Skip to main content

Sunday 12 July 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Faaqidaad

Hodanka La Hagraday: Reerguuraaga DDS iyo Siyaasadaha Gurracan

14 June, 2026
Image
Hodanka La Hagraday: Reerguuraaga DDS, Caqabadaha ku Gedaaman iyo Siyaasadaha horumarinta ee Gurracan
Share

Dhulwaynaha oomanaha jooggiisu hooseeyo ee Deegaanka Soomaalida marka la joogo, qofka raacatada ah, hantidiisa dhami waxa ay ku socotaa afar lugood oo nooc ka mid ah loo yaqaanno geel, qaar adhi, qayb kalena lo’. Waxa ku gedaaman hantidaas caqabado ay u weyn yihiin biyaha iyo baadka aan sannadka laba xilli oo ka mid ah ama ka badanba sahalo loo helin. Haddaba qofka xoolahaas lehi waxa uu ku khasban yahay in uu kolba ula guuro bartii ay ku nabadgalayaan.

Guurguurku waa xeelad ay dadka habkaa u nooli ugu talagaleen inay iyaga iyo hantidooduba kaga badbaadaan khatarta ku xeeran dhulkooda cimilada kakan, waana halka magaca “reerguuraa” uga baxay. Waxa intaas dheer in hantidaas iyo dadka lehba ay gacanbidixayn kala kulmeen dawladihii maamulkooda sheeganayay. Reerguuraagu waa dadka noloshoodu ku tiirsan tahay dhaqashada xoolaha ee kolba ula guura meeshii biyo iyo daaqsin leh.

Qeexitaanka ugu caansan ee reerguuraagu waa midka uu Swift (1998) adeegsaday oo ah sidatan, “nidaamka xoolodhaqatadu waa midka dakhliga qoysku 50% ka soo baxo xoolaha iyo waxyaabaha la xidhiidha”.Reerguuraagu waxay dadka Itoobiya ka yihiin 14%, waxayna guud ahaan dhulka Itoobiya ka degaan 61% taas oo ka dhigan 700,000 km². Sannad miisaaniyadeedkii 2005-2006, saamiga ay xooluhu ka ahaayeen GDP-ga dalku waxa uu ahaa 16%, halka ay wax-soo-saarka dalka ka ahaayeen 38%.

Xogaha rasmiga ah oo keliya ma muujinayaan xaqiiqda dhabta ah. Warbixin ay IGAD diyaarisay ayaa sheegaysa in faa’iidada dhaqaale ee xooluhu marka la isku daro ay gaadhayso 113 bilyan oo birr taas oo saddex jeer iyo siyaado ka badan xogta rasmiga ah ee 32 bilyan ka dhigaysa. Deegaanka Soomaalida oo ah deegaannada ugu reerguuraaga badan waxa lagu qiyaasay in uu dhan yahay 65%, xoolaha ku noolna waxa sidoo kale lagu sheegay 41 milyan oo ka kooban saddexda meesi ee xoolaha la dhaqdo ah.

Tirakoobka dalka ee 2008 waxa uu sheegayaa tiro aad uga hoosaysa midda uu xafiiska heer Deegaan dhigayo, taas oo ah in xoolaha Deegaanka Soomaalida tiradooda guud tahay 3.39 milyan. Warbixin ay IGAD ka diyaarisay saamiga ay xooluhu ku leeyihiin dhaqaalaha waddamada xubnaha ka ah ururka ayaa sheegaysa in caqabadda tirakoobka dalka haysata tahay inuu ku kooban yahay saddex gobol oo ka mid ah tobanka gobol ee Deegaanka Soomaalida.

Marka laga yimaaddo Itoobiyada kale, Deegaanka Soomaalidu waxa uu si weyn ugu tiirsan yahay xoolaha iyo wax-soo-saarkooda. Waaxda dhaqaalaha ee ay xooluhu hoostagaan waa wax-soo-saarka (Agriculture) oo dhaqaalaha Deegaanka intii u dhexaysay 2010-2015 ka ahayd 60%, halka waax-hoosaadda xooluhu saamiga ka ahayd 74%, isla markaana saamiga beeruhu ahaa 5.6%, taas oo ka dhigan in waaxda dhan ee waxsoosaarka Deegaanku ku tiirsanayd xoolaha.

