Sunday 16 November 2025
Dhaqanku waa muraayadda laga garto farshaxanka, ilbaxnnimada iyo waaya’aragnnimada ay bulsho gaar ahi leedahay. Waa halbeegga sargooya qotada aqooneed ee bulshadu gaarka u leedahay kuna dhaadato. Sidaas si la mid ah, dhaqanku waa midhaha ka yimaadda dedaalka ay sameeyaan bulsho wada taallaa si ay ugu maareeyaan duruufaha dhaqandhaqaalaha ee soo wajaha xilliyada kala duwan, taas ayaana keenta maskax tuujin iyo in lala yimaaddo halabuur cusub oo curin u sal tahay. Waxana la curiyaa xeerar, agab, caaddooyin iwm. Haddaba, waxa aynnu qoraalkan kooban kaga hadli doonnaa oo si gaar ah u xusi doonnaa agabka ay sameeyaan farsamayaqaannada Soomaalidu oo, dabcan, haweenka u badan (marka aan leeyahay haweenka u badan, waxa aan u jeedaa in ay samaynta agab dhaqameedka waaxda ugu weyn haweenku leeyihiin). Innaga oo lafaguri doonna qaybaha, noocyada iyo jaadadka ay ka kooban yihiin agabka ay hal-abuuraan bulshada Soomaalidu, iyaga oo adeegsanaya farsamadooda iyo waaya’argnnimada. Agabka aynnu ka hadli doonnaa waa kuwo aanay Soomaalida cidina la wadaagin oo ay ‘keligood’ gaar u leeyihiin, haddiiba ay meelo kale la tacaluqaanna ay tahay wax uun iyaga laga ergistay oo ay asalka samayntiisa iyagu leeyihiin, lala dhacay oo dabadeeto laga dab-qaatay, dabadeedna adduunyada kale galay, balse aan xuquuq ahaan la xusin maaddaama oo bililiqada ummadda cid waliba halkii ay ka soo gaadhay ay ka fara buuxsatay oo ka haagtay.
Agab dhaqameedka ay Soomaalidu samaysaa waxa uu u qaybsamaa dhawr qaybood, iyada oo marba dhinac laga eegayo siyaabo kala duwaanna waa loo qayb qaybiyaa. Innagu waxa aynnu u kala qaybinaynaa laba waaxood oo waaweyn, iyada oo aynnu ka eegaynno cidda samaysa, waxana aynnu u kala qaybinaynaa 1) Qayb ay dumarku farsameeyaa (waa qaybta ugu badan, farsamo ahaan ugu wacan uguna caansan) iyo 2) Qaybta labaad oo ay raggu farsameeyaan (qaybtan waa ay kooban tahay, farsamo yar tahay marka loo eego qaybta kale, isla markaana ka dheef yar tahay ta hore). Qaybta haweenka ayaa aynnu ku horraynaynaa: waa qaybta sida aynnu xagga sare ku xusnay ugu wacan, farsamo fiican uguna ‘dheefta’ badan. Qaybtan waxa ku midoobay tiro agabyo ah oo badan, islamarkaana aynnu ka xusi karno Aqal Soomaaliga, cawsaska, aloolka, kebedda, haamaha, xadhkaha, gogosha, weelka iyo kumannaan kale oo kala muhiim san oo midiba ta ka danbaysa ka muc iyo macna ballaadhan tahay. Waxa aynnu ku bilaabaynaa isdultaag kooban oo aynnu agabyada qaar faallo kooban oo ku saabsan shaqadooda, sida loo sameeyo iyo falsafadda ku duugan qaab adaawirkooda (samaysankooda) sharrixi doonno: agabka ugu weyn ee Soomaalidu abuurtay waa aqal Soomaaliga, iyo agabyada uu ka kooban yahay isaga ayaana aynnu ku bilaabi doonnaa.
