Skip to main content

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Buug

Heshiisiinta Salafiyada iyo Sanduuqa Codbixinta: Ekaynta Nawaaf al-Qudaymi ee “Muhashada Xorriyadda”

3 October, 2026
Image
Heshiisiinta Salafiyada iyo Sanduuqa Codbixinta: Ekaynta Nawaaf al-Qudaymi ee “Muhashada Xorriyadda”
Share

Doodda ku saabsan iswaafajinta qaayasoorrada iyo mabaadi'da siyaasadeed ee Islaamiga ah iyo dimuqraadiyadda casriga ah, ayaa in muddo ah ahayd gundhigga falanqayn xooggan oo la xidhiidha dhinacyada aqoonta, diinta, iyo bulshadaba ah. Dooddaas qayb ka mid ah ayaan ugu tegaynaa baalasha buugga Muhashada Xorriyadda: Gorfaynta Mawqifka Salafiyadda ee Dimuqraadiyadda oo dhammaadkii 2025 uu Af-Soomaali u turjumay Cabdilaahi Rawje. Buugga asalkiisa waxaa qalinka u qaatay fekeryahanka iyo falanqeeyaha siyaasadeed ee Reer Sucuudi Nawaaf Al-Qudaymi. Buuggani wuxuu ka dhigan yahay, sidii buundo aqooneed oo muhiim ah, taas oo isku xidhaysa aaminaadaha diiniga ah ee soo-jireenka ah iyo xaqiiqooyinka waaqiciga ah ee lama-huraanka u ah maamulka dawliga ah ee casriga ah.

Ugu horraynba, waxaa buuggan mudnaan dheeraad ah siinaya gogoldhigyada ay u sameeyeen labada caalim ee sida weyn looga tixgeliyo dunida Islaamka, kuwaas oo kala ah Dr. Axmed Al-Raysuuni iyo Sheekh Maxamed Al-Xasan Bin Ad-Dudu. Ka qayb ahaanshohoodu waa mid siinaysa doodaha qoraaga miisaan diineed, mid sumcadeed iyo kalsooni aqooneed. Xilliga iyo goobta daabacaadda buugga 2012, Bayruud iyana waxay leeyihiin ahmiyad gaar ah oo ku aaddan nuxurka buugga, maaddaama uu qoraagu si cad u xusayo in qoraalka cusboonaysiin iyo dib u habayn lagu sameeyey si uu ula jaanqaado isbedelladii uu keenay kacdoonkii Carabta ee loo yaqaanay "Gugii Carabta".

Ekaynta qoraaga ee buuggani waa mid xiiso gaar ah leh. Waa doodo iyo xujooyin isku duldhisan oo midba mid kuu gudbinayso. Wuxuu si habaysan u lafagurayaa arrimaha diinta iyo kuwa waaqiciga ah ee nidaamyada dimuqraadiga ah. Bilowga, wuxuu bixinayaa sixitaanka khaladfahanno shaacsane ah iyo qeexitaanno la xidhiidha salafiyada iyo macnaha looga jeedo, dimuqraadiyadda, iyo xorriyadda. Wuxuu ku bilaabayaa mabaadi’ dhextaal u ah dooddiisa, ugu danbaynna wuxuu u gudbayaa biyadhaciisa iyo badheedhihiisa, iyo dhanka uu ka taagan yahay doodaha mawduucan la xidhiidha.

Qeexitaanka Salafiyada

Si looga jawaabo mawqifka Salafiyada ee ku aaddan dimuqraadiyadda, Al-Qudaymi wuxuu garwaaqsanayaa baahida loo qabo in la faaqido, lana furfuro erayga "Salafiyad" qudhiisa. Qoraagu waxa uu buugga dhexdiisa ku bixinayaa dadaal badan si uu u qeexo waxa loola jeedo salafiyada. Ugu horrayn wuxuu hoosta ka xarriiqayaa in aanay salafiyadu ahayn, isla markaana loo arki karin inay tahay hal koox oo fikrad ahaan midaysan ama hal waji leh. Taas beddelkeeda, qoraagu waxa uu ku adkaysanayaa in ay tahay in la fahmo in salafiyadu tahay dallad ballaadhan oo ka kooban dhaqdhaqaaqyo aad u kala duwan, kuwaas oo mid walba uu leeyahay tafsiirkiisa u gaarka ah, mudnaantiisa diineed, iyo hannaankiisa siyaasadeed ee u gaarka ah.

