Skip to main content

Wednesday 19 November 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Dhaqan

Ibraahim-Gadhle: Abwaan dhaxal reebay

8 September, 2025
Image
Ibraahim-Gadhle: Abwaan Dhaxal Reebay
Share

Bilowgii sannadkii 2006-dii, waxa magaalada Jabuuti ku geeriyooday shaqsi qiimo balaadhan ugu fadhiyay hal-abuurka fanka iyo suugaanta Soomaalida. Waxaa god aakhiro u galbaday Ibraahim Sheekh Saleebaan oo ku magac dheeraa “Ibraahim-Gadhle”. Waxa uu ahaa hal-abuure safka hore kaga jiray suugaanleyda Soomaaliyeed. Waxa uu ahaa halgamaa adeegsan jiray haybad halabuurnimo. Dhinaca fanka masraxa waxa uu ahaa nin qoray riwaayado badan. Waxa uu ahaa abwaan weyn oo taariikh run ah ka tegay. Noloshiisa qayb weyn oo ka mid ah waxa uu u hibeeyay u halgankii gobanimada Jamhuuriyadda Jabuuti, adkaynta mirihii ka dhashay madaxbannaanidii loo halgamay, ku wacyigelinta bulshada dawga nolosha habboon iyo u hiillinta xaqa iyo la dagaallanka dulmiga guud ahaan dunidan ka dhaca, intaas oo uu siyaabo kala duwan ugu muujin jiray jaadadkii kala duwanaa ee suugaantiisa.

Ibraahim-Gadhle waxa uu muddo dheer ahaa abwaan noloshiisu tahay qayb ka mid ah masraxa Jabuuti. Gadhle oo ah magaca abwaankaasi caanka ku ahaa ayaa dadkii yaqaannay xusuusiya suugaan tayo, qeexnaan iyo quruxba huwan. Intaa oo dhan waxa ka muhiimsanaa ee sida weyn loogu xusuusan doonaa waxa weeye qaybtii libaax ee ku lahaa masraxii gobonnimadoonka ee dalka Jabuuti. Dadka laga yaabo in aanay wax ka aqoon IBraahim-Gadhle waxa suurto gal ah in ay dhegaysteen heeso uu sameeyay mu’allifkaasi ama ay daawadeen riwaayado uu curiyay. Haddii aanu jirin dedaalkii ballaadhnaa ee aan kala go’a lahayn iyo waxtarkii uu Ibraahim-Gadhle geliyay Masraxa Soomaalida guud ahaan, gaar ahaana kan Jabuuti, fanku ma gaadheen halkii uu gaadhay waqtiyadii uu ugu wacnaa masraxa Jabuuti.

Ibraahim-Gadhle waxa uu noloshiisa intii badnayn ku qaatay Jabuuti, isaga oo qayb weyn ku lahaa dhisiddaa fanka iyo masraxa Jabuuti

Ibraahim Sheekh Saleebaan (Gadhle), isaga oo da’yar ayaa uu bilaabay fanka oo uu ka dhex muuqday halabuurkii fanka Jabuuti. Sannadihii lixdannadii iyo toddobaatannadii waxa uu curiyay maansooyin taxane ah oo gumeysi-diid ah, waxa uuna allifay riwaayado baraarujin iyo guubaabo u badnaa. Ibraahim-Gadhle waxa la qiyaasay in sannadkii 1944kii uu ku dhashay dhulka hawdka ah ee ka sarreeya miyiga magaalada Burco. Jabuuti ayaa uu yimid isaga oo da’diisu, sida la qiyaasayo, ahayd inta u dhaxaysa siddeed ilaa toban jir. Markaaba hibada maanso tirinta sansaanyaheeda ayaa ka muuqday. Berigii uu yaraa waxa lagu naanaysi jirey “Dhoolaatan” oo ka dhigan nin sheeko iyo kaftan badan.

Sida uu ku sheegay waraysi lagu la yeeshay barnaamijka Tixmaal ee taleefishanka Jabbuuti ka baxa, gabaygii ugu horreeyay oo uu tiriyay ee uu xusuusto waxa uu ahaa gabayga tuducyadiisa ay ka mid yihiin:

Rag baa higil leh, Eebbaa hodan ah, hibo Rasuul baa leh,

Cirkoo hooray geed la hadhsadiyo, hirasho doog baa leh,

God baa ku hela geedaa hardi leh, madow habeen baa leh,

Col baa hugun leh, caydh baa hingilan, gocasho ciil baa leh,

Hagar li’ horaad laga dhargiyo, hooyo gacalaa leh.

