Tuesday 11 November 2025
Qof kasta oo jecel xirfadda qoraalku, waxaa uu ku taamaa in uu daleeyo qoraal toolmoon oo tayo leh ama uu noqdo qoraa wanaagsan oo qalinkiisa la jecel yahay, sidaas oo ay tahay haddana; waxaa la ogsoon yahay in aan qof waliba hibo u lahayn xirfadda qoraalka. Waxa kale oo la ogsoon yahay in xirfadda qoraalku ay tahay mid la baran karo oo la mid ah cunta karinta ama darawalnimada, taas oo u baahan uun joogtayn iyo tayeyn. Xitaa qofka hibo u leh xirfadda qalinku, kama maarmo in uu hibadiisa qoraal ku kaabo joogtayn iyo tayeyn hadii uu la iman waayo na waxa uu u ekaanayaa qof leh hibo maadi ah. Haddaba, in si fiican qoraal loogu soo gudbiyo fekrad ku jirta qofka madaxiisa, oo qalin iyo waraaq ama shaashad kombuutar lagu qoraa, ma aha wax la wada samayn karo oo u fudud sida hadalka loo odhan karo, balse waa shaqo u baahan feker hor leh, horumarin joogto ah iyo go’aan. Sida dabiiciga ah na wax kaste oo aynu nolosha ku foogan nahayba, waxa suurta geliyaa waa hadba inta ay inaga go’an tahay in aynu waxaas guul ka gaadhno xirfadda qoraalkuna waa la mid.
Si kastaba, qofka doonaya in uu wax qoraa (qoraal akaademi ah ayaa aan u jeedaaye), waxa u horreeya ee ay tahay in uu si fiican u qeexaa waa saddex wax oo kala ah: mawduuca uu ka hadlayo, cidda uu ugu talo galay iyo ujeeddada uu wax u qorayo. Saddexdan qodob haddii ay u cadyihiin waxa markaas u fududaata in uu qalinka iyo warqadda is dul qaban karo, oo uu wax qorid bilaabi karo, sidaas kolka ay tahay aynu yara faah faahinno saddexda masalo ee aynu soo sheegnay. Ugu horrayn, mawduuca uu qofku qalinka u qaadanayaa waa in uu yahay mid uu doortay, oo uu si fiican uga fekeray, isla markaana uu fahamsan yahay xiisena u hayo, oo aanu ahayn mid balaadhan, haddii uu balaadhan yahayna waa in uu koobi karaa. Tusaale ahaan haddii uu doorto in uu wax ka qoro ‘madadaallada’, madadaaladu waa mawduuc gude balaadhan maxaa wacay, waxyaabaha lagu madadaashaa waa ay badan yihiin, sidaa darteed waa in qofku uu koobi karaa, oo uu wax gaar ah diirrada saaraa oo metelan uu ka sii dhex doortaa mawduucii balaadhnaa ee madadaallada, ‘riwaayadaha’ oo kale. Qodobkani markaa waxa uu si dadban ugu sheegayaa qofka jecel wax qorista, in aanu hadhow qori doonin wax fiican oo qiimo u sameeya akhristayaasha haddii aanu si fiican uga fekerin mawduuca uu wax ka qorayo.
Qodobka labaad ee aan sheegay waxa uu ahaa, in qofku uu garanayo ujeedka uu wax u qorayo. Qodobkani waxa uu tilmaamayaa, waxa ay tahay niyadda qofku. Tusaale ahaan, qofka ujeeddadiisu ma waxa ay tahay in uu dadka xog cusub oo wacyigooda dhista u sheego? Mise waxa ay tahay in uu dadka ku qanciyo fekradda uu wato? Si kooban waa in ay caddahay u jeeddada wax loo qorayaa.
Qodobka saddexaad ee kale waxa uu ahaa ‘cidda wax loo qorayo’ oo loola jeedo qofka wax qorayaa cidda uu beegsanayo ee uu qalinkiisu ku wajahan yahay; ma koox gaar ah baa mise waa bulsho weynta oo dhan? Qodobkani markaa waxa uu iftiiminayaa, markasta oo uu qofku maskaxda ku hayo cidda uu wax u qorayo, waa kolkasta oo uu si cad usoo gudbin karayo fekraddiisa. Aan ku sii wado, waxa aan sida oo kale soo tibaaxay, in qodobbadaas ka dib ay qofka qoraha ah u fududaato wax qoriddu amaba uu isu diyaarin karo wax qoris toolmoon (effective writing), oo uu markaasi soo qaadan karo qalinka iyo waraaqda sidaas oo ay tahay haddana; dadyow kooban oo maahiriin ah ayaa isku dayga u horreeya ee ay qalinka iyo waraaqda is dulqabtaan, ku qori kara qoraal toolmoon oo macne leh.