Al-Qudaymi waxa uu si nidaamsan ugu kala saarayaa wejiyada iyo kooxaha kala duwan ee salafiyada saddex qaybood oo aasaasi ah:

  • Salafiyada Soo-jireenka/Rasmiga ah: qoladan waxaa astaan u ah ku-milmidda iyo la macaamilka nidaamka talada haya, kuwaas oo guud ahaan u hoggaansan dawladda meeshaas kajirta iyo maamulka siyaasadeed ee talada haya.

  • Salafiyada Madaxa-bannaan: Qaybta labaad waxay ka kooban tahay fekeryahanno iyo culimo Salafi ah oo madax-bannaan, kuwaas oo si gaar ah hawlahooda uga wada meel gabi ahaanba ka baxsan gacan-ku-haynta iyo saamaynta tooska ah ee dawladda, mawqifkaas oo dabeecad ahaan u oggolaanaya fikir siyaasadeed oo aad u kala duwan.

  • Garabyada Xagjirka ah/Jihaadiyiinta: Qaybta saddexaad iyo tan ugu dambaysa waxay koobantahay guud ahaan, dhaqdhaqaaqyada xagjirka ah ama Jihaad ku howlan, kuwaas oo aaminsan gacan-kahadalka iyo in hub iyo xoog lagu hirgeliyo mabaadi’da shareecada.

Isagoo sii furfuraya qeexitaannadan kala duwan, Al-Qudaymi wuxuu muujinayaa qodob xasaasi ah: diidmada dimuqraadiyaddu haba yaraatee, ma aha caqiido loo dhan yahay, si guud heshiis loogu yahay, ama salkeedu uusan isbeddeli karin oo ay wadaagaan dhammaan shakhsiyaadka iyo kooxaha aaminsan manhajka Salafiyada. Fahankan oo maskaxda lagu hayo ayaa fure u ah, dib-u-qiimayn iyo gorfaynta mowqifka salafiyada ee diimuqraadiyadda.

Dhismaha Fikradeed: Kala Saaridda Qiyamka iyo Farsamooyinka Siyaasadeed

Qaybta koowaad ee buugga “Muhashada Xorriyadda” wuxuu Nawaaf Al-Qudaymi isku dayayaa in uu si qotodheer oo dhammaystiran u baadho farqiga fikradeed ee u dhexeeya fikirka siyaasadeed ee Salafiyadda soo jireenka ah iyo farsamooyinka dhabta ah ee nidaamka dimuqraadiga ah ee casriga ah, iyadoo ujeeddada ugu dambaysa ay tahay in xal kama danbays ah loo helo isdiidda taariikhiga ah ee dhextaalla. Si uu iskudaygaas u hirgeliyo, Al-Qudaymi waxa uu si geesinimo leh u diidayaa, shakiga iyo cabsida ay ka qabaan salafiyada soo-jireenka ahi nidaamyada dimuqraadiga ah, kuwaas oo inta badan ka dhex muuqda qoraallada garabyo gaar ah oo ka tirsan dhaqdhaqaaqa ballaadhan ee Salafiyadda.

Qoraagu waxa uu dhisayaa dood aad macquul u ah oo salka ku haysa wax uu ku qeexay khaladfahan iyo maangad aasaasi ah oo lagu sameeyay eraybixinta siyaasadeed.

Waxa uu si adag ugu doodayaa in qayb aad u weyn oo ka mid ah iskacaabbinta Salafiyada ee fikradda dimuqraadiyaddu ay si toos ah uga dhalatay fahan la’aan ka haysata hannaanka dimuqraadiyadda. Ugu horrayn, waxa uu iftiiminayaa in xagjirka diineed ay inta badan dimuqraadiyadda u arkaan maanhag iyo habfeker cilmaani ah—kaas oo ahmiyadda siiya xorriyadda aadanaha, caqliga dadka, iyo awoodda sharci-dejinta ee cilmaaniga ah, oo toos uga hormarinaysa sharciga Rabaaniga ah iyo amarrada diinta. Taa beddelkeeda wuxuu ku doodayaa in diimuqraadiyadda loo arki karo agab maamul iyo hannaan siyaasadeed oo milge (akhlaaq) ahaan dhexdhexaad ah.