Ibraahim-Gadhle, kolkii uu magaalo soo galay waxa uu la saanqaaday noloshii iyo dareenkii magaalada ka jiray. Wakhtigaa dhulka Soomaalidu degto waxaa ka oognaa dhaqdhaqaaqyo gobanimadoon ah oo lagaga soo horjeeday quwadihii dhulalkaas gumeysiga ku haystay. Suugaantii waayahaa jirtayna waxa ay u badnayd mid ku jihaysan ama ku taxan dareenkaa guud ee shacabku qabay ee gobonnimo-raadinta iyo gumeysi la dirirka ah. Kolkaa ayaa uu Ibraahim-Gadhle tiriyay maansadiisii ama hees uu sameeyo tii ugu horreysay oo macno weyn leh, waxayna ahayd maanso waddani ah oo cabbiraysa foolxumadii ay ku noolaayeen dadkii lagu addoonsanayay dhulkooda. Heesta waxa wadajir ugu luuqeeya fannaaniinta Siciid Cabdi iyo Aamina Axmed, tuducyadeedana waxaa ka mid ah:

Annagoo dad noolaa, dabaq layna saaree

Sida duunyadiiba, la innoo dilaayoo

Alla hayna daayee, samahaa dambaynne.

Waayahaa ayaa uu ku biiray kooxihii fanka ee riwaayadaha samayn jiray, isaga oo hibo weyn u lahaa fanka masraxa xag curin iyo xag jilliinba. Kooxo yaryar oo ay lahaayeen ururradii iyo naadiyadii berigaa jiray ayaa uu la jilay riwaayado ama maadeysyo. Kooxahaa naadiyada ka sokow abwaanku waxa uu la soo shaqeeyay kooxo waaweyn oo caan ka noqday Jabuuti sida kooxdii Caarrey. Waxa se hawsha ugu badan uu ka soo qabtay kooxda Gacan-macaan oo ka mid ah kooxaha ugu caansan masraxa Jabuuti isaga oo ka mid ahaa abwaannadii asaasay kooxdaasi.

Dabayaaqadii lixdannaadkii ayaa ay ahayd markii u horreysay ee uu riwaayad jilo, waxa uuna wax ka matalay riwaayad la yidhaahdo "Alla Aammin Ma Iisho" oo uu sameeyay abwaan la odhan jirey Cali Cigaal. Isla waayahaa, waqti ku beegan 1969-kii, waxa masraxa Jabbuuti ku soo biirtay riwaayaddii la magacbaxday "Ma Dhab Baa Jacayl Waa Loo Dhintaa?" oo dadka qaarkii ugu yeedhaan "Cilmi Boodhari." Riwaayaddan ayaa ahayd middii ugu horreysay ee uu Ibraahim-Gadhle curiyo. Waxa ay ka mid noqotay riwaayadaha badaha jacaylka ka cabbay waxanu abwaanku kaga hadlayay noloshii iyo qisadii jacayl ee gabayaagii Soomaaliyeed ee Cilmi Ismaaciil Liibaan (Cilmi Boodhari) oo la rumaysan yahay in uu jacaylka aawadii u god galay.

Horraantii toddobaatannada, abwaanku waxa uu sii xoojiyay curinta riwaayadaha waxanu daaha ka rogay riwaayado waddani ah oo waagaa la jaan-qaadayay dareenka dadka ee xorriyaddoonka ahaa.

Kuwii uu waagaa curiyeyna waxaa ka mid ahaa "Nolol Geeridu Dhaanto" oo ahayd riwaayad waddani ah. Muuqaallo abuuraya dareen murugo, cadaadiskii iyo xanuunkii gumeysigu ku hayay shacabkii uu dhulkooda ku addoonsanayay. Riwaayadaha Ibraahim-Gadhle, kuwooda caanka noqday ee soo baxay badhtamihii toddobaatannada, waxa ka mid ahaa riwaayaddii "Geeddigii Kowaad" oo ahayd riwaayad gobannimadoon ah oo uu abwaanku sameeyay milay ku beegnaa 1975-kii.