Agabyada dhaqan ee ay Soomaalidu lahayd waxa u badan, farsamo ahaanna ugu xirfad sarreeya kuwa ay dumarku farsameeyaan – maaddaama oo uu, se, dhaqanka afku xoogeeyo ragga, waa ay ka sheegnaadeen
Aqal Soomaali: Aqal Soomaaligu waa guri dhaqameed ka samaysan agab iyo alaabo dhulka laga soo guray. Agabkiisa kuma jiraan wax debed laga soo dhoofiyay. Inta uu ka dhisanyahay iyo inta dhextaallaba waa wax ay dadka Soomaalidu leeyihiin. In kasta oo marba marka ka dambeysa agabka soo galootiga ahi ku si badanayeen. Asalka gurigani waxa uu ahaa sidaa kor lagu soo sheegay agab badhaxla’ oo hooyada Soomaaliyeed farsamayn jirtey. Guud ahaan, aqal Soomaaligu wuxuu ka kooban yahay saddex guri oo kala duwan. Waxana ay kala yihiin, Moolle, Laba deryaale iyo Gembis. Waxa kale oo uu aqal Soomaaligu ka kooban yahay qoryo dhirta laga soo gooyay iyo raro laga sameeyay geed hoosaadka dhulka ka baxa. Guriga noocan ah, waxaa laga dhistaa dhammaan dhulka Soomaalidu leedahay lagumana kala duwana oo qaybaha Soomaalidu waxa ay u dhisaan si isku wada mid ah waana shaacsane aan habka goobada ah ee loo dhiso cidi waxba ka beddelin, in kasta oo ay jiraan waxyaabo aan sidaa u sii buurnayn oo lagu kala duwan yahay guriga dhismihiisa iyo agabka uu ka kooban yahay. Haddana, waxa jira wax guud oo ay wadagaan dhamaan dadka gurigan dhistaa. Guriga ama aqal Soomaaligu wuxuu leeyahay qaab dhismeed aad iyo aad uga duwan dhammaan quruumaha adduunyada ku dhaqani guryaha ay dhistaan. Waa guri u samaysan sida beedka shimbirta oo kale ama sida goobada dhulka.
Falsafad ahaan, hooyada Soomaaliyeed waxa ay hannaankan goobada ah uga dan leedahay in aan guriga roobka, dabaysha, duufaanta iyo wax kasta oo waxyeello geysan karaa waxyeellayn oo uu ka badbaado ama/iyo in laga hortago inuu dumo oo waxyeelloobo: maaaddaama aan sees adagi haynin oo qorshuhu yahay in la guuro haddii dhulku abaaroobo. Biyaha roobku waxa ay uga shubmaan afarta geesood, dushiisana waxba kuma hakadaan waana ku talagalka hooyada ee ah in aan darroortu u gudbin ubadka, odayga iyo alaabta guriga. Qiyaasta hooyadu waa ay sugan tahay iyada oo aan aqoonta physics wax badan ka aqoon.
Aqal Soomaaliga oo agab ahaan ka sameysan wax deegaanka laga farsameeyay, waxa loo dhisaa qaab goobo ah oo sida ukunta u sameysan; waa ku talagal ah in aanay dumin dabaylaha iyo roobabku, isaga oo aan dhidibbo adag haysan – maaddaama oo uu u diyaarsan yahay in la raro mar kaste oo geeddi yimaaddo ama la aag beddesho. Waxa kale oo uu leeyahay biyo shub habeysan, waxaas oo dhan waxa loo nidaamiyay iyada oo aan loo baran aqoonta physics-ka
Alool: Aloolka waxa sameeya haweenka, waxana uu ka mid yahay surradda (agagbka la raro ee muhiimka ah) aqal Soomaaliga lagu dhisto ee quruxda hoyga sida weyn u soo saarta. Aloolku waxa uu ka unkan yahay duur qalin-madoobe la yidhaahdo iyo xadhko xig ah oo maydhax ama dun ah oo kala jaad ah (suufaf). Sidoo kale, waxa aloolka lagu sameeyaa maryo cucuban oo kala midab iyo muuqaal ah; sida funnaanado shaal ah, marooyin caddaan iyo madow ah oo la soohay iwm. Aloolka marka la samaynayo waxa dareersimadiisa laga bilaabaa badhtanka, marka uu dhudhun (0.25–0.30 mitir) gaadhana waxa la yidhaahdaa wuu qaallabaxay. Aloolka sameyntiisu waxa ay qaadataa in muddo ah, sidaa darteedna markiiba waxa gala dhawr dumar ah oo hawl wadaag ah. Aloolku guud ahaan waxa uu u kala baxaa dhawr nooc oo kala duwan, iyada oo mid kastaba magaciisa loogu lammaanaysiiyo sida ay bilicdsiisu tahay waxana ka mid ah: Sinbarbar, hariiryaale iqk.
