Thursday 17 July 2025
Waxaan toosay waaberigii. Geedka aan hoos hurdey dhankiisa galbeed foore qabow baa ka soo dhacayey, dushiisana waxaa ku sheekaysanayey shimbiro.
Sidii cariish dusha laga deday ayaa daruurro waaweyn lagu hadoodilay carrada. Waxay aheyd aroor Sabti ah, aroor aan arooyaha kale iigu jirin. Aroor aan hanfi iyo kuleyl midna laheyn oo cimiladu fiican tahey. Wakhti badan iskama lumin, si degdeg ah ayaan ugu jarmaadey goob ii dhow oo ka mid ah meelaha qalbigayga ku weyn, ee joogisteeda aan ka helo, kuna hamiyo. Waa meel aan u hiloobo. Waa haro Hawd ku taalla. Xilligu waa xagaa bilowgii, oo waxaa bilaabmay tiixii Samalahada. Aroor kasta sidaas baan ugu kallahaa harada, si aan uga bogto bilicda biyaha, udgoonka dhirta, cowska howray, uguna doogsadaa cagaarka.
Sida caanaha carruurta loogu habo ayaan aniguna qalbiga ugu habaa daawashada biyaha ay dabayshu weedhaaminayso ee balliga. Si gundheer ayaan ugu libdhaa, oo wax iga fog ayaa ii soo dhowaada. Hubaal kama haago daawadasha kumanaanka shimbirood ee harada hareeraheeda ku dabbaalanaya, kuwa biyaha dushooda duulaya, kuwa inay harraad-beelaan harada u yimid, kuwa loollamaya, kuwa isu habar wacanaya, oo muuqaalladaas oo idil waan ku raaxeystaa. Run ahaan waxaan noqdey haadraac, habi ah. Waxaan ka fikiray inay noloshani tahey ta ugu habboon ee lagu noolaado, waxii ka soo hadhaana ay hawl, habqan iyo nolol habow ah yihiin.
Ballanbaalis iyo ayax tiro badan baa duulayey. Waxaan ka fikiray hadal aan awowgey ka maqley oo ahaa inay barwaaqo soo wadaan. Haad baa isaguna samada marayey.
Haan dhurwaayo badan baa u dhow harada. Qudhac goroyga u dhowna buul shimbireedyo badan baa ka lusha, oo hoy u ah habeenkii shimbiro kumanaan ah. Halka habeenkiina ay habar dugaag oo idil ka cabbaan harada iyo malaheyga habar jinni sidoo kale.
Aniga oo la dhacsan abuurta ilaahey ayaa waxa si kedis ii soo jeedisey haweenay harada timid. Shuux yar ayaa soo daatey markey biyaha cagta galisay. Shalmad bay dhexda ku xidhnayd. Dirac khafiif ahna wey ku marriinayd. Sida laamaha dhabiga ayay kolba dhan u liicaysay. Jirikaankii ayay dhaansatey. Shalmaddii ayay soo furatey si ay ugu xambaarto jirikaankii.
Oogadeeda qeybo badan baa iska bannaanaa. Indho cadcad oo waaweyn ayey laheyd. Gacmaha ayey saydhaysay markay soconaysay oo waxey laheyd saanqaad miisaaman. Dhexdhexaad buu dhererkeedu ahaa. Dhudda qoorteeda, iyo dhoolaha ilkaheedu dheygag bay igu dileen. Waxa ay aheyd gaashaanti hadda uun hanaqaaddey, oo hanweyn.
Iyadu wey baraad la’ayd intii hore oo dhan, anigana waxaa ila tegay quruxdeedii, in kasta oo kol danbe ay isha qac igu siisay.
Nasiib wanaag iyadaa i garatey, oo ii soo badheedhay, misna i bariidisay. “Waxaan ka imid jeeskii kambalka ardaagiina degay maalintii dhoweyd. Maalintii daadku na qaatey waa tii aad noo soo gurmatey”, ayay tidhi. Si hoose ayaan isugu bogay uguna diirsadey hadalkeedii koobnaa. Dabadeed anigoo muunsoonaysa ayaan ku idhi, “mahadsanid”.
Judhiiba, waxaan xusuustay jeeskii dhowaan soo ag degay ardaaga geela. Waa qoys aan ciidan laheyn oo aan galab caawiyay. Maalin roob weyni da’ay ayaa daad badani ku soo rogmadey, dabadeed daadkii baan ka moosey. Maalin kale ayaan hoygooda ugu tegay oo caanaheygii u hibeeyay. Habqaad aan nadiif aheyn bay ii dhiibeen, dabadeed qalbiga ayaan ka dareemay inaysan haamuhu u biyaysanayn, sidaas darteed, haradii ayaan biyo uga soo dhaamiyay. Aad bay ugu farxeen oo haakah ayey yidhaahdeen.
Si kastaba ha noqotee, haasaawe ayaa halkii nooga bilaabmey. Wax aan qoonsado ama wax lagu saluugo kuma arag run ahaan. May hadal badneyn, hadal cunna may laheyn, dabcan hadalyaqaan aan hal seegayn ayey aheyd.
Xuunshooyin iyo xuur ayaa ka kalluumaysanayey midhaxareeraad harada hareeraheeda, aniguna Haldhaa baan la haasaawayey. Dhab ahaan hawdkii wuxuu noqday meel xiise leh maalintaas ka dib.