Skip to main content

Sunday 12 July 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Aragti

Hirdanka Quwadaha Waaweyn ee Afrika: Faa’iido iyo Khasaare Is-barkan

4 June, 2026
Image
Hirdanka Quwadaha Waaweyn ee Afrika: Faa’iido iyo Khasaare Is-barkan
Share

Saamaynta sii laba jibbaarmaysa ee Shiinuhu ku leeyahay qaaradda Afrika waxa ay noqotay mid ka mid ah isbeddellada juquraafi-siyaasadeed ee ugu qotada dheer ee dhaca qarnigani 21aad. Xidhiidhkani ma aha mid ku kooban is-dhexgal ganacsi iyo mid maalgashi oo keliya, balse waxa uu u xuubsiibtay istiraatiijiyad awood-qaybsi oo dunida dib u qaabaynaya; hannaan ay waddanada Afrika kaga baxayaan kaalintoodii soo jireenka ahayd kuna suntanayd inay gees ka joogaan la-falgalka nidaamka caalamiga ah, iyagoo taa beddelkeedana noqonaya xuddunta loollanka qarnigan ee quwadaha waaweyn.

Waxa aan odhan karnaa, waxa maanta ka socda Afrika waa fooraha tartan hor leh oo quwadaha waaweyni mar kale ugu laactamayaan saamaynta ay ku leeyihiin dunida inteeda kale, keliya markan waxa uu ku imanayaa weji ka duwan kii dagaalkii qaboobaa ee ku suntanaa “tartan dhinaca hubka iyo awood-dhisidda milateri ah”. Balse, kalkan waa mid ku socda hannaan soo jiidasho leh oo ku qotoma horumarin dhaqaale, dhismaha kaabayaasha, kobcinta tiknoolajiyadda iyo iskaashi milateri oo ku dhisan istiraatiijiyad amni oo aad uga qoto dheer wixii hore loo yaqaannay.

Aynnu waxoogaa dib u yara milicsanno e, xidhiidhka Shiinaha iyo Afrika waxa uu leeyahay xididdo taariikheed oo dib ugu noqonaya xilligii ay socdeen halgannadii gumeysi-diidka iyo dagaalkii qaboobaa. Xilligii uu talada dalkaasi hayey Mao Zedong, Shiinuhu waxa uu isu dhigay inuu noqdo codka dalalkii weli ku jiray gumaysiga isagoo taageeray dhaqdhaqaaqyadii xorriyad-doonka ee Afrika iyo Aasiya. Xilligaas, Shiinuhu waxa uu isku dayayey in uu isu muujiyo inuu yahay quwad soo korraysa oo ka madax bannaan labadii garab ee hirdanku ka dhaxeeyey xilligaas; waa reer galbeedka iyo Midowgii Sofiyeeti e. Shirkii Bandung ee sannadkii 1955, kaasi oo dalal Afrika iyo Aasiya ahi ku curiyeen fikirka iskaashiga bulshooyinka dhaca Koonfurta Dunida (South-South Cooperation), waxa uu ahaa seeskii unkay fikirkaas oo yoolkiisu ahaa xaqiijinta ka madax-bannaanshaha saamaynta reer galbeedka. Hase yeeshee, xilligii dagaalkii qaboobaa xidhiidhkani ma ahayn mid ku socda khad toosan oo la yaqaanno, islamarkaana ay haggayso istiraatiijiyad cad oo fadhida. Intii lagu jiray kala irdhowgii Shiinaha iyo Midowgii Sofiyeeti, Beyjiin (Beijing) waxa ay si xulasho leh u taageeraysay dhaqdhaqaaqyadii xorriyaddoonka ee Afrika, iyadoo mararka qaar ka fogaanaysay kooxaha loo arkayey in ay ku dhow yihiin dhinaca Moscow. Tusaale ahaan, Koonfur Afrika, Shiinuhu markii hore waxa uu taageero weyn siin jiray ururkii PAC, halka xidhiidhkiisa ANC oo taageero ka haystay Midowgii Sofiyeeti ay xidhiidh dhab ah la yeesheen dabayaaqadii toddobaatamaadkii kadib booqashooyin diblomaasiyadeed.

