Skip to main content

Wednesday 17 December 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Aragti

Iimaanka la Idinka Qaad, Waa Mucaaridkii!

6 November, 2025
Image
Iimaanka la Idinka Qaad, Waa Mucaaridkii!
Share

Aragtida Sigmond Foroyd ee halmaanka (Freudian slip) waa mid soojiidasho leh. Halmaanku, sida uu ku macneeyay Foroyd, waa xaqiiqada dareenka gudeed iyo waxa uu dhab ahaan ku saabsan yahay ujeedka erayada ee qofku, arrintaas oo burinaysa odhaahdii Soomaalida ee ahayd ‘halmaan hadal kuma jiro’. Malehayga se isma diidayaan oo waxa la odhan karaa halmaanku waa tilmaamaha dareen xaqiiqo oo gudaha ka jira, kuma se jiro hadalkii ay ahayd in lagu tiraabo ama uu ku talagalsanaa qofku. Si taas ka duwan, la se ujeeddo ah, wacyiga guud ee bulsho ee ku aaddan mawduuc ama laan kaste oo nolosha ah waxa si dhab ah u metali kara sheekooyinka sida dan la’aanta ah ay bulshadu isugu warranto ama ay xubnaheedu ugu tiraabaan, iyaga oo ku kalsoon, markii aanay ‘is-hagaajineyn’ aragti ahaan iyo asluub ahaanba. Sidaa awgeed, waxyaabaha aan u fiirfiirsado waxa ka mid ah sheekooyinka bulsho ee aanay istaxallujinta iyo is-hagaajintu ku jirin, midka mid ah sheekooyinkaas oo aan mar kaste dib u xusuustaana waa tan uu qoraalkeennani ku saabsan yahay.

Aroor ka mid ah arooraha, muddo hadda dhawr sannadood laga joogo, ayaa aan soo fadhiistay maqaaxi kuwa laga cunteeyo ee shacbiga ah – waa kuwa jaban ee aan lahayn kala seerranaanta dabaqadeed iyo borotokoollada guud. Miiska yar ee, muuqaal ahaan, laga barakada badan yahay, waxa dhanka kale ka soo fadhiyay nin oday ah oo da’da lixdaneeyada aan ku qiyaasay, kaas oo si aan dan ka lahayn hareerihiisa isugu cunayay harakoo iyo laxoox. Maya e, dhab ahaan waxa uu dhegeysanayay idaacadda Raadhiyo Hargeysa, sida aan gadaal ka fahmi doono. Dad badan oo kale ayaa nagu hareeraysan oo qof kasteba ugu sheekeynayo mid kale sheeko aan ujeeddo lahayn meelna u soconnin. Si kale, qof kasteba wax ayaa uu faalleynayaa ka dibna waa uu isaga baxaa, faalladiisana, mararka qaar, waxa ka jawaaba mid aanu hadalkiisu ku socon oo, isna, isaga baxa sheekada, isaga oo aan cidna ku wareejin. Ninkan igu beegani waa uu aamusnaa, waxanu u muuqday nin iska mashquulsan. Anigu waxa aan moodayay in gaajo ama dhadhansi ay ku hayaan saxanka harakooga ah oo uu si ugu mamsan yahay.

Idaacadda Raadhiyo Hargeysa, oo ka baxaysay sameecad ka laalaadday meel saqafka ah oo koone ku taalla, waxa ka socday ‘Barnaamijka Baro Dastuurka’ oo ay si talantaalli ay u daadihinayeen labo wariye oo wiil iyo gabadh ah oo aanan magacooda garanayn. Waxa uu barnaamijku maalintaas marayay qodobbada Dastuurka Somaliland ee dhigaya maamuus ka-xayuubinta Madaxweyneha iyo habraaca loo marayo. Runtii, kolba waa aan u dheg taagayay waanan daneynayay, sababta oo ah waxa macne gaar ah ii sameynayay in uu ku saabsanaa waxbarashada madaniga ah (civic education), gaar ahaan waxa dhugasho mudnaa in idaacaddii dawladdu ay barayso bulshada siyaabaha lagu eryi karo Madaxweyneha dalka; farriinta gaadhaysay dadweyneha ee i soo jiidanaysay waxa ay ahayd; madaxweyneha qaranka waa la eryi karaa, isaga oo aan dhammeysan muddo-xileedkiisa, waxana loo marayaa sidaas iyo sideer. Farriintaas oo ay bixinayso warbaahintii dawladdu waa wax wanaagsan oo u wanaagsan dimuqraaddiyadda iyo barashada sharciga. Ninkan odayga ahi waa uu ila dhegeysanayay, sida muuqatay, laakiin gudahayaga waxa aannu ka dhegeysanaynay labo mawjadood oo kala duwan.

