Saturday 11 April 2026
Markii u horraysay ee aan booqdo Iiraan waxa ay ku soo beegantay dabayaaqadii xilligii madaxweyne Maxamed Khaatimi oo uu igu lammaannaa sawirka aan ka haystay ee ay warbaahinta caalamiga ah ee debeddu ka bixiso: in dalkaa uu ka jiro nidaam xidhan oo talamaroorsi ah, kelitalis diineed oo cidda mindida daabkeeda haysaa ay tahay hal nin, iyo dawlad kala sarsarraysa oo awoodda oo idil ay ku kooban tahay gacanta wadaaddo fadhigoodu yahay Dahraan. Waxaan filanayay aamusnaan baaxad leh, habtebin qudha oo dhinac ka raran, iyo magaalo cidda xukunka haysaa loogu hoggaansan yahay si indhabbeelnimo ah. Isla ilbidhiqsiyadii u horreeyayba waxa ay Dahraan bilawday in ay igu qaabbisho furfuridda iyo kala daadinta sawirkaa aan ku rarnaa.
Huteel yar oo u dhaw Barxadda-Waali-Casar baan ku degay, oo gabadh da' ahaan weyni ay maamulaysay. Wuxuu ahaa mid si heer sare ah loo nadiifiyay oo ku goglan derin kalaasig ah oo wax is kellifaad ahi aanay ka muuqan, jeerkaana laga dheehanayo dhadhan sare. Waxa ay taasi door ka ciyaartay in ay xididdada u siibto sawirkii ku xardhanaa maskaxdayada ee ku saabsanaa dawladda diiniga ah. Waxaan subaxdii u baxay socod aniga oo u kacay dhanka Jaamacadda Dahraan.
Waxa ay shaaracyadu ahaayeen kuwo waasac ah oo fidsan oo hareeraha waddooyinkeedana ay ku teedsan yihiin geedaha qadiimka ah ee ballaca leh, oo qaarkood cimrigoodu kor u dhaafayo saddex qarni, jirradahooda waaweynina ay la tiicayaan lakabyo u taagan sebenka ay jireen, sidii iyaga oo ka marag-ka-kacaya isbeddello aan dhammanayn. Waxa dubaaqayga ku soo dhacay tuduc ka mid ah maansada uu tiriyay abwaanka Iiraaniga ah ee Sohrab Sepehri: "Waxa maalin walba ina hurran in aynu maydhno indhaheenna si aynu u aragno waxyaabo cusub."
Waxa gidaarrada ku dhignaa feegaarrada kacaanka iyo muuqyada shuhadada oo ay ku garab yaalleen xayaysiisyo cusub oo la xidhiidha lebbisyadii u danbeeyay, filimaanta suuqa ku cusub iyo gawaadhida raaxada. is dhexgalkaa u dhexeeya kacaanka iyo quudashada sumadda aydiyoolajiyadeed iyo nolosha maalinlaha ahi, waxa ay ahayd is-ma-geydadii kowaad ee ka yaabisay sawirkii maskaxdayda aan ku haystay.
Kulankii Kowaad
Kulankaygii u horreeyay ee aan la yeeshay ardayda Jaamacadda Dahraan wuxuu igu dhaliyay garawsiga ah in aan Iiraan gebi ahaanteedaba ka haystay sawir aan sii ridnayn. Wadasheekaysigayagii furfurnaa wuxuun buu daarranaa qeexidda awoodaha Hoggaamiyaha Sare, xuduudda awoodda, kala saaridda haayadaha, iyo fahanbixinta ku arooraysa isdheellitirka u dhexeeya haayadaha. Runtii, ma ahayn, sida aan malaynayay, mid soo bandhigaysa dawlad ay ka danbayso gacan bir ahi. Taa caksigeeda, waxaba ka jiray isku dayo siyaasadeed oo lagu doonayo in lagu qaato moodeelka Golaha Dastuuriga ah ee Faransiiska iyo mabda'a u hoggaansanka kacaanka lagu xaddido fasirka ay samaynayaan Golaha Ilaallada Dastuurku. Iyada oo ay jiraan waxaas oo dhan misana taasi ka ma dhigayso in ay tahay dawlad ku raaxaysanaysa dimuqraaddiyad kamadanbays ah.
