Skip to main content

Sunday 14 December 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Aragti

Heshiiska Shidaalka ee Turkiga iyo Soomaaliya: Maalgashi mise ku Xadgudub Madaxbannaani?

9 May, 2025
Image
turkey vs somalia
Share

Muddooyinkan danbe galaangalka iyo qorshayaasha Turkiga ee Geeska Afrika waxa ay la kulmayaan isdiiddooyin, waxaana jira istiraatiijiyado iskaashi oo uu la yeeshay dhinacyo iska soo horjeeda. Waxa uu u dan leeyahay in uu awooddiisa ku ballaadhiyo gobolka Geeska Afrika, isagoo ka duulaya siyaasad arrimo dibadeed oo yoolkeedu yahay in ay waxtar muddada fog ah u soo hoyso. 

Maalgaashi Shidaal iyo ka tanaasulid madaxbannaani waa iyama?

Waxa warbixino daaha ka qaadeen xogaha ku saabsan heshiis muran dhaliyey oo Turkiga iyo Soomaaliya wada gaadheen. Waa heshiis sadbursi u ah Turkiga oo si aan hore loo arag xaq u siinaya inuu ka faa’idaysto shidaalka iyo gaaska Soomaaliya. Heshiiska waxa ku xusan in Turkigu boqolkiiba sagaashan qaato macaashka shidaalka la soo saaro, Soomaaliyana qaadato boqolkiiba shan ilaa inta ay lasoo noqonayso, sidoo kalena  ay boqolkiiba shan u qaadato kharashaad ahaan, sidaasna qaybta Soomaaliya u noqoto mid aad u kooban oo aan ku habboonayn ilihiisa dhaqaale ee la qaadanayo. 

Waxa cad in saamiga Turkigu ku qaatay heshiiskan uu aad uga badanyahay saamiyada lagu yaqaanno heshiisyada la caynadda ah, oo badanka u dhexeeya 20%  ilaa 70%. Tusaale ahaan, saamiga wadaag ee lagu leeyahay Masar ilaa inta ay lasoo noqonayso waa 5% , halka ka Kiiniya ka yahay wax ka ku dhaw 60%.

Turkigu waxa uu xaq u leeyahay in muddo ah in uu si madaxbannaan uga faa’idaysto goobahaas wax laga qodayo, sida waafaqsan qodobka 4.1 ee heshiiska, umana bannaana in dawlad kale ay heshiis la gasho Soomaaliya. Waa qodob kale oo caddaynaya sida heshiiskani uu ugu danaynayo Turkiga. Wasiirka Tamarta ee Turkigu, Alab Arsalaan, waxa uu 11-kii April ee sannadkan ku dhawaaqay in markabka shidaal baadhista Turkigu ee Oruush Rays uu hadda ku suganyahay biyaha Soomaaliya oo uu boqolkiiba 78 % dhammeeyey waxqabadkii shidaal baadhista ee loo igmaday. Waxa la filayaa in bisha Sebtember ee soo socota uu Turkigu gobolka geeyo shan maraakiibta dagaalka ah oo uu leeyahay, ilaalana u ah hawlaha baadhiseed ee socda. 

Halkan waxa kasoo baxaya in heshiiska la saxiixay bishii Maaris ee 2024, markaas oo ay Soomaaliya xaq u siisay shirkadda Turkiga ee batroolka (PTAO) in ay baadho oo ay soo saarto shidaalka iyo gaaska saddex goobood oo badda Soomaaliya ka mid ah, oo dhereran bed dhan 16 kun oo kiiloomitir. Sida uu Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ku sheegay bartiisa X, saddexda goobood waxa ay ka mid yihiin 216 goobood oo badda Soomaaliya ka mid ah. 

Heshiiskani waxa kale oo uu dhigayaa in la dhiso ciidamada badda ee Soomaaliya, oo la iska kaashado la dagaallanka argagaxisida iyo budhcad-badeedda. Baarlamaanka Soomaaliya waa uu ansixiyey heshiiskan, se tiro ka mid ah xildhibaannadu waxa ay caddeeyeen in aanay arag nuskhadda rasmiga ah ee heshiiska. Sidaas darteed, qaar ka mid ah warbaahinta ayaa heshiiskan ku sheegay mid huursanaya fadeexad oo uu Xasan Sheekh u badheedhay qarinta xogtiisa. 