Markii uu barnaamijku soo bandhigay meesha ugu xalladda badan oo ah hanaanka maamuus ka-xayuubinta iyo tallaabooyinka xiga maamuus ka-xayuubintaas oo ah in la eryo, ayaa uu mar qudha jawaabay ugana warceliyay sidii oo uu khaati ka joogsatay ‘waxa ay dhurayaan’. Waxa uu yidhi: “Iimaanka la idinka qaad! Waa mucaaridkii. Waxbaa la maamuus xayuubinayaa ayuun baa laga soo daayay, iimaanka la idinka qaad!”. Sheekada dhan ee ka socotay idaacadda waxa uu u haystay ‘mucaaridkii oo Madaxweyneha maagaya’ ama doonaya kursigiisa, isaguna waxa uu taageero u ahaa Madaxweyneha markaas joogay. Si caadi ah, niyad ah oo aanu shaki ka qabin ayaa ugu jawaabay warkaas ‘mucaaridnimo’ ee ka socda ‘idaacaddii dawladda’. Hadal kuma aan darsan, sababta oo ah aad ayaa aan u qoslay cod la’aan, waxana uu igu dhaliyay weyddiimo aanan weli jawaabo waafi ah u helin; sidee ayaa uu u dhaafay halqabsiga tabiyeyaasha barnaamijka ee ‘Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland’ iyo tirada qodobbada ee ay mar kaste xusayeen kolkii wax sheegayaanba? Ma ka fikiray in meesha barnaamijku ka socdaa tahay idaacaddii ay maamulaysay xukuumaddu? Keliya, waxa fikirkiisa jiheeyay in mawduuca laga hadlayaa uu si taban u taabanayo Madaxweyneha, arrintaasna waxa uu uga bartay mucaaridka.

Sheekada ka socotay idaacadda oo dhan oo ujeedkeedu ahaa in uu shacabku barto dastuurkooda, shuruucda dalka iyo dawladnimadu uma ay dhaadhacsanayn ninkaa odayga oo tusaale u ah in badan oo bulshadeenna ah. Waxa kaga saameyn badnaaday oo fikirkiisa jiheeyay ololeyaasha iyo haloosiga siyaasadeed oo ay, in badan, uga barteen in aanay xaqiiqada iyo runtu muhiim u ahayn markii ay la hadlayaan dadweyneha, taas oo uga sii dartay wacyigii bulsho ee aan horeba aadka uga dhisnayn dhanka arrimaha dawladnimada iyo aqoonta madaniga ah. Haddii uu qofkaas xukuumadda taageersani sidaas u arkay mucaaridka, heer uu rumeysan waayay in idaacaddii xukuumaddu tabinayso sheeko ku saabsan ‘madaxweyne la eryo’, qofka kale ee mucaaridka taageersanna sidaas ayaa uu, marar badan, u arkaa warka dhanka xukuumadda ka yimaad waana arrin ka dhalatay in siyaasiyiintu aanay aalaaba isu dhigin in ay noqdaan ‘looga-qaateen’ iyaga oo doorbida in ‘la maqlo’ oo weliba ay maqasho cid u sii diyaarsanayd oo keliya ah dhinaca taageersan.

Dhaqankaas u hirgalay in badan oo siyaasiyiinta ahi waxa uu leeyahay khatar kale; waa in koox kaste oo siyaasadeed ay la hadasho dhinac horeba u taageersanaa oo aan qancin uga baahnayn, danna aanay ka galin dhinaca ka soo horjeeda ee uga baahnaa ‘qancinta’. Arrintaasi waxa ay lumisaa is-dhexgalkii aragtiyeed ee qaybaha bulshada waxana ay abuurtaa bulsho qaybsan oo aan is dhegeysan, sidaasna ku kala go’da taas oo fududeyn karta iskudhaca iyo in siyaasaddu u xuubsiibato dhanka cunfiga. Dhab ahaan, siyaasiyiintu, mucaarid iyo xukuumiba, waxa ay kaalin weyn ka qaadan karaan waxbarashada madaniga ah iyo wacyiga ku dhisan sharciga iyo dawladnimada, haddii ay u dhaqmaan qaab xilkas ah, looga-qaateen ah (credible) oo aan mar kaste xaqiiqada u loogeyn ‘doonista’ – waxa ay arrintani u baahan tahay, marka horeba, in qofka siyaasiga noqonayaa uu yahay qof dhisan aqoon ahaan iyo fikir ahaan oo dadka u sheegi kara wax ay dhegeysan karaan, iyaga oo aan odhan ‘iimaanka la idinka qaad! Waa kuwii’. Sheekada odaygani waxa ay muujinaysaa in horeba uu dhaawac u gaadhay qodobkaas ‘looga-qaateennimada’ heer, xitaa, hadallada mawduuciga ahi yihiin kuwo ay in badan oo bulshada ka mid ahi ku eegaan indho ‘ka aamin-bax’ oo aan, xitaa, u diyaarsanayn in ay fahmaan waxii aanay, siyaasad ahaan, la dhacsanayn. Wacyiga sidaas ah in lagu soo celiyo dhabbihii bedqabku waxa uu u baahan yahay in si weyn loo maalgashado ‘siyaasadda xilkaska ah’ lagana hormariyo siyaasadda ‘danleyda’ gaaban iyo siyaasiga ka ganacsanaya badeecadda xun ee marinhabaabinta, beenta, hurguriga muuqda iyo aragti-xumada ku qotonta daneysiga ama waxbarasho-xumada.

Qoraallada kale ee qoraaga