Sunday 9 August 2026
Is’afgaradka cusub ee Maraykanka iyo Iiraan waa mid mawqif cidhiidhi ah gelinaya Israa’iil, xitaa iyada oo aanay weli wada caddaan qaybihiisu. Waa is’afgarad sababay isjiidjiid gudeed iyo weydiimo ku saabsan dhabnimada dagaalkii lagu qaaday Iiraan ee Maraykankana lagu soo jiiday. Arrimahani waxa ay si cad uga muuqdaan falcelinta xubnaha xukuumadda wadaagga ah iyo mucaaradkaba, si siman. Shaacintii Trump ee is’afgaradkaasi waa mid qotodheeraynaysa dhibaatada Netanyaahu ka qabsanaysa doorashooyinka Kaniisadka ee soo socda, iyada oo aan Israa’iil laga qayb gelinin go’aanka la gaadhay, oo laga yaabo in aan xitaa la tusin qaybaha heshiiska ee faahfaahsan. Sidoo kale waxa doorashooyinka soo socda dhib ku ah in aan go’aan laga gaadhin ama aanu soo afjarin jiidaha dagaal ee dhawrka sanno ku socda, galdaloollona ka jiraan ballanqaadyadiisii guusha iyo waaqaca taagan.
Saadaalaha ugu xun ee Israa’iil la kulmi karto, haddii ay dhacdo, waa iyada oo la dabro madaxbannaanida ciidamada Israa’iil u haystaan ka dagaallanka Lubnaan, dhibta kasii weynina waa in Trump uu Israa’iil ku khasbo inay gebi ahaanba ka baxdo dhulka Lubnaan, go’aankanna uu ku adkaysto oo uu ku waajibiyo, arrinkan oo ka dhigan in siyaasadda Netanyaahu ay Israa’iil u rogtay ugaadh ku jirta gacanta Trump, ama u faruurxidhan Maraykan, tan oo lagu fasiri karo baahida wasiirrada iyo masuuliyiintu u qabaan beryahan dambe inay xoojiyaan hadalladooda ah “Israa’iil waa dal madaxbannaan”, “Lubnaan waa masalo Israa’iil u taalla”, innagoo og in dhinacyo ka tirsan haayadaha amniga Israa’iil ay ka digeen saadaashan.
Waxa kale oo aynnu arkaynaa ereybixino ay ka mid yihiin halis istiraatiijyadeed iyo ku hungoobidda qorshe, ay kusoo noqnoqonayaan hadallada Israa’iil, sababtaa sare awgeed. Waxa kale oo sababaha ku jira: ku guuldarraysiga ujeeddooyinka dagaalka, rididda nidaamka Iiraan, qodobbada ku jiri kara heshiiska ee mashruuca gantaalaha Iiraan nabadgalinaya, oo uu Netanyaahu walaac ka qabo, iyo in lacago badani u dhacaan Iiraan. Israa’iil waxa ay ku dedaalaysaa furfuridda qodobbadan, masuuliyiin ka tirsanina waxa ay maalmihii u dambeeyey caddeeyeen inaanay isle’egtaas aqbalayn, se waxa muuqata in Iiraan ay ku adkaysatay oo ay heshiiska ku gashay.
Netanyaahu waxa kale oo lagala hor imanayaa, doodna ku furaya, in Heshiiskii 2015, ee uu la dagaallamay, Trump-na muddoxileeddiisii hore uu ku qanciyey inuu laalo, hadda uu soo laabtay isagoo intii ka ballaadhan, shuruudaha qaar iyo qodobbada qaar haba kala geddisanaadeen e. Qodobka kale ee Israa’iil u xun, Netanyaahuna lagu xisaabin karo, in heshiiskaas hore uu dhacay xilli aanay Israa’iil dagaal gelin, halka heshiiskan cusubi kusoo beegmay xilli dagaallo badani dhaceen, Israa’iilna ay ku jirto dagaal khasaare nafeed iyo dhaqaaleba sababsaday, dhiigbax awoodo millatari iyo sirdoonna keenay. Waxa intan dheer ku guuldarraysiga Netanyaahu ee fashilinta heshiiska, walow uu fursad kasta ka faa’idaystay oo uu ku kharribi karo. Se dhinaca kale, la isma dhaafin karo dhacdooyinka ay Israa’iil u aragto guulo, sida wiiqidda Iiraan, khaarijinta tiro badan oo hoggaankeedii iyo aqoonyahankeedii ah, iyo jilcinta Xisbullaah, walow aan la yaraysan karin awoodda Xisbullaah iyo iskudayga Iiraan ee ah inaanay isdhiibin, wadahadalladana ku hagtay hanjabaadda weerarro millataro ah iyo xirfadaha gorgortanka, soona saartay heshiis u muuqda inuu raalligelinayo.