Weelka: Guud ahaan, weelka dhaqanku wuxuu ka kooban yahay afar jaad: 1) mid qori laga sameeyo oo la qoro, 2) mid qabo iyo dhigmayaasheeda- sida morohda iyo lajiiddaha- iyo maydhada laga tolo, iyo 3) mid harag laga qaabo. Iyo 4) qaar kale oo siyaabo kale loo helo sida qaar dhoobo dheri laga sameeyo iyo laga sameeyo badhida dhirta qaarkeed. Weelka qoriga laga sameeyo waxaa ka m id ahaa; Dhiilo, Xeedhyo, Mooye, Fandhaallo, Dhurayaal, Kalaxyo iqk. Weelka qabada laga sameeyana waxaa kamid ah: Haamaha biyaha, Dhiilaha caanaha, Dhiilasha iyo jaadadkooda Gaawayaasha geela iyo jaadadkooda Satiyada. Weelka haraga laga sameeyo waxaa ka mid ahaa: Qunbaha, Tebbedaha, Ubbooyinka, Qarbedada, Sibraarrada, Jiraabyada, Saytuuxyada, Haddaba, weelka aynnu kor ku soo sheegnay waxay isugu jiraan dar saab leh iyo dar aan saab lahayn. Weelka saabka lehi waa weel laga sameeyay qabo, Caw/maydho iyo weel laga tolay harag ama saan waxa intaa weheliya weel sidiisa loo helo isagoo samaysan. Kaas oo aan geed laga qorin lana falkin (la tolin) balse ka samaysan geedad leh badhi aasan oo inta la engejiyo la adeegsado xorodankooda. Waxa saabka loogu ridaa si loo ilaaliyo iyo si loo rari karo -xilliga geeddiga.
Weelka Soomaalida, marka la eego waxa laga farsameeyo, waxa uu inta badan u qaybsamaa afar jaad; qori laga qor – sida Xeedhyo, Mooye, Fandhaallo, Kalaxyo. Qabo laga tol – sida Haamaha biyaha, Dhiilaha caanaha, Gaawayaasha geela. Harag laga jeeb – sida Qunbaha, Ubbooyinka, Qarbedada, Sibraarrada, iyo dhoob laga fal
Gogosha: Agabka aqalka ee haweenku farsameeyaan, isla markaana sameeyaan, waxa ka mida ha gogosha aqalka gudihiisa la dhigo. Waxyaabaha gogosha loo adeegsadaa waxay u qaybsamaan qaar docda guriga lagu goglo iyo qaar kale oo dahada guriga lagu goglo.
