Skip to main content

Monday 17 February 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Buug

Iftiiminta Ereybixinta Argagixiso

1 January, 2025
Image
book
Share

Cabdiraxmaan al-Kawaakibi buuggiisa “Dhaqammada Kelitalisnimada” waxa uu ku iftiiminayaa kelitalisnimada siyaasadeed, isaga oo ku ladhay tilmaamo aad u liita. kelitaliyaha waxa uu gaadhsiinayaa heer marka uu kursigiisa uu dhaxlay ku fadhiisto, madaxiisana taajka la saaro uu isu arko in uu dadnimada ka baxay oo uu ilaah la caabudo gaadhay. 

Si la mid ah sidaas uu al-Kawaakibi u iftiimiyey tilmaamaha kelitalisnimada siyaasadeed, labada qoraa ee Isbaanishka ah, Luis De la Calle iyo Ignacio Sanchez-Cuenca waxa ay buuggooda cusub ee “Dhaqammada Argagaixisada” ku abla’ablaynayaan qeexidda ereybixinta argagixiso, dhaqammada lagu garto iyo dib u milicsiga sooyaalka argagixisada. Buuggani waxa uu kusoo beegmay xilli jahawareer badani ka taaganyahay ereybixinaha, isku qas badanna ku jiro adeegsigooda.

Labadan qoraa waxa ay lafagurkooda ka bilaabayaan ereybixinta argagixiso, oo ah erey waayahan dambe hub ahaan u adeegsadaan dalalka kala duwan ee danaha kala gedisan ilaashanayaa. Ma jiro qeexitaan caalami ah, duniduna isku raacday oo lagu qeexo argagixiso. Sidaas darteed, labadan qoraa waxa ay marka koowaadba isku dayayaan in ay helaan qeexitaan, sida ay xuseen “dunida iyo xilliga aynnu hadda noolnahay lagu fahmi karo, welibana ah qeexitaan laga fiirsaday, oo aan dhinacna u janjeedhin, kana durugsan danaha iyo aydhiyoolajiyadaha la isku hayo”. 

Buuggu waxa uu dib u milicsanayaa qaar ka mid ah qeexitaannadii caanka baxay ee loo adeegsan jiray argagixisada, sida qeexitaanka maamulka Faransiiska, oo isku dayay in uu argagixisada siiyo qeexitaan sharci ah iyaga oo ku qeexay: “Shaqo hal qof ama koox samayso, oo looga jeedo in nidaamka guud lagu khalkhal geliyo, kala danbayntana meesha laga saaro, iyada oo loo marayo hanjabaad, cabsigelin iyo weerar”. Qeexitaankan ka dib, waxa ay soo qaadanayaan qeexitaanka Maraykanku u dejiyey argagixisada. Waa qeexitaan isbeddelo badan lagu sameeyey xilliyo kala duwan, gaar ahaan muddadii ka dambaysay dhacdooyinkii 11 September. 

Ka dib marka labada qoraa soo bandhigaan qeexitaanno iyo doodo ku saabsan argagixisada oo ujeedkii saxda ahaa laga leexiyey marar badan, waxa ay isku dayayaan in ay muujiyaan tilmaanta udub-dhexaadka u ah falalka argagixisada, oo sida ay aaminsanyihiin ah; falalka sida qarsoon loo fuliyo. Sida ay ku qeexayaan, argagixisadu waa nooc ka mid ah cunfiga siyaasadeed oo la fuliyo marka dadka gaysanayaan ay rabaan in ay goob qabsadaan, oo ay doorbidaan fulinta falal qarsoon oo gacan ka hadal la socdo, cid kastana u gudbi kara oo aan xuduud lahayn. 

Qeexitaankan ka dib, labada qoraa waxa ay kala saarayaan argagixisada iyo xornnimodoonka ama iska caabbinta gumaysi meel ku habsaday. Kala soocid la’aantani waa waxa keliya ee laf dhuun gashay ku ahaa in qeexitaan la isku raacsanyahay loo dejiyo argagixisada. Dalalka gumaysigu waxa ay kooxaha iska caabbinta u arkaan argagixiso, se labada qoraa waxa ay dhaqdhaqaaqyadaas iska caabbinta ku tilmaamayaan kooxo sharci ah oo jadwalka u dejisan ee dagaal aan ka gudbayn, keliyana hawlgalladooda ka fuliya dhulalka ay joogaan, iska caabbinna ku ah gumaysiga ku socda dhulkooda. 

Labada qoraa waxa ay kasoo horjeedaan qeexitaanka iyo fahanka laga bixiyo argagixisada ee dunida maanta caanka ka ah, dalalka gumaysiguna ay rabaan in ay dadka u laqimaan. Waxa ay labadan qoraa isku dayayaan in ay bedka keenaan qeexitaan ujeedkiisu yahay in uu sillan-suganta argagixiso furdaamiyo, weliba xilligan baaba’a iyo burburku halakeeyey dunida.       

    

Maqaalkan waxa laga soo turjumay madasha al-Carab al-Jadiid.