Wixii ka danbeeyay dhammaadkii dagaalkii qaboobaa, Shiinuhu waxa uu si xeel dheer dib ugu habeeyey qaabkii uu ula macaamilayey waddamada Afrika . Si ka duwan hab-macaamilkii reer galbeedka ee ku dhisnaa deeqaha, gargaarka bini’aadamtinimo, iyo isu-waarididda dhaqannada iyo afkaarta aydhooolajiyaddeed, Shiinuhu waxa uu u wareegay siyaasad ku dhisan dano dhaqaale, isku-tiirsannaan ubucdiisu tahay iskaashi istiraatiiji ah iyo abqaalidda saameyn raandhiis leh.

Sannadkii 2000, waxa la aasaasay madasha FOCAC (Forum on China-Africa Cooperation), taas oo noqotay xudunta ugu weyn ee xidhiidhka labada dhinac. Madasha FOCAC ma aha madal sannadle ah, balse waa madal saddexdii sannaba hal mar qabsoonta, taasi oo ay isugu yimaadaan madaxda waddamada Afrika iyo Shiinaha. Madashan waxa si wadajir ah loogu dejiyaa qorsheyaasha ganacsiga, maalgashiga, deynta, horumarinta iyo iskaashiga amni iyo siyaasadeed ee dhinacyadan.

Waxa la odhan karaa xidhiidhka Shiinaha iyo Afrika waxa uu si dhab ah isugu beddelay mid hab istiraatiiji ah loo fuliyo sannadkii 2013 kii kadib markii Madaxweyne Shii Jinbiing (Xi Jinping) uu daahfuray hindisaha Belt and Road Initiative (BRI). Shiinuhu waxa uu Afrika u arkay halbowlaha istiraatiijiyadda cusub ee Shiinaha, gaar ahaan xaqiijinta ahdaaftiisa ku aaddan xakamaynta marinnada dhaca Badda Cas iyo Badweynta Hindiya, kuwaasi oo muhiim u ah isku xidhka suuqyada Afrika iyo Aasiya. Waxa aan odhan karnaa hindisaha BRI-du ma ahayn mashruuc dhaqaale oo keliya, balse waxa uu noqday qaab cusub oo ay Beyjiin (Beijing) dib ugu sawirayso saamaynta ay ku yeelan doonto juquraafiga ganacsiga iyo hirdanka awoodaha dunida.

Koboca dhaqaale ee laga dhaxlay xidhiidhkani waa mid aan la dafiri karin. Shiinuhu waa saaxiibka ganacsi ee ugu weyn Afrika, isagoo xejistay kaalintani muddo ka badan shan iyo toban sannadood oo xidhiidh ah. Ganacsiga ka dhexeeya labada dhinac ayaa sannadkii 2024 gaadhay ku dhawaad 275 ilaa 296 bilyan oo dollar. Afrika waxa ay ka soo dhoofsatay Shiinaha badeecooyin qiimahoodu kor u dhaafayo 180 bilyan oo dollar, halka ay u dhoofisay badeecooyin ku qiimaysnaa ku dhawaad 93 bilyan oo dollar. Waxa xusid gaar ah mudan in ku dhawaad saddex meelood hal meel wadarta dalalka Afrika uu Shiinuhu maanta u yahay suuqa ugu weyn ee ay wax u dhoofiyaan, arrintaas oo muujinaysa sida xidhiidhkani ugu dhex xididaystay dhaqaalaha qaaradda.

Maalgashiga tooska ah ee Shiinaha (FDI) waxa uu noqday mid si joogto ah u fidaya. Sannadkii 2024 kii oo keliya, isugeynta maalgashiga Shiinaha ee Afrika waxa uu gaadhay ku dhawaad 44 bilyan oo dollar, iyadoo maalgashigaasi abbaartiisu u badatay dhinacyada horumarinta warshadaha, macdanta, tamarta, tiknoolajiyadda isgaadhsiinta, beeraha iyo xarumaha saadka.

Si kastaba ha ahaatee, laf dhabarta saamaynta Shiinaha ee Afrika weli waa maalgashiga kaabeyaasha dhaqaalaha. Shirkii FOCAC ee Beijing lagu qabtay sannadkii 2024, Madaxweyne Xi Jinping waxa uu ku dhawaaqay maalgelin gaadhaysa 50.7 bilyan oo dollar muddo saddex sannadood ah. Lacagtaasi waxa qayb ka ahaa fursado amaah ah oo gaadhaya 30 bilyan oo dollar, gargaar horumarineed iyo maalgelin ay sameynayaan shirkadaha Shiinuhu.