Saxafi ayaa waxa uu iiga warramay isla maalintaa oo aan booqasho ku tegay wargeyska isbeddeldooonka ah ee ka ag dhaw "Dhaqdhaqaaqa Jabhadda Ka Qaybgalka Iiraan ee Islaamiga ah" in loollanka Golaha Ilaalada Dastuurku kula jiro musharraxiinta, isaga oo u maraya in uu kala shaandheeyo uu in badan oo ka mid ahna ku reebo in aanay haysan toobiyaha kacaanka, taasi in ay tahay mid gebi ahaanba muujinaysa tallaabo xadgudub ku ah doorashooyinka dimuqraaddiga ah.
Fiidkii oo aan kula kulmay labo dhallinyaro oo wadaaddo ah maktabadda Shaaraca Afgenbiga Iiraan ee Dahraan, waxaan ka filanayay in ay igu la hadli doonaan luuqad fiqi oo badhaxtiran oo ay ka buuxaan eraybixinno usuuli ah iyo xigashooyin kutubta waaweyn ee hiddaha ah, balse waxaan ka yaabay in sheekadoodu aanay ka bilaaban kutubtaa qadiimka ah e ay judhaba ka bilaabmayso Misheel Fuukow, Yorgan Habermaas, iyo dooodda u dhaxaysa awoodda iyo aqoonta, majaalka caamka ah, iyo aragtida wadaxidhiidhka; maxaa yeelay waxa ay cusboonaysiinta khidaabka diiniga ahi ku biyashubanaysaa xilligii ka danbeeyay kacaanka oo ay kaalin muuqata ka gaysteen fekeryahannada waaweyn ee aynu ka xusi karno Muxsin Kadifar, Cabdikariim Sarruush iyo Maxamed Mujtahid Shabasteri si ay dib ugu fasiraan xidhiidhka ka dhexeeya naska iyo taariikhda. Wadaaddada dhallinyarada ahi, sidaa awgeed, way ka gudbeen marxaladda ah in ay ku hadlaan luuqad fiqi oo xidhan, balse taa liddigeeda waxaba ay adeegsadaan luuqad falsafadeed oo cusub, iyaga oo raadguraya in ay fiqiga dib ugu nashqadeeyaan qaabdhismeed aragtiyeed oo cusub.
Faaqidaaddaasi ma ahayn mid ku saabsan in la rido ama la yareeyo nidaamka, hasayeeshee waxa ay daarranayd in dib gudaha looga qeexo awoodda, sida in lala xisaabtamo, la ballaadhiyo doodaha dadweynaha, iyo in loogu fasiro in aanu Faqiihu lahayn awood buuxda si uu shacabku heer ballaadhan uga qayb qaato talada. Waa ay ku baraarugsnaayeen xuduudda jirta oo, taa beddelkeeda, waxa ay adeegsanayeen masaaxada u bannaan iyaga oo kala hor imanaya dhallinta wacyi naqdineed iyo doodo feker oo nool. Waxaan, wakhtigaa, garawsaday in aanan ku sugnayn deegaan lagu khasban yahay aamusnaan e, aan la tacaamulayo dood nool oo neefsanaysa, balse uu nidaaminayo qaabdhismeed siyaasadeed oo aanay aragti ka madhnayn.
Waxa maalmahaa igu qaabaysmay fahan si buuxda uga duwan kii hore oo ah; in aan Iiraan ku koobno kelitalis diini ahi aanay ahayn fekrad sax ah oo waaqaca sharraxaysa, balse ay tahay soo-koobid madhan, waxii aan la kulmayna aanay ahayn cod qudha oo ka sarreeya dhammaan dadka oo dhan balse uu ahaa dabaqado isa saarsaaran: kacaan iyo casriyow (xadaaso) is barbarsocda, fiqi iyo falsafad, dawlad rasmi ah iyo naqdin, haayado iyo weyddiimo waxgal ah. Dahraan waxa ay ahayd mid si deggan iigu sheegtay in ay masuurtowdo tahay in aan dalkan lagu akhrin karin cinwaan keli ah, laguna fahmi karayn sawir sugan, hasayeeshee fahanka dhabta ahi uu ka imanayo u kuurgalidda khalkhallada gudihiisa, fara badnida luuqadihiisa, iyo awoodda uu u leeyahay in uu dusha ku sito isburinno, isaga oo aan misana dumayn ee la noolaanaya.
Markii uu Hoggaamiyihii Sare galbaday, waxa la is weyddiiyay ma ka toosi doontaa Iiraan fowdada maqnaantiisa? Tani waxa ay ahayd weyddiinta degdegga u soo jiidanaysa falanqaynaha warbaahinta, balse in aynu uurbaadhno qotodheeraanta Iiraan waxa ay inagu hagaysaa sawir aad isugu qoofalan.
Kolka aynu derisno dhismaha dhabta ah ee awoodda, waxa aynu ka dhex fahmaynaa soo ifbaxa shabakad aan u eekayn dawladda kelitaliska ah. Haa oo, maalmihii u danbeeyay figta sare ayuu taagnaa Cali Khaamina'ioo ay ka hoos shaqeeyaan haayado leh madaxbannaani sare, oo waxa jira: Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah oo isaga soo tallaabay maleeshiyo kacaaneed ilaa quwad milatari-dhaqaale ah oo maamula laamo aad u ballaadhan, Golaha Khubarada oo dastuur ahaan leh awoodda doorashada Hoggaamiyaha Sare ama in la casilo, Guddiga Maslaxadda Nidaamka ee ka garnaqa murannada u dhexeeya baarlamaanka iyo Golaha Ilaalada Dastuurka oo ay soo raacaan madaxtooyada, baarlamaanka iyo garsoorku.
Intaa aynu soo xusnay aawadood ayaanay Dahraan burbur kedis ah u la kulmayn, iskaba daa e waxa ay gelaysaa wadahadallo gudeed oo ka kala socda dhaqdhaqaaqyo saamayn leh oo ay ka mid yihiin isbeddelddoonkaa ku teedsan Maxamed Khaatami iyo kacaanka cagaaran ee beegsanaya in ay ballaadhiyaan bedkooda siyaasadeed iyaga oo aan nidaamka ka bixin, asalraacayaasha soojireenka ah ee ku xidhan hannaanka Xawsaha ee Qum ee uu seeska u yahay in ay sii wadaan qaabdhismeedkii asalka ahaa ee fiqiga, kacaanyahannada aydiyoolajiyiinta ah ee ku xidhan Ilaalada Kacaanka oo u arka xiisadda Galbeedku in ay qayb ka tahay haybta nidaamkooda, iyo baragmaatiyiin magacoodu taariikh ahaan ku xidhiidhsan yahay Akbar Haashimi Rafsanjaani, oo aaminsan in ay wax ku maamulaan rabitaanka galaangalka, iyaga oo u maraya wadahadal iyo furfurnaan isla xisaabtan leh.
Waxa ay dadyow badani u haystaan in Iiraan aanay weli ka korin sidii ay ahayd dawladdii Khumeyni ee siddeetameeyadii. Balse isbarbardhigga u dhexeeya Ruuxullaah Khumeyni iyo Cali Khaaminaa'i waxa ay daahfuraysaa dhisme cad, Khumeyni wuxuu ahaa aasaase karismaati ah ama burji leh, halka uu Khaamina'i ahaa isu dheellitire maamule oo ku dhex jira qaabdhismeed haayadeed oo kakan. Sidaa awgeed, aragtida burburka degdegga ahi waxa ay ku dhisan tahay laba masanuuninood oo aan fadhiyin: in sharciyaddu gebigeeduba ay tahay mid shakhsi ah, iyo in Iiraan ay tahay dawlad bilaa haayado ah, balse sida waaqaca aynu ka dheehanayno waxa jirta sharciyad u qaybsan aydiyoolajiyadda, kacaanka, haayadaha, iyo dhisme u abaabulan sidii uu isagu dib isugu habayn lahaa.
Iyada oo taasi jirto, waxa la odhan karaa maqnaanshaha Hoggaamiyaha Sare ka ma dhigna dhacdo iska gudbaysa, balse waa mid jaangoyn u ah oo soo celinaysa dib u xardhidda dheellitirka awoodaha. Weyddiinta runta ahi ma aha nidaamku ma burburayaa e, waa garabkee ku jira nidaamka oo dib u qeexaya dawladda dhexe ee cusub? Weyddiintaas oo hadda jawaabteeda la helay, ka dib doorashada Hoggaamiyeha Sare ee cusub.
Waxa laga yaabaa akhrinta taariikhda Iiraan in ay ina siinayso jawaabo waafi ah, maxaa yeelay dawladda Iiraan ma aha mid ku kala qoqobmaysa oo ku furfurmaysa dhallinyaro, dil ama afgenbi, hasayeeshee waa dawlad cimrigeedu saddex kun oo sano jiro, oo waa imbaraadooriyad guun ah oo u horumaraysa si tartiib ah, kolkasta oo ay is beddelaan wajiyaduna isu soo celinaysa dawladdeedii dhexe.
Waxa ay u qaabaysantay dawladda dhexe xilligii imbaraadooriyada Saasaaniyada in ay tahay mid biruqraaddi ah, talisa, oo leh awood ka sarraysa gobollada oo dhan. Ma uu ahayn boqorka Saasaaniga ahi hoggaamiye uun balse wuxuu ahaa madaxa nidaam maamul oo kakan oo ka kooban hoggaamiyayaal maxalliyiin ah, ururiyayaasha cashuuraha iyo faaliyayaasha Saradashtiyiinta ah. Xilligii ay ku duntay gacanta furashadii Islaamka, ma uu qarsoomin nidaamkii dawladda dhexe, hasayeeshee wuxuu ku dhex milmay nidaamyadii islaamiga ahaa ee cusbaa. Waxa uu Shaah Ismaaciil al-Safawi soo celiyay, waagii Safawayiinta, haybtii dawladda isaga oo ku dhisaya qaabdhismeedka rasmiga ah ee isa shiicaynta labo iyo tobanleyda ah, bartaas ayaanu la kowsaday isbeddel gun dheer oo ah in la isku xidho diinta iyo dawladda dhexe ee siyaasiga ah, in kasta oo uu seeska dawladdu ku hadhay isaga oo awood dhexe oo xooggan ah oo dib u nidaaminayaa darafyada Tabriis ilaa Asfahaan.
Intaas ka dib, waxa timi dawladdii Qaajaariyada, waxa ayna isku dayday in ay la qabsato cadaadiska Ruushkii Qaysariyada ahayd iyo Ingiriiskii Imbaraadooriyada ahaa. Dawlad cusub ma ay ahayn, kolka aynu ka duulno macnaha Yurubiyaanka ee dawladnimada, balse waxa ay ilaalisay sawirkii majaalka firfircoon ee Iiraaniga ah. Kolkii uu xukunka la wareegay Ridaa Shaah Bahlawi labaataneeyadii qarnigii tegay, ma uu burburin dawladdii dhexe e, waxa uu dib ugu soo celiyay habdhaceeda luuqadda qawmiga ah ee cusub, wuxuuna dhisay ciidan cusub oo uu ku soo rogay lebbiska madaniga ah, xooggana waxa uu saaray awoodda Dahraan. Intaa ka dib, waxa yimi inankiisii Maxamed Ridaa Bahlawi oo dhidibbada u sii aasay mashruuca dawladda qawmiga ah ee dhexe, isaga oo soo xiganaya agabkii amni ee cusbaa ee "SAVAK".
Markii uu nidaamkii Shaah sababsaday gacanta hoggaamiyihii Ruuxullaah Khumeyni, dabshidkii 1979, waxa ay dad badan u maleeyeen in burburku uu dhammaystirmay oo ay dawladdii dhacday. Balse wixii dhacay waxa ay ahayd, dhab ahaan, mid isu beddelaysa sharciyada ee aan ahayn dhismaha, oo taajkii lagu beddelay cumaamadda, waxana ciidankii imbaraadooriga ahaa lagu beddelay ciidan rasmi ah oo u dhigma: Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah. Waxa luuqaddii qawmiga ahayd lagu beddelay luuqadda Kacaanka Islaamiga ah, balse dawladdii dhexe weli meesha ka ma bixin oo waa sideedii.
Dabadeedna waxa la soo gaadhay gugii 1989 oo uu dhintay Khumeyni, dadkuna waxa ay u maleeyeen in dawladdu ay geli doonto madhnaan taariikhi ah, in kasta oo Golaha Khubarrada Hoggaamintu uu doortay Khaamina'i, oo uu dibna u soo celiyay isu dheellitirkii, haddana ma uu ahayn Khaamina'i mid burji leh sidii midkii ka horreeyay, balse wuxuu soo geliyay nidaamka marxaladdii maamulka haayadaha. Wuxuu ballaadhiyay kaalintii Guddiga Maslaxadda Nidaamka, waxa kordhay Ilaaladii, waxana isla falgalay biruqraaddiyaddii Kacaanka ahayd iyo middii soojireenka ahayd.
Sooyaalkaas taariikheed waxa uu daaha ka feydayaa sababta maqnaanshaha Hoggaamiyeha Sare ay u tahay dhacdo aan ku filnayn in ay dawladda Iiraan ay dunto, maxaa yeelay Iiraan, dawladdu ma aha shakhsi balse waa koox shabakad ah oo daacadna isu ah, waa agab maamul iyo aydiyoolaji haayadeed, iyo sawir ku sugan majaalka firfircoon ee ku teedsan Khaliijka ilaa Qawqaas. Xataa kolka ay luuqaddu isla bedbeddeshay laga soo bilaabo imbaraadooriyada Beershiyaanka, qowmiyada Bahlawiga ah ilaa laga soo gaadhayo fiqiga siyaasadeed, yoolku wuxuu ahaa mid qudha: ilaalinta dawladda dhexe iyo xakamaynta darafyada. Waxa uu Henry Corbin qabaa in aanay Iiraan ahayn keliya dawlad uun balse ay tahay baar astaameed ku teedsan taariikhda oo ay siyaasaddu la falgalayso mala'awaalka diineed oo ah isla falgal u fasiraya in maamulku beddelo afka uu ku hadlayo e aanu marnaba waayin dhismihiisa haykal ee asaaska ah.
Marka aan u fiirsano maanta weyddiinta ah Iiraan bilaa Hoggaamiye Sare ahi waxa aan qabaa in ay ahayd wakhtigii ay awoodda qaybin lahayd ee dumitaan ay ka dheer tahay. Waxa ayna nukhbadu gelaysaa wadahadallo xidhan oo ay asalraacayaashu u dhaqdhaqaaqayaan si ay u dhawraan qaabdhismeedka, baragmaatiyiintuna ay u fidinayaan shabaagtooda, isbeddeldoonkuna ay isku dayayaan in ay ilaashadaan fursadda. Balse dawladda laftigeeda, agabkeeda maamul, amni iyo taariikheedi waa mid aan meesha ka baxayn.
Dawladihii isku biirbiiray saddex kun oo sano ka hor oo tajribo sooyaaleed oo dheer lihi suuragal ma aha in ay hal mar dhulka gasho, iskaba daa e way nuugaysaa jugaha gaadhaya ee dadku isla dhex marayaan, iyada oo dib u soo celinaysa luuqaddeeda oo sii wadaysana hayaankeeda. Iiraan oo taajka ku beddeshay cumaamadda, khidaabkii qawmiyadana ku beddeshay khidaabka kacaanka, ka ma maarmin dhismaheedii dhexda ahaa oo waxayba dib ugu soo celisay dhismaheedaa sharciyad ka duwan tii hore. Qofka Iiraan ku kooba hal shakhsi wuxuun buu buugga ka akhriyay bogga u danbeeya oo wuu mooggan yahay buugga idil ahaantii. Iiraan wax kale ku soo ururin maayo e Waa tabtii uu Ferdowsi inoogu sawiray Shahnameeh: geed weeye qaadiim ah oo ay dabayshu marba dhinac kaga dhabanayso balse ay dhidibbadu u malaasan yihiin.
Qormadan waxa laga soo turjumay halkan.