Masuuliyiin Israa’iil ahi waxa ay ku doodeen in heshiisku aanu ku waajibinayn inay ka baxaan dhulka Lubnaan. Israa’iil waxa ay isku dayi doontaa inay suuq gayso sheekadeeda, kuna cudurdaarato inay ilaalinayso nabadgalyada dadka deggan gobolka waqooyi iyo tuulooyinka la degaamaystay ee xuduudda. Sidoo kale, waxa ay baadhi doontaa galdaloollo ama is’afgarad aan la shaacin oo lala sameeyo Maraykanka, una saamaxa inay dib ugu laabato hawlgalladii Lubnaan, si la mid ah waxa ka socda Qasa, oo ay haddaba Israa’iil burisay heshiiskii sitay magaca Qorshaha Trump, xasuuqiina ay dib uga bilawday. Sidoo kale Israa’iil waxa ay waddaa mashruuceedii bulballaadhsiga, oo ah wax uu beryihii dambe uu ku faanay Netanyaahu, oo uu ballanqaaday ballaadhinta dhulka ay Israa’iil haysato.
Waxa tusaale kale ah, heshiiskii hore ee la xidhiidhay xabbad ka joojinta Lubnaan, Trump-na uu ilaalinayey, se Israa’iil ay durbadiiba bilawday inay buriso, oo ay beegsatay goobo Lubnaan ka mid ah, dilal iyo weerarrana ka bilawday iyada oo aan cidi la xisaabtamin. Dagaalkani waxa uu socday iyada oo aanu Xisbullaah ka jawaabin ilaa uu ugu dambayn soo galay dagaalkii u dambeeyey ka dib dilkii Cali Khaamin’i. Netanyaahu waxa uu khibradahaas ka helayaa jid u suurogaliya inuu weerarro ka gaysto Lubnaan xitaa heshiiska ka dib, haddii aanu Trump si kale u xakamayn.
Se arrinka la xidhiidha Iiraan, iyo gooddiga wasiirro ka tirsan Israa’iil ee ah inay sii wadayaan hawlgallada ilaa nidaamka la rido, waxa ay u badan tahay in heshiiskan cusubi uu Israa’iil ka hor istaagi doono inay weerarro ka gaysato gudaha Iiraan. Se arrinkani kama dhigna inaanay Israa’iil gacan ku yeelan doonin Iiraan, laga yaabee inay sii waddo hawlgallo qarsoon, dilal qorshaysan iyo basaasid, si la mid ah dhacdooyinkii socday dagaalka ka hor. Dhinaca Iiraanna waxa ka suurooba inay awdo wadiiqooyin ay Isra’iil usoo maraysay.
Netanyaahu waxa uu doortay inuu Maraykanka usoo jiido dagaalladiisa, si weynna waa uu ugu guulaystay. Si ka duwan farxado hore oo labada hoggaamiyaba ku faaneen guusha hawlgallo si qorshaysan loo fuliyey, welibana Iiraan la xidhiidha, waxa ay u badan tahay in Madaxweynaha Maraykan doorkan kasoo horjeedo, kana walaacsanyahay tallaabooyinkiisa. Waa arrin maragfur u noqon kara hadallo Israa’iil gudaheeda ah, oo ku dooday in Trump uu meel cidlo ah kaga tagay Israa’iil.
Ha yeeshee, go’aannadaas uu Netanyaahu dagaallada kaga qaybgaliyey Maraykan, waa mid dhinac taban u leh oo keenaysa in Maraykan uu go’aannada u yeedhiyo Israa’iil, xitaa haddii nidaamkii ay Israa’iil rabtay inay wiiqdo uu soo baxay isagoo ka xooggan sidii hore. Haddii ay mucaaradkiisu ka faa’idaystaan fursaddana, ama xitaa uu ku guuldarraysto helidda jid uu uga baxo xaaladaha qasan, waxa uu noqonayaa qof guuldarraystay, si kasta oo uu ugu dedaalay haysashada xilkaas.