Sunday 12 July 2026
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, waxa uu dhawaan shaaciyey heshiis lala galay Iiraan, waxaanu sheegay “Isfahan” labada dhinacba saxeexi doonaan maalmaha soo socda. Masuuliyiin Iiraaniyiin ah ayaa sheegay inaan si dhamaystiran qabyoqoraalka heshiiska la iskugu waafaqin, se kolka Maraykanku si buuxda u waafaqo, waxa ay u badan tahay in Iiraanna jidkaas qaaddo.
Heshiiskani waa tallaabadii ugu mudnayd diblumaasiyad ahaan tan iyo markii dagaalku qarxay muddo saddex bilood ka badan ka hor, oo noqday dagaal nafo badan galaaftay, tamartii caalamiga ahaydna qiimaheeda dallacay. Haddaba, barnaamijka nukliyeer ee Iiraan ayaa ilaa hadda ah caqabadda ugu weyn ee labada dhinac.
Barnaamijka nukliyeer ee Iiraan waa udubdhexaadka wadahadallada labada dhinac wadeen muddada, siiba arrinka ku saabsan sida loola dhaqmayo 400 kiiloogaraam oo yuraaniyam boqolkiiba lixdan la bacrimiyey ah. Haddii qaddarkan bacraminta wax lagu daro, farsamo ahaan waa qaddar ku filan soo saarista hub nukliyeer, waana qodobka Maraykanku ka digtoonyahay, ee uu diiddanyahay.
Wakaaladda Wararka ee Iiraan (IRNA) ayaa xustay “in xaqa Iiraan u leedahay bacriminta yuraaniyamka iyo haysashada maaddooyin la bacrimiyey… hubaashii lagu soo dari doono heshiiska kamadambaysta ah”.
Iyadoo warbixinaha qaar xuseen in dhinaca Maraykanku soo jeediyeen in la joojiyo barnaamijkan muddo dheer oo ku siman 20 sanno, Dahraan waa ay diidday soo jeedintan ilaa hadda. Taas beddelkeeda, wadahadalladu waxa ay xoogga saareen in muddo intaa ka kooban la joojiyo, sida shan sanno oo kale.
Iiraan waxa ay Yuraaniyamka u aragtaa kaadhka ay u haysato cadaadinta wadahadallada, diyaarna uma aha inay ka tanaasusho. Iyada lafteedu waa ay soo jeedisay in la dhimo heerka bacriminta, se keliya iyadoo ku beddelanaysa in cunaqabataynta Maraykan la qaado.
Waxa kale oo socda in dal saddexaad laga qaybgeliyo oo dhexdhexaad noqda. Ruushka ayaa marar dhawr ah soo bandhigay inuu qabto oo uu hayo yuraaniyamka Iiraan ee la bacrimiyey, isagoo ku kaydinaya meel badqabta. Waxa kale oo la sheegay in Shiinaha laftiisu uu muujiyey inuu diyaar u yahay ka qaybgalka heshiis cusub oo uu dhexdhexaadiye ka noqdo.
Kolka laga yimaaddo arrinka la xidhiidha nukliyeerka, xagasha dhaqaale ayaa sidoo kale kaalin muhiim ah ku jirta. Qodobbada ugu muhiimsan ee la isku hayo waxa ka mid ah sida laga yeelayo hantida Iiraan ee dunida kale lagu dhex hakiyey, laguna qiyaaso hanti dhan boqol bilyan oo doollar. Inta badan hantidani waa hanti ay Iiraan ka heshay shidaalka ay u dhoofisay dalal ay ka mid yihiin Kuuriyada Koonfureed, Shiinaha iyo Jabbaan, se cunaqabataynta Maraykan awgeed la mamnuucay. Iiraan waxa ay codsanaysaa in la sii daayo qaddar u dhexeeya 6 ilaa 12 bilyan oo doollar, sidoo kalena cunaqabataynta la dabciyo.
Dhinaca kale, xukuumadda Maraykan waxa ay rabtaa in hantidaas si tartiib ah loo fasaxo, ujeeddooyin bani’aadamnimana lagu sii daayo. Isla jeerkan, waxa jira warbixino tilmaamaya masuuliyiin Maraykan oo ka doodaya in qayb ka mid ah hantidaas Iiraan laga dhigto magdhawga dhibaatooyinkii ay Iiraan soo gaadhsiisay dalalka Khaliijka.
Iiraan oo ka jawaabaysay duqaymihii Maraykan, waxa ay bartilmaameedsatay saldhigyo Maraykan iyo warshado loojastig oo ku yaallay dalalka Carbeed ee Khaliijka. Waxa la xusayaa in Wasiirka Maaliyadda Maraykan, Scott Bessent, uu koox khubaro ah u xilsaaray inay qiimeeyaan khasaaraha dagaalkii u dambeeyey, iyo inay keenaan doorashooyinka maalgelin ee suurogalka ah.