Sida runtii ah, qoraalka kasta oo tayo leh, oo inta la baahiyey dadku ay jeclaysteen, waxa uu soo maray tallaabooyin is daba joog ah, oo leh feker, erey doorasho, hagaajin, wax ka beddel, iyo faajignaan. Qoraaga caanka ah ee la yidhaa Joon Roos Makdoonaal ayaa laga hayaa inuu yidhi “ Waxa aan fekrado ka buuxiyaa buugyare, dabadeed lix illaa siddeed bilood ayey igu qaadataa in aan ka dhaliyo qoraal I xiiso geliya” Waxa markaa halkaas kaaga dhuroobaya, in qoraal fiican la curiyaa ay u baahan tahay dulqaad iyo xirfad-yeelasho, iyo in wax qoristu ay tahay hannaan wax lagu daahfeydo oo badanaa soo mara saddex jaranjaro kuwaas oo kala ah: marxalad qashin qorid ah (prewriting), marxalad qorid ah (writing) iyo marxalad dib-u-eegis iyo tifaftir ah (revising and editing). Saddexdan marxaladdood markaas waa biriijka loo maro wax kaste oo la qorayo, oo heersare gaadhsiisan, waxaanan jeclahay in aan yara bullaaliyo.
Sida laga yaabo in ay u badan yihiin dadka qalinleyda ahi, masalo kasta oo qalinka loo qaato ba, waxa ugu adag bilowga. Haddaba, haddii uu qofku ku cusub yahay qalinka iyo haddii uu wax qorista ku laylyan yahayba, in uu marxaladda koowaad ee qashin-qoridda ku bilaabaa, waxa ay u sahlaysaa in uu ugu yaraan ka dhex samayn karo ama ka dhex heli karo fekrad qoraal oo toolmoon. Marmarka qaarkood waxa dhacda in qofku uu ka dhex heli karo qoraalka qashinka ah, fekrad uu ka abuuri karo qoraal nuxur leh, oo ka duwan tii uu markaas cindiga ku hayey, sidaa daraadeed, qashin qoriddu waa marxalad lagu tilmaamo in ay la mid tahay sida loo diiriyo gaadhiga inta aan aroortii la dhaqaajin ama marka jimicsi la samaynayo la isu yara kululeeyo, ka hor inta aan jimicsiga dhabta ah la bilaabin.
Walow oo uu qoraa waliba door bido in uu wax qoriddiisa ku bilaabo hab isaga u ah goonni, haddana waxa jira saddex hab/ farsamo oo badanaa ay sameeyaan dadka wax qoraa, si ay u bilaabaan marxaladda qoraaleed oo qashin-qoridd ah. Habka koowaad waa habka loo yaqaan maskax tuujinta (brainstorming): waa hab degdeg ah oo qiyaastii toban daqiiqo inta aad meel fadhiisato, aad si qodobaysan u qorayso feker kasta oo kugu soo dhaca, oo xidhiidh la leh mawduuca aad damacsan tahay, adiga oo aan ka warwarayn sidii aad hadhow isugu habayn lahayd eed isugu toostoosin lahayd fekradahaas badan ee aad qorayso. Waxaa aad qoraysaa murti, wayddiimo, odhaahyo iyo hadal wal oo ay maskaxdaadu soo qabato, oo aad is leedahay xidhiidh baa uu la leeyahay waxa aad maagantahay. Dabadeed waxa aad sidaa ku diyaarin doontaa ama ku tixi doontaa qoraal qodobaysan, oo aan nidaamsanayn oo qashin ah.
Habka labaad ee qoraal qashin ah lagu bilaabi karaa waa habka loo yaqaan (freewritting) oo aan ku soomaaliyeyn karo Qushi-qorid: habkan waxa uu qoraagu samaynayaa qoraal, uu intii awoodiisa ah, dabada isugu qabanayo fekradaha kusoo dhacaya maskaxdiisa, sida ugu degdegsan ee uu u awoodo inuu qoraalka u samayn karo, isaga oo sidii habkii hore, aan ka walaac qabin qaldaadka qoraal ee uu samaynayo, bale aan uba joojinayninba—fekrad kasta oo ku soo dhacda waa uu qorayaa, xitaa haddii uu mawduuca ka baxo ama fekerkiisu uu iska-hor-iyo-dabo yimaaddo, waa uu wadayaa! Haddii habkan lagu celceliyo marar badan oo dib loo akhriyo qushi-qorkii la sameeyey, waxaa dhacda in laga dhex heli karo fekraddii mawduuca aad doonaysay ama tu kale oo qoraal toolmoon laga curin karo. Habkan iyo kii hore ba waxa loo adeegsan karaa mobile-ka, adiga oo qaybta note-ka ku qoraya wixii feker ah ee (maalin walba) kugu soo dhaca ama ficilka iyo dhacdada lala kulmo ee si uun xidhiidh ula leh mawduuca uu qofku maskaxda ku hayo.