Wuxuu ku guulaysanayaa in uu kala saaro labadan fikradood ee diimuqraadiyadda marna loo arkayo aragti milgeed oo cilmaani ah marna loo arkayo agab maamul oo dhexdhexaad ah. Sidaas awgeed wuxuu ku doodayaa in halkii laga collaysan lahaa diimuqraadiyadda loo arko sidii “makiinad” lagu tosho nidaamka siyaasadeed. Wuxuu ku taagtaagsanayaa dheefaha iyo faa’iidooyinka adeegsiga agabyada diimuqraadiyadeed ee ay ka mid ka yihiin, dastuurka, codaynta, baarlamaanka iyo kala saaridda awoodaha.

Si kastaba ha noqotee, waxaan is waydiin karnaa, agabyada siyaasadeed ee diimuqraadiyaddu dhab ahaantii ma yihiin kuwo milge ahaan dhexdhexaad ah? ma yihiin sidii makiinada tolliimada ama injiinka shidaalka guba oo kale?

Haddii aan cabbaar isdultaagno iswaydiintaas, waxaa inoo soo baxaysa inay arrintaasi tahay ismoodsiis. Waayo agabka siyaasadeed ma ah cidla ka baxa sida dhirta, fagaaga na kama abuurmaan, mar walba waxaa hoosyaalla oo ay ka dul baxeen nidaam milgeed iyo qaayosoorro gaar ah, gaar ahaan qaayasoorrada reer galbeedka kuwaas oo ay qasab tahay ay is-hardiyaan qaayasoorrada islaamiga ah, ugu yaraan tasfiirka iyo fahanka salafiga ah ee qaayasoorradaas. Tusaale ahaan, arrinta ogollaansho-siinta (sharciyada) iyo awoodda sharci samaynta, bini-aadamka ayaa leh, mise waa awood Ilaahay u gaar ah? Sidaas awgeed, waxaan qabaa halkan inuu seeldareeyey qoraagu ekeynta uu u maray dhismaha burhaanta dooddiisan.

Fahanka iyo Dhaqangelinta Shuurada

Qayb wayn oo ka mid ah doodda buuggu waxay lafaguraysaa fikradda Shuurada (wadatashiga). Qoraagu wuxuu tamar badan gelinayaa falanqaynta xidhiidhka ka dhexeeya iyo sida ay isugu sanbannaanyihiin shuurada iyo dhismaha nidaamka dimuqraadiga ah ee casriga ah. Aragtidan siyaasadeed ee Islaamka, Shuurada waxaa si guud loogu aqoonsan yahay inay tahay mabda' aasaasi u ah maamul xalaal ah, balse sida ay tahay in loo dhaqangeliyo ayaa muddo dheer ahayd mawduuc si kulul looga doodo, aqoon ahaan iyo taariikh ahaan ba.

Buuggu wuxuu si toos ah u abbaarayaa dooddan taariikhiga ah, isaga oo si gaar ah diiradda u saaraya su'aashan udub-dhexaadka ah: Shuurada ma waxaa loogu talagalay inay noqoto talabixin (ikhtiyaari) keliya ah mise waa waajib ay qasab tahay ah in la qaato?

Haddii lagu turjumo shuurada talobixin aanu hoggaamiyuhu ku qasbanayn inuu raaco, ma noqonayso nidaam maamul iyo aaliyad siyaasadeed midna, waayo hoggaamiyuhu isaga oo keliya ayaa leh awoodda go’aanqaadashada, waa na keligii-taliye. Taas caksigeeda, Al-Qudaymi wuxuu ku doodayaa in shuurada lagu macneeyo mid ay qasab tahay in la qaato, isla markaasna la sameeyo hannaanka iyo waddada loo fulinayo waajibkaas. Wuxuu ku dheeraysanayaa inay lagama maarmaan tahay in si rasmi ah loo hay'adeeyo, sharci ahaan loo habeeyo, oo si adag loogu waajibiyo awoodda fulinta. Intaas waxaa dheer, wuxuu ku doodayaa in hay'adayntan lagama maarmaanka ah ee wadatashiga waajibka ahi ay si dabiici ah ula falgalayso jaantusyada nidaamyada baarlamaanka ee dimuqraadiyadda casriga ah. Sidaas awgeed, qoraagu wuxuu ku guulaysanayaa inuu isku xidho, qaayasoorkan Islaamiga ah iyo hannaanka dhaqangalka ah ee diimuqraadiyadda casriga ah.

