Skip to main content

Friday 17 April 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Buug

Hordhaca Buugga: “Waa Maxay Salafiyadu?

4 April, 2026
Image
Hordhaca Buugga: “Waa Maxay Salafiyaddu?
Share
Erayga Turjumeha buugga On Salafism: Concepts and Contexts, oo uu qoray Casmi Bishaara, kuna soo baxay taxanaha Stanford Studies in Middle Eastern and Islamic Societies and Cultures sannadkii 2022. Buuggan waxa Af-Soomaali u turjumay Suhayb Maxamuud, waxaana daabacday Xaraf Publishing House sannadkii 2025.

Turjumaaddan af Soomaaliga ah ee buugga uu qoray Dr. Casmi Bishaara; ”Waa Maxay Salafiyadu?”waxa ay ku wajahan tahay akhristaha Soomaaliga ah ee la noolaa, welina la nool, saameynta ay Salafiyadu ku leedahay noloshiisa maalinlaha ah: masaajidka, dugsiga, jaamacadda, warbaahinta, siyaasadda, iyo, xitaa, nabadda iyo colaadda oo ay kaalin ku leeyihiin. Sidaa awgeed, ma aha, keliya, turjumaad buug aragtiyeed ama aqooneed oo ka hadlaya mawduuc fog e, dhab ahaan waa isku-day jidka u xaadhaya dood deggan oo qoto dheer oo ku saabsan shaacsanaha Salafiyada ee sida xooggan uga dhex muuqda bulshada Soomaalida, saameynna ku leh fekerkeeda iyo dookhyadeeda diineed iyo siyaasadeed.

Ku dhowaad labaatankii sannadood ee u dambeeyay, mawduuca ’Salafiyadu‘ waxa uu ahaa mid ay diiradda saaraan daraasado iyo buugaag badan oo ka soo baxay dunida Carabta iyo Galbeedka, labadaba. Su’aalaha ah: Waa maxay Salafiyadu? Sidee ayaa ay, taariikh ahaan, u samaysantay? Maxaa ka dhexeeya fekerkan Salafiga ah iyo rabshadaha siyaasadda iyo diinta la xidhiidha ee si joogto ah loola xidhiidhiyo? Su’aalahani, dhammaantood waxa ay noqdeen kuwo muhiim ah oo aan la dhayalsan karin marka laga hadlayo, guud ahaan, dhaqdhaqaaqyada Islaamiga ah ee casriga, gaar ahaanna dhaqdhaqaaqyada Salafiga ah. Haddaba, buuggan uu qoray Casmi Bishaara waxa uu mawduucan ka galayaa, isaga oo si qotodheer u lafaguraya, dhanka laamaha aqooneed ee falsafadda siyaasadda, cilmiga bulshada, taariikhda iyo daraasadaha Islaamka, si uu akhristaha u siiyo sharraxaad is dhammeystiraysa oo ku saabsan Salafiyada, si aan loogu dhicin dabinka aragtiyeed ee ah in hal xukun oo duuduuban la huwiyo arrin aan fududeyn, sida caanbaxday.

Waxa laga yaabaa in akhristaha Soomaaliga ahi uu arko in afka uu, asal ahaan, buuggu ku qoran yahay uu hodan ku yahay xigashooyinka, magacyada iyo buugaagta tixraacyada kaydka madhaxeed ee Islaamiga ah iyo fekerka Carbeed ee casriga ah. Aragtidaasi waa mid la fahmi karo oo qoraagu waxa uu buugga u qoray akhristeyaal Carbeed oo ku noolaaday jawi afeed iyo mid fekereed oo gooni ah. Ha se ahaato e, waxa ay ila tahay in dadaalka uu akhristeha Soomaaliga ahi galinayo dhugashada buuggani ay waxtar weyn u leedahay. Ma aha in, keliya, uu xog ka helayo e, waa in buuggani uu wax ka beddeli karo guud ahaan habka uu wax isaga weyddiiyo mawduucan; Sidee ayaa aan u fahmi karnaa Salafiyada, innaga oo ka eegayna in ay tahay shaacsane bulsheed iyo mid taariikheed oo aan ahayn keliya ‘xukun shareeco’ ama ‘hayb diineed’?

Aragtida gundhigga ah ee uu buuggan ku difaacayo Casmi Bishaara waa baahida loo qabo in la dhiso aragti saafan oo ku saabsan Salafiyada. Waxa ay arrintani ka dhigan tahay in aan beddelno xagasha aan ka eegno: halkii aynu ka dhimbiil-qaadan lahayn dhaqanka ama nusuusta oo keliya, sidii oo uu Islaamku yahay nusuus mutaxan oo iyadu iskeed u fasiraysa wax kaste. Waxa uu buuggu inagu boorrinayaa in aan ka soo raadqaadno bulshada iyo duruufaha taariikheed ee dhaqandhaqaale iyo kuwa siyaasadeed ee ay ka dhasheen qaababka gaarka ah ee wadaadowga iyo fahanka nusuusta diiniga ah Qofka salafiga ahi, marka dhankan laga eego, ma aha “naskii diiniga ahaa oo lugo leh” ee waa qof ku nool xilli gaar ah, kuna dhex nool dawlad gaar ah, oo ay hareereeyeen culeysyo bulsho, dhaqaale iyo siyaasadeed, ka dibna dhaxalkii diineed ka dhex xushay waxii kaga habboon waayihiisaas ama ka jawaabaya walbahaarkiisa.