Hadal uu 8-dii Juun, Trump ku baahiyey barta “Truth Social”, waxa uu sheegay in wadahadallada nabadda ee socdaa ay “u qoolan yihiin gardarro ama nacasnimo kasta oo loola yimaaddo”. Mar ABC News waraysi ay la yeelatay lagu weydiiyey inuu hadalkiisaas fasirana, waxa uu Trump yidhi: “Haddii dadku nacasnimada ku socdaan, waxa ay ku dhammaan doontaa xaalad aannu ku khasbanaanno burburinta kaabayaasha dawlad dhan, mana aaminsani in arrinkaasi fiican yahay, sababtoo ah cid baa dib ugu hawshoon doonto dib u dhiskooda”. Trump waxa uu bidhaamiyey, in sinnaariyo sidan ah, ay u badan tahay in Maraykanku ka qayb qaato maalgelinta dib u dhiska Iiraan.
Waxa uu yidhi: “Dhinac baa ku khasbanaan inuu dhiso dhammaan kaabayaashaas… sidaad ogtihiin, waxa ay ka hadlayaan tirilyan doollar, ama ka badan. Sababtan darteed, siday u badantahay waxaannu ka qaybqaadan doonnaa dib u dhiska, miyaanay sidaas ahayn? Waannu ka caawin donna dib u dhiska”. Kolkii la weydiiyey in arrintani shabbahdo Qorshihii Maarshaal, Trump waxa uu ku jawaabay “haa”. Waxaanu ku daray: “Se kala badh shidaalkooda ayaannu heli doonaa”.
Se, Iiraan waa ay diidantahay in cid kasta oo ajnabi ahi xakamayso khayraadkeeda shidaal, iyadoo u arkaysa ku xadgudub madaxbannaanideeda ah, halka ra’yi caamka Iiraan sidoo kale ku raadaysanyahay tijaabadii Ciraaqda la jaarka ah.
Qayb weyn oo ka mid ah macaashka shidaalka Ciraaq – oo isha ugu muhiimsan ee dhaqaalaha dalka – waxa gacanta ku haya Bangiga Dhexe ee Maraykanka, oo ku maamula New York, isagoo raacaya heshiiskii la galay ka dib duullaankii Maraykanku Ciraaq ku qaaday 2003.
Maamulkii kumeelgaadhka ahaa oo uu Maraykanku hoggaaminayey baa aasaasay nidaamkan, si loo ilaaliyo hantida loogu talagalay dib-u-dhiska Ciraaq. Ilaa haddana, mashaariicdii kaabayaasha dhaqaale ee lagu rabay casriyeynta dhaqaaluhuna ma dhammaystirna.
Iyadoo tallaabada bilawga ah laga dhigayo heshiiska ka dib, waxa la caadiyeyn doonaa dhaqdhaqaaqa marinka Hurmus si tartiib ah, cunaqabatayntana waxa laga qaadi doonaa dekedaha Iiraan. Qalalaasaha ka dhaca marinkani waxa uu si weyn u saameeyaa ganacsiga caalamiga ah iyo qiimaha shidaalka. Dagaalka ka hor, boqolkiiba labaatan shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah ee dunida loo dhoofiyaa waxa uu ka gudbi jiray marinkan.
Walow xabbad joojin ka dhex jirtay Maraykanka iyo Iiraan laga soo bilaabo 8-dii Abriil, haddana toddobaaddadii lasoo dhaafay marinkan waxa ka dhacay iska hor imaadyo si maalinle ah u dhacayey oo laba dhinac u dhexeeya. Sida Maraykanka laga soo xigtay, hawlgallada Maraykan waxa ay bartilmaameedsadeen goobo Iiraan ku leedahay xeebta, sida xarumo ilaaliyo, nidaamyo isgaadhsiin, iyo goobo difaaca cirka ah, si loo wiiqo awoodaha millatari ee Iiraan, siiba awooddeeda xakamaynta Hurmus.
Iiraan lafteedu waxa ay kaga jawaabaysay inay weerarto bartilmaameedyo Maraykan oo gobolka ku yaalla, waxaana xaaladda cirka kusii shareeray kolkii ay dhawaan soo ridday helikobtar Maraykan oo nooca dagaalka ah. Maalinkii jimcaha, warbaahinta Iiraan waxa ay xustay inaanay Iiraan ka tanaasulayn xakamaynteeda marinka Hurmus ee istiraatiijiga ah.
Wakaaladda Wararka Iiraan ee IRNA, waxa ay xustay in “Iiraan aanay qaadanayn… ka tanaasulidda maamulka marinka Hurmus, ama in xaaladda lagu celiyo sidii ay ahayd dagaalka ka hor”.