Sunday 7 June 2026
“Ilbaxnimo ayaa, siday u dhamayd, caawa la baabi’in doonaa. Mana soo kaban doonto,” waa qoraal uu Donald Trump faafiyey kuna daray hanjabaadihiisii badnaa ee lahaa isla-weynida doqonnimada ah, cawaandaddaas ku socota Iiraan waa mid uu ka laaban doono, sida uu sameeyo marar badan. Iyada oo imika loo garan ogyahayba “Trump TACO” — Trump Always Chickens Out — oo macnahiisu yahay in uu mar kasta dib uga noqdo hadalladiisa.
Hanjabaadihiisa waxa ka mid ahaa inuu dhulka la simi doono goobaha tamarta iyo buundooyinka Tehran. Hore ayuu u yidhi: “Waxaan idiinku celin doonaa waagii dhagaxa, waanad u qalantaan.” Hadalkan waxaa kaga daba celceliyey wasiirkiisa difaaca, Pete Hegseth, iyo afhayeenka Aqalka Cad. Si guud, dunidu waxa ay ku qaabishay cagajuglayntaas cawaannimada leh ka hor imaatin iyo cadho, Maraykanka gudihiisana, dad badan amakaag baa intii hore ugu biiray.
Waxa mudan in laga xuso amakaagga soo noqnoqonaya in uu noqday dhiillo daba dheeraatay oo ka jirta sida ay Dimuqraadiyiinta, Liberaaliyiinta iyo kuwa kaleba u wajahayaan mar-la’aragga-Trump iyo hadalladiisa, waa garasho-la’aan ama ismaahdumin ah in uu Trump ku celinayo un hadal hore oo ay yidhaahdeen saraakiil iyo madax hore, iyaga oo cagajuglayn ka samaynaya dagaallo hore oo la sii galay ama badhtamaha marayeyba.
Haddaynu xusno hadal hore oo uu wasiirkii arrimaha dibadda ee Maraykanka, James Baker, uu ku yidhi Taariq Casiis, wasiirkii arrimaha dibadda Ciraaq, muddo yar ka hor dagaalkii Khaliijka 1991-kii, “Waxaannu dib idiinku celin doonnaa ka hor waagii warshadaha.” Dagaalkii ay ku qaadeenna waxa ay ugu qiil dayeen in ay Kuweyt ka xoreynayeen qooqa Ciraaq, se waxa ay gabi askaxa u qaadeen buundooyinkii, tamartii laydhka dhalinaysay iyo tii biyaha sifaynaysayba, Maraykanka iyo Israa’iilna isla duullaankaas ayey ku hayaan hadda Iiraan. Waana dagaalkii uu ka soo daba maray go’doomin gumaadday oo dumisay wax aanay bambooyinku dumin.
Waxa aynu ku laaban karnaa dagaalkii Fiitnaam, oo aynu soo heli karno hadal kan u eeg, ama la midba ah, oo ay yidhaahdeen masuuliyin sarsare oo Maraykan ahi, ubucda hadalkooduna yahay in laga saaro bulsho, sida ay u dhantahay, wakhtiga la joogo/casriga, dibna loogu celiyo qarniyo. Haddaba hadalkan Trump ku hadaaqayaa ma aha kibir iyo baanid cusub oo la yaab ku ah qaamuuska siyaasiyiinta Maraykanka iyo taariikhda boqortooyada, falalka ay geysanayaanna, marka la dhugto, ma aha xagjir iyo talax-tag toona. Laga yaabee jiritaanka baraha bulshada, hadal badnida Trump, qaab-hadalkiisa silloon iyo sababo kaleba inay ka dhigayso hadalkiisa sawaxan.
Tiro faallo-bixiyeyaal ah ayaa farta ku fiiqay aamuska buuxa ee elit-ka iyo madaxdii hore ee Maraykanka iyo in aanay ka geysan wax faallo ah hanjabaadaha bahalnimada leh ee Trump. Bill Clinton wuxa uu ka hadlay arrin ciyaareed; halka Barack Obama-na uu ka hadlay arrin gudaha ah, iyagoo aan ka falcelin hanjabaadahaas. Waxa laga yaabaa in waxa uu Trump ku baradhaafiyey qaab-hadalka Maraykanku waa isticmaalka ereyga “Ilbaxnimo” oo kuwii ka horreeyey aanay ku isticmaalin cagajugleyntooda.
Laakiin su’aal ayaa taagan, side bay ilbaxnimo weyni ugu noqon kartaa waagii dhagaxa? Trump oo baraha bulshada wakhti badan ku qaata ayaa laga filan karaa in uu isha ku dhuftay ilbaxnimada Iiraan ee faca weyn iyo taariikhdeeda dhaqan, amaba mid gacanyareyaashiisa ka mid ahi u sheegay.
Si guud sawirka ku jira mala-awaalka Maraykan ee ay ka haystaan Iiraan uma janjeedho ilbaxnimo fac weyn ama taariikh dheer, se qaab aragtiyeed oo istishraaqi ah bay u abuuraan, waxay isku geystaan nidaamka maamulka iyo sumadihiisa, haggoogooga iyo cabudhinta isu soo baxayaasha, iyo mar walba in la is xasuusiyo kadeedkii laga soo maray afduubkii. Waxa hore u soo yaalla bilihii u danbeeyey wiilkii uu dhalay Shaahii xilka laga xayuubiyey, si loo muujiyo wakhtigii Iiraan iyo Maraykanku gacmaha is haysteen ka hor kacdoonkii 1979-kii, oo jannay ahayd barigaase! Se Rida Bahlawaan, markii uu dhamaystay muddadii kumeelgaadhka ahayd ee abaabulka iyo kicinta dadweynaha si dagaal loo oogo halkaas ayey ku idlaatay baahidii siyaasadaysnayd ee laga rabay.