Dadka xoolaha dhaqda waxa ay u adeegsadaan cunto, kayd iyo milgo ahaanba, wayna iibiyaan xoolaha, maalinta ay dantu la soo deristo. Dad kale ayaa ka ganacsada, una dhoofiya dibadda. Koox kale ayaa magaalada ku qala xoolaha oo dhankaa dhaqaale uga sameeya, halka ganacsiyada waaweyn qaar ay ku tiirsan yihiin dhoofinta xoolaha iyo soo-dejinta badeecooyinka xoolodhaqatadu u baahato.

Waxa hadda cusub oo ku soo biiray ganacsiga caanaha oo suuq weyn ku leh magaalooyinka Deegaanka, kaas oo marba marka ku xigta horumar sii samaynaya. Marka aad dhinacyadaas kala duwan ka fiiriso waxa kuu soo baxaya in ganacsiga xooluhu lafdhabar u yahay nolosha Deegaanka Soomaalida, waxana sheegashadaas xoojinaya in qoraallada qaar cayimay ay sheegayaan in 90% oo dadka ka mid ahi ay ku tiirsan yihiin xoolaha iyo waxsoosaarkooda.

Waxa uu Stephen Devereux soo xiganayaa in joojintii dhoofinta xoolaha ee 1998 ilaa 2000 oo kalabadh meesha ka saartay xoolihii Geeska Afrika laga dhoofin jiray ay hoos u riday GDP-ga Deegaanka Soomaalida 36%. Dadka ahmiyadda noocaas ah leh waxa soo wajaha caqabado iyo dhibaatooyin badan oo isbiirsada sida: abaaraha soo noqnoqda, colaadaha, adeeg la’aan ama yaraan, suuq la’aan iwm.

Marka la milicsado taariikhda xukuumadaha Itoobiya, waxa reerguuraaga lagu wajahay siyaasado gurracan oo noloshooda in lagu tirtiro ay ka dhalanaysay, si ulakac ah iyo si kama’ ahba.

Caqabadaha haysta reerguuraaga

Reerguuraaga Soomaaliyeed maadaama oo ay ku nool yihiin dhul cimiladiisu kakan tahay waxa soo wajaha caqabado badan. Abaaro, colaado, iyo dhibaatooyin suuqa la xidhiidha ayay la kulmaan. Waxa caqabadahan sii adkaynaya waa nuglaanshaha dadka iyo xoolohooda dhibaatooyinkan iyo danayn la’aanta ay dawladda kala kulmaan. Waxa sidoo kale nuglaanshahan sii kordhiyay isbeddelka cimilada iyo soo-noqnoqoshada abaaraha oo aan fursad ay ku soo kabtaan u oggolaanaynin dadka ay saameeyaan caqabadahani.

Abaarta

Abaartu waa caqabadda ugu weyn ee reerguuraaga soo wajahda. Waxa ay ka kicisaa deegaannadii ay qabatimeen ee noloshoodu ku tiirsanayd ka dib marka daaqsintu madhato biyuhuna idlaadaan. Ka sokow rafaadka iyo diifta ay dadka baddo ee guurguurka, biyoraadinta iyo hayaanka dheer ah, waxa ay abaartu salfataa nolosha dadka iyo xoolahoodaba.

Intii u dhexaysay sannadihii 2000 ilaa 2011, waxa Geeska Afrika ka dhacay saddex abaarood oo aad u ba’naa kuwaas oo galaaftay tobannaan kun oo nafood, Deegaanka Soomaalida iyo dalka deriska ah ee Soomaaliyaba. Abaaraha waxa ka dhasha macaluul iyo cudurro dadka iyo xoolahaba dhammeeya. Abaartii 1998-2000, waxa uu Stephen Devereux soo xiganayaa in 98,000 oo qof ku dhinteen Deegaanka Soomaalida.

Waxa sidoo kale xoolihii Deegaanka abaartu ku laysay 2016 lagu qiyaasaa 1 milyan oo neef kuwaas oo saamayn dhaqaale iyo mid nololeedba reebay. Mar kale intii u dhexaysay 2021-2022, 3.5 milyan neef ayaa abaar ugu le’day Itoobiya, halka 25 milyan kale ay weydoobeen oo dhimasho qarka u saarmeen. Dadka xoolaha yar oo badanaa marka abaaro sidaa u darani dhacaan ku hanti waaya waxa ay abaaruhu u sababaan barakac iyo inay magaalooyinka u dhow nolol u raadsadaan.