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu dhinaciisa difaacay heshiiskan, isagoo ku tilmaamay in heshiiskani ku salaysanyahay dano labada dhinac is waydaarsadeen. Waxa uu sheegay in xidhiidhka Turkiga iyo Soomaaliya muddo jiray, oo ay iskaashi istiraatiijiyadeed leeyihiin, oo uu Turkigu dhexdhexaadin u sameeyo marka ay dalalka jaarka is qabtaan. Waxa kale oo uu carrabka ku adkeeyey in hawsha baadhista shidaalka iyo gaasta Soomaaliya aanay ku koobnaanayn Turkiga, se Turkigu uu yahay dawladda keliya ee codsi rasmi ah oo shidaal baadhis ah dalka ula timi. 

Qodobbo gilgilaya madaxbannaanida Soomaaliya

Heshiiskani waxa uu Soomaalida ka dhex dhaliyey dood, iyaga oo ku tuhmay in uu yahay hab cusub oo afduubasho dhaqaale ah, se lagu dadayo “iskaashi horumarineed”. Dhaliilaha u waaweyni waxa ay ku qotomaan u seeto dheeraynta aan hore loo arag ee loo sameeyey shirkadaha Turkiga, iyada oo laga dhaafay kharashkii ilaalineed, oo ah waxa lagu ilaalin lahaa danaha dalka. Kharashaadkan oo inta badan marka dunida kale la eego u dhexeeya boqolkiiba 5% ilaa 25%, sida qodobka 4.5 ee heshiiskan ku xusan, shirkadaha Turkiga waxa laga dhaafay in ay wax kharashaad ah qaddimaan oo la xidhiidha xaqu qalin, waana si ka duwan sida loola dhaqmo shirkadaha kale ee dunida. Kharash ka dhaafiddani waa dhacdo hor leh oo keentay in wax la iska wayddiin sida loo ilaalinayo danta dalka. 

Waxa kale oo dhaliiluhu soo qaateen qodobka lixaad ee heshiiskan oo Turkiga xaq u siinaya in ay ilaashato mashaariicdeeda dhaqaale ee gudaha Soomaaliya, iyada oo adeegsan karta ciidamadeeda milateriga. Waa qodob dhaliyey cabsi weyn oo ah suuragalnimada in ciidamadan looga faa’idaysto shaqooyin aan sharci ahayn, sida tahriibinta shidaalka Soomaaliya, waana sinaariyo ay dawlado Afrikaan hore u arkeen, sida Koongo. 

Waxa xusid mudan in kharashaadka ilaaladan lagu daray kharashaadka shidaalka, taas oo ka dhigan in Soomaaliya dhakada laga saarayo culays maaliyadeed, oo hoos loo dhigayo macaashkii shidaalka. Heshiisku waxa kale oo uu Soomaaliya ku waajibinayaa in ay dhabarka u ridato kharashaadka ka dhalan kara isbeddel kasta oo mustaqbalka ku yimaadda sharciyada. 

Waxa kale oo dood dhaliyey qodobka 9aad ee heshiiska oo dhigaya in haddii khilaaf yimaaddo meesha lagu kala baxayaa tahay magaalada Istanbuul ee Turkiga. Qodobkan waxa loo arkay in uu meesha ka saarayo dhexdhexaadnimadii, oo ka tallaabsanayo dhaqamada caalamiga ah oo doorbida in maxkamadayntu ka dhacdo dawlado dhexdhexaad ah ama dalka khayraadka leh, si loo dammaanad qaado madaxbannaanida qaanuun ee dalkaas. 

Waxa intaas dheer in qodobka 4.2 ee heshiisku xusayo in shirkadahaas laga dhaafayo in ay xafiis ka furtaan gudaha Soomaaliya, iyo in aan lagu waajibin horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ama in ay dalka usoo raraan tiknoolajiyadda ay adeegsanayaan. Qodobkan waxa loo arkay mid si badheedh ah Soomaaliya uga hor istaagaya fursadaha horumarinta fursadaha shaqo iyo dhisidda kaabayaasha dalka.

Qodobka 4.8 ee heshiisku waxa Turkiga siinayaa awood ku meelgaadh ah oo uu ku dhoofin karo shidaalka Soomaaliya, iyada oo aan Soomaaliya laga qaybgelinin go’aannada ganacsi ee la xidhiidha mashruuca iyo maamulka macaashkiisa, Turkiguna xaq u leeyahay in uu dibadda dalka ku maamusho. Waa qodob Soomaaliya ka hor istaagaya in lacagta adagi soo gasho, waana wax si taban u saamaynaya deggenaanshaha maaliyadeed ee dawladda, oo dhimaya awooddeeda ah in ay dabagasho dhaqdhaqaaqa lacagaha khayraadkeeda kasoo xarooda. 

