Sannadihii 1990-2010, waxaa aad looga hadli jirey mawduuc loo yaqaan ‘maalgelinta yar ama ammaahda yar’ (=Microfinance /التمويل الصغير أو القروض الصغيرة), oo loo arki jirey in ay tahay aalad wax weyn ka tari karta ladagaallanka saboolnimada baahsan ee dad badan baabi’isay. Maalgelinta yar ee saboolka la siiyana waxaa ku caanbaxay, oo abaalmarinta Noobalka ku qaatay Maxamed Yuunis oo ah ninka dalka Bangaladeesh ka hirgaliyey bangiga caanka ah ee Grameen Bank, oo ah bangi lacago aad u yar ammaahiya dadka saboolka ah, siiba beeraleeyda yar-yar ee tuulooyinka ku dhaqan.
Qof ahaan, sannadahaas kor ku xusan, arrimaha aan aadka u danayn jirey waxaa ugu muhiimsanaa mowduuca horumarinta iyo siyaabaha lagu ciribtiri karo saboolnimada, waxaana ka mid ahaa dadka xiiseeya mowduuca maalgelinta yar, dhawr jeerna wax baan ka qoray. Tusaale ahaan, sannadkii 2007, Xarunta Cilmibaaridda Dhaqaalaha Islaamka ee Jaamacadda Boqor Cabdicasiis ee magaalada Jidda oo hadda loo bixiyey Mac’hadka Dhaqaalaha Islaamka (=مركز أبحاث الإقتصاد الإسلامي بجامعة الملك عبد العزيز) waxaan ka jeediyey muxaadaro cinwaankeedu ahaa “Suugaanta Maalgelinta Yar: Bandhig iyo Falanqayn /أدبيات التمويل الصغير: عرض ونقد”, muxaadaradaas oo goor danbe lagu faafiyey buug xaruntaasi ay sannadkiiba mar soo saari jirtey oo lagu magacaabi jirey “Wadahalka Arbacada /حوار الأربعاء” (=Kulamadaas waxaa la qaban jirey maalin Arbaco ah, sidaas awgeed baana magaca loogu bixiyey).
Waayihii aan ku foogganaa danaynta mowduuca ‘maalgelinta yar’, mar kasta oo aan la kulmo qof u dhashay dalka Bangaladeesh oo aan is-iraahdo waa xog-ogaal, waxaan wax ka weydiin jirey Bangiga Garaamiin dhib iyo dheef waxa uu bulshada dalkaas ku soo kordhiyey?
Goor walbana, dadka reer Bangaladeesh ee aan qodobkaan wax ka weydiiyey si toos ah waxay ugu qaybsami jireen labo kooxood oo bixiya laba jawaabood oo aad u kala fog. Dadka aan wadaaddada ahayni bangigaas waxay u arkayeen inuu yahay halabuurnimo cusub oo haddii la sii horumariyo, meelaha uu dhaliisha ka leeyahayna laga toosiyo, uu wax weyn ka tari karo la dagaallanka saboolnimada, uuna noqon karo tusaale fiican oo dunidu wax ka baran karto.
Si taa ka duwan, ragga wadaaddada ah marka aan ku soo hadal qaado warka bangigaas, durba waxay iga hor keeni jireen ‘Acuudu Billaahi’ iyo inay shaydaanka naaraan, bangigaas iyo ninka aasaasayna ay ku tilmaamaan in ay yihiin belaayo ummadda lagu halaagayo; waxayna ku doodi jireen in bangigaasi uu dadka saboolka ah xaaran ku harqiyey, oo uu ribo xaaraan ah ka dherjiyey, halisna loogu jiro in carada iyo ciqaabta Alle ay dalkaas ku soo degdegto.
Aniga oo aad ula yaabban kaaf iyo kaladheerida labada kooxood, ayaan maalin xafiiskiisa magaalada Jidda waxaan ku booqday Barafisoor Maxamed Nejatullaahi Siddiqi (1931-2022), oo ahaa dhaqaaleyahan u dhashay dalka Hindiya, isla markaana kaalin mug leh ka qaatay faafinta fikradda loogu yeero ‘dhaqaalaha Islaamka’. Dhab ahaantiina, dadka qaarkood ay ku sifeeyaan in uu yahay ‘Aabbaha Cilmiga Dhaqaalaha Islaamka,’ walow waayihii danbe ee noloshiisa uu quus ka joogay waxa loogu yeera dhaqaalaha islaamka, gaar ahaan waxa loo bixiyey ‘bangiyada islaamka ah’.
