Tuesday 20 January 2026
Socdaalka iyo sahanku ma noqon karaan agab si qotodheer loogu fahmo aadamaha? Sahamiyuhu se, isagoo ka gudbaya bado iyo xeebo, ma isku beddeli karaa qoraa sooyaaleeya fekerka, dhaqannada dadka iyo dhismaha, halkii uu kaga koobnaan lahaa soo gudbinta muuqaallo duleed? tijaabada Ibnu Batuuta ee xeebaha Soomaalida iyo Yaman tusaale ma u noqon kartaa fahanka xidhiidhka ka dhexeeya jiquraafiga iyo dadka, iyo xidhiidhka ka dhexeeya bulshada, maamulka iyo xaddaaradda? Wayddiimahani waa kuwo dhaafsiisan sohdinta wax iska wayddiinta jiquraafiga iyo tebinta tooska ah, gundhigna u ah fahanka in sahanku isku beddeli karo dhitayn aqooneed.
Ibnu Batuuta (1304 – 1368), buuggiisa “Tuxfatu Annadaar fii Qaraa’ib al-Amsaar wa Cajaa’ib al-Asfaar”, kuma koobsanin soo tebinta muuqaallada dusha ah, ee waxa uu isku dayay in uu magaalo kasta u sameeyo khariidad bulsho, siyaasadeed iyo dhisme, sida magaalooyinka Cadan, Saylac iyo Muqdisho, isagoo diwaangelinaya habdhaqannada dhaqaale, dabbaaldeg iyo caleemosaar ee maamulka. Isagoo u kuurgalay suuqyada, habdhaqannada maamul, martisoorka iyo awoodda jidheed ee dadka deegaanka ah. Ibnu Batuuta waxa uu soo gudbinayaa aragti isku dhafan oo koobsanaysa aadamaha, dabeecadda iyo maamulka, isagoo xaqiijinaya in socdaalku isku beddeli karo qaab lagu ogaado dhaqannada bulsho iyo fahanka isla falgalkooda dhaqaale iyo bulsho, looguna kuurgali karo jidadka ay ku samaysmaan ilbaxnimooyinka, kuna sii jiraan.
Sheekooyinka uu Ibnu Batuuta ka soo tebinayo magaalada Cadan waxa ay albaabka u furaysaa in dib loogu noqdo fahanka laga haysto dhismaha iyo magaalowga ka dhex unkama deegaan qarfo ah oo khayraad kooban leh, isagoo ku sifaynaya hadalkiisa ah: “Ka dib waxa aan u socdaalay magaalada Cadan oo dekedda Yaman ah, kuna taalla xeebta Badda Weyn, buurona ku hareeraysan yihiin, hal meel oo keliya uun baana laga geli karaa. Waa magaalo weyn, se aan lahayn beero, dhir iyo biyo midna— waxa ay leedahay galal biyuhu ku ururaan maalmaha roobka, biyuhuna magaalada way ka fogyihiin, waxaana suurogal ah in Carabtu u diidday, oo ay kala dhexgaleen biyihii iyo dadka magaaladan, si ay dharka iyo lacag ugu sameeyaan iyadoo kulaylkaas ah. Waa dekedda dadka Hindida, oo ay maraakiibta waaweyni uga yimaaddaan [magaalooyinka Hindida]”.
Ilbaxnimada looma tixgaliyo xarun xuddun keliya ah, ee waa tijaabooyin iyo xaddaarado badan, sidaas darteed, Muqdisho, Ibnu Batuuta oo socdaal ku maray waxa ay ula muuqatay meel ka nidaam iyo hantiba badan magaalooyin waaweyn.
Muuqaalka uu Ibnu Batuuta ka bixinayo magaaladani waa mid tusaale u ah qaababka bulshooyinka xeebuhu u maareeyaan suququlka khayraadka iyo sida ay beddel uga dhigtaan ganacsiga iyo dedaallada qofeed, si ay u buriyaan shuruudaha dabeecadda adag. Cadan waxa ay u taagantahay meel xeeb ah oo uu ka hirgelay dhaqaale, xitaa iyada oo aanay jirin tiirarkii soojireenka ahaa ee magaalawgu.
Sidoo kale, qoraalka Ibnu Batuuta waxa uu soo bandhigayaa dhaqanno isku milmay oo bulsheed, oo isugu jira hodantinnimo, tartan iyo deeqsinnimo. Sheekadiisa caanka ah ee uu kaga hadlayo wanka, waxa uu leeyahay: “Waxa dhacday in wankaasi maalinkaas noqdo wanka keliya ee suuqa jooga, sidaas darteed gorgortanka qiimahiisa ayaa laba addoon wadeen ilaa la gaadhay afar boqol oo diinaar… kolkii sayidka addoonku ogaaday arrinka, waxa uu siiyey kun diinaar”. Sheekadan, ka sokow in ay la yaab tahay, waxa ay sawiraysaa dhaqaale mala’awaal ah oo dhaafsiisan caqliyadda kala beddelashada waxtarka, isuna beddelaya tartan, si looga dhigto jid lagu muujiyo kaalin iyo awoodda bulshada dhexdeeda qofku ku leeyahay. Sidoo kale, Ibnu Batuuta waxa uu magaalada kasoo gudbinayaa habdhaqan wanaagsan iyo anshax, isagoo reer Cadan ku tilmaamaya in ay yihiin “dad diin leh, isdhuldhig leh, wanaag leh, anshax suubban, oo si wanaagsan u soora martida, mudnaantana siiya saboolka”.
Ibnu Batuuta waxa uu gaadhay Saylac, waxaanu ku tilmaamay hadalkiisa ah: “Waxa aan ka socdaalay magaalada Cadan, anigoo badda ku jiray afar maalmood, ka dibna waxa aan gaadhay magaalada Saylac; waa magaalada barbarka, waana bulsho ka mid ah dadka madow, mad’hab ahaanna waa Shaaficiyo ah, dalkoodu lamadegaan yahay, oo laba bilood loo kala socdo. Waxa ugu horraysa Saylac, waxaana ugu dambaysa Muqdisho. Xoolahoodu waa geel, waxaanay leeyihiin adhi shilis oo subaga ku caan ah. Reer Saylac midab ahaan waa madow, badankooduna waa Shiico, waana magaalo weyn oo leh suuq weyn”. Waxa uu sheegaya in magaaladani ahayd xarun weyn oo ganacsi, oo suuqyada waaweyn ku soo jiidatay dhaqdhaqaaqeeda dhaqaale. Waa magaalo muujinaysa sida dadkeedu awoodda ugu lahaayeen nidaaminta noloshooda bulsho iyo dhaqaale, kuna dhex maaraynayaan lamadegaan noloshu adagtahay. Waa arrin muujinaya kartidooda ah in ay khayraadkooda ka midha dhalin karaan, oo ay nolol is dhammaystirta ka dhigi karaan. Suuq firfircoon iyo ganacsi lagu soo hirto iyo magaalo xarun u ah shabakadaha ganacsi ee gudaha Afrika iyo xeebaha.
Ibnu Batuuta intii uu ku jiray socdaalka uu ku marayey magaalooyin iyo dhulal badan oo ay ka mid yihiin Cadan, Saylac iyo Muqdisho waxa uu u kuur galay hab dhaqannada bulshooyinka, caadooyinkooda, sida ay isu maamulaan iyo sida ay ay ula fal galaan bulshooyinka ka baxsan. Waxa uu xaqiijiyey in socdaalka laga dhigan karo agab loogu kuurgali karo jidadka ay ku samaysmaan ilbaxnimooyinku.
Kolka uu gaadho Muqdisho ayaa khibradda socdaalkiisuna figta gaadhaysaa, sababtoo ah magaaladu waxa ay u faydaysaa hannaan xaddaaradeed oo isla falgashan, gebi ahaanna ka duwan ka Saylac, si kasta oo ay isugu dhaw yihiin. Waxa uu ku sifaynayaa Muqdisho hadalkiisa ah: “Waa magaalo aad u weyn, dadka deggani yihiin ganacsato xooggan… dhaqanka magaalada waxa ka mid ah in kolka uu markab yimaaddo dekedda kor loo qaado sanaadiiqda, qof kastaana yidhaahdo qofkan baan ku degayaa… ganacsaduhuna meesha keliya ee uu ku degi karaa waa qofka marti geliya”. Nidaamkani waxa uu muujinayaa qaab horumarsan oo ah xidhiidhka ka dhexeeya ganacsiga iyo martigelinta, iyadoo soo dhaweynta ganacsaduhu noqday qaab lagu xakameeyo suuqa, ilaalinta sicirka iyo dammaanadqaadka kalsoonida, si ay u sinmaan anshaxa dhaqaale iyo anshaxa bulsheed.
Intan waxa dheer in Ibnu Batuuta uu soo gudbinayo faahfaahin ku saabsan qaabdhismeedka maamul ee Muqdisho, isagoo suldaanka magaalada ku tilmaamaya hadalkiisa ah: “Suldaanka Muqdisho… waxa ay ugu yeedhaan sheekh… afka Carabigana waa uu garanayey…”. Waa arrin ka tarjumaya sida la iskugu milay suldaannimada iyo sheekhnimada, arrinkan oo isku dhafaya sharciyadda siyaasadeed iyo kaalinta ruuxiga ah, oo ah qaab xukunka ka dhigaya mid ku dhisan iskudheellitirnaanta haybadda maamul iyo kaalinta ruuxiga ah. Tilmaantani waa mid soo bandhigaysa fahanka bulshadu ka haysato hoggaanka siyaasadeed, sababta oo ah xukunku keliya kuma tiirsana awood maaddi ah, ee sidoo kale waa mid baahi u qaba ixtiraamka qiyamka diiniga ah iyo bulsheed.
Ibnu Batuuta waxa uu ka sheekaynayaa habka uu Sheekha Muqdisho u soo dhaweeyey isagoo faahfaahinaya: “Kolkii uu Sheekhu ka soo baxay albaabka qolkiisa, anigoo garsooraha la socda ayaan salaamay, inta uu soo dhaweeyey ayaa uu garsooraha luuqaddiisa kula hadlay, ka dibna af Carabi ayuu igu yidhi: aad baad u dhowdahay, imaatinkaaguna waa noo sharaf… waxa madaxa loo saaray afar koofiyadood oo xariir midabbaysan ah, korka sare ee koofiyad kasta waxa ku dhegganaa sawirka shimbir dahab ah… waxa loo tumay durbaan, waxaanu qaabkaas ku galay golaha, wasiirradii, badhasaabbadii iyo saraakiishii ciidankuna waxa ay ku fadhiisteen gogol ag taallay, garsoorahana waxa loo goglay gogol aanay cidi kula fadhiisanayn…”. Habdhaqannadani waxa ay sheegayaan in maamulka Muqdisho ahaa nidaam loo dhan yahay, oo magaalada siiya dareen bulsho iyo mid siyaasadeed oo midaysan, iskuna xidha hoggaanka sharci, haybadda macnawiga ah iyo nidaaminta nolosha magaalada.
Soomaalidii uu ku arkay Muqdisho Ibnu Batuuta waxa uu ku tilmaamay dad jidh ahaan leh laf iyo lud isla markaas na leh maamul iyo hoggaan nidaamsan oo kala danbeyni ka muuqato.
Marka ay timaaddo cuntada, soo dhawaynta iyo dhismaha jidheed, Ibnu Batuuta waxa uu ka bixinayaa faahfaahin qotodheer oo muujinaysa sida nolosha bulsho ula falgashay khayraadka dhaqaale iyo dhaqanka magaalada. Waxa uu ka sheekaynayaa cuntada isagoo leh: “Cuntadoodu waa bariis subag lagu kariyey… muuskana intaanu bislaan waxa ay ku kariyaan caano…” waa faahfaahin muujinaysa kala duwanaanta cunto iyo badhaadhaha nololeed ee cuntooyinka maalinlaha ah waxyaabo kala duwan la isku daro. Waxa kale oo uu xusayaa awoodda jidheed ee dadka deggan Muqdisho, isagoo leh: “Qofka keliya ee reer Muqdisho waxa uu cunaa inta koox innaga ahi cunto… waana dad awood jidheed leh”. Tilmaantan kolka la eego, cuntadu waa tilmaan hodantinnimo dhaqaale iyo awoodda in la soo saaro wax ku filnaada baahiyaha qofka iyo kooxdaba. Waxa kale oo uu soo bandhigayaa dhaqanka soo dhawaynta iyo martisoorka.
Falsafadda magaalow iyo siyaasadeed waxa ay si qayaxan uga muuqanaysaa Fadhiga Xukunka Toddobaadlaha: “Ka dib waxa soo galaya garsooraha, fuqahada iyo dadka la ixtiraamo… ka dib wasiirrada… ka dib guddoomiyayaasha… ka dib saraakiisha ciidan… waxaana la keenaa cuntada, oo garsooraha iyo dadka kaleba ku hor cunaan Sheekha…”. Kala dambayntani waxa ay muujinaysaa nidaam siyaasadeed oo islafalgashan, si heersarraysana la iskugu xigsiiyey, oo koobsanaysa haybad iyo hoggaansan, sidoo kalena kulminaysa wadaagga talada.
Qodobka soo jiidashada leh ee la xidhiidha tilmaanta Ibnu Batuuta ma aha quruxda magaalada iyo hantida suuqyada, ee waa “dabeecadda qofka Soomaaliga ah”, sidii uu isugu u arkayay: awood jidheed, deeqsinnimo dhalad ah, tixgalinta culimada, nidaam bulsho oo adag iyo u hanweynaanta aqoonsiga bulsho (haybta). Kol haddii falsafadda socdaalku aanay keliya ahayn soo bandhigidda muuqaalka sare, oo ay u badan tahay akhrinta xaddaaradda iyo aadamaha, waxa suurogal ah in aynnu nidhaahno Soomaalida uu Ibnu Batuuta darsay waa tusaalaha sida jiquraafigu isugu beddelo shakhsiyad: baddu waxa ay abuurtay furfurnaan, qabiilku waa ka sameeyey dabarka, diintu waa ta keentay kaladambaynta, ganacsigu waa ka abuuray hodantinnimada; waa aadame qaab ilbaxnimo leh ula midoobay degaankiisa.
Ugu dambayn, socdaalkan Ibnu Batuuta uu xeebta ku maray, kolka la isla akhriyo, waxa uu dib u qaabaynayaa sawirka Soomaalida iyo Yaman ee xilligii Ibnu Batuuta, isagoo ka dhigaya duni ganacsiga iyo maamulku isla falgaleen, jiquraafiga iyo shakhsiguna isku milmeen, degaanka xeebtuna soo bandhigayo aragtidiisa gaarka ah ee magaalowga. Ilbaxnimada looma tixgaliyo xarun xuddun keliya ah, ee waa tijaabooyin iyo xaddaarado badan, sidaas darteed, Muqdisho – walow ay fogtahay – waxa ay Ibnu Batuuta ula muuqatay meel ka nidaam iyo hantiba badan magaalooyin waaweyn. Sidan ayaa uu socdaalku isugu beddelaa agab lagu fahmo aadamaha, xidhiidhka uu la leeyahay goobaha, iyo awoodda uu ku garan karo in noloshu, halkii ay ka jirtaba, ay ka samaysanto caqliyad gaar ah, xaddaaraddeedana lagu dhiso waajihidda shuruudaha noloshaas.