Habka saddexaadna waa isku xidhka fekradaha (clustering, diagramming or mapping): habkan waxa uu qoruhu adeegsanayaa xarriijimo, falaadho, iyo goobooyin, si uu isugu xidhxidho mawduuca iyo kolba fekradaha xidhiidhka la leh ee maskaxdiisa kusoo shubmaya, isaga oo fekradahaas isugu xidhxidhaya hadba sida ay isu qaadanayaan.
Haddaba, isaga oo ka shidal qaadanaya qoraalkaas qabyada ah waxa uu guda galayaa marxaladda labaad ee qoridda toolmoon (effective writing) aynu u bixinay, taas oo ka dhigan in uu qofku soo saaro qoraal hagaagsan oo dadka loo bandhigi karo. Ugu horrayn, waxa uu qofku si taxadar leh uga fekerayaa in uu ku bilaabo jumladda loo yaqaan weedh-mawduuceed, taas oo iba fur u noqonaysa mawduuca uu qofku ka hadlayo. Waa weedh qoraalka oo dhan u ah dallad hadhanaysa (umbrella idea), sidaa daraadeed si uu qofku u bilaabi karo baaragaraafka u horreeya, waa in uu weedh-mawduuceedda si cad ugu sheegaa laba wax oo kala ah: fekradda weyn ee uu ka hadlayo ama mawduuca uu daaranyahay qoraalkiisu. Tusaale ahaan, weedh-mawduuc waxa ay noqon kartaa mid sidan loo qoray: “sanadahan dambe, isbedellada ku yimid bulshada soomaalidu, waxa uu laciifiyey nolosha qoyska” ama “qaaca ka soo baxa makiinadaha tamarta dhaliyaa, waa halista u weyn ee ka jirta nolosha arlada”. Labadan jumladood waxaa ku cad mawduuca laga hadlayo. Waxaa markaas muhiim ah in aanay weedh-mawduuceeddu noqon mid dib u sheegaysa (announcement) mawduucii aad ka hadlaysay iyo sida oo kale mid kooban (specific) iyo mid baahsan (general) midna waayo; haddii ay koobnaato weedh-mawduuceeddu, markaa hadal la sii yidhaahdaaba ma hadhin, haddii ay noqoto mid balaadhanna waxa adkaanaysa in laga qori karo hal xidhmo-qoraal (paragraph), taas oo qofka ku kallifaysa in uu dhawr xidhmo-qoraal ka sameeyo. Sida oo kale, haddii weedha u horraysa ee lagu bilaabayo qoraalka rasmiga ahina ay ahaato mid dib u sheegaysa cinwaankii qoraalka, markaas waxba u sheegi mayso akhristaha. bal aan markaas ku muujiyo saddexdan tilmaamood ee soo xusay tusaalahan hoose:
Weedh-mawduuceed dib u iclaaminaysa cinwaankii qoraalka (announcement)
Iftiiminta qoraalka iyo jaranjarada loo maro qoraalka toolmoon, ayaa ah waxa aan curiskan kaga hadlayo.
jumladdani waxa ay dib u sheegaysaa cinwaankii mawduuca, sida darteed weedh sidaas oo kale ah waa in aan lagu ibo furin.
Weedh-mawduuceed guud/baahsan (general)
Jimicsigu waa madaddaalo fiican.
Dad badan ayaa ay dhibaato ka haysataa gawaadhidooda.
Labadan weedh-mawduuceedna waa kuwo si guud wax u tilmaamaya, oo ay adag tahay in hal tuduc-qoraal laga sameeyaa, waxaanay qofka ku xambaarayaan in uu hadhow siyaabo kala duwan wax uga qori karo, sidaa daraadeed haddii aan curis dheer looga jeedin, ma habboona in sidaa laga dhigaa.
Weedh-mawduuceed kooban (specific)
Gaadhigaygu waa landcruiser cas.