Dastuurka iyo Shareecada

Al-Qudaymi wuxuu si badheedh ah u deedifaynayaa oo gaashaanka ugu daruurayaa, cabsida diineed iyo welwelka baahsan ee ay qabaan dad badan oo ka mid ah muxaafidiinta salafiyadu. Welwelkan waxaa udub-dhexaad u ah aaminaadda ah in qaadashada dastuur dimuqraadi ah ay gunta ka rujinayso kana hor-imanayso, ugu dambayntiina ay meesha ka saarayso awoodda sharcidejineed iyo sarraynta Shariicada.

Si uu meesha uga saaro cabsidan xididaysatay, Al-Qudaymi waxa uu soo bandhigayaa maanhag ka duwan kuwa jira oo dhan. Waxa uu ku doodayaa in dastuurka dimuqraadiga ah ee casriga ahi aanu khasab ahayn inuu ahaado qoraal gabi ahaanba ka madax-bannaan qiyamka diinta. Taa beddelkeeda, wuxuu qabaa in dastuurku si wayn ugu adeegi karo heshiis bulsho oo sharci ah, layskuna raacay, kaas oo dhex mara shacabka la xukumo iyo madaxda xukumaysa. Dastuurkan, ayuu ku doodayaa, wuxuu tixraaci karaa, ilaalin karaa, isla markaana ka dabqaadan karaa Shariicada Islaamka. Sidoo kale wuxuu abuuri karaa hannaan sharciyadda iyo ogolaanshaha dadwaynaha gacanta u gelinaya. Awooddani waxay dadweynaha u ogolaanaysaa inay si firfircoon ula socdaan, u dhaliilaan, ula na xisaabtamaan madaxdooda.

Isagoo ka leexanaya muunooyinkii soo-jireenka ah ee awoodda ku uruursanayd madaxa-sare, qoraagu waxa uu ku doodayaa in bulshada Muslimiinta ah iyo wadajirka ummaddu ay si buuxda u awoodaan inay ilaaliyaan oo ay taageeraan Shareecada iyagoo si firfircoon uga qayb-qaadanaya hannaanka dimuqraadiga ah ee nabadda ku dhisan. Waxa uu si adag u qabaa in awoodda dadweynaha oo la isku halleeyo ay ka ammaan badan tahay kana adkaysi badan tahay in lagu tiirsanaado oo magan loo ahaado rabitaanka kaligii-taliye sheeganaya in uu isagu iskii u fulinayo sharciga diinta.

Gunaanad: Badbaadadu waa Dimuqraadiyadda

Qaybta ugu dambaysa uguna saamaynta badan ee buuggu, wuxuu dhaliil kulul kala duldhacayaa xaqiiqada waaqica siyaasadeed ee Carabta. Wuxuu si aan gabbasho lahayn farta u taabsiinayaa boogta, wuxuu tilmaamayaa aaya-xumada iyo ayaan-darrada nidaamyada boqortooyo iyo keligiitaliye ka jira badanka waddamada Carbeed.

Wuxuu ku taagtaagsanayaa cawaaqib-xumada ka dhalatay maqnaanta diimuqraadiyadda iyo wadatashiga. Jiitaanimada ayuu xumaan oo dhan dusha uga tuurayaa. Ku tagrifalka awoodda iyo hantida, musuqmaasuqa iyo eexda, caddaaladdarada iyo arxanla’aanta iyo horumar la’aanta dhaqaale inta ba waxaa dhalay keligiiteliyaha ayuu ku doodayaa.

Ugu danbaynta, Al-Qudaymi wuxuu xoojinayaa in diimuqraadiyaddu tahay baahi jiraal oo lagama maarmaan u ah badbaada iyo karaamada aadamaha. Waxa uu dimuqraadiyadda u aqoonsanayaa inay tahay daawada kama-dambaysta ah iyo ka samatabaxa kelitalisnimada siyaasadeed iyo xukunka boqortooyo ee aayabeelka ah.