Sannadkii 1976k-kii, maansooyinkii caanbaxay ee riwaayaddaa "Geeddiga Koowaad" ku jiray waxa ka mid ahaa gabay ay aqoonyahannada suugaanta falanqeeyaa qaarkood ku tilmaamaan 'Dhawaaq Gobannimo" oo ay beydadka soo socdaa ka mid yihiin:

Ifka ruuxa joogaa kol un buu, ku istareexaaye,

Kol un bay anfaaciga macaan, iligga saaraane,

Ikhtiyaar kol un bay helaan, uumiyaha kale eh,

Aasiyaba waxay leeyihiin, aarmi iyo xooge,

Annagana Orobbaa sidii, awrta noo raran e,

Waagii iftiimaba kun baa, nalaga aasaaye,

Bal qabsoo ugaadhiyo sidii, adhiga weeyaane.

Isla riwaayadda Geeddigii Koowaad waxa ku jiray heesta caanka ah ee midhaheeda ay ka mid yihiin, "Gabban mayno, indha gibidhsan mayno" oo ay wada jirka ugu luuqeeyaan labada fannaan; Nimco Jaamac Migil iyo Nadiifo Xaaji Axmed.

Ibraahim-Gadhle waxa uu caan ku ahaa suugaanta gobonnimada ee heerka Afrika, isaga oo marar badan u hadli jiray danaha iyo duruufta Afrikaanka

Sidaan hore u soo xusnayba curinta ka sokow, Ibraahim-Gadhle fanka jilliinka ayaa uu kaalin weyn kaga jiray. Waxa uu ka qaybqaatay riwaayado badan oo isugu jiray kuwo uu isagu curiyay iyo kuwo curiyeyaal kale lahaayeen. Riwaayadaha halabuurrada kale allifeen ee uu qayb weyn jillinkooda ku lahaa waxa ka mid ah: "Han Waynaa Ma Huryaa? "Run ay Beeni Rifayso" iyo "Saddex Baa Isu Faantay", oo uu saddexdaba sameeyay abwaan Xasan Cilmi. Masraxii siddeetannada ee dalka Jabbuuti, Ibraahim-Gadhle kaalin wanaagsan ayaa uu kaga jiray. Waxa uuna ka mid ahaa horseedka curiyeyaasha riwaayadaha iyo jilayaashaba. Waxa si weyn loo xusuustaa kaalintii uu kaga jiray riwaayaddii Jabbuuti caanka ka noqotay ee "Qaahira" oo uu curiyay Allah ha u naxariisto e abwaan Aadan Diiriye (Dacar). Riwaayaddaa magaceeda rasmiga ahi waxa uu ahaa "Geeri Guur u Horseed ah", balse dadweynaha ayaa u caleemo saaray magaca ay ku shaacbaxday ee Qaahira. Waxa ay soo baxday 1982-kii, dulucdeeduna waxa ay ku qotontay mashaakilka qoyska ee bulshada dhexdeeda ku sii badanaya. Ibraahim-Gadhle, riwaayaddaa door jilliin oo weyn ayaa uu ku lahaa waxa uuna jilaayay kaalinta islaanta "Calawla." Ibraahim-Gadhle riwaayadihiisa kuwii ugu dambeeyay waxa ka mid ahaa 'Ragow Aarsi Haween u Adkaysta Markiinna", oo soo baxday sannadkii 1995-kii. Riwaayaddani waxa ay sawir ka bixinaysay isbeddelkii ku yimid xidhiidhkii u dhaxeeyay ragga iyo haweenka ka dib markii Soomaali badani u hayaantay waddammada Galbeedka. Waxa, kale, oo uu goor dambe sameeyey riwaayaddii "Jacaylkii Imuu Dayn" oo ay Jabbuuti ka dhigtay kooxda Caarrey.

Heeso badan oo uu curiyey ayaa waxa ku luuqeeya fannaaniin caan baxay oo ka mid ah horseedka heesaaga Soomaalida sida Maxamed Mooge Liibaan, Axmed Mooge Liibaan, Axmed Cali Cigaal, Khadra Daahir, Nimco Jaamac Migil, Xasan Aadan Samatar, Cabdi Nuur Allaale iyo kuwo kale oo badan. Haddaan in yar ka xusno heesaha caanka noqday ee uu Ibraahim-Gadhle curiyay, aan soo qaadanno heesta loo yaqaan "Dadka hayska weyneyn" oo dhankii Soomaaliya uu ku luuqayn jiray Allaha u naxaristo e fannaankii Maxamed Mooge Libaan, heestaasi dhanka Jabuutina waxa wadajir u qaaday Hodan Xaaji Maxamuud iyo Cabdinuur Allaale, marna Hodan Xaaji Maxamuud iyo Ismaaciil Caynaan. Heesta "Maxaa Dayrcad Geel Hallaaboo, Dibjiray uu Cunay Dugaaggu" oo, iyana, fannaaniin kala duwani ku luuqeeyaan (labadan heesoodba waxa ay ku jireen riwaayaddii la baxday "Adduunyada Mashaakilladeeda"). Heesaha kale ee uu abwaankani allifay waxa kale oo ka mid ah "Wax La Waayay Geellow, Ninkii Waalan Baw Duda" oo ay wadajir ugu luuqeeyaan Axmed Cali Cigaal iyo Khadra Daahir.

Maansooyinka faraha badan ee Ibraahim-Gadhle haddaan wax ka xusno waxa ka mid ah midda tidhaahda "Maansooy nin kugu duul" oo uu kaga hadlay siyaabaha ujeeddo-badanta ah ee maansada loo adeegsan karo. Isaga oo taas tilmaamayana waxa uuu yidhi:

Maansooy nin kugu duul,

Ninna maalin kugu dood,

Ninna dhuuni kaa doon,

Ninna derejo kaa dhigay,

Ninna nabarka kugu damaq,

Ninna dakharka kugu dhayey,

Ninna doogta kugu kici,

Ninna ololka kugu demi,

Ninna nabadda kugu didi

Ninna beleda kugu dadab

Ninna dookha caashaga

Kaa dhigay daf loo tumo.

Jaadadka kale ee uu ka maansoodo abwaankani waxa ka mid ah Gabay-Jacburka oo ah hab si maad iyo kaftan-dhable ah loogu muujiyo ama lagaga faalloodo arrimo waaweyn oo muhiim ah loona baahan yahay in lagu baraarugo, balse habka farriintaas loo gaadhsiinayo dhegaha bulshada ayaa ah mid sahlan, xiiso leh, isla markaana qosol iyo maadi ku ladhan tahay. Gabay-jacburka aan tuducyada soo socda ka soo qaadannay ayaa uu abwaanku ku diiwaangeliyay dhacdo taariikhi ah oo ummadda nolosheeda iyo sooyaalka taariikheed ee Jamhuuriyadda Jabbuuti qayb weyn ka galay. Waa arrimihii iyo sidii xaal noqday maalintii uu Madaxweynihii hore ee Faransiisku, Charle De Gaule, booqashadii dhibaatada keentay ku yimid Jabbuuti, 25-kii Agoosto 1966-kii.

Maalintii' Diggool yimid, kolkii dawga lagu yaacay,

Cadho nagu dhabowdiyo kolkii taahii lala luuday,

Faarax-xaad' hortiisaa ninkii joogsadaan ahaye....

Cirka waxannu eegnaba dabeed yimi madaarkiiye,

Illeen waa sugaynee haddii gaadhi lagu keenay,

Markuu ila gudboon yahay ninkii No! yidhaan ahaye,

Maradii qarsoonayd ninkii soo baxshaan ahaye,

Xornimada ninkii doortay ee dhiidhiyaan ahaye.

Marka laga yimaaddo kaalintii uu ku lahaa masraxa Jabbuuti iyo noloshiisii u badnayd Jabuuti, Ibraahim-Gadhle waxa uu qayb ka qaatay masraxa iyo dhaqdhaqaaqyadii siyaasadeed ee ka jiray Jamhuuriyaddii Soomaaliya. Xilligii uu dillaacay dagaalkii sokeeye ee u dhexeeyay xukumaddii militariga ahayd ee uu madaxa ka ahaa Jeneraal Maxamed Siyaad Barre iyo Jabhaddii SNM ee dagaalka hubaysan kula jirtay xukuumaddaas kana dagaallamaysay gobolladii Waqooyi ee Soomaaliya, dagaalladaas iyo loollankaasi waxa ay soo jiiteen dad badan oo ay ku jiraan siyaasiyiin, halabuurro suugaaneed, abwaanno iyo fannaaniin. Ibraahim-Gadhle waqtigaasi ayaa uu isaga tegay shaqadii iyo noloshiisii Jabuuti waxaanu ku biiray dhaqdhaqaaqii SNM oo xilligaa saldhig ka samaystay gudaha dalka Itoobiya. Halkaas, waxa uu Ibraahim-Gadhle ka sii waday fankii masraxa, isaga oo ka mid ahaa raggii aasaasay kooxdii la baxday SNM Band oo ka dhex samaysantay xeryihii qaxootiga ee Itoobiya ku yaallay oo ay ku jireen dadkii ka soo baxsaday dagaalladii ka dhacay gobolladii waqooyi ee Soomaaliya, dabayaaqadii siddeetannada. Riwaayadihii uu halkaas ku sameeyay waxa ka mid ahaa "Ragga Dhaxan Qabow!" oo ay dhigtay kooxdii SNM Band.

Ibraahim-Gadhle waxa u ku biiray SNM waxanu halkaas ka sii waday suugaantiisii halganka iyo baraarujinta

Dad badan oo aqoon u lahaa Ibraahim Gadhle iyo saaxiibbadii, markaad kala sheekaysato noloshii Ibraahim-Gadhle, waxa ay kuu sheegayaan in uu ahaa shaqsi dareen badan, hadalladiisa iyo fekradihiisu cadcad yihiin, oo aan abbaartiisa la gabban, abwaan waddaniyadda iyo ummadnimadu ku weyn tahay, dhinaca kalena ahaa bulshay sheeko iyo kaftan badan oo aad u maadeeya. Geeridu waa xaq, nin kastaana waa uu dhadhaminayaa, balse midda muhiimka ahi waxa weeye midhaha iyo dhaxalka uu qofku u reebo ummaddiisa. Qofba wax baa lagu xusuustaa. Haddaba, Ibraahim-Gadhle maxaa aynu si gaara ugu xusuusan karnaa?

Anigu waxa aan odhan lahaa waxa uu ahaa qof dad badan u noqday tusaale oo reebay dhaxal ma-guuraan ah oo jiilka maanta iyo midka soo korayaba anfacaya; waa murtidii iyo suugaantii tayada sare lahayd ee wax-tusaaleynta, abbaar-tilmaamidda, hawaale-warranka, guubaabada iyo waanada, intuba, ku dhammaayeen. Waxa aan xusuustaa maansadiisii yaabka lahayd ee uu marxuumku kaga hadlaayay xukun-ka-tuuristii Maxamed Siyaad Barre, kolkii qori caaradii talada lagu waydaarshay, isla markaana uu kula dardaarmayay cid Alla ciddii dalka maamulkiisa qabataa in ay ka feejignaato dabinkii Siyaad ku dhacay. Ma hubo, waxaan se ku wadaa in ay maansadaasi soo baxday 1991-kii. Waa maanso waano iyo murti ay ku dhan tahay. Dhextaalkeeduna ahaa "Ducataye maxay dhali?!" Maansadaa oo dheerayd waxaan ka soo qaaday dhawrkan meeris:

Waar hoy! Dadkaygoow,

Laba daan dhexdoodiyo,

Dalgo bahal qof galayoo,

Dirqi iyo tu fool adag,

Debedda ugu soo baxay,

Halkii shalayto lagu dilay,

Ma dareemi waayee,

Durba miyaa illoowdeen,

Duunyadiinnii dhacantiyo,

In dadkiinnii maqan yahay,

Sheekadu dorraatiyo,

Dibu gocasho weeyaan,

Duul aan baraarugin,

Durbaankoodii weeyaan,

Intuu ololku dami laa,

Dunqulaali weeyaan,

Daantaa wixii jiray,

Dabayl qaadda weeyaan,

Waxa daafta kale yaal,

Daad ha qaado weeyaan,

Dawgii rasuulkaynnu,

Ku dareerro weeyaan.

Ilaah naxariistii janno ha siiyo e, Ibraahim Sheekh Saleebaan (Gadhle) waxaa uu ifka kaga tagay 3 xaas iyo 20 qof oo isugu jira in uu dhalay iyo in ay sii dhaleen (waqtigii uu dhintay). Bilowgii sannadkii 2006-kii ayaa lagu aasay magaalo madaxda Jabbuuti. Aaskiisa waxaa ka qayb galay dad aad u tiro badan oo isugu jiray ehelladiisa, asxaabtiisii, madax ka tirsan dawladda hay'adaheeda kala duwan iyo dadweyne kaleba.

Fiiro gaar ah: Qoraalkan waxa laga soo qaatay Wargays-xilliyeedka Suugaanta & Dhaqanka Soomaalida ee HAL-ABUUR, tirsigii labaad ee soo baxay 2007-dii. Waxa dib u qoray oo tifaftiray hawlwadeennada Madashada Geeska.