Isaga oo halkan ka bilaabaya, waxa uu buuggu soo bandhigayaa gorfeyn laba-geesood ah: marka hore, waxa uu si adag u dhaliilayaa sheekada Galbeedka ee ku dhisan aragtida daraaseynta reer bariga -istishraaq, ee ay tibaaxdeedu tahay “argagixisada Islaamka”, sidii oo ay argagixisonimadu tahay wax iskii uga dhasha “Islaamka” laftiisa una beddela diinta oo dhan sababta keliya ee colaadda iyo dagaalka, iyada oo indhaha laga lalinayo sooyaalka, gumeysiga, kelitalisnimada, saboolnimada, caddaalad-darrada iyo dhammaan arrimaha kale ee sababta noqon kara. Isla jeerkaas, waxa uu buuggu gunta u galayaa kana dhaliilayaa sheekada ay ku dhisan tahay Salafiyadu – gaar ahaan midda Wahaabiyadda ee jihaadiga ah – ee sheegata in ay u taagan tahay “Islaamkii badhaxatirnaa”, halka ay dhab ahaan tahay akhris midheysi ku dhisan oo laga qaatay nusuusta diinta oo laga gooyay waayahoodii taariikheed iyo duruufihii ay ku abuurmeen, taas oo tagtadii u xanbaarinaysa wax aanay qaadi karin, si ay uga dhigato, waa Salafiyada e, hub lagu weeraro joogtada, dadka iyo xeerarka lagu dhaqo.

Buuggu waxa uu inna xusuusinayaa in Salafiyadu aanay ahayn hal shaacsane oo fudud ama koox wadaagta wax kaste, meel kastena isugu metasha si isku mid ah. Waxa jira Salafiyado badan oo kala duwan: Salafiyad xereed ku kooban kitaab, salafiyad dacwadeed xoogga saarta wacdiga, Salafiyad is‑beddel-doon ah, iyo Salafiyad hubeysan oo jihaadi ah, iyo kuwo kale oo badan, dhammaantoodna ku kala duwan heerarka feker iyo foofka dhaqangalinta aragtiyaha. Qaar ka mid ah garabyadani waxa ay u janjeedhaan dhanka degganaanshaha iyo u hoggaansanaanta talisyada dawladeed, si kaste oo ay ugu gaboodfalaan dadka; qaarkoodna waxa ay galaan gawaanka siyaasadda iyo nidaamka xisbiyada, halka ay qaar kalena doortaan jidka rabshadaha iyo dagaalka. Waxa keli ah ee ay ka siman yihiin waa weyneynta “salafkii suubbanaa” iyo isku-dayga in dib loogu laabto xaalad tusaaleed oo laga male-awaalay tagtadii Salafka. Hase yeesho e, midhaha laga goosto weyneyntani waxa ay ku kala duwan yihiin hadba qaabyaalka iyo waayaha ay ku dhex hawlgalaan dhaqdhaqaaqyadani iyo jidka ay doortaan in ay qaadaan.

Mid ka mid ah aragtiyaha muhiimka ah ee uu ku nuuxnuuxsanayo Casmi Bishaara waa in la kala sooco ”diinta“ iyo ”hab-dhaqanka diineed – wadaadowga“. Diintu waa nusuusta waaweyn ee ah tiirarka aaminaadaha iyo waayo‑aragnimada sooyaal oo ah mid dheer oo hodan ah oo ay Muslimiintu soo falkinayeen qarniyo badan, iyada oo ay ka buuxaan kala-geddisnaan aragtiyeed, muranno ba’an iyo hal‑abuur xeeldheer. Hab-dhaqanka diiniga ah ama wadaadowgu, se, waa habka ay dadka caadiga ahi u fahmaan diinta uguna dhaqmaan, meel kaste iyo miley walba oo la joogo. Salafiyadu, marka lagu eego aragtidan, ma aha Islaamka laftiisa, ee waa qaab ka mid ah hab-dhaqannada diiniga ah oo ka dhashay duruufo gaar ah, una baahan in lagu fahmo laguna faaqido waayihiisa unkan iyo jiritaan, isla markaana uu isbeddel ku dhici karo, sida shaacsane kaste oo bulsheed. Halkaas ayaa uu qoraagu iskaga xidhayaa soo ifbaxa Salafiyadaha kala duwan iyo xaaladaha dib u dhaca, kelitalisnimada iyo daba-dhilifnimada dalalka Carabta iyo kuwa Muslimka ah iyo, sidoo kale, isbeddellada nidaamka caalamiga ah ee dhaqaale ee ku dhisan liberaaliyadda cusub, isaga oo aan meesha ka saarayn marmarsiiyeyaasha aan dhabta ahayn iyo aragtiyaha ku dhisan ‘shirqoolka’.