Abaartii 2022 waxa ay deegaannada Soomaalida iyo Oromada barakicisay 583,000 oo qof. Magaalooyinka Deegaanka qofka mara waxa uu dareemi karaa xaddiga dadka abaaruhu soo barakiciyeen ee magaalada soo degay wixii ka dambeeyay 2016. Waxa xusid mudan in abaartii 2016 uu la socday shuban nafo badan galaaftay. Waxa mar walba abaarta saamaynteeda kordhiya biyo la’aanta baahsan ee Deegaanka ka jirta, adeegga go’an ama liita ee aagagga reerguuraaga aan aalaaba laga helin iyo gabitaanka maamullada.

Colaadaha

Colaaduhu iyana waa caqabad kale oo haysata reerguuraaga. Khayraadka kooban ee deegaannada reerguuraaga yaalla ayaa ah sababta ugu weyn ee colaadaha reerguuraaga hurisa. Daaqsinta iyo goobaha biyaha ee kooban ayaa mar walba ah sabab khilaaf dhalisa.

Waxa kale oo colaadaha reerguuraaga Soomaalida hurin jiray kala-dhaca xoolaha, gaar ahaan geela, oo goor kasta oo barwaaqo ah soo noqnoqon jiray. Soomaalidu geela waa ay qaddarisa oo qofka lehi bulshada dhexdeeda ayuu xushmo ku mutaystaa, maadaama oo gabadha uu rabo doonan karo, haddii tolka hawli ku timaaddana furdaamin karo. Sidaa aawadeed, jid walba ha loo maro’e in geel la hantiyaa wax laga ahaan karo ma ahayn, in la soo dhacana wax la iskula yaabo looma aqoonsanaan jirin.

Waana sababta ay u yidhaahdeen: “Aakhara nimaan geel lahayn lama amaanayn” Waxa uu Xarbi Ismaaciil odhanayaa isaga oo rag ku qalqaalinaya inay geel soo dhacaan una sharxaya sababta ka dambaysa dhacooda iyo waxtarka uu ku fadhiyo:

Basarku caydhu leedahay nin ogi kama baqeen geel e

Ba’ayeeyda naaguhuna saw idin ma beerqaaddo

Waxa uu Xarbi ragga uu guubaabinayo u sharxayaa in dhaqanka caydhu dadka gayaysiiso nin ogi uuna geel uu dhici karo ka baaqsadeen. Basarkaa caydheed oo baryo iyo hiifitaan dadka lagala kulmo gayaysiiya ruuxa, qof si dhab ah u yaqaannaa inuuna ka habradeen dirirta ayuu ku haaraamayaa ragga uu xiniinyo-taabanayo ee in dumarka baroortoodu xataa ay waxba ka tari la’dahay uu ku beerlaxawsanayo.

Haddaba geelu maadaama oo uu qiimahaa sare leeyahay waxa uu sababi jiray colaad iyo dirir, Faarax Nuur oo dhibta geelu keeno ee caynkaas ah milicsadayna waxa uu leeyahay:

Halkuu geel saqaafaha ku maro sababtu waa taale

Waa sahanka geerida hadday olosho soodaane”.

Waxa uu gabaygu carrabbaabayaa in geelu sidiisaba meesha uu cagta dhigo ay geerina la socoto oo dad badani isaga sababsadaan. Waxaba uu abwaanku geela ku sheegayaa inuu yahay sahanka geerida horsocda ee raadinaya ciddii ku bixi lahayd sida sahanka reerku ugu baadidoono bar biyo iyo daaqsin leh oo geeddiga lagu furo.

Waxa ay maansadu inoo muujinaysaa doorka uu geelu ku lahaa hurinta colaadaha. Sababta colaadaha dhalisaa kaliya ma aha khayraad yari, balse waxa sidoo kale keena faragalinta dowladda, helitaanka hubka, xasillooni-darrada siyaasadeed iyo calaamadinta xuduudaha. Colaaduhu ma aha wax cusub oo waa cillad aadmiga la fac tirsata, dadkuna waxa ay ku xallin jireen hab dhaqan ah oo odayaashu madax ka yihiin.

Balse fidista dowladnimada ayaa wiiqday saamayntii odey-dhaqameedka, iyada oo aan isla markaa ku beddelin wax booskoodii buuxin kara.