Intaasba waxa kasii halis badan qodobka 4.3 ee heshiiska oo Turkiga u saamaxaya in uu heshiiska ka baxo amaba uu ku beddelo dalalka kale ee danwadaagta la ah, isaga oo aan ka amar qaadan Soomaaliya. Waa qodob halis weyn ku ah madaxbannaanida dalka, waxaanu keenayaa cabsida laga qabo sinnaariyo xasaasiyad leh, sida in dhinac saddexaad, tusaale ahaan Israa’iil, uu soo galo, oo laga qayb galiyo, iyada oo aan oggolaansho laga haysan Soomaaliya. 

Doodda uu heshiiskani dhaliyey kuma koobna Soomaaliya gudaheeda, se waxa ay dooddiisu ku faaftay Geeska oo dhan, xilli ay taagantahay cabsida laga qabo isballaadhinta Turkiga ee gobolku. Sida lagu xusay warbixin Itoobbiya kasoo baxday, waxa madmadaw badani ku jiraa qodobbada heshiiskan, gaar ahaan qodobbada Turkiga siinaya awood dhammaystirnaan ku dhow oo dhinaca tamarta Soomaaliya ah. Dhinac kale, Soomaalilaan oo dib ula soo noqotay madaxbannaanideeda Soomaaliya waxa ay hore u caddaysay diidmadeeda qayaxan ee ay kaga soo horjeeddo heshiiskan, waxaanay ku tilmaantay tallaabo sharcidarro ah oo halis ku ah deggenaanshaha gobolka, oo kordhinaysa khalkhalka ka jira dheellitirka degaan siyaasadeed ee marka horeba ciirciiraysay. 

Isballaadhinta Turkiga ee Afrika waxa udub dhexaad u ah Soomaaliya

Warbixin Turki ah oo ka sheekaysay istiraatiijiyadda Turkigu ku rabo galaangalka Afrika, waxa lagu xusay in heshiiskan Soomaaliya lala saxeexday uu udubdhexaad u yahay galaangalkan. Warbixintu waxa ay Soomaaliya ku tirisay dalalka mudnaanta u leh Turkiga, iyada oo la eegayo goobta ay juquraafi ahaan ay ku taallo oo istiraatiiji ah. Waxa kale oo warbixintu xustay in Soomaaliya leedahay khayraad dabiici ah oo aan la taaban, laguna qiyaaso lix bilyan oo oo mitir jibbaaran oo ah kaydka gaaska dabiiciga ah iyo 30 bilyan oo foosto oo ah haydarokaarboonka badda. Waxa lagu sheegay in heshiiskani ka dhiganyahay tallaabo hore loogu qaaday adkayna iyo ballaadhinta awoodda Turkigu ku leeyahay gobolka. Sida BBC xigatay, heshiiskan Turkigu la galay Soomaaliya waa kan ugu muhiimsan labaatan heshiis oo Turkigu la saxeexday dalal Afrikaan ah, oo ay ka mid yihiin Suudaan, Nayjar, Jabuuti iyo Nayjeeriya. 

Marka la eego dhinaca xidhiidhka laba geesoodka ah, Turkiga iyo Soomaaliya waxa ay ku tallaabsadeen isku soo dhawaansho la taaban karo tan iyo sannadkii 2011-kii, kaddib booqashadii taariikhiga ahayd ee uu madaxweyaha Turkigu ku yimi Muqdisho, kolkaas oo Turkigu gacan ka gaystay xaaladihii bani’aadamnimo ee ka taagnaa Soomaaliya, isagoo ballanqaaday kaalmo. Sida Ordogaan xusay, Turkigu waxa uu Soomaaliya siiyey kaalmo dhan hal bilyan oo doollar muddadii u dhaxaysay 2011-kii ilaa 2022-kii, isaga oo  kaalmadan uga faa’idaystay in uu awooddiisa ku fidiyo  Soomalaiya iyo gobolkaba. 

Waxa kale oo uu Turkigu joogitaanka Soomaaliya ku xoojiyey yagleelidda saldhig milatari oo uu sannadkii 2017-kii sameeyey, kaas oo looga faa’ideeyey tababarka 16 kun oo ciidamo Soomaaliya ah. Tirada ciidamada Turkiga ee Soomaaliya jooga waxa hadda lagu qiyaasaa ilaa 2,500 oo askari, kaddib markii dhawaan shan boqol oo askari la keenay. Inkasta oo Turkigu ku adkaysto in joogitaankiisa milatari ee Soomaaliya uu dawladda ka kaalmaynayo la dagaallanka dhaqdhaqaaqa al-Shabaab, haddana warbixinno badan baa tilmaamaya in shaqada ugu muhiimsan ee ciidamada Turkigu tahay ilaalinta mashaariicda dhaqaale iyo danaha Turkiga ee kusii fidaya Soomaaliya. 

Qoraallada kale ee qoraaga