Haddii aynu usoo daadagno Bariga Afrika ama Geeska Afrika, halkan si baaxad leh ayay saamaynta Shiinuhu uga muuqataa. Gobolkani waxa uu ku fadhiyaa marin-biyoodka ugu muhiimsan ganacsiga dunida; waa albaabka isku xidha Badda Cas, Kanaalka Suweys iyo Badweynta Hindiya. Muhiimadda uu leeyahay darteed, Beyjiin (Beijing) waxa ay gobolkani gelisay maalgashi baaxad weyn leh oo taabanaya dhismaha khadadka tareennada, dekedaha, waddooyinka, ilaha tamarta iyo xarumaha saadka.

Mashruuca tareenka Itoobiya iyo Jabuuti waa tusaalaha ugu weyn ee aragtida maalgelinta Shiinaha. Dhismaha khadka tareenka ee casriga ah, oo ku kacay qiyaastii 4 ilaa 5 bilyan oo dollar, waxa maalgeliyey bangiga Shiinaha laga leeyahay ee loo yaqaan Exim Bank of China. Khadkani casriga ahi waxa uu si weyn u yareeyay muddadii badeecaduhu ay uga kala gooshi jireen Addis Ababa iyo dekedda Doraleh ee Jabuuti. Khadkani waxa uu Itoobiya , oo ah dal bad-laawe ah, u yahay halbowlaha ugu muhiimsan ee uu u soo maro ganacsiga uga imanaya dibedda.

Kiiniya lafteedu kama qadin maalgelinta Shiinaha. Mashruuca Standard Gauge Railway (SGR), oo ah jid casri ah oo isku xidhaya magaalooyinka Mombaasa iyo Nayroobi, ayaa ka mid ah maalgelinta Shiinuhu geliyey dalka Kiiniya. Wejigii koowaad ee mashruucani waxa uu ku kacay ku dhawaad 3.6 ilaa 3.8 bilyan oo dollar, iyadoo inta badan lagu maalgeliyey deymaha bangiyada Shiinaha. Dadka la dhacsan maalgelinta jidkani waxa ay aamminsan yihiin in uu wax weyn ka beddelay isku socodka iyo dhaqdhaqaaqa ganacsiga ee gudaha Kiiniya, halka dadka ka soo horjeedaana ay su'aal gelinayaan culayska deyntani leedahay iyo is-barbardhigga faa’iidada dhaqaale ee laga dheefi karo muddada dheer.

Jabuuti dhankeeda waa muraayadda laga dheehan karo ku milanka dannaha dhaqaale iyo istiraatiijiyadda amni ee Shiinaha. Beyjiin (Beijing) waxa ay Jabuuti ka hirgelisay dekedo, aagag ganacsi oo xor ah iyo xarumo saadka ah. Waxa aynnu odhan karnaa tallaabadii ugu weynayd ee Shiinuhu waxa ay timid sannadkii 2017 kii markii uu Jabuuti ka furtay saldhiggii ugu horreeyey ee milateri ee ku yaalla meel ka baxsan xuduudihiisa. Furitaanka saldhiggaasi waxa uu calaamad u noqday in Shiinuhu u gudbay marxallad cusub oo ka baxsan in siyaasaddiisa arrimo dibeddeed keliya ku tiirsanaato saameyn dhaqaale (soft power), isagoo u gudbay dhinaca is-balaadhinta awoodda militari.

Shiinuhu maanta waxa uu ka mid yahay deyn-bixiyeyaasha ugu waaweyn Afrika, gaar ahaan dalalka Itoobiya, Kiiniya iyo Jabuuti. Deymaha Shiinuhu ku leeyahay waxa ay gaadhayaan balaayiin dollar, waxayna abuureen doodo ay dadka Afrikaanka ahi wax iskaga weydiinayaan saamaynta ay ku yeelan karaan madaxbannaanidooda. Dadka naqdiya furfurnaanta deymaha Shiinuhu waxa ay ku tilmaamaan inay tahay dabin dibloomaasiyaddeed “debt-trap diplomacy”, iyagoo ku doodaya in Beyjiin (Beijing) ay deymaha u adeegsanayso sidii ay saamayn istiraatiiji ah ugu yeelan lahayd dalalka nugul.