Caqabadaha ku Gedaaman Suuqa

Reerguuraaga hantidooda ugu weyni waa xoolaha nool. Isaga ayay cunto ahaan u isticmaalaan, baahiyahooda kalena isaga ayay ku dabbaraan inta ay qayb gadaan. Xilliyada abaaruhu dhacaan suuqa xooluhu hoos ayuu u dhacaa marka qof waliba sayladda wax keeno, qiimaha maciishadda ay u baahdaan ee biyo iyo cuntaba lehina kor ayay u kacaan, taas oo laba-khasaar ku noqota dadka xoolodhaqatada ah.

Caqabadaha suuqa ka haysta waxa ka mid ah siyaasad-xumada iyo xilkasnimo-darrada ay maamuladii isxigay ee Itoobiya kula macaamileen dadka reerguuraaga Soomaaliyeed. Tusaale ahaan, 1998, markii la shaaciyay in xanuun laga helay xoolaha Geeska Afrika, dalalka Khaliijka oo ah meesha ugu badan ee xoolaha loo dhoofiyo ayaa joojiyay in ay xoolo ka dhoofsadaan Geeska. Tallaabadaasi waxa ay saamayn weyn ku yeelatay nolosha xoolodhaqatada Geeska iyo gaar ahaan Deegaanka Soomaalida ka dib markii hoosudhac weyni ku yimid suuqoodii.

Sida aynu horay u soo sheegnay, waxa la qiyaasay in GDP-ga Deegaanka Soomaalidu uu sannadkaas hoos u dhacay 36% oo ah saddex meeloodoow meel dhaqaalihiisa dhan. Dowladda Kenya oo dareemi kartay tallaabadaa Khaliijku saamaynta dhaqaale ee ay leedahay waxa ay samaysay dhaqdhaqaaq diblomaasiyadeed kaas oo midhadhalay markii kalabadh loo oggolaaday inay dhoofin karto. Balse dowladda Itoobiya oo ahayd meelaha ugu badan ee xoolahan laga dhoofin jiray far ma ayna dhaqaajin, taas oo ku tusinaysa xilkasnimo-darradda iyo gacanbidixaynta lagu hayay dadka Deegaanka.

Waxa sii xoojinaya dhibaatada suuqa in ganacsiga xoolaha ee xuduudaha ka tallaaba-oo ah mid aad muhiim ugu ah dhaqaalaha Deegaanka, ay dowladdu u qabto mid sharcidarro ah oo ayna aqoonsanayn. Xoolaha ka taga Deegaanka Soomaalida ee laga dhoofiyo dekadaha Berbera iyo Boosaaso waxa lagu qiyaasay qiimihiisa lacag dhan 144 milyan oo doolar. Dakhligaasi waxa uu ka maqan yahay xisaabaadka rasmiga ah ee dowladda taas oo ku tusinaysa dayacaadda ka jirta ilaha dhaqaalaha.

Caqabadaha suuqa ka haysta xooladhaqatada Deegaanka Soomaalida ilaa maanta lama xallin xitaa iyada oo ay jiraan xafiisyo magaca bulshadaas wata. Suuqa xoolaha Deegaanku ma aha mid si wacan loo maareeyo, xoolaha waxa lagu gataa qiime aan macquul ahayn, marar bandanna dillaalo ayaa amaah ku qaata oo lafaha bilo ka dib u soo celiya dadkii xoolaha lahaa. Gooro kale waxa xoolaha dadkaas ay dowladdu ku dhacdaa magaca kontarabaan.

Siyaasadaha Talisyadii Isxigxigay ee Itoobiya ka Lahaayeen Reerguuraaga

Siddeetamaadka qarnigii tegay ka hor, waxa caan ahayd aragti la yidhaahdo aragtida isu-dheelitirka deegaanka (equilibrium theory) oo qabatay in dhulku awood go’an oo daaqsimeed leeyahay, mar kastana ay reerguuraagu dhaafiyaan awooddii dhulku xammilayay, iyada oo u arkaysay in mushkiladdu xoolahooda tahay. Waxa ay aragtidu qabtaa in reerguuraagu halis ku yihiin dhulka oo ay nabaad guurinayaan.

