Wednesday 9 October 2024
Filinkan waxa soo saaray Thomas Vinterberg, waxana jilaya Mads Mikkelsen, isaga oo soo baxay sannadkii 2012. Filinkan sheekadiisu waa mid aad u kakan, adagtahay daawashadeedu isla markaas na xiiso leh, mudanna in la daawado, waxa uu tixraac ku samaynayaa Luukas (Mads) oo ku nool tuulo aad u yar, bare ka ah goob lagu barbaariyo ubad yaryar, noloshiisu socoto, haba xiiso yaraato e. Taasi waxa ay is beddelaysaa maalinta xafiiska barbaarinta looga yeedho, laguna war galiyo in ilmo yari cabasho ka soo gudbiyey, loona sheegayo cidda ka soo cabatay, tuhun weyn ayaa dul hoganaya oo ah xad-gudub carruureed in uu sameeyey, waxana lagu wargalinayaa in uu fasax qaato si arrintan loo xaqiijiyo. Dhako-faar ayuu la baxayaa. Adiga daawadaha ah arrintani in ay been abuur tahay kaama qarsoona, oo marwalba waxa aad la dareen tahay Luukas la dagaallankiisa ku aaddan bulshada ceebta u gaajaysan.
Kolka ay arrintu dhabta tagayso waa marka uu ogaado yarta tuhunka ka danbaysa in ay tahay saaxiibkii inantiisa Kaler (Annika) ogow oo saaxiibkii Theo (Thomas) aad ayey isu jecelyihiin isugu na dhowyihiin, guriga saaxiibkii cagtiisu way ku badantahay maadaama uu kali ku yahay isagu gurigiisa, xaaskiisii oo ay kala tageen bay weli ku loollamayaan xanaanaynta wiilka kaliyaata ee ay dhaleen. Wax walbaaba hal mar ayey ka dumayaan, oo shaqadiisa iyo saaxiibtinimadiisuba ugu horreeyaan, xitaa waa iyadii oo maxkamad la isla aaday oo lagu waayey wax caddayn ah oo goysa in uu gaystay fal danbiyeedkan, waayo bulshadu ma naxariisato, caddaymona ma raadiso.
Filinkani waxa uu ku hordhigayaa wayddiimo ku eryanaysa ilaa dhammaadka si la mid ah sida ay u eryatay shakhsiyadda hoggaaminaysa, waa wayddiimo u dhow in aysan jawaab lahayn, sidee ayey suurogal ku tahay in la iskaga caabbiyo eed been abuur ah, taas oo damiirka bulshada ku noqonaysa ceeb ku lifaaqan ka lagu tuhmay? Luukas goob walba way ka soo oodmaysaa, cid walbaana cadaawad bay u muujinaysaa, waxa u gacan qaadaya ninkii uu adeegga ka doonan jiray, eygiisa ayaa laga dilayaa, gurigiisa ayaa dhagax lagu soo weerarayaa, noloshiisa oo dhami mugdi bay galaysaa, danbi uusan galabsanna ciqaabtiisa mudanayaa. Xaaladdaas adag qofka kaliyaata ee u soo hadhay waa wiilkiisa, isaguna wuu la mudanayaa shaabuugga ay ku garaacayso bulshadu.
Carruurtu been ma sheegi karaan? Awood ma u leeyihiin in ay abuuraan dhacdooyin aan dhicin? waa su’aalo kale oo xiiso badan. Kaler oo la nool laba waalid oo badanka is dagaala isuna adeegsada erayo aysan habboonayn carruurtu in ay maqlaan iyo walaalkeed oo mar tusaya sawirro anshaxa ka baxsan, labadaas oo isku dhafan ayey u adeegsanaysaa Luukas oo ay gacaltooyo u hayso, kadib marka uu ku gacan saydho hadyad ay u soo diyaarisay oo uu u arkayey isagu in aysan munaasab ahayn, beentu markan waa qalab difaac, dareen cadho carruurnimo oo fakad ah si fududna ku tarmay.
