lama geyn, koronto lama geyn, shidaal lama geyn, adeeg caafimaad lama geyn. Sidaas waxaa yiri wasiirrada Netanyaahu, iyaga ayaana fuliyey.”
Booreel wuxuu ku eedeeyey Israa’iil in ay si nidaamsan u jebisay xeerarka dagaalka oo ay gaajaysiinta u adeegsato ‘hub dagaal’, isaga oo intaas ku daray in hadallada hoggaamiyeyaasha Israa’iil ay la mid yihiin “ku dhawaaqid cad oo ah ujeeddo xasuuq.” Wuxuu intaas sii raaciyey, “Dhammaanteen waan ognahay waxa halkaas ka socda, oo idilkeen waxaan maqalnay ujeeddooyinka ay xuseen wasiirrada Netanyaahu, kuwaas oo si cad u sheegaya in hadafku yahay in xasuuq la geysto. Marar dhif iyo naadir ah baan maqlay hoggaamiye dowladeed oo si cad u dajiyey qorshe qeexan oo ku habboon qeexidda sharciga ah ee xasuuqa.”
Booreel oo hadalka sii watay, wuxuu si qeexan u yiri: “In ka badan kala bar bambooyinka lagu garaacayo Qasa waxaa keena Maraykanka.” Arrinkaas oo Meesha ka saaraya suurtagalnimada in Waashinton ay sheegato dhexdhexaadnimo ama ay mas’uuliyadda xasuuqa iska fogayn karto. Yurub iyo waddamada kale ee reer Galbeedku, iyaguna, denbiga qayb libaax bay ku leeyihiin, waayo hubka iyo dhaqaaleha gumaadka lagu geysanayo ayay qayb ka bixiyaan, isla jeerkaana Israa’iil af iyo addin labadaba way ku difaacaan. Marka Maraykanka laga yimaaddana, taageerada ugu badan waxaa siiya Israa’iil dalka Ingiriiska oo ah kan fidnada bilowgeedii hore abuuray oo Sahyuuniyadda ku beeray Falastiin, iyo dalka Jarmalka oo dareemaya in uu magdhow ka bixinayo xasuuqii Holokoostiga ee uu Yuhuudda kula kacay. Waxaana afaraysa Ostaraaliya oo aamminsan in Israa’iil ay ka xigsato eedaha loo jeediyo gumeystaha dadka iyo dhulkoodaba ku habsada (=settler colonialism /الاستعمار الاستيطاني) oo ay iyaduna ku suntan tahay.
Gumeystayaasha iyo waageeniga cusub ee ummadaha kale ku habsadaa, waa ay yimaadaan waxayna ku andacoodaan in dhulka ay yimaadeen ay iyagu leeyihiin, waxayna ka shaqeeyaan sidii ay ku tirtiri lahaayeen dadkii deegaanka asalka u ahaa. Gumeysi kalkaalkii Emer de Vattel (1714-1767) oo ka mid ah ragga dejiyey qaanuunka dowliga ah ee hadda dunida ka shaqeeya, wuxuu si bareer ah u yiri: “Dhulka dadyowga asaliga ahi, marka la joogo qaanuunka dowliga ah, wuxuu noqdaa dhul aan cidi lahayn (=terra nullius /أرض بلا مالك), goorta uu damac ka galo ‘ummadaha kartida iyo awoodda leh’.
Hawsha gumeystayaashu waa barakicin, suulin iyo tirtiridda dadkii dhulka loogu yimid. Sida uu ku celceliyey taariikhyahankii Patrick Wolfe (1949-2016) gumeystayaashu “doorka ay u qoondeeyaan ummadaha ay gumeystaan waa in ay qarsoomaan oo gebi ahaanba la waayo.” Waa fekradda caanka ah ee laga hirgeliyey Falastiin iyo dhulal kale oo badan, ee tiraahda: “Dhul aan dad lahayn, oo la siinayo dad aan dhul lahyn.”
Mandiqa gumeysteyaashu waa in dhulka ay leeyihiin dadyowga asaliga ahi uu, marka la joogo qaanuunka dawliga ah, yahay dhul aan cidi lahayn, waa midda lagu dhisay fekradda caanka ah ee laga hirgaliyay Falastiin – waa in dad aan dhul lahayn la siiyay dhul aan dad lahayn
Aan dib u laabannee, Jooseb Booreel ma aha nin gacalo gaar ah u qaba Falastiinida ama daneeya xuquuqda aadanaha. Balse si taa caksigeeda ah, waa nin lagu eedeeyo in uu yahay cunsuri rumaysan sarraynta qofka cad. Mar aan fogayn oo ah sannadkii 2022-kii waxa uu meel fagaare ah uga khudbeeyay in Yurub ay tahay sida “beer”, halka dunida inteeda kale ay ka tahay sida “kayn”, ayna jirto halis ah in duulka kaynta ku jiraa ay ku soo duulaan kuwa beerta barwaaqada ah dhex mushaaxaya.