Waxa se dib laga ogaaday in aan noloshuba reerguuraaga ku simin nabaadguurinta oo markaba abaaro kiciyaan, sababta ay la guurayaanna tahay iskuday ah inay la qabatimaan cimiladan qallafsan. Iyada oo aragtiyahan iyo waxyaabo la halmaala laga duulayo, nolosha reerguuraaga waxa lagu sifeeyay dad iska warwareegaya oo aan caqligu hagaynin, dhulkana u daran.

Qaabka reerguuraaga loo eegayay xilligii boqortooyada Itoobiya sidan ayuu ahaa, sidaas awgeed waxa kaliya ee laga rabay waxa uu ahaa in faa’iido dhaqaale dawladdu ka soo saarato oo aan caqli-darradan la isku daallinin. Waxa deegaannadii reerguuraaga laga sameeyay beero ganacsi ah oo shakhsiyaad gacanta ku hayaan sida aagga dooxada Awaash, Hararge, Erer iyo Sidamo. Waxa sidoo kale la sameeyay mashaariic waraab oo waaweyn oo ku kooban dhulka joogga hoose ee raacatada.

Sababtu waxay ahayd in dhulka buuralaydu uu qaadkiisii dhaafay, ujeedka laga lahaa mashaariicdan waxsoosaarna waxa uun ay ahayd in dakhliga dowladda la xoojiyo ee marnaba ma ahayn horumarinta dadkii deegaanka. Markii dhergigu boqortooyada meesha ka saaray isma beddelin fikirkii laga aaminsanaa caqligaabnimada reerguuraaga ee waxa la sii ballaadhiyay mashaariicdii waaweynaa ee beeraha iyaga oo markan la qarameeyay, siyaasadihii horumarineed ee uu soo saarayna waxa ay ku koobnaayeen horumarinta waxsoosaarka beeraha.

Waxa intaas dheer xeerkii lahaanshaha dhulka oo caqabad weyn ku noqday dhaqdhaqaaqii xooladhaqatada iyada oo lahaanshihii dhulka ay taariikhda u lahaayeen gabi ahaanba lagu wareejiyay dowladda. Waxa xasuus mudan mashaariicdii goobaha dalxiiska qaranka iyo dhuldaaqsimeedyadii la ooday ee laga fuliyay dhulka reerguuraaga oo caqabad weyn ku noqday daaqsintii xoolaha iyo dhaqdhaqaaqoodiiba. Dhammaan mashaariicdaa waxa la fuliyay iyada oo aan wax magdhow ah laga siinin dadkii dhibaatadu ka soo gaadhay.

Mashaariicdan horumarineed waxa ay la fashilmeen fahan gurracan oo lagu hawlgaliyay, dadka deegaanka oo aan lala tashannin iyo ujeedka oo aan marka horeba ahayn horumarinta dadkan ee dantu ahayd horumarinta waxsoosaarka beeraha iyo kobcinta dakhliga ka soo xarooda. Kolkii ay EPRDF xilka qabatay 1991-dii waxay isku dayday inay ka jawaabto baahiyaha dadkii horay loo gacanbidixayn jiray oo ay reerguuraagu ka mid ahaayeen. Waxa ay diyaarisay qorshayaal lagu horumarinayo reerguuraaga oo mashruuca horumarinta beeraha hoostaga.

Mashaariicdaasi waxa ay ka duulayeen isla aragtidii xukuumadihii hore oo ahaa dib-u-dejinta dadka qorshaha muddada dheer. Mashruucii SDPRP ee 2002-dii la qaatay waxa uu si cad u dhigayaa, “in dibudejin xulasho iyo rabitaan ku salaysan uu yahay xalka keliya ee muddada dheer shaqayn kara”. Taaggaa haddana waxa ay isku dayayeen in qorshaha soke noqdo sidii xaaladda dhaqaale ee reerguuraaga wax looga qaban lahaa inta aan qorshaha fog ee dib-u-dejinta la gaadhin.

Nuxurka guud ee qorshayaal kala duwan oo ay EPRDF dejisay waxa uu isugu soo ururayay in dadkan dibudejin loo sameeyo, dabeeto goobaha la dejiyo adeeg lagu gaadhsiiyo. Waxa mashaariicdan ka mid ahaa mashruucii Biyo, Baad iyo Caafimaad ee xukuumaddii hore ee Deegaanku ay billowday.