Buuggu waxa uu, sidoo kale, faahfaahinayaasida halku‑dhegyada badan ee ee ay ka mid yihiin ”u laabashada diinta“ ama ”u laabashada asalkii” aanay, mar walba, u ahayn kuwo daacad ah ama wada saalloon balse ay marar badan yihiin kuwo xanbaarsan rar aydhiyoolojiyeed iyo ujeeddooyin siyaasadeed oo u adeegaya xoogag bulsho ama siyaasadeed oo gaar ah. Dhab ahaan, dib uguma laabanno tagtadii ugumana noolaanno sidii ay ahayd, laakiin muuqaalladii tagtada ayaa aan ka doorannaa inta aan maanta uga baahan nahay, ka dibna waxa aan ka dhignaa in ay tahay ”asalkii saafiga ahaa“ oo dhammeystiran. Sidaas darteed, waxa ay baaqyada ku saabsan in loo noqdo “salafkii” isu rogaan nooc ka mid ah ‘mirqaanka’ male-awaalka; waxa aan suureysannaa in dhibaatooyinkeenna casriga ah aan ku furdaamin karno in aan uga baxsanno xilli taariikheed suubbanaa, innaga oo, dhab ahaan, dib u soo saarayna isla hagaaskii iyo dib-dhacsanaantii jirtay, kana fogaanayna xaqiiqooyinka waaqiciga ah.

Aragtiyaha buuggan ku jira oo dhan looma soo bandhigayo in lagu caayo Salafiyada ama lagaga didiyo taageerayaasheeda. Ujeeddadu, waa in albaab loo furo dood ku dhisan cilmi iyo baadhis. Buugga laftiisu ma sheeganayo in uu yahay xukunkii ugu dambeeyay ee la saaray Salafiyada, sidaas lidkeeda waxa uu isu soo bandhigayaa in uu yahay isku-day lagu fahmayo shaacsanahan diineed, si ka qotodheer sida caanbaxday, isaga oo adeegsanaya taariikhda, falsafadda iyo cilmiga bulshada, isla markaana ka soo eegaya gudaha iyo dibedda, labadaba. Sidaa darteed, waxa aan rejeynayaa in akhristaha Soomaaliga ahi uu buuggan akhriyo, isaga oo aan ku eegayn indhaha qof hore u go’aansaday doorashada ama deedafeynta nuxurka ku qoran. Waxa aan rejeynayaa in uu ku akhriyo indhaha qof doonaya in uu xaglo badan wax ka fiiriyo kana fahmo oo xaqiiqo raadis ah.

Ujeeddadaas ayaa uu ka dhashay go’aankayga ah in aan af Soomaali u turjumo buuggan ka hadlaya aragtida iyo dhaqdhaqaaqa Salafiyada oo saameyn ku leh dhammaan wejiyada nolosha ee qofka Soomaaliga ah, una baahan yahay in uu Salafiyada – iyo laamaheeda kala duwan - u fahmo si ka qotodheer, oo aanu ugu dhicin dabinka fududeysiga iyo isku-murugga aragtiyaha ku xayndaaban.

Intii aan ku jiray hawsha turjumaadda, waxa aan ku dadaalay in aan ilaaliyo, sida ugu macquulsan ee suurtagalka ah, saxsanaanta erayada iyo aragtiyaha uu qoraagu adeegsanayo, isla markaana aan u soo dhaweeyo akhristaha Soomaaliga ah, intii karaankeyga ah. Qaar ka mid ah eraybixinnada waxa aan u daayay sidii ay asalka ugu qornaayeen, maadaama oo ay daraasadaha Islaamka ku dhex leeyihiin miisaan iyo micno gaar ah; qaar kalena waxa aan ku daray sharraxaad kooban oo ku sugan bogga hoostiisa, markii aan arkay in ay u baahan yihiin sharraxaad dheeri ah. Ha se ahaato e, waa laga yaabaa inakhristuhu uu, weli, ugu dhex tago culeyso afeed, marka la eego cufka aqooneed ee buugga oo aan suuragalin in eraybixin kaste loo fududeeyo si dhayal ah.

Ugu dambeyn, waxa aan doonayaa in aan uga mahadceliyo qoraaga buugga, Dr. Casmi Bishaara, oggolaanshaha iyo kalsoonida uu igu siiyay in aan buuggiisa u turjumo af Soomaali. Sidoo kale, waxa aan mahad gaar ah u jeedinayaa saaxiibbada iga caawiyay dib‑u‑eegista iyo tifaftirka turjumaaddan; waxa aan ka xusayaa oo iga muteystay Prof. Cabdisalaan Yaasiin, Maxamuud Bulxan, Maxamed Buux, Maxamad Xirsi iyo Cabdalla Cabdiraxmaan. Waxa ay kaalin mug leh ka qaateen taabbagalinta iyo saxartirka buugga oo aan, la’aantood, si hagaagsan u soo baxeen.