Qabo: Dhabayacada ama haanta qabo-waynta ahi waxa ay ka mid tahay agabka halbawłaha u ah qoyska reer miyiga ah. Marka la sameynayo haanta dhabayacada ah halka laga bilaabo waxa loo yaqaannaa unug, waxaana lagu tolaa idhan qabo ah iyo maxaadh. Masayda biyo yar baa lagu dharbiyaa si ay u yara jilicdo ama u debecdo. Idhankana waa la lil bixiyaa oo middi baa la isugu simaa girgirradiisa si ay u sahlanaato in uu idhanku si fudad ordayo. Marka haanta tolliinka loo dhammeeyo ama loo ebyamo waxa la yidhaandaa gocayo. Haanta marka ay gocoyada tahay waxba laguma shubto oo baddi wixii lagu shubo waa ay daadinaysaa si haddaba aanay waxba u daadin waa la xooleeyaa. Xoolayntu waxa ay ka bilaabmataa in weelka la sibaaqo oo la aslo. Asalkana waxa laga sameeyaa jidhifta ama jillowda dhiro kala duwan sida; sarmaanta, qadhoonta, xagarka iwm. Asalka marka la soo jaro ayaa tib iyo mooye lagu tumaa, kadibna inta dheri lagu rido la karkariyaa, asalka oo iskujir ah baana haantii lagu shubaa. Tiraba dhawr dharaarood baa sidaa lagu celceliyaa. Haantu marka ay asalka si fiican u qaadato baa la xaydheeyaa oo xaydh geel ama adhi ayaa lagu dhoobaa. Intaa kadibna haantu waa ay reer gashaa oo caanaha ama biyaha ayaa lagu shubtaa marna lagu kaydsadaa. Haanta qabada ahi waxa ay leedahay xubno lagu kala sooca, waxana ka mid ah: gobor oo ah salka ay haantu ku fadhiisato ee ay dhulka dhigto. Sidoo kale sariirna waa la yidhaahdaa Xubnaha kale ee ay haantu yeelato waxa ka mid ah: lug, kelli, gadh, iyo aagaan. Sidoo kale, Haanta dhabayacada ah waxa loo yeelaa saab la dhex geliyo si looga ilaaliyo in ay dalooshanto ana ay waxyeello soo gaadho marka caanaha lagu lulayo iyo marka awrka lagu rarayo ee la dhaansanayaba. Saabka waxa laga sameeyaa xididdada geedka sarmaanta, laamaha geedka dhuyuca ama madheedhka oo la isugu xidhay harag xoolaad la jeexjeexay.
“ameynta agabka Soomaalidu ma aha mid farsamo ahaan hawl yar; tusaale ahaan haanta qabada ah waxa lagu tolaa idhan la liilbixiyay iyo maxaadh, kolka ay dhammaaatana waxa ay noqotaa gocayo – aan la adeegsana karin, maaddaama oo ay dareeraha sii daynayso. Si ay u adeegsi gasho, waa la xooleeyaa haanta – intuba waa farsamooyin is xigxiga oo aan fududeyn.
Intaas yar ayaa aynnu kasoo qaadanaynaa agabka badan ee haweenka Soomaaliyeed farsameeyaan, innaga oo mar kalena xusaynna qaybta labaad iyo farsamada ragga ee agab dhaqameedka soomaalida. Sidii aynnu hore u xusnay ragga waa lagaga fiicnaa dhanka agab samaynta laakiin waxa jiro qalab fara badan oo ay iyagu halabuureen, isla markaana samayn jireen, qori jireen ama qaabayn jireen. Agabkan raggu farsameeyo waxa uu u badnaa hub iyo saanad ay u diyaarsan jireen in ay iskaga dhiciyaan hadba wixii soo weerara, col, cadaawe sokeeye, duurjoog ama faa’iidooyin kale ay ku qabeen waxana hubkaas ka mid ahaa:
Warmaha: Kaal, Keylli, Teeri, Madder, Hooto bagaf, Hooto, dhegaley, Eebo, Salaado, Mayl iyo Garmaqaat.
Budhadh: Dhamas, Dharjaale, Dhebimarane iyo Dhakajebis.
Amleeyo: Torri, Walaaxawli, Gaalleef, Khalaasi.
Dhangado: Sarwaan, Xuurdhuub, Xawdheer, Sirwaloys iyo Sereged.
Marka intan laga yimaado, Soomaalidu wax kasta oo agab ah oo nolosha wax ka tara waa ay lahayd, nooc kasta ha isugu jiraane. Waxa ka mid ah agabyada kale ee laamaha nolosha la xidhiidha: surrad, harar, alool, kebed, darmo, gibil, lammo, dhigo, lool, heenseraar, yeel, cayn, bayd, aagaan, qabo, dhiilo, buqul, gaawe, gudin, hangool, abxad, sati, waynbaar, xeedho, fandhaal, masaf, kalax, koob, faralaab, mingaaf, sibraar, qabaal, tib, mooye, wadaan, saytuux, naadh, dawlis, koor, ikk.
Buugga Agabjire
Manhajka Jaamacadda Burco