Hadalkaas maldahan oo dulucdiisa runta ahi tahay in Yurub ay tahay meel ay ku noolyihiin dad ilbax ah oo leh ilbaxnimo ku dhisan nidaam, xasillooni, baraare, horumar, kala dambayn iyo nidaam dowladeed oo hanaqaaday. Halka ummadaha kale oo dhammi ay weli ku sugan yihiin marxaladdii kaynta lagu noolaa ee ay ka jireen faqriga, fowdada, nidaam la’aanta iyo in uu noolaado midka awoodda leh oo keli ahi. Waa hadal lagu muujinayo in qofka cad ee reer Yurub uu ka duwan yahay aadamiga intiisa kale.
Booreel iyo guud ahaan gumeystayaashu uma aqoonsana bani’aadam Falastiinida iyo wadar ahaan dadyowga aan caddaanka ahayn. In Yukreen uu xasuuq ka dhaco lama aqbali karo, waayo waa dad caddaan ah oo Yurub ka tirsan. Laakiin si taa ka duwan, waxba kuma jabna in la xasuuqo malaayiin Falastiini ah ama Afrikaan ah, waayo waa duul midab leh oo aan Yurub u dhalan.
Gumeystayaasha reer Yurub waxay ku shaqeeyaan mabda’a uu sida cad u qeexay Netaniyaahu kolkii uu yiri: “Kuwa tabarta daran waa la burburiyaa, oo inta la gawraco ayaa taariikhda laga tirtiraa, halka kuwa xoogga lihi ay xaalad kasta oo jirta badbaadaan.”
Hadal jeedinta Booreel:
Haddaba, wayddiinta meesha ku jirtaa waxay tahay: Waa maxay sababta Booreel ku bixisay in uu ku hadlo erayada kor ku xusan ee ku saabsan xasuuqa ba’an ee Falastiinida lagu hayo?
Sababta dhabta ah ee Booreel iyo kuwa la midka ah ku khasbaysa in ay cambaareeyaan waxa ka socda Qasa waa in foolxumada xasuuqa Falastiinida lagu hayaa uu dhaafay heer la qarin karo ama qiil loo heli karo. Foolxumada ayaa alamtara dhaaftay oo qof walba fadhigiisa ugu tagtay kuna dirqisay Qaramada Midoobayna in ay soosaarto warbixinno ay ku caddaynayso in waxa Qasa ka socdaa uu yahay xasuuq, barakicin, iyo baahi ku dil bahalnimo ah.
Jeen bool Saarter, hordhaca uu u sameeyey buugga Faransi Faanoon ee “Looma’ooyaan /The Wretched of the Earth,” isaga oo ka hadlaya gumeysiga reer Galbeedka waxa uu yiri: “Miikaafiliyaddeennu waxba kama goyso dunidan baraarugtay ee beentayada mid mid u burburinaysa. Gumeystayaasha dadka dhulkooda ku habsaday waxay haystaan hal doorasho oo ah in ay xoog bahalnimo ah adeegsadaan … dadka dhulka u dhashay iyaguna hal ikhtiyaar bay leeyihiin, in ay kala doortaan addoonnimo iyo sarrayn [gobannimo].”
Dad badan oo maanta ka hadlaya xasquuqa Qasa ma aha in ay dan ka leeyihiin foolxumooyinka loo geysanayo dadka Falastiinida ah e, waa in ay foolxumadii jiinka jabsatay oo ay cid kaste ugu tagtay halkii ay fadhiday, ka dib markii ay Israa’iil iyo taageereyaasheedu adeegsadeen ‘xooggii bahalnimo’ oo dhan oo ay qarin kari wayday ‘beentii reer Galbeed’ sida uu yidhi Joon-Bool Saarter
Waxaa cad in adduunyadu ay hadda marayso xaaladda uu Saartar tilmaamay. Reer Galbeedka iyo wakiilkooda Israa’iil wuxuu qorshahoodu ku soo ururay in ay adeegsadaan hubka noocyadiisa u danbeeyey ee sida xun wax u gumaada iyo tiknoloojiyaddooda casriga ah ee ay daroonnadu ka midka yihiin, ummadaha koonfurtuna walow aysan weli qaadin tallaabo wax ku ool ah, misna diyaar uma aha in ay ku sii hoos jiraan gacan ku haynta reer Galbeedka (=Western hegemony /الهيمنة الغربية).
…. La soco Q. 2aad