Xukuumaddan PP waxa ay iyana samaysay siyaasad horumarineed oo aan wax badan kaga duwanayn tii EPRDF. Waxa ay siyaasaddan cusub qudheedu ku biyoshubanaysaa uun labadii ujeeddo ee waligeedba lagula macaamili jiray bulshada reerguuraaga oo ahaa in hadda dhaqaale laga soo saaro iyo in hadhowto la dejiyo. Tiirka koowaad ee siyaasadda uu dejiyay xafiiska heer Deegaan ee horumarinta xoola-dhaqatada waxa uu ku sheegayaa in la ballaadhiyo xoolodhaqato-beeralayda, islamar ahaantaana la sameeyo dibudejin ku salaysan rabitaan.

Siyaasaddu waxay ka garaabaysaa in gacanbidixayn badan ay la kulmeen xooladhaqatada Deegaanka Soomaalidu hadda ka hor, xukuumadihii isxigayna ay kaliya horumarinta beeraha xoogga saarayeen. Waxay xusaysaa in nolosha raacatada loo arkayay mid dibdhac ah, sidoo kalena in siyaasadaha horumarinta ay dejinayeen afartii qawmiyadood ee EPRDF ku midowday oo dabcan aan meteli karin baahiyaha dadka Deegaanka Soomaalida. Waxa lagu sheegay qaybta ujeeddooyinka in siyaasadda danteedu tahay in nolol waarta oo horumar leh loo abuuro reerguuraaga.

Waxa se markaba lagu xidhiidhinayaa in dibudejin doorasho ah loo sameeyo raacatada. Waxa su’aashu tahay in dadka reerguuraaga ah la dejiyo ma habnololeedkoodii ayay ilaalinaysaa mise way burburinaysaa? Halkaasna waxa ka muuqanaysa isburinta dhex taalla siyaasadda, iyada oo sidoo kalena laga arkayo in kaliya garaabis ay ku kooban tahay siyaasaddu ee aan wax badan laga beddelin siyaasadihii horumarinta reerguuraaga ee EPRDF ay dejisay.

Waxa aynu siyaasad ka duwan kuwayawgii horay loo dejiyay helaynaa marka la aqbalo habnololeedka reerguuraaga, horumar habnololeedkaa ku jaan go’anna la qorsheeyo. Dabcan dadka abaaruhu caydheeyeen dibudejin way u baahan yihiin, balse dadka qaalibka ah ee reerguuraanimada ku nooli uma baahna in xero caydheed la dejiyo ee qorshe horumarineed oo ka duulaya qiyamkooda ayay dheefsan karaan.

Dhibaatada guud ee siyaasadaha horumarinta reerguuraaga haysata waa in indho khaldan lagu eegayo mar walba habka ay u nool yihiin, dabeeto xukuumadaha qaarna isku dayayeen inay habnololeedkan ka beddelaan, halka qaar kalena sidii ay cashuur ugala soo bixi lahaayeen ay xoogga saarayeen. Taas waxa ka dhashay in badi mashaariicda horumarinta reerguuraaga ee 60-kii sano ee u dambeeyay xukuumadaha Itoobiya fulinayeen ay fashil ku soo dhammaadaan.

Sababta koowaad ee fashilku waxa ay ahayd indhaha khaldan ee lagu eegayay habnololeedka reerguuraaga. Labo, mashaariicdu waxa ay ahayd mid aan bulshada lagala tashan oo kor uun ka timaadda. Saddex, kaabayaasha dhaqaalaha iyo horumarinta dhaqandhaqaale oo aan xoogga la saarin. Iyo ugu dambayn mashaariicda la fulinayo oo aan toos u wada jaanqaadaynin. Sidaas awgeed bayna mashaariicdaasi u noqonnin kuwo midho-dhala.

Dibudejintu waa aragti ku qotonta in habnoloeedka reerguuraagu yahay mid dibudhacsan oo u baahan in la beddelo, lagana dhaxlay gumaystayaashii reer Yurub ee Afrika bililiqaystay.

Sida oo kalena dib-u-dejinta loo sameeyo reerguuraagu ma noqonnin mid guulaysata marka loo fiirsado tusaalayaal Itoobiya ah iyo kuwo ka baxsanba. Xoolodhaqatada dib-u-dejinta loo sameeyaa way ka faqiirsan yihiin dadkay ka yimaaddeen iyo kuwa magaaladaba. Waxa ay wajahaan nafaqadarro, caafimaadxumo iyo gacanbidixayn ka daran tii hore.