Vinterberg, soo saarahan Daanishka ah oo sameeyey filimo tirobadan oo qaayo leh, sida The Celebration- oo ka warramaya isku imaatin qoys u dabbaal degaya xuska dhalashada aabbahood ayaa hal mar isu beddelaya masiibo, kadib kolka ay qarxaan asraar badan oo aasnaa ayaa tilmaamay sheekada filinku in ay ku timi kadib markii uu u keenay dhakhtar ku takhasusay cilmi nafsiga warbixinno ku saabsan kiisas tirobadan oo sheekadan la nooc ah. “carruurtu iyaga ayaa ah dhibanayaal xaaladahan oo kale” ayuu yidhi Vinterberg “carruurta qaar ayaa kora iyaga oo si dhalanteed ah iskugu qancinaya in ay dhibaato ku dhacday, kaliyaata waa iyaga oo arkay dadka ku xeeran oo dhibaataysan, illaa ay aaminaan in ay iyaga tahay cidda dhiban, iyada oo xasuusahooda ku beermayaan dhacdooyin aan dhicin.”
Luukas (Mads Mikkelsen) waa shakhsiyad si farshaxan leh u qoran, jilaagan caanka ku ah Hannible iyo Le chiffre ee James Bond Casino Royale ayaa waxa la odhan karaa shaqooyinkiisa oo dhan doorkan ayaa u muhiimsan jilliin ahaan, waxaana uu ku mutaystay abaalmarinta Cannes Festival. Waxa xusid mudan in ay wada shaqeeyeen mar labaad soosaaraha Vinterberg 2020-kii filin la dhaho Another Round oo ku guulaystay Ooskarka filinka caalamiga ah ee sannadka u fiican. Mads, waxa uu si wanaagsan u soo gudbiyey qarracanka iyo quusta haysata nin ay been yari dhabarka ka jabisay, oo bulshadu sida ay u dhantahay ugaadhsanayso. “waa filin khuseeya” ayuu yidhi Mads “jacaylka weyn ee aad u qabto carruurtaada in uu isku rogi karo baqasho badan, oo kuu horseedi karta nacayb si aad uga baxsan caqliyadda iyo mandiqa, waa sababta aan qaladka loo saari karayn cid gaar ah, waana sababta uu Luukis u adeegsan la’yahay cunfiga”. Muuqaalka u quruxda badanina waxaan is leeyahay waa marka uu kaniisadda soo galo iyada oo ay socoto xafladda Kirismasku markaas oo uu xadka goosanayo kuna qarxayo saaxiibkii, waa rogaal celinta kaliyaata ee dhabta ah ee uu kala hortagayo dulmiga xun ee lagu sameeyey. Si guud filinkan feejigni iyo xamaasad iyo cadho badan ayaad ku daawanaysaa.
Qaab duubistu waa dareen awood badan filinka dhexdiisa, kamarad aan xasiloonayn sida shakhsiyadda filinka, oo garabka lagu sido, waxa loo duubay qaab dhukumentari ah, kaas oo sii kordhinaya dhab u qaadashada sheekada. Fareem walibaaba waxa uu qabtay oo turjumay dareen goonni ah, muhiimadda u weynna waxa la siiyey fareemka dhaw (close-up).
Filinku, waxa uu leeyahay dhammaad furan, ugu danbayn runtii way caddaatay, in ay been abuurad ahayd waa la ogaaday, saaxiibadiina way isku soo laabteen, sida muuqatana bulshadii way cafisay, oo waabay wada xafladaysteen. Isaguna ugaadhsigii uu jeclaa ayuu u baxay, ilbidhiqsiyada u danbaysa filinka ayaa dhabarka Luukas xabbad nool laga soo ridayaa, isaga oo gagabsan ayuu dhulka u gataati dhacayaa, hareerahana daymoonayaa, markaas ayuu ogsoonaanayaa in ay jirto cid aan weli cafin, waayo, bulshadu cidna ma cafiso.