Subax walba waxa aan 30 daqiiqo, ku dabbaashaa xeebta batallaale.
Labadan weedh-mawduuceedba waa kuwo kookooban ama xadidan oo waa ay adag tahay in qoraal laga sii dhiraan dhirin karaa, waayo; nuxur dambe oo wax laga sii qori karaa weedhahaasi kuma jiro.
Marka uu haddaba qofku sidaa u dhiso weedh-mawduuceed ama aan idhaahdee weedh-cinwaaneed uu ku muujiyey fekradda iyo mawduuca uu ka hadlayo, iyo wax uu markaas diirradda ku saarayo, waa in uu dabadeed jumladdaas ku xoojiyaa sadarro taageeraya, kuwaas oo loo yaqaan (supporting sentences). Waxa uu sadarradaas ku adeegsanayaa xaqiiqooyin, asbaabo, tusaaleyaal, iwm. Waa qaybtan meesha ay had iyo jeer akhristayaashu xiiseeyaan kana qiimeeyaan fekradda uu qoruhu wato, ee u soo jiidda in ay ku raacaan dooddiisa ama ku raaci waayaan. Sidaas awgeed, ma habboona in Jumladaha taageeraya doodda ama mawdcuuca qoraagu ay ahaadaan kuwo aan caddayn (vague) ama kuwo soo noqnoqonaya oo aan waxba soo kordhinayn. Si haddaba loo fahmi karo waxa ay yihiin jumladaha qoraalka taageeraa (supporting sentences), waxa aan jeclahay in aan tusaale ahaan ugu iftiimiyo labadan xidhmo-qoraal. kolka aad akhrinayso labada xidhmo-qoraal waxa aad u fiirsataa, midka lagu kabay jumladdo taageeraya jumlad-mawduuceedda loo adeegsaday iyo ka aan loo adeegsan jumlado taageeraya oo ku filan.
Xidhmo-qoraalka koowaad:
“Kharashka lagu dayac tiray gaadhigaygu, waxa uu ahaa mid aad uga qaalisan intii aan filayey. Kolkii aan arkay biilka la igu soo dallacay, waa aan fajacay. Waxa uu ahaa laballaabka intii aan hore ugu qorsheeyey (kharash ahaan). Waraaqda yar ee biilka waxaa ku qornaa in aan bixiyo 220 shilin oo la iigu hagaajiyey bireegga gaadhiga iyo 80 shilin oo kale oo taayiradda la iigu simay. Qiimaha saliidda gaadhiga oo laga beddellay waxa uu ahaa 80 shilin.”
Xidhmo-qoraaleedka labaad:
“Kharashka lagu dayac tiray gaadhigaygu, waxa uu ahaa mid aad uga qaalisan intii aan filayey. Horta Makaanigu shaqo fiican baa uu ii qabtay, ha yeeshee waxa aan filayaa in wax kasteba kharash dheeraad ah la igu soo dallacay. Meeshaba ma aan soo dhigin in biilka la igu soo dallacayaa uu sidaas u sarraynayo. Run ahaantii hadda, waa in aan saaxiibkay lacag kasoo amaahdaa, oo aan kharashka iska bixiyaa, jeerka dambe se, geerash aan kan ahayn baa aan tagi doonaa”
Akhriste waxa aan filayaa in ay kuu kala muuqdaan labada baaragaraaf midka dooddiisa ku xoojiyey jumlado ku filan iyo ka aan ku kabin. Halkan marka la joogo waxa looga sii gudbaa marxalad kale oo ah dib u eegis taas oo ah in la hubiyo isku xidhnaan jumlahadaha iyo hadalka la dareeriyey.
Ugu dambayn qodobka kale ee isla marxaladdan ku xidhiidhsan ama ku lammaani waxa weeye in uu qofku sameeyo tifaftir. Waa qodob kale oo jaangoynaya sida uu akhristuhu u fahmayo, una akhrinayo qoraalka. Sidaa darteed, qofka wax qoray waa in uu shaqadii qoraal ee uu falkiyey, ku soo af meero tifaftir lagu hubinayo dhammays ahaanta qormada. Gabagabadii, jidka dheer iyo shaqada badan ee ay xirfadda qoraalku inooga baahan tahay waa mid caynkaas ah, waxaanan rajeynayaa in curiskani uu iftiimin u noqon doono qof wal oo ku hamiyaya in uu qoro qoraal nuxur leh oo nidaamsan.
Fg: Qoraalkan waxa aan la kaashaday labada buug ee kala ah “From paragraph to essay, iyo “Exploring writing, paragraphs and essays “.