Waxa kale oo aan isqabanaynin siyaasad loogu magacdaray horumarinta reerguuraagu inay ka shaqayso baabi’inta reerguuga, illeen dadka marka dibudejin loo sameeyo ma noqonayaan reerguuraa e. Peter D. Little oo ka doodaya siyaasadda dib-u-dejinta ayaa waxa uu yidhi: “reerguuraaga ladani ma jirto sabab ay u jeclaadaan noqoshada beeralay faqri ah, maadaama oo Itoobiya leedahay beeralay badan oo faqri ahna, dhaqaalaha dalku waxba ka heli maayo in dadkaa la sii badiyo. Dadka in la dejiyo xal maaha.” Waxa ayna iswaydiinnin siyaasadsameeyayaasha dib-u-dejinta iyo beeraha u qorshaynaya reerguuraagu in dhulkan xoolaha abaarta iska xejiyaa ku le’anayaan ayna beero ku bixi karin, sababo la xidhiidha biyayaraanta iyo abaaraha.

Sababta reerguuraaga Itoobiya ay xukuumadda dalkoodu sidan oo dhan ugu gacanbidixayso waa in dadka raacatada ahi goobaha go’aangaadhista ka maqan yihiin oo badiba cidda siyaasadda dejisaa waa dad ka soo jeeda dhulal beeralay ah.

Maadaama oo dowladda Federaalka ay dadkaasi ku gacan sarreeyaanna waxa ka dhashay in xitaa Deegaanka Soomaalida oo dadkiisu 85% yihiin xoolodhaqato iyo xoolodhaqato-beeralay ay siyaasadihiisa horumarineed ay ku salaysnaadaan horumarinta beeraha oo kaliya. Beeruhu ma aha wax xun iyo faa’iido la’aan toona, balse marka dadkaaga hantidiisa ugu badani tahay xoolo, sida loo dhaqaana in lala guurguuro tahay, kuuma habboona in aad iska indhatirto iyagana aad baylihiso misana aad jamato habnololeed aan deegaankaaga badankiisa ka suuroobi karin.

Dhaqaalaha Deegaanku waxa uu ku salaysan yahay xoolo, siyaasad walba oo horumarineedna waa inay bartaa ka duushaa haddii inay guulaysato dadkana la horumariyo la rabo. Udubdhexaadka dhaqaalahaaga haddii aad ilaalin waydo misana horumarin waydo, hadhowto kuma wadayaan siyaasado kor laga soo dhaadhicayay.

Waxa se su’aasha iswaydiinta mudani tahay: haddii siyaasad sameeyayaasha dowladda Federaalku yihiin kuwo asal beeralay leh oo kas ama kama’ siyaasado gurracan ugu goynaya reerguuraaga Itoobiya, muxuu yahay cudurdaarka maamulka Deegaanka Soomaalida ee waxsoosaarkiisa ugu weyni yahay xoolaha? Waxa yaab leh in horumarka dhan ee waxsoosaarka Deegaanka loo aqoonsaday kaliya qamandida aadka loo dhiirrigaliyay heer gaadhsiisan in Madaxweynaha Deegaanku waraysigii u dambeeyay ee uu majalladda The Reporter siiyay ka warramayay inta tan ee raashina ee la soo saaray halka uusan xoolaha marna soo hadalqaadin.

Gunaanad iyo Soojeedin

Deegaanka Soomaalidu waxa uu si weyn ugu tiirsan yahay reerguuraaga. 65% dadka Deegaanku waa xoolodhaqato, tirada xoolahoodu waa 41 milyan oo ah tiro aan la dhayalsan karin, GDP-ga Deegaankana waxa ay ku leeyihiin saamayn weyn oo 2010-2015 gaadhsiisnayd 44.4%. Haddaba, hantida tiradaas iyo miisaankaas leh waa la ilduufay oo lagama shaqaynin mashaariic dhab ah oo reerguuraagu ku horumaraan, dadka Deegaanka oo dhanina dhaqaalahaas dihin ku dheefsadaan.

Hantidaas iyo dadka lehi waxa ay wajahaan caqabado iyo dhibaatooyin sida: abaaro, colaado, siyaasado gurracan iyo caqabado suuqa la xidhiidha, keliyana ma aha caqabadahani kuwo dabiici ah ee dayaca dowladda ayaa sii xumeeya xaaladda. Xukuumad kasta oo Itoobiya soo martay waxay ka duulaysay aragti khaldan oo laga haystay reerguuraaga iyo habnololeedkooda, mashruuc walba oo fahankaa gurracani sal u ahaana waa uu dhicisoobay. Dhibtu ma ahayn nidaamka siyaasadeed ee waxa uu ahaa qiyamka buuralayda ee nidaamkaas saldhigga u ahaa oo la rabay in lagu jujuubo bulsho ka qiyam iyo habnololeed duwan oo nolosheeda xooluhu sees u yihiin.

Haddaba, dhibaatadu waa metelaad la’aan dhab ah oo heer federal iyo mid deegaanba ah. Deegaan dadkiisa xoolodhaqatada ahi yihiin 65% laguma maamuli karo siyaasado xoolaha u arka khayraad aan muhiim ahayn. Sidaas aawadeed waxa xalku ku jiraa in metelaad dhab ah ay helaan xooladhaqatadu misana go’aanka qayb ku yeeshaan. Ilaa inta heerkaas laga gaadhayo mashaariic dhicisawda dhammaan mayso, horumar dhab ah oo nolosha dadka wax ka beddelana haakah la odhan mayo. Ugu dambayn, waxa aan soo jeedinaya:

  1. Dowladda Federaalka iyo maamulka Deegaanka Soomaalidu waa in ay joojiyaan dib-u-dejinta ay ku doorinayaan habnololeedka dadka reerguuraaga ah. Iskudayadii hore ee la sameeyay way fashilmeen, waxaan hoosudhac dhaqaale iyo nololxumo ahayna ma dhali doonto. Taas beddelkeeda waa inay xoogga saaraan horumar ixtiraamaya qiyamka dadkaas.

  2. Reerguuraagu waa in talada ay qayb ku yeeshaan- heer Federal, mid deegaan iyo guddiyadda horumarinta, oo aan mar walba siyaasado ayna war iyo wacaal toona u haynin fulintooda lagu jujuubin. Siyaasad beero ku salaysan oo loogu talagalay xoolodhaqato siday ku guulaysato way adag tahay.

  3. Waa in dowladdu ay maalgashato ganacsiga xoolaha, abuurista suuqyadiisa, horumarinta caafimaadka xoolaha, adeegyada fudaydinaya dhoofintooda sida shuruucda iyo jidadka, hubinta in lagu iibsado qiime caddaali ah. Hanti waynu haysannaa, umana baahna in wax kale lagu beddesho ee kaliya taageero ayay rabtaa.

  4. Xukuumadda Deegaanka Soomaalida waxa u yaalla in shuruucda dhoofinta xoolaha ay dib u eegto. Haddii shuruucdaas la fududeeyo waxa imanaya: kow, waxay sahlaysaa in marinnada dhoofinta si toos ah dowladdu uga warhayso. Labo, dadka Deegaanka ee dhuumaasha ku gada xoolahoodu waxa ay suuqyada caalamka kaga gadan doonaan qiime xaq ah oo cidi uma dhexayn doonto iibsadaha iyo qofka xoolaha leh. Saddex waxa xog fiican laga heli doonaa xoolaha la dhoofiyo iyo saamaynta ay sannad walba ku leeyihiin dhaqaalaha. Afar, waxa dakhli fiican uga soo xaroon doonaa dowladda. Shan, ganacsiga xoolaha ee nugul misana curyaamay marka uu jawi uu ku bulaalo helo waxa uu abuuri doonaa fursado kale oo dhaqaale.

Haddii siyaasadaha houmarinta udubdhexaad looga dhigo reerguuraaga oo si dhab ah loogu kaco meelmarintooda, waxa aan arkaynaa qofkii hantidiisu afarta cagood ku socotay misana caqabadaha dabiiciga ah iyo kuwa dadsameega ahiba isu kaashadeen oo adkaysi u yeeshay abaartii, xoolihii dhowrka milyan ahaa ee abaar walba dhiman jiray oo horumarka gobolka ka qaybqaadanaya, tacliinta oo faaftay, hooyooyinka umul-aroorka ugu dhinta dhulalka guuraaga oo idam Alle badbaaday, dhaqaalaha dadka iyo deegaanka oo kobcay iyo saboolnimada oo la wiiqay.

Qoraallada kale ee qoraaga