Skip to main content

Thursday 15 May 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Dhaqan

Hees Carruureedda Soomaalida: Koolkoolinta Wiilasha Iyo Haaraamidda Hablaha

22 April, 2025
Image
wiil
Wiil Gaawe caano ku jiraan soo fidinaya.
Share

Af Soomaaligu, waa luuqad u kiggan sida nolosheennu u adag tahay. Waa af reer guuraa la hirdamayay hellida biyo iyo baad ku filan, waxay dabacsaniddu ka dhigantahay nugayl aan loo baahnayn iyo nusqaan qofka wax u dhinta. Sidaas daraadeed, suugaanta kaynta waxa seeskeedu yahay qalafsani, dirrir, adadayg iyo macangagnnimo: ubadka yaraan lagu baro. Waxa jira labo nolalood, qofku in uu jