Skip to main content

Sunday 9 August 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Faaqidaad

Hurmus ilaa Lubnaan: Caqabadaha Marxaladda Labaad ee Wadahadallada Maraykanka iyo Iiraan

23 June, 2026
Image
Hurmus ilaa Lubnaan: Caqabadaha Marxaladda Labaad ee Wadahadallada Maraykanka iyo Iiraan
Share

Markii la shaaciyey dagaalkii u dhexeeyey Maraykanka iyo Israa’iil oo dhinac ah iyo Iiraan oo dhinaca kale ah, waxa loo maleeyey in gobolku geli doono marxalad xasillooni oo muddo dheer la sugayey. Se dhacdooyinkii ku xigay heshiisku waxa ay muujiyeen in dagaalku ka hor istaagay sababihii dagaalka keenayey. Iyadoo toddobaaddo kasoo wareegeen istaagga dagaalka, haddana weli waxa muran ka taagnaa Hurmus, barnaamijka nukliyeer ee Iiraanna waa uu ka baxsanaa hababka baadhidda caalamiga ah, Lubnaana waxa weli kasii socday hawlgallo millatari.

Waa sababta marxaladdan imika lagu jiraa ugu ekaanayso marxaladdii dagaalka ka dib, una eg marxalad kala saari doonta haddii heshiisku nolosha waaqaca ah ka hirgali doono iyo in kale.

Hurmus.. ismaandhaaf dhaqaale oo taagan

Maraykanka iyo Iiraan waxa ay 15-kii Juun gaadheen is’afgarad ah in la dheereeyo muddada xabbad joojinta iyo dib u furidda marinka Hurmus, walow aan faahfaahinta is’afgaradka degdeg loo shaacin. Baakistaan oo dhexdhexaadinaysay wadahadalladani waxa ay sheegtay in saxeexa rasmiga ahi ka dhici doono Jineefa. Xitaa haddii lagu qanco in gebi ahaan marinka Hurmus la furo, haddana dhibaatadii tamarta caalamiga ah kasoo gaadhay xidhitaankiisu waa mid si ay u degto u baahan bilo.

Heshiiskani ma aha kii ugu horreeyey noociisa. Siddeedii Abril, waxa la shaaciyey xabbad joojin laba toddobaad ah oo ay Baakistaan gadhwadeen ka ahayd. Waxa ay ahayd xabbad joojin dhigaysay in Iiraan dib u furto marinka, lagana joojio duqaymaha Maraykanka iyo Israa’iil ku wadeen, sida uu sheegay Wasiirka Dagaalka Maraykanka, Pete Hegseth. 10-kii Abriil, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, waxa uu xusay walaaca uu ka qabo in heshiiskaasi hirgalo, isagoo dedaalka ay Iiraan marinka ku furayso ku tilmaamay mid gaabis ah, kana digay in Iiraan ay lacago dul saarto maraakiibta marinka ka gudbaysa.

Ka dib, kawdii Juun, Iiraan waxa ay shaacisay inay laashay gebi ahaan wadahadallada, waxaanay ku gooddisay inay gebi ahaan xidhayso marinka Hurmus, iyadoo sheegtay inay ka jawaabayso waxa ay ku tilmaantay xadgudubyo kusoo laablaabtay xabbad joojinta. Judha go’aankaas la shaaciyey, qiimaha shidaalku waxa uu kor u kacay boqolkiiba toddoba. Ka labalabayntaas furitaanka iyo dagaal dib loo bilaabo, waa arrin ka tarjumaya xaqiiqada ah in arrinka marinka Hurmus aanu keliya marin badeed ku koobnayn, ee uu isku beddelay kaadh cadaadis oo xuddun ah, loona dhex marayo gaadhitaanka heshiis nukliyeer iyo heshiis siyaasadeed oo ballaadhan.

Wakaaladda Atoomikada: Baadhitaan laalan iyo madmadowga hirgalintiisa

Xilli maamulka Maraykan uu heshiiska ku sheegay guul istiraatiiji ah, haddana Madaxa Wakaaladda Caalamiga ah ee Tamarta Atoomiko, Rafael Grossi, waxa uu xaqiijiyey in heshiis kasta oo aan koobsanayn qaabab dhab ah oo dib loogu bilaabi karo baadhitaanka barnaamijka nukliyeer ee Iiraan uu keliya yahay “heshiis la mood”. Wakaaladda weli uma suurogalin inay Iiraan ku laabato si ay u baadho baaxadda dhibta soo gaadhay barnaamijkeeda nukliyeer laga soo bilaabo duqaymihii Feebarweri 2026, arrinkan oo ka dhigan in xajmiga awoodeed ee nukliyeer ee ay Iiraan imika haysato aanay xitaa baadhayaasha caalamiga ahi ogayn.

Trump waxa uu Maaris qoray inaanu aqbalayn heshiis kasta oo aan dhigayn “inay Iiraan shuruud la’aan is dhiibto”, isagoo marar dhawr ah qabsaday ballan ah inuu burburin ku bilaabayo kaabayaasha dhaqaale ee Iiraan, ka hor intaanay Baakistaan dhexdhexaadin oo aan la gaadhin xasillooni shardi ku xidhan, 8-dii Abriil.

Lubnaan: Jiho aan weli degin

Kalatagsanaanta ka jirta qoraalka is’afgarad ee la shaaciyey iyo dhacdooyinka waaqaca ka socda waxa ugu cad Lubnaan. Xilli uu Trump shaaciyey wicitaan uu Netanyaahu la yeeshay kawdii Juun, oo ku saabsan in Israa’iil iyo Xisbullaah ay joojinayaan dagaalka ka dhex socda, Israa’iil ayaa si ka duwan hadalkiisa ku jawaabtay: Netanyaahu waxa uu xaqiijiyey in ciidanka Israa’iil “ay sii wadayaan shaqada ay ka hayaan Koonfurta Lubnaan sida la qorsheeyey”, halka Wasiirka Amniga Israa’iil, Israel Katz, uu si cad u diiday jiritaanka wax xabbad joojin ah oo Lubnaan laga sameeyey.

Iska dhaafkani weli waxa uu jiraa iyadoo la saxeexay is’afgaradka, 15-kii Juun. Iyadoo la shaaciyey is’afgaradkan, haddana Katz waxa uu xaqiijiyey in Israa’iil “aanay ka baxaynayn Koonfurta Lubnaan” si kasta oo loo cadaadiyo, weerar kasta oo ka yimaadda Iiraanna lagaga jawaabayo mid ka xooggan.

Ciidamada Qaramada Midoobay ee Lubnaan ku sugan (UNIFIL) waxa ay sheegeen inay arkeen hoos u dhac ku yimi dagaalka se aanay jirin xabbad joojin dhamaystiran, iyadoo hal maalin gudaheed la diwaangeliyey 133 gantaal iyo laba duqaymo cirka ah.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Cabbaas Ciraaqji, oo wicitaanno la yeeshay wasiirrada dhiggiisa ah ee dalalka Turkiga, Ciraaq iyo Masar, waxa uu codsaday in gebi ahaan la joojiyo hawlgallada millatari ee ay Israa’iil ka waddo Lubnaan, isagoo xusay in Maraykanku masuul ka yahay fulinta heshiiska si dagaalku u dhammaado, sida lagu qoray Times of Israel. Dhinaca kale, Xisbullaah waxa uu 4-tii Juun diiday heshiis kumeelgaadh ah oo u dhexeeyey Israa’iil iyo Lubnaan, oo uu ururku ku sheegay mid dheeldheel ah, sababtoo ah Xisbullaah oo keliya ayaa laga rabay joojinta weerarrada, iyada oo aan Israa’iil lagu waajibinayn inay Lubnaan ka baxdo.

Katz waxa uu marar dhawr ah bilihii lasoo dhaafay u shaaciyey in Israa’iil ay doonayso haysashada goobo millatari oo gudaha Lubnaan ah, oo ay haysan doonto ilaa muddo aan cayinnayn, sidoo kalena ay haysan doonto goobo ka mid ah Suuriya iyo Qasa, si loo ilaaliyo xuduudda waqooyi ee Israa’iil. Mawqifkani waa mid ka hor imanaya qodobbada heshiiskii Noofambar 2024 ee dhigayey inay Israa’iil gebi ahaan ka baxdo koonfurta Lubnaan.

Kala qaybsanaan gudeed

Israa’iil gudaheeda, Netanyaahu waxa uu wajahayaa dhaliilo xooggan oo uga imanaya mucaaradka. Guddoomiyaha Xisbiga Dimuqraaddiyiinta, Yair Golan, waxa uu natiijada dagaalka ku tilmaamay “guuldarro dhab ah”, isagoo yidhi: “Netanyaahu waxa uu u wanaagsan yahay Xisbullaah, ee Israa’iil uma wacna”, sida lagu qoray Times of Israel. Dhaliilashani waxa ay kusoo beegantay isla maalinkii ay ahayd in Kiniisadku ay ansixiyaan miisaaniyadda dawladda, arrinkan oo astaan u ah in natiijooyinka dagaalku isku beddelayaan agab siyaasadeed oo gudaha Israa’iil ah.

Is’afgaradka habraaca ee ma aha heshiis kamadambays ah

Dhacdooyinka la diwaangeliyey ee laga soo bilaabo badhtamihii Juun, waa in is’afgaradka la shaaciyey horumar weyn yahay, se aanu xalllinayn arrimahii dhuuxa ahaa oo loo dib dhigay in wadahadallada kale lagaga hadlo. Arrimaha ah: in dagaalkii Lubnaan weli socdo, in barnaamijka nukliyeer ee Iiraan lahayn qaababkii baadhitaan ee rasmiga ahaa, mustaqbalka marinka Hurmus oo noqda marin ganacsiyeed xor ah iyo kuwa la mid ahi waa faylal weli laalan, walow mawqifyada kale isu beddelayaan si dhakhso ah.

  • Qormadan waxa laga soo turjumay halkan.