Barafisoor Maxamed N. Siddiqi waxaan u sheegay arrinka amakaagga igu ridey ee ku saabsan sida Bangaladeeshidu ugu kala aragti duwan yihiin shaqada Bangiga Garaamiin. Isaguna wuxuu iigu warceliyey: Arrinkaasi marka dhan laga eego waa wax lala yaabo, hayeeshee marka indho wadaad lagu eego irkag iyo amakaag midna yeelan maayo. Waayo caadi ahaan wadaaddadu kama fekeraan baahida iyo xaaladaha dadku ay ifka ku sugan yihiin, laakiin waxay isku mashquuliyaan ummuuraha aakhiro.
Siddiiqi intaas waxa uu ku daray in uu yiri: Waddamada Hindiyo iyo Bangaladeesh haddii aad booqato xaafadaha isku raranka ah ee saboolku ay ku noolyihiin, waxaad ku arkaysaa wadaad dad wacdinaya oo dumar ku canaanaya in ay cibaadada ku xun yihiin, oo ay salaadda iyo soonka layacaan. Dumarka saboolka ah ee salaadda iyo soonka lagu canaanayo waxaa isu biirsaday gaajo, dhaxan, cudur, cabsi, daal iyo dacas, iyo darxumo oo idil. Waxayna u badan tahay in dumarkaas kuwa ugu rooni ay haystaan hal maro oo keliya, taasoo korkooda ku dhammaata iyaga oo aan maalin qura iska beddelin, xitaa kolka caadada iyo dhiigga dhalmada ay qabaan.
Jawaabta Barafisoor Siddiiqi waxaan xasuustay shalay mar aan arkay falcelinta wadaaddada qaarkood ay ka bixiyeen erayga odayga Soomaaliyeed uu ka sheegay munaasabadda ka dhacday dalka Jarmalka ee lagu soo bandhigayey buugga Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
Dhibaatada haysata wadaaddada muslimiinta badankooda - gaar ahaan kuwa Soomaalida- waa in aysan gaarin heer ay diinta la akhriyaan aqoonta casriga ah iyo waaqica lagu noolyahay, balse fahankooda diintu uu weli yahay midkii qarniyadii dhexe ee barakaysiga oo keliya ku koobnaa. Wadaaddada muslimiintu weli waxay isku taxalujiyaan in ay Alle u gargaaraan iyaga oo iska indhatiriya in cidda gargaarka uga baahani aysan Alle ahayn, ee ay tahay masaakiinta dayacan ee caddaaladda iyo gargaarka u baahan. Diimuhu uma aysan imaan in ay Alle u adeegaan, ee waxay u yimaadeen in ay aadamiga u adeegaan.
Diintu waa seef laba afle ah, oo dhan waxay door weyn ka qaadan kartaa kicinta iyo xoraynta dadka, la dagaallanka dulmiga, kelitalisnimada, iyo gumeysiga. Laakiin dhanka kale waxay door ka ciyaari kartaa aasaasidda iyo qiil u helidda dulmiga, addoonsiga, gumeysiga, kelitalisnimada iyo wax walba oo xun. Kaarla Maarkis oo xaqiiqadaas si fiican ugu kuurgalayna waa kii qalinka ku duugay: “Xakaarka diintu qayb ahaan waxay ka tarjumaysaa kadeedka ka jira waaqica lagu noolyahay, dhanka kalena waa gadood lagu diidayo kadeedka nolosha ka jira. Diintu waa taaha noolaha caddiban, waa qalbiga duni aan qalbi lahayn, iyo ruuxda xaaladaha aan ruuxda lahayn. Waa daroogada (=maandooriyaha) dadweynaha.”
Culumada diimaha baaraa waxay ku doodaan in aysan jirin diin meel cidlo ah ka abuuranta ama meel maran ku dhammaata. Hadalkaas oo macnihiisu yahay in diimuhu ay isdhalaan oo midiba mid kale oo cusub ay u gogolxaarto. Caadi ahaanna, diimuhu waxay curtaan iyaga oo ah kacdoon wata ruux isbeddeldoon, laakiin marka ay muddo jiraan waxaa shiiqda ruuxdaas tawriga ah, waxaana ku xoogaysta muxaafidnimada iyo isbeddel nacaybka. Tusaale ahaan, Muuse, Buuda, Ciise, Maxamed iyo ragga kale ee diimaha loogu abtiriyaa waxay ahaayeen rag soo baxay xilli dadku -ama ugu yaraan qayb ka mid ahi- ay dulmi iyo gaboodfal tirsanayeen, waxayna isku hawleen in ay abuuraan bulsho ka wanaagsan midda ay ka soo dhex baxeen.
Friedrich Engels oo qodobkaan ka warramayna maqaal uu qoray dabshidkii 1894, oo cinwaankiisu yahay ‘Wax Ku Biirinta Taariikhda Masiixiyaddii Hore /Contribution of the History of Early Christianity”, wuxuu isbarbardhig ku sameeyey curashadii diinta Kirishtaanka iyo dhaqdhaqaaqa casriga ah ee shaqaalaha muruqmaalka ah, wuxuuna ku dooday in labada dhaqdhaqaaqba ay ka dhasheen halgan wadareed danyarta la’dulmay iyo kuwa la’addoonsaday ay isaga caabbinayeen dabaqadda ladan ee dhiigmiiratada ah. Angels oo arrinkaan ka hadlayaana wuxuu yiri: “Taariikhda Kirishtaankii hore waxay muujinaysaa arrin cajiib ah oo ay ka siman yihiin dhaqdhaqaaqyada shaqaalaha ee casrigaan dunida ka jira. Diinta Kirishtaanku bilowgeedii hore waxay u ekayd dhaqdhaqaaqa shaqaalaha iyada oo ahayd dhaqdhaqaaq ay sameeyeen dadkii la dulmiyey ee addoonsiga iyo silcinta ay Roomanku kula kaceen.”
Sida la sheego, Engels si joogto ah wuxuu u soo xigan jirey oraah uu leeyahay taariikhyahankii Faransiiska ahaa ee Ernest Renan oo la hubo inuu aqoon durugsan u lahaa diinta Kirishtaanka. Oraahda uu soo xigan jirey waa midda Renan uu ku yiri: “Markaad rabto in aad fikrad cad ka qaadato waxa ay ahaayeen bulshooyinkii ugu horreeyey ee Kirishtaanka ahaa, ha barbardhigin dadka casrigaan xaadirka ah kaniisadaha jooga; waxayse aad ugu ekaayeen qaybaha maxalliga ah ee Ururka Caalamiga Ah Ee Shaqaalaha (=the International Working Men’s Association)”.
Masiixiyiintii hore waxay isugu jireen addoon, beeraleey yar-yar, iyo sabool xor ah asii aan xuquuq lahayn. Waxaana jirta oraah caan ah oo tiraahda “Kirishtaankii hore waxay ahaayeen hantiwadaag.” Diinta Kirishtaanku waxay martay marxalado taariikheed kala duwan: waxay bilaabatay iyada oo ah diinta addoonta iyo dulmanayaasha, marxaladdii xigteyna waxay noqotay diinta rasmiga ah ee boqortooyadii Roomanka, ugu danbayntii waxay u xuubsiibatay in ay noqotay diinta dhulgoostayaasha iyo dabaqadda burjuwaasiga ah. Diinta Kirishtaankana arrinkaan waxaa kala mid ah diimaha badankooda marka lagu daro diinta islaamka. Saxaabada ay ka midka yihiin Abuu Dar al-Qafaari, Salmaan al-Faarisi, Cammaar bin Yaasir, iyo Maqdaad bin Camar iyo kuwo kaleba waxay ahaayeen isbeddeldoon towriyiin ah.
Farqiga ugu weyn ee u dhaxeeya dadkii diimaha bilaabay iyo taageerayaasha hantiwadaaggu waa in ragga diimaha bilaabay ay jannada samada ka jirinayeen, halka taageerayaasha fikirka hantiwadaaggu ay raadiyaan janno ifka laga hirgeliyo.
Waa hubaal in danaha hodonka iyo kuwa danyartu ay is-hardinayaan, su’aasha isweydiinta u baahanna waxay tahay: Labada qolo kee bay tahay in aan la jirsanno, diintuna u hiilliso?
Sannadihii lixdamaadka iyo toddobaatanaadka qarnigii 20-aad ee laga soo gudbay, waddamada Laatiin Ameerika waxaa ka curatay fikrad lagu magacaabo ‘Caqiidada Xorraynta ama Laahuutka Xoraynta’ (=Liberation Theology /لاهوت التحرير). Fikraddaan iyo halgankii ka dhashay oo ahaa iskuday dib loogu hagaajinayo diinta Kirishtaanka, waxaa hormuud ka ahaa wadaaddo haystay mad’habta Katooliga ee diinta Kirishtaanka oo ay ka mid ahaayeen Gustavo Gutierrez, Oscar Romero, Leonardo Boff, Ernesto Cardenal Martinez, Juan Luis Segundo, Camilo Torres, Enrique Dussel, Jon Sobrino, iyo Dom Helder Camara oo lagu naynaasi jirey ‘Shiikha Saboolka /Bishop of the Poor,’ lagana hayo weedha caanka ah ee oranaysa “Markaan saboolka quudiyo waxay igu tilmaamaan in aan weli ahay, laakiin marka aan weydiiyo sababta keentay in saboolku ay baahdaan, waxay igu sheegaan shuuci.” Sidoo kale waxaa laga hayaa inuu yiri: “Dibadbaxyada saboolku waa codka Eebbe.”
Sannadkii 1968, magaalada Medellin ee dalka Kolombiya waxaa ku kulmay wadaaddo ka tirsan kaniisadda Katooliga ee Koonfurta Ameerika si ay isaga waraystaan xilka wadaaddada ka saaran dadka gaajada, cudurrada iyo duudsiga la liita ee qaaraddooda ku nool, waxayna isla qaateen go’aan muhiim ah oo dhigaya in wadaaddada iyo xarumaha cibaadadu ay joojiyaan in ay dhexdhexaad ka noqdaan daalimka iyo dulmanaha, oo ay garab istaagaan ummadaha dulman. In aad Ilaah taqaan macnaheedu waxa weeye in aad caddaalad samayso, dhibbanahana u gargaarto. Denbiga ugu culus ee Alle iyo uunkiisa laga galaa waa dulmiga iyo in hantida bulshada si xun loogu qaybiyo. Si caddaalad iyo sinnaan loo gaarana waa in iimaanka diiniga ah towrad -ama kacdoon- loo beddelo.
Haddii aan eegno dunida Islaamkana, waxaan ogaanaynaa in sannadihii toddobaatanaadka iyo siddeetanaadka ay ka bilaamatay wax loo bixiyey ‘Islaamka Bidixda /اليسار الإسلامي’, oo xanbaarsanaa aragti u eg midda ‘caqiidada xoraynta’ ee ah in la helo sinnaan iyo caddaalad bulsho. Hase ahaatee, islaamka bidixdu wax saamayn ah oo xusid mudan dunida islaamka kuma uu yeelan. Taa beddelkeeda, dunida islaamka waxaa si weyn ugu xoogaystay dhaqdhaqaaqyo diineed oo xagjir ah, kuwaas oo daneeya gaaridda xafiisyada dowladaha looga taliyo, asii aan danayn in bulshada kheyraadka si caddaalad ah loogu qaybiyo.
Caqiidada xoraynta ama laahuutka xorayntu caadi ahaan waxa uu ka kooban yahay fahanka caqiidada diinta oo lagu daray aragtiyaha fekerka Maarkisiga ama hantiwadaagga. Sababta oo ah dunida maanta waxaa xukuma nidaamka hantigoosiga oo bahaloobay. Iimaanka diinta iyo fikirka maarkisiguna haddii ay iskaashadaan waxay abuuri karaan awood la isaga difaaco nidaamka hantigoosiga dugaagga noqday ee dunida oo dhan sida ba’an u halakeeyey.
Sababta fikirka maarkisiga loogu baahdayna waa in isagu uu yahay midka naga caawinaya in aan si fiican u fahanno dugaagnimada nidaamka hantigoosiga. Intaa waxaa weheliya in caqiidada xorayntu ay Maarkis ku waafaqday in waxa loo baahan yahay uusan ahayn in dunida la fahmo oo keliya, laakiinse waxa mudnaanta koowaad lihi uu yahay in adduunyada la beddelo (=Khasab ma aha in qofku uu maarkisi noqdo; waxaase muhiim ah in uu yaqaan adeegsanna karo aaladaha fekerka Maarkisigu uu ummuuraha ku falanqeeyo).
Aragtida caqiidada xorayntu waxay qabtaa in dib-u-eegid lagu sameeyo gebi ahaanba caqiidada ama iimaanka diiniga ah iyada oo laga duulayo mowqifka ay tahay in laga istaago ‘dulmanaha iyo dulmilowga.’ Waa in buugta diimaha muqaddaska u ah lagu akhriyo indho tawri ah oo saboolka iyo dulmanayaasha u hiillinaya, saboolnimadana aan loo arag xaalad dabiici ah iyo fashil qofeed, balse loo aqoonsado in ay tahay shar iyo fashil ku dhacay wadar ahaan akhlaaqda bulshada. Waa in Alle iyo diintu ay la saftaan saboolka iyo guud ahaan dulmanaha. Diintu waa in ay noqotaa aalad dhan walba ka xoraysa qofka iyo bulshada (=dhanka ruuxda, dhaqaalaha, dhaqanka, siyaasadda, …, iwm). Diintu waa in ay ka dirirtaa in danyartu dulliga iyo dulmiga qaayibaan.
Taageerayaasha caqiidada xorayntu waxay rumaysan yihiin in tafsiirka la siiyo buugta diimaha muqaddaska u ahi uusan ahayn mid meel cidlo ah ka abuurma, ee uu ku xiran yahay, oo ay qaabayso xaaladda dhaqan-dhaqaale ee ruuxa wax fasirayaa uu ku sugan yahay. Waayo akhris iyo fasiraad kasta waxaa xukuma aragtida iyo xaaladda uu qofku markaas ku sugan yahay. Tusaale ahaan fahanka iyo tafsiirka ruuxa ladani waa ka duwan yahay kan ruuxa saboolka ah, kan ruuxa caddina waa ka duwan yahay kan ruuxa midabka leh, kan labkuna waa ka geddisan yahay kan dheddigga, sidoo kalena akhriska aqlabiyadda badani waa ka geddisan yahay kan dadka laga tiro badan yahay. Sidaa darteed, ma jiro tafsiir dhexdhexaad ahi, oo tafsiir kastaa dhan buu u janjeeraa. Tafsiirka reer Yurub ay Baybalka siiyeen ma ah mid u adeegaya danaha Afrika iyo Aasiya, si taa la mid ahna tafsiirka carabtu ay nusuusta islaamka ka bixiyaan ma aha kuwo ku habboon dadka madow ee muddada dheer ay carabtu addoonsan jireen -welina qaar badani u arkaan in ay addoon yihiin. Waana in mar walba maanka lagu hayo in buugta diimaha muqaddaska u ahi ay la curteen duruufo taariikheed oo gaar ah, tacliimaadka iyo axkaamta ay sidaanna ay ka tarjumayaan waaqicii bulsho ee sebankaas lagu sugnaa, siiba kii ka jirey deegaannadii ay ka soo baxeen diimahaani.
Wadaaddadaan xooggoodu waxay qabaan in mas’alooyinka la xiriira ilxaadka iyo wax iska weydiinta macnaha noloshu ay yihiin kuwo u yaal dabaqadaha ladan ee kanshada iyo nafsaddaba u heli kara in ay ku mashquulaan wax iska weydiiyaanta ummuurahaas. Hayeeshee, ma aha kuwo khuseeya saboolka dhibban ee nolosha la harjadaya. Saboolka iyo dhammaan dulmanayaasha silica iyo saxariirta ku nool Eebbe iyo aakhiro waxay u yihiin miciin aysan sina uga maarmi karin.
Wadaaddadaani waxay ku qanceen in halista weyn ee caqabadda ku ah diintu aysan ahayn ilxaadka ama allekoodnimada, balse ay tahay sanamyada la caabudo. Denbigii ugu horreeyey ee reer Banii Israa’iil ay galeen wuxuu ahaa sanam ay caabudeen, maantana meel walba magaca Alle iyo diintiisa ayaa sanamyo lagu caabudaa. Halkaan, sanamka laga hadlayaa ma aha dibi dahab ka samaysan, laakiin waxa laga hadlayaa waa fikradaha khaldan ee Alle laga bixiyo oo aan sanam waxba ka duwanayn. Waxa laga hadlayaa waa ku danaysiga diinta iyo in magaca Alle sida gafanaha loogu naaxo ama cid kale loogu naaxiyo. Sanamka laga hadlayaa waa in diinta loo adeegsado u hiillinta dulmiga iyo gadaafada, halkii ay diintu ka noqon lahayd mid difaacda runta, caddaaladda iyo inta laga itaal roon yahay.
Wadaaddada caqiiadada xorayntu waxay isku taxalujiyeen in caqiidadii diiniga ahayd ee Alle iyo ummuuraha maqan ku mashquulsanayd (=dabeecadda Alle, awooddiisa, aakhiro, xisaabta, jannada, cadaabta, iwm) ay dhan kale u weeciyaan, oo ay ka dhigaan mid xoogga saarta la dagaallanka dulmiga iyo saboolnimada. Halka Alle iyo maqanayaashu ay ka yihiin sheyga caqiidada taqliidiga ahi ay ahmiyadda ugu ballaaran siiso, waa in aadamigu uu noqdo udub-dhexaadka ama xuddunta ay caqiidada iyo guud ahaan diintu ku dul wareegayaan (=anthropocentrism).
Haddii si kale loo dhigo, ujeeddada caqiidada xorayntu waa in diinta la aadamiyeeyo, oo laga dhigo mid u darban danaha bani’aadamka, gaar ahaan dabaqadaha tabarta yar, oo sare loo qaado duruufahooda dhaqan-dhaqaale. Waa in wadaaddada iyo hey’adaha diintu halkii ay uga habsaami lahaayeen lacnadidda sheydaan aan eed lahayn, ay awoodda isugu geeyaan la dagaallanka dulmiga iyo tuugta kimista kala baxa afka saboolka gaajaysan. Maxaa yeelay, diifta iyo dulmigu waxay horseedaan diin iyo dhaqan xumo oo dhan. Cali bin Abii Daalibna run buu sheegay markii uu yiri: “Haddii saboolnimadu qof ahaan lahayd waan dili lahaa /لو كان الفقر رجلا لقتلته”.
Sidee baa ruux baahan oo gaajo iyo xanuun la ildarani uu u fahmi karaa in Eebbe uu yahay caadil naxariis badan? Sida runta ah, aqoonyahannada diimaha baara badankoodu waxay rumaysan yihiin in mas’alada jiritaanka sharku (=theodicy) ay tahay sababta ugu mudan ee dad badan ku bixisa in ay diidaan jiritaanka Alle. Sidee baa la isu waafajin karaa hoogga iyo halaagga dunida ka taagan iyo inuu jiro Ilaah awood badan, oo wax walba og, oo haddana wanaag iyo naxariis badan? Haddii uu jiro Ilaah leh sifooyinka caynkaas ahi muxuu wax uga qaban waayey mushkiladda sharka? Sidee baa Ilaah aqoon iyo awood lihi uu u oggolaan karaa in ilmo yar oo sebi ah uu la silco kansar ku dhacay?! (=Akhrisow sharka waxaa loo qaybiyaa labo nooc oo kan koowaad uu yahay sharka akhlaaqda sida beenta, musuqa, xatooyada, iyo dilka, kan labaadna uu yahay sharka dabiiciga ah sida cudurrada, dhulgariirka, duufaanaha iyo wixii la halmaala).
Dadka qaba caqiidada xorayntu oraahda buugga Baybalka ku soo oroortay ee tiraahda: “Aadanuhu kimis keliya kuma noolaado,” ayay waxay gadaal ka raaciyeen oraah dhammaystiraysa oo oranaysa: “Laakiinse aadamigu kimis la’aan ma noolaan karo.” Waxayna kala duwaan waxa loogu yeero ‘Adeeg Bulsho /Social Service’ iyo waxa iyagu ay ugu yeeraan ‘Ficil Bulsho /Social Action’. Adeeg bulsho waa in dadka baahan la siiyo kaalmo muddo kooban xoogaa yar ka khafiifisa qayb ka mid ah hoogga hasta. Sida in tabarucaad laga aruuriyey maalqabeenka la siiyo saboolka, ama raashin iyo calallo loogu gado.
Halka ficilka bulshadu uu ka yahay in si dhab ah wax looga qabto xaaladda ay saboolku ku sugan yihiin, oo la gaarsiiyo marxalad ay xorriyad helaan, ayna isku kalsoonaadaan, iskuna tashtaan, dibna u hantaan dadnimadoodii luntay. Ficilka bulshadu waa in la xalliyo sababaha aasaaska u ah dhibaatooyinka bulshada. In saboolka iyo dadka baahan kalluun (=lacag) la siiyaa waa adeeg bulsho, halka in jilib ama maqaalin la siiyaa (=xirfad la baro) ay ka noqonayso ficil bulsho oo qofka u suurtagelinaya in uu ku noolaado nolol sharaf iyo madaxbannaani leh.
Caqiidadii xoraynta ee Laatiin Ameerika ka curatay, halkaas kuma aysan ekaan ee waxay ku faaftay meelo badan oo dunida ka mid ah. Waxay gaartay Waqooyiga Maraykanka, halkaas oo madowgii xuquuqdooda u halgamayey ay ka bilaabeen waxa wadaadkii James H. Cone uu u bixiyey “Caqiidada Madow Ee Xoraynta / A Black Theology of Liberation, 1970.” Dabadeedna waxay u sii gudubtay qaaradaha Aasiya iyo Afrika oo dadka adeegsaday ay ka mid yihiin gobannimodoonkii Koonfur Afrika. Intaas ka gadaalna waxaa abuurmay noocyo kala geddisan oo caqiido xorayn ah oo ay ka mid yihiin ‘Caqiidada Xoraynta Haweenka’, ‘Caqiidada Xorraynta Dadka Laga Tiro Badan Yahay,’ iyo qaar kale.
Waxaana xusid mudan, in Faatikaanka iyo hey’adaha sirdoonka ee reer Galbeedku ay aad ula dirireen taageerayaasha aragtida caqiidada xoraynta. Tusaale ahaan, Faatikaanku tiro badan oo wadaaddadaan ka mid ah ayuu kaniisadda ka eryey, isaga oo ku eedeeyey in ay khilaafeen buugga Baybalka iyo dhaqanka kaniisadda. Sidaas oo ay tahay, misana fikraddu dhulal badan bay ku baahday.
Marka caqiido ama laahuut laga hadlayo macnaheedu waxa weeye in qof uu Eebbe ka warramayo, qofka Eebbe ka warramayaana waxa uu ka duulayaa aragti qofeed oo uu markaas maanka ku hayo. Mar walba oo qofka ama bulshada wacyigood uu isbeddelana, waxaa isla beddela sawirka Alle laga bixiyo. Taa awgeed, aqoonyahannada caqiidada baaraa waxay qiraan in Eebbe uu yahay fikrad si joogto ah isu dhalan-rogta, waxayna adeegsadaan eraybixinta ‘Caqiidada Geeddi-socodka (=Process Theology /لاهوت صيرورة). Waa fikrad sheegaysa in Eebbe uusan lahayn dabeecad sugan oo dhammaystiran, laakiinse uu yahay jiraal la falgala oo si joogto ah isula dhalan roga isbeddellada ku dhaca koonka iyo aadamiga. Fikradda aadamigu ay Alle ka haystaan waxay si joogto ah ula koraysay hadba koritaanka ay sameeyaan wacyiga iyo waayo-aragnimada dadku, waxayna u badan tahay in sawirka aad Alle ka haysataa uu aad uga geddisan yahay midkii awowgaa iyo ayeydaa ay ka haysteen, ama xataa midkii adiga laftaadu aad kal hore ka haystay.
Aqoonyahannada baara diimaha Yahuudiyadda iyo Kirishtaankuna waxay ka hadlaan arrin ku soo arooray buugga Baybalka oo sheegaya in nebi Yacquub uu mar Alle la lagdamay. Lagdanka Alle iyo Yacquub dhexmaray iyo sidoo kale imtixaanka Ayuub qabsaday siyaabaha loo macneeyo waxaa ka mid ah in sawirka Yahuuddu ay Alle ka haystaan uu isbeddel ku dhacay marxalado kala geddisan. Fikradda Yahuuddu ay Alle ka haysteen sebankii ka horreeyey markii nebi Yacquub uu Eebbe la lagdamay, Ayuubna Alle iyo sheydaan la dooday waa ka duwan tahay midda ay ka qaateen sebankii Yacquub iyo Ayuub, middaasina waa ka duwan tahay tii jirtey xilligii nebi Muuse, taasina waa ka geddisan tahay middii jirtey jeerkii Eebbe uu Maryan shukaansaday, taa qudheeduna waa ka geddisan tahay middii abuurantay waagii Muuse bin Maymuun iyo waqtiyadii ka danbeeyey.
Waxaana habboon in aan la hilmaamin in diimaha Ibraahiimigu -Yahuuddiyadda, Kirishtaanka iyo Islaamku- ay yihiin diimo cusub, oo dhawaan dhalad ah, marka la eego taariikhda bani aadamku uu adduunka ku noolaa ee uu diimaha lahaa. Taariikhda diimaha Ibraahiimigu kama badna 4000 oo sano, halka bani aadamku uu dunida ku noolaa in ka badan boqollaal kun ama xataa malaayiin sano, taariikhdaas badankeedana uu diimo lahaa.
Wadaaddada muslimiintu haddii ay doonayaan in dadku ay diinta ku dhegganaadaan, waa in ay joojiyaan sawirka foosha xun ee ay Eebbe ka bixiyaan. Waa in ilaaha jajuubka iyo muruqsheegadka badan lagu beddelo ilaah qancin iyo turaal leh. Waana in masaajidda iyo wadaaddadu ay isku hawlaan u adeegidda uunka Alle (=dad, duunyo iyo deegaan), maxaa yeelay Eebbe waa ka maarmaa adeegga wadaaddada, hase ahaatee abuurkiisa ayaa u baahan adeeggooda iyo u qareemiddooda.
Anbiyada Alle uma yimaadaan hadaf iyo himilo ah in ay sameeyaan xarumo cibaado ee waxay u yimaadaan in ay bulshada beddelaan, allahoodna baraan. Xarumaha cibaadadu -Kinaasadaha, macaabidda, masaajidda iyo mawlacyadu- waxay ka dhashaan baahida bulshada, jiritaankoodana waxaa u sabab ah baahida loo qabo isu imaatinka bulshada. Alle iyo diintu xarumo cibaado waa ka maarmaan, illowse bulshada ayaan ka maarmin fagaarayaal ay isugu yimaadaan oo ay danahooda ku fushadaan. Xarumaha cibaadadu waxay ka mid yihiin golayaasha ay bulshadu isugu timaaddo, hawsha cibaadada ee ay hayaanna waxaa ka ballaaran shaqada ay bulshada u qaban karaan. Sidaa darteed, shaqada weyn ee u taal xarumaha cibaadadu waa in ay noqotaa u adeegidda bulshada, gaar ahaan dabaqadaha danyarta ah.
Midda kale, doodda cadaabta iyo jannada ee wadaaddada Muslimiintu ay weli sida daran ugu mashquulsan yihiin waa kuwo diimo badan iyo bulshooyin badan ka sii baaba’aya, oo gabaabsi ah. Wadaaddada diimahaas qaarkoodna ma jecla in si toos ah wax looga weydiiyo cadaabta. Waayo waxay og yihiin in dadka badankoodu aysan jeclaysanayn jawaabta uu wadaadku bixinayo, markay ugu roon tahayna ay qaar badan u arkayaan sheeko-xariir ku habboonayd sebankii garaadka dadku uu joogay marxaladda dhallaannimada.
Sida runta ahna, jiritaanka jannada iyo jahannamada maaddiga ah ee aakhiro lagu sheego muddo dheer waxay ahaayeen kuwo laga doodo dhabnimadooda, oo culumo badan baa waxay ku tageen in aysan dhab ahaan u jirin, ee ay yihiin sarbeeb u taagan abaalmarin iyo ciqaab oo keliya. Muddo aan yaraynna culumada diimuhu waxay ka doodaan mas’alada ku saabsan isa-soobixinta ama soonoolaanta geerida ka gadaalaysaa ma mid jir ahaan u dhacaysaa mise waa mid ruuxda iyo nafta oo keliya khusaysa? Culumo aan yarayn waxay ku tageen in waxa soo noolaanayaa ay tahay ruuxa qofka oo qura. Ruuxduna uma baahna janno laga helo cunnooyin kala jaadjaad ah, khamro iyo gabdho xuuralcayn ah, isla markaana kama baqdo cadaab maaddi ah.
Waa dhab in quraanka kariimka iyo axaadiista nebigu (scw) ay si cajiib ah oo aftahannimo ku dhan tahay ay uga hadlaan jannada iyo naarta. Hase ahaatee, culumada qaba in waxa aakhiro geerida kaddib soo noolaanaya ay tahay ruuxda oo keliya, jannada iyo cadaabta diintu ka hadashayna ay yihiin sarbeeb tilmaamaysa ciqaab iyo abaalmarin macnawi ah, waxay daliishadaan isla quraanka kariimka iyo axaadiista nebiga, iyaga oo kala soo baxa markhaatiyo muujinaya in waxa qiimaha lihi aysan ahayn jannada iyo naarta maaddiga ah, ee ay yihiin arrimo macnawi ah oo ka qiimo badan jannada iyo naarta maaddiga ah.
Tusaale ahaan, aayadaha quraanku marka ay jannada tilmaamaan ka dib ayay waxay oranayaan: “Raalli ahaanshaha Eebbaana ka weyn /ورضوان من الله أكبر”. Nebiga oo aakhiro tilmaamayaana waxa uu sheegay in halkaas ay ka jiraan: “Waxaan ili arag, oo dhegi maqal, oo laab aadami aan abid ku soo dhicin /ما لا عين رأت، ولا أذن سمعت، ولا خطر على قلب بشر”. Nusuustaan iyo qaar kalena culumadu waxay ka fahmeen in aakhiro ay ka jiraan waxyaabo ruuxi ah oo hoos u dhigaya qiimaha jannada iyo cadaabta maaddiga ah.
Guud ahaanna, fikradda ilaaha cadaabta iyo ciilqabka waxaa u nugul ummadaha ku dhaqan deegaannada ay ku xooggan yihiin cabsida, faqriga iyo jahligu; ee baqdinta, guulallowga iyo welwelku ay qaybta ka yihiin nolol maalmeedkooda. Dadka xaaladahaas ka xoroobay badankoodu waxay qabaan in naartu ay gudaha ka qufulan tahay, oo qof u qasdiya mooyee aysan cid kale galayn. Weydiin muhiim ah oo na hortaal baana waxay leedahay: Haddii wanaagga loo sameeyo janno iyo abaalmarin la sugayo, xumahana la isaga daayo cadaab laga cabsanayo darteed, wanaagga iyo xorriyadda uu qofku leeyahay maxay yihiin? Akhlaaqda abaalmarinta ku dhisani ma akhlaaq fiican baa mise waa ganacsi wax isdhaafsi ku qotoma? Akhlaaq macnaheedu waa in dhaqan suubban la yeesho iyada oo aan Alle iyo qeyrki midna laga cabsanayn, waxna laga dhawrayn.
Eebbe waa cadowga faqriga iyo dulleysiga. Caqiidada saxda ahna waa in camal weheliyo. Cilmiga caqiidada cusubina ma aha in uu isku hawlo sugidda jiritaanka Alle, balse hawsha weyn ee sugaysaa waa inuu ka shaqeeyo sidii aadamiga looga xorayn lahaa addoonsiga, dulmiga, faqriga, gumeysiga, iyo amarkutaaglaynta; loona gaarsiin lahaa xorriyad, horumar, dimoqoraadiyad, iyo caddaalad bulsho. Dhibka muslimiinta hastaa ma aha mid la xiriira sugidda jiritaanka Eebbe, ee waa dareemidda jiritaankiisa, taa baana ugu wacan in aan aragno dad badan oo aan ka shakisnayn jiritaanka Alle, oo haddana denbiyo waaweyn galaya (=been, dil, dhac, kufsi, eex, musuqmaasuq, xasuuq, iqk).
Eebbe ma laha carrab aan ka ahayn carrabkeenna, Eebbe ma laha gacmo aan ka ahayn gacmaheenna, Eebbe ma laha lugo aan ka ahayn lugaheenna. Haddaba, aan noqonno carrabka, gacmaha iyo lugaha Eebbe ee u adeega abuurkiisa. Waa in la helo wacyi diini ah oo u diyaarsan dhawridda karaamada iyo xuquuqda aadanaha.