Haddii ay tahay wax lala yaabo in Maraykanku ku hal-qabsado ereyga “ilbaxnimo” marka uu dalal la dagaalamayo taas oo ay inta badan sameeyaan garabka midig iyo faashiistayaashu, haddana kuwa dhanka kale ka taagan siyaasad ahaan badanka waxay soo dhigtaan hodantinimada ilbaxnimo ee ay haystaan dalalka Maraykanku beegsanayo, kuwaas oo hore loo dadnimo-tiray, iyagoo ka dhiidhiyaya garasho la’aanta kuwa dagaallada u sacab tumaya ee soo saaraya go’aannada duulaanka.
Tusaale ahaan, toddobaadkii ugu horreeyey duullaankii Ciraaq ee 2003-dii waxa ay faafisay saxaafadda Guardian-ku baadhitaan uu sameeyey mid ka mid ah weriyeyaashooda oo la socday guuto Maraykan ah oo gashay xuduudka Ciraaq. Mid ka mid ah ciidanka la socday ayaa yidhi Iin badan baynu dhex soconnaa saxarahan e, mana arag “mall” (suuqyo) iyo wendy's (meel cuntada fudud lagu gado). Dadkani miyaanay waxbaba haysan?” Saxafiga ayaa arrintaa kaga faaloonaya in ay guutadu u jirto saacado yar magaalada Ur, oo ka mid ah magaalooyinka ugu qadiimsanaa dunida.
Su’aasha askarigu waxa ay faydaysaa wax badan oo ku saabsan fahanka laga haysto ilbaxnimada iyo dhaqanka: astaamaha muuqda iyo muuqaalka sare, hay’adaha dhaqanka ka baayacmushtara iyo gooni goosadka. Wax wal oo intaa ka soo hadhaa waa dib u socod aan meelna ka soo gelin ilbaxnimada. Haddaynu ka nimaadno niyad-samida saxafigaa, hadana mushkilad ayaa ka taagan in mar walba la isku laqimo Ciraaqdii lahayd ilbaxnimada iyo dhaqanka sooyaalka ah ee fog, waayo taasi waxa ay daadifaynaysaa dhaqan mug leh iyo waxqabad ilbaxnimo oo ka jira wakhti xaadirkan dalalka Ciraaq iyo Iiraan.
Waxa jira kuwo u dooda oo taaga keliya sawirrada qasriyada Asfahaan, Shiiraas, Sakhaarif, muusigga iyo gabayada, se waxa intaa dheer in duulaanka ay Maraykanka iyo Israa’iil qaadeen uu burburiyey kaabayaal dhaqaale oo ay ka mid yihiin labadii warshadood ee ugu weynaa Iiraan, kuwaas oo birta adag shiilayey, waa Warshadda birta Khusastaan ee ku taalla Ahwas, iyo warshadda birta Mubaarakah ee ku taalla Asfahaan, waana warshadda ugu weyn Bariga Dhexe ee soo saarta birta adag. Sidoo kale waxa ay beegsadeen machadka “Bastoor” oo la aasaasay 1920-kii, waana xarunta Iiraan ugu qadiimsan uguna horreysay ee caafimaadka guud, waxa ay ka tirsantahayna hay’adaha dunida hogaanka u haya ee horumarinta tallaallada iyo baadhista ka hortagga cudurrada faafa. Israa’iil waxa ay weerartay goob cibaado oo ay Yahuuddu lahaayeen oo ku taallay Tehran, dad bay la yaab la noqotay: ma Yahuud baa Iiraan ku nool? Waa sidii oo ay Israa’iil farriin u dirayso Yahuudda dunida ku baahsan, nolol kuma lihidin meel ka baxsan dawladda gumaadka ee Sahyuuniyadda.
Waxa aynu ku soo laabanaynaa isdiiddo udub dhexaad u ah sida uu wakhtigu u metelo odhaahda guumaystaha una dhaqan geliyo. Waxa ay sawirtaan ilbaxnimooyinka iyo bulshooyinka kale in ay ka cabanayaan ilbaxnimadii oo fadhiid noqotay, kuna qallashay tagto diiday horumarka, nasiib wanaag, waxa soo boodaya markaba Reer Galbeedkii casriyowga horumaray ahaa, si uu uga furdaamiyo dib-u-dhaca, una fududeeyo si ay ula jaanqaadaan tareenka casriga. Dagaallada guumaystuhu waxa ay samato bixiyaan dalalka iyo bulshooyinka dib-u-dhaca ku ah fadhiidnimada iyo tagto isbeddel diidday, una dedejisaa in ay hore-hore ku galaan casriyowga, se, goorta ay laga maarmaan noqoto, waxa ay ugu hanjabi kartaa dawladaha iyo bulshooyinka in ay dib ugu caydhiyi doonaan tagtadii, kuna mastaafurin doonaan bambooyin iyo gantaallo, waa fariid, waana doqon. Se runtu waxa weeye in aynu dhamaantayo ku noolnahay meerahan, oo isku waana nahay, dhinacna aan looga fakan Karin. Waa waagii bahalka hantigoosadka iyo halista in lala heshiiyo dagaalladeeda iyo gumaadkeeda.
Waxa laga soo turjumay halkan