Hase yeeshee, xisaabtaasi ma aha mid sidan sahlan looga akhrin karo dhinac keliya. Inkasta oo dhibaatooyinka deyntu dhab yihiin, haddana way kooban yihiin caddeymaha muujinaya in Shiinuhu uu si qorshaysan ula wareegay hanti dalal Afrikaan ahi leeyihiin. Dhab ahaan, waxa la odhan karaa ba, dalal badan oo Afrika ahi iyagaa iskood u raadsaday maalgelinta Shiinaha, maadaama reer galbeedku aanay muddo dheerba diyaar u ahayn in ay bixiyaan maalgelin lagu horumarin karo kaabeyaasha waaweyn ee qaaraddu u baahan tahay.

Waxa se aan la dafiri karin in koritaanka Shiinuhu uu siyaasad ahaan si weyn u beddelay jihadii diblomaasiyadda ee waddamada Afrika. Inta badan dalalka Afrika waxa ay haatan taageersan yihiin mabda’a Shiine Mid ah “One China Policy”. Muddo tobannaan sano ah, waddanka keliya ee Afrika sida rasmiga ah u aqoonsan Taywaan, waxa uu ahaa dalka Eswatiini. Dhowaan uun bay ahayd kolkii Madaxweynaha Taywaan, Lai Ching-te, oo ku soo wajahnaa dalka Eswatiini uu la kulmay caqabado waaweyn oo dhinaca socdaalka ah kadib markii dalal Afrikaan ah oo ku xeeran Eswatiini ay la laabteen oggolaanshihii diyaaraddiisu ku dul mari lahayd hawadooda. Dowladda Taywaan, oo ka falcelisay tallaabadaasi, waxa ay si cad u sheegtay in tallaabada dalalkaasi qaadeen ay ka dhalatay cadaadis ay kala kulmeen dhinaca Beyjiin (Beijing). Waddamada Seychelles, Mauritius iyo Madagascar ayaa Shiinuhu si rasmi ah ugu ammaanay inay ixtiraameen mabda’a "Shiine Mid ah".

Tusaale kale oo muujinaya sida saamaynta Shiinaha ee dhanka siyaasaddu ugu sii dhex fidayso dalalka Afrika waa tartankii loo galay kursiga Guddoomiyenimada Komishanka Midowga Afrika. Doorashadii Guddoomiyaha Komishanka Midowga Afrika oo dhacday sannadkii 2025, waxa ku guulaystay Wasiirkii Arrimaha Dibadda ee Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf, isaga oo ka adkaaday Ra’iisal Wasaarihii hore ee Kenya Raila Odinga. Raila Odinga waxa uu ahaa siyaasi caan ka ah Afrika oo muddo dheer ka dhex muuqday siyaasadda qaaradda, isla markaana loo arkayey musharrax leh xidhiidho xooggan oo dhinaca reer galbeedka iyo hay’adaha horumarinta ee caalamiga ah.

Inkasta oo aanay jirin caddeyn rasmi ah oo muujinaysa in Shiinuhu si toos ah u farogeliyey natiijada doorashadaasi, haddana guusha Jabuuti waxa ay iftiimisay miisaanka sii kordhaya ee dalka Shiinaha, gaar ahaan gudaha Midowga Afrika. Jabuuti, oo ka mid ah saaxiibbada ugu dhow ee Beyjiin (Beijing) ku leedahay Geeska Afrika, waxa ay heshay codadka dalal badan oo safka hore kaga jira liiska waddamada Afrika ee uu Shiinuhu ku leeyahay deymaha ugu badan. Arrintaasi waxa ay sii xoojisay doodda ah in awoodda dhaqaale ee Beyjiin (Beijing) ay si muuqata uga dhex shaqaynayso xarumaha go’aan-qaadashada ee qaaradda.

Saamaynta sii kordhaysa ee Shiinaha waxa laga dheehan karaa sida ay quwadaha reer galbeedka laftoodu dib ugu habaynayaan siyaasaddooda ku wajahan Afrika.

Muddo aad u dheer ba, hab-macaamilka Maraykanka iyo reer Yurub ee siyaasaddooda dhinaca Afrika waxa ay xoogga saari jireen dhanka deeqaha, gargaarka horumarinta iyo barnaamijyada kobcinta dawlad-wanaagga, halka Shiinuhu mudnaanta siiyey dhismaha kaabeyaasha, maalgelinta iyo mashaariicda dhaqaalaha. Maanta, Maraykanku waxa uu si toos ah uga guuray siyaasaddii ku dhisnayd "deeqaha", waxa uuna u wareegay siyaasad ku dhisan maalgelin, iyo iskaashi ganacsi iyo dhaqaale, arrintaas oo noqonaysa jawaab toos ah oo uu kaga falcelinayo guulaha siyaasadda Shiinuhu ka gaadhay Afrika.

Isbeddel la mid ah siyaasadda cusub ee Maraykanka ayaa isna ka muuqda Faransiiska. Kadib markii Faransiiska laga saaray ama saamayntii uu ku lahaa dalal badan oo Galbeedka Afrika ah sida Mali, Burkina Faso iyo Niger, ay si weyn u daciiftay, Faransiisku waxa uu bilaabay inuu siyaasaddiisa ku wajahan Afrika uu ku sameeyo dib-u-habayn istiraatiiji ah. Shirkii Africa Forward Summit ee dhowaan ka dhacay Nayroobi, Madaxweyne Maakroon waxa uu ku dhawaaqay maalgelin dhan 23 bilyan oo lacagta Midowga Yurub ah, taasi oo lagu maalgelinayo tamarta, tiknoolajiyadda, beeraha iyo kaabeyaasha Afrika. Si kale haddii loo dhigo, tartanku maanta kuma salaysna cidda bixisa deeqaha ugu badan, balse waxa uu ku salaysan yahay cidda awood u leh in ay Afrika la yeelato iskaashi dhaqaale iyo ganacsi oo taabanaya horumarka qaaradda.

Sababta ugu weyn ee tartankani u sii xoogeysanayo waa muhiimadda istiraatiijiyadeed ee Afrika. Qaaraddu waxa ay hoy u tahay macdano muhiim u ah tamarta cagaaran iyo warshadaha tiknoolajiyadda casriga ah; sida cobalt, lithium iyo macdanaha kale ee naadirka ah. Afrika waxa kale oo ay leedahay bulsho aad u da’yar, suuq sii ballaadhanaya iyo u dhowaanshaha marin-biyoodyada ugu muhiimsan ganacsiga dunida.

Gebegabadii, waxa muuqata in xidhiidhka Shiinaha iyo Afrika aanu ahayn xidhiidh iska caadi ah, balse uu qayb ka yahay isbeddelka dunida ee ku wajahan bilaabashada hirdanka awoodo tira badan oo is-barbar yaal "Multi-polar".

Shiinuhu waxa uu si toos ah caqabad ugu noqday hannaankii reer galbeedka ee dunida xukumi jiray tan iyo dagaalkii labaad ee adduunka kadib. Sidaas darteed, mid ka mid ah guulaha ugu waaweyn ee Shiinuhu gaadhay waxa laga yaabaa inaanay ahayn faa'iidada uga soo noqonaysa lacagta uu geliyey Afrika, balse waa xaqiiqada in uu beddelay hannaankii loo la macaamili jirey ama loo hawaysan jirey in lagu hanto saamaynta waddamada qaaradda. Geeska Afrika, oo ay ku yaallaan dekedo, saldhigyo militari iyo marinnadii ugu muhiimsanaa ganacsiga adduunku, waxa uu sii ahaan doonaa mid ka mid ah bogcadaha ugu horreeya ee laga dheehan karo jihada uu nidaamka cusub ee dunidu u socdo.

Hase yeeshee, mustaqbalku weli waa mid furan. Haddii Afrika si xeel dheer uga faa’iidaysato maalgashiyadan isa soo taraya iyo tartanka quwadaha waaweyn, waxa ay tobannaanka sannadood ee soo socda isu beddeli kartaa xarun warshadeed. Haddii kalena, waxa jira khatar ah in deymaha, baahsanaanta musuqmaasuqa iyo ku tiirsanaanta awoodaha dibeddu ay dhaawacaan madaxbannaanideeda dhaqaale iyo siyaasadeed.

Si kale haddii loo dhigo, su’aasha ugu weyn ma aha cidda ku guulaysanaysa loollanka Shiinaha iyo Maraykanka, balse waa in Afrika awoodi doonto in ay tartankaasi u beddesho fursad horseeda horumar, warshadayn iyo madax-bannaani dhab ah. Taariikhdu waxa ay ina tusaysaa in Afrikaanku mar walba raadinayeen is-maamul iyo go’aan-qaadasho u gooni ah.