Skip to main content

Sunday 8 March 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Faaqidaad

Iiraan iyo Israa’iil: Dagaal Kale?

20 August, 2025
Image
Iiraan iyo Israa’iil:  Dagaal Kale?
Share

Inta aan la gaadhin bisha Diisember, waxa ay u badan tahay in Israa’iil ay mar kale duullaan ku qaadi doonto Iiraan — Waxa kale oo suuragal ah in dabayaaqada bishan siddeedaadba uu dhaco weerarkaasi. Iiraan waa ay ka warqabtaa gulufkaas ku soo foolka leh, waxana ay ku jirtaa diyaargaraw. Maaddaama oo ay filaysay in dagaalku uu muddo dheer socon doono, Iiraan hab taxaddar leh ayaa ay u maamushay gantaalladeeda oo si weyn ayaa ay u xakamaysay. Si kastaba, markan waxa ay u badan tahay in bilawga horeba ay geysan doonto duqaymo aad u kulul, si ay dunida ugu caddayso in Israa’iil aanay gobolka oo dhan muquunin karin. Dhab ahaan, gulufkani aad ayaa uu uga waxyeello badan doonaa midkii hore. Haddii uu Donald Trump u hoggaansamo cadaadiska Israa’iil, waxa hubaal ah in Maraykanku uu dagaal buuxa la geli doono Iiraan. Haddii ay taasi dhacdana, dhab ahaan, waxa uu dagaalkii Ciraaq noqon doonaa salleelo.

Ujeeddada weerarkii Israa’iil ee bishii Juun kuma koobnayn oo qudha mashruuca nukliyeerka Iiraan. Waxa ay se u socotay in ay dib u qaabayso miisaanka awoodaha Bariga Dhexe. Haa, mashruuca nukliyeerku waxa uu ahaa muhiim, bal se yoolku waa uu ka durugsanaa. Tiraba saddex ujeeddo oo ka baxsan wiiqidda mashruuca nukliyeerka ayaa ay Israa’iil u socotay in ay xaqiijiso:  in ay Maraykanka ku qanciso in uu dagaal toos ah la galo Iiraan, in ay xilka ka tuurto hoggaanka Iiraan, iyo in ay Iiraan ka dhigto dal sida Suuriya iyo Lubnaan oo kale ah oo ay xilligii ay doontaba duqeyn karto, iyada oo aanu kaalmaynayn Maraykanku. Ha se ahaato e, saddexdii ujeeddo mid ayuun baa la xaqiijiyay. Intaas waxa dheer, in Trump aanu si kama dambeys ah uga takhalusin nukliyeerkii Iiraan, wiiqitaan xal noqon karana aanu u geysan.

Haddii aynu si kale u dhigno, guul aad u xaddidan ayaa ay Israa’iil ka soo hoysay weerarradii Juun, In kasta oo ay Irsaa’iil doorbidaysay in Trump uu si toos ah dagaalka ula galo, isaga oo weeraraya ciidamada iyo kaabayaasha dhaqaale ee Iiraan, taas oo aan dhicin.

Colaadaha jaadkan ah kuma degdego Trump, waxaanu inta badan ka doorbidaa in uu duqaymo xooggan oo degdeg ah fuliyo. Sidaas awgeed, xarumaha nukliyeerka oo qudha in uu duqeeyo waxa uu uga gol lahaa in uu dagaalka xakameeyo.  Muddada gaaban kolkii la eego, waxa la odhan karaa xeeladdii Trump waa ay guulaysatay, in kasta oo ay Israa’iil ka niyadjabtay, laakiin mustaqbalka dheer marka la qiimeeyo, waxa muuqata in Israa’iil ay xiisado horleh faraha u galisay.  Marka laga tago duqeymo kooban, in uu Maraykanku ka gaabsaday dagaalkani waxa ay ahayd qodobkii ugu weynaa ee Israa’iil ku kallifay in ay aqbasho xabbad-joojinta.

Muddadii ay colaaddu socotay, Israa’iil waxa ay la kulantay khasaare baaxad leh: Waxa taagdarreeyay nidaamkeedii difaaca cirka, Iiraanna waxa ay, marba marka ka dambeysa, horumar ka samaynaysay in ay gantaalladeeda weydaariso. Sidaas oo ay tahay, haddana, Israa’iil waa ay sii wadi lahayd dagaalka, haddii uu Maraykanku si toos ah ugu soo biiri lahaa.

Ha se yeesho e, xisaabtu waxa ay isbeddeshay kolkii ay caddaatay in duqeymaha Trump ay ku eeg yihiin halkaas raac oo qudha. Israa’iil waxa ay ku guulaysatay in ay Trump colaadda soo dhex geliso,  bal se waxa ay awoodi wayday in ay ku sii hayso.

Kolka arrintaas laga yimaaddo, labadii ujeeddo ee soo hadhay, si cad ayaa ay Israa’iil ugu fashilantay in ay xaqiijiso, inkasta oo ay bilawgii hore guulo xagga sirdoonka ah xaqiijisay, sida in ay dishay 30 taliye iyo 19 ka mid ah saynisyahanadii nukliyeerka ah, haddana, khalkhalkii maamulka Iiraan soo gaadhay ma noqon sidii ay filaysay. Muddo 18 saacadood gudahood ah ayaa ay Iiraan  ku beddeshay saraakiishii la dilay, dabadeedna ay weerar culus oo gantaallo ah ku fulisay, iyada oo muujisay sida ay khasaare baaxad leh uga dabbaalan karto, isla markaana ay weli awood buuxda ugu leedahay in ay rogaal celin xooggan samayn karto.

Israa’iil waxa ay filaysay in duqaymeheedu ay ka anfariirin doonaan hoggaanka Iiraan, taasina ay soo dedejin doonto dhicitaanka taliska Iraan. Sida ay soo warisay Jariiradda Washington Post, qaar ka mid ah sirdoonka Israa’iil oo aqoon dheer u leh afka Faarisiga ayaa saraakiil sare oo reer Iiraan ah telefoonadooda wacay, waxana ay ugu hanjabeen in ay iyaga iyo qoysaskoodaba nafta dhaafin doonaan, haddii aanay soo duubin muuqaallo ay taliska ku cambaaraynayaan, iyaga oo si shaacsan ah u caddaynaya in ay taliska dhabarka u jeediyeen. In ka badan labaatan wicitaan oo dhanka teleefanka ah ayaa ay saacadihii dagaalka ugu horreeyayba sameeyeen, xilli uu hoggaanka sare ee Iiraan wajahayay jihowareer baaxad leh iyo khasaare horleh. Sidaas oo ay tahay, xukuumadda Iiraan waxa ay sii adkaysatay isku-duubnideeda, illaa haddeerna lama soo sheegin hal janaraal oo u hoggaansamay hanjabaadahaas.

Dilkii saraakiisha ugu sarreysa Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan, si ka duwan filashadii ay Israa’iil qabtay, kama ay dhalan mudaharaaddo waaweyn iyo kacdoon maamulka ka dhan ahi.

Middaas beddelkeeda, dabaylo waddaniyadeed ayaa dalka oo dhan isqabsaday. In kasta oo aanay xukuumadda wada ayidsanayn, haddana dhammaan qaybihii kala duwanaa ee siyaasaddu kuma ay san kala baydhin garab-istaagga dalkooda.  Sidaas awgeed, duullaankii ay Israa’iil ku qaadday Dahraan, xilli ay socdeen wada-hadalladii Barnaamijka Nukliyeerka, iyo xasuuqa ay Marinka Qasa muddada labada sanno ah ka waddaaba, waxa ay sababeen in ay taageero ka waydo bulshada badan ee mucaaridka ku ah maamulka Khaaminayi; marka laga tago shakhsiyaad faro-kutiris ah oo, intooda badan, ku dhaqan dalka dibaddiisa.

In ay bulshada iyo nidaamka iska hor keentaa ha joogtee, Israa’iil dhiig cusub ayaabay ku shubtay aragtidii maamulka Kacaanka Iiraan. Haddii awal hore uu shacabku dhaliili jiray lacagta badan ee uu maamulku ku bixiyo barnaamija nukliyerka, farsamaynta gantaalaha iyo kooxaha xulafada la ah Iiraan ee gobolka, dad badani, hadda waa ay qawadsan yihiinba arrintaas waxana ay qabaan in intaa in ka badan lagu kharashgareeyo.“Waxa aan ka mid ahaan jiray dadka ka qaybqaata mudaaharaaddada lagaga soo hor jeedo lacagaha loo diro Lubnaan iyo Falastiin,  hadda se, waxa aan garwaaqsaday in aannu hal khatar wada wajahayno. Markaa, haddii aannu difaac adag gobolka oo dhan ku dhex samaysan wayno, dagaalku guryahayaga ayaa uu noogu dhex imanayaa” farshaxamiste ku dhaqan magaalada Dahraan ayaa sidaas u sheegay Barafasoor Narges Bajoghli oo ka tirsan jaamacadda Hopkins.

Lama garan karo muddada uu isbeddelkaas bulsheed sii jiri doono, hadda se waxa cad in duullaankii Israa’iil uu jirridda u sii adkeeyay taageeradii loo hayay taliska Iiraan, isla markaana uu soo gaabiyay masaafadii u dhexaysay shacabka iyo xukuumadda.

Sidoo kale, Israa’iil waxa ay wejigabax kala kulantay qorsheheedii ahaa in ay Iiraan ka dhigto Suuriya oo kale, hawadeedana ay si madaxbannaan iskaga dhex mushaaxdo, iyada oon u baahan taakulaynta Maraykanka. In kasta oo dagaalkii dhawaa ay Israa’iil, inta badan, gacanta ku haysay hawada Iiraan, haddana gantaalaha Iiraan ee rogaalceliska ahi waxa ay u geysanayeen khasaare baaxad leh iyo dhiigbax joogto ah.

Israa’iil ma ay sii wadi karteen dagaalkan, haddii aanu Maraykanku taageero mug leh la garab joogin.

Laba iyo toban cisho gudahood Israa’iil waxa ay isticmaashay 25% ka mid ah kaydkii gantaalaha ee nidaamka difaac ee ugu casrisan Maraykanka (THAAD). Isla arrintaas ayaa kor u qaadaysaa suurtagalnimada in Israa’iil ay mar kale weerari doonto Iiraan. Wasiirka Difaaca iyo taliyaha guud ee milatariga Israa’iil, Katz iyo Eyal Zamir, labadooduba waa ay ishaareen arrintaas. Zamir waxa uu tilmaamay in dagaalkii Juun uu ahaa keliya wejigii koowaad. Waxa uu intaas raaciyay Israa’iil in ay “hadda geli doonto weji cusub” oo dagaalka ka mid ah.

Iiraan ha tarmiso macdanteeda Yuraaniyamta ama yaanay tarmin e, Israa’iil waxa ka go’an in aanay Iiraan siinin waqti ay ku soo kabto kaydkeeda gantaalaha, ku hagaajiso difaaceeda cirka ama ay ku rakibato nidaam difaac oo cusub. Arrintani waa caqliyadda udub-dhexaadka u ah istiraatiijiyadda Israa’iil ee loogu yeedho “Quseynta Cawska”, taas oo u dhigan sidan: Xilli horeba cadawga u weerar si isdaba-joog, si aanu u yeelan cudud caqabad ku noqon karta awoodda gacan-sarreynta Israa’iil ee gobolka.

Maaddaama oo ay Iiraan hadda ku fooggan tahay dib-u-dhiska milatarigeeda, sida ay istiraatijiyaddu tilmaamayso, Israa’iil waa in ay si dhakhso ah, u weerartaa. Intaas waxa dheer, culayska siyaasadeed ee duullaankani u baahan yahay oo cakirmi kara, haddii ay soo dhawaato doorashada waqtiga dhexe ee dalka Maraykanku. Sidaas awgeed, waxa lamahuraan ah in, bilahan soo socda gudahooda, uu ku dhaco weerarka labaad ee ay Israa’iil maaggan tahay.

Iiraan, dhab ahaantii, waa ay ka warhaysaa qorshahaas, waxana ay ku jirtaa u diyaargarawgiisii, si ay u caddayso dhalanteednimada istiraatijiyadda Israa’iil ee “Quseynta Cawayska”.  Sidaa darteed, waxa ay u badan tahay in Iiraan, bilawga dagaalkaba, ay fulin doonto duqeymo xooggan oo degdeg ah. Wasiirka Arrimaha Dibedda Iiraan waxa uu barta X ku soo daabacay; “Tallaabo xooggan iyo jawaab cad ayaanu ka bixin doonnaa, haddii mar kale gardarro la nagu sameeyo.”

Inkasta oo uu soo afmeermay dagaalkii Juun, iyada oo aan lagu kala calafqaadin, haddana natiijada dagaalka dambe waxa go’aamin doonta cidda wax badan ka baratay qaladaadkeedii hore, isla jeerkaasna si dhakhso ah u hawlgasha: Israa’iil ma ku beddeli kartaa gantaalaheeda difaaca xawaare ka badan midka ay Iiraan ku qaadanayso hagaajinta rideyaasheeda iyo soo buuxinta kaydkeeda gantaalaha? Mossad weli saameyn xooggan ma ku dhex leedahay Iiraan? Mise kaadhadhkii muhiimka ahaaba waxa la wada adeegsaday gulufkii hore ee la rabay in taliska Iiraan lagu beddelo?  Casharrada ay ka baratay Iiraan sida loo jabiyo difaacyada Israa’iil ee cirku ma ka badan yihiin kuwa ay Israa’iil ka baratay gufaynta goldaloolooyinka nidaamkeeda difaaca? Labada dhinac midkoodna su’aalahan si kalsooni leh hadda uga ma jawaabi karo.

Mar haddii jawaabo adag oo aad ku bixisaa aanay kuu dammaanadqaadi karin in Israa’iil ay qorsheheeda ka laabanayso, Iiraan waxa la gudboon in ay dib u eegto mawqifkeeda nukliyeerka, maadadama kooxihii isbahaysiga iskacaabbinta iyo  madmadawgii ku gadaannaa barnaamijkeeda nukliyeerkuba ay sidii laga filayay noqon waayeen.

Si kastaba ha ahaato e, wax kasta waxa kala caddayn doona go’aanka uu Trump ka qaato dagaalkaas soo socda. Waxa uu u muuqdaa, hadda in aanu doonayn in uu faraha la galo colaad dabo dheeraata. Sidoo kale, siyaasad ahaan si aad ah ayaa uu dhaqdhaqaaqiisu ugu kala qeybsamay duqaymihii uu dhawaan u geystay Iiraan. Dhanka kale, dagaalkii 12-ka cisho waxa uu banka soo dhigay, milatari ahaan, sida uu u hooseeyo kaydka gantaalaha difaaca ee Maraykanku. Xaddigii gantaalaha difaaca cirka ee gobolkan u yaallay Washignton ayaa si aad ah hoos ugu dhacay intii ay Trump iyo Biden joogeen Aqalka Cad, sababta oo ah midkoodna gobolkan kuma tiriyo meelaha ahmiyadda xaasaasiga ah u leh dalka Maraykanka.

Trump waxa uu si toos ah ugu soo dhacay dabinka Israa’iil  kolkii uu oggolaaday in ay weerarto Iiraan,  meel uu uga bixi karaana hadda ma muuqato, gaar ahaan haddii uu ku sii adkaysto in Iiraan ay gabi ahaanba faraha ka qaaddo tarminta macdanteeda Yuraaniyamta. Isku soo wada duub oo xeeladdii uu dagaalkii hore kaga baxay ee ahayd ‘qawda maqashii waxna ha u qaban’ ma shaqayn doonto haddii ay colaad labaad ka dhex qaraxdo labadan dal. Trump waxa uu ku qasbanaan doonaa in uu si toos ah uga dhinac dagaallamo Israa’iil ama gebi ahaanba waa uu uu ka fadhiisan doonaa colaaddaas. Laakiin, in uu go’aanka dambe qaataa waxa ay u baahan tahay in uu si joogto ah dhegaha uga furaysto cadaadisyada Israa’iil oo dhan, diidmo hal mar ahina ma shaqeyn doonto. Waxa se muuqata in Trump aanu lahayn adkaysigii iyo awooddii uu go’aankaasi u baahnaa.

  • Qormadan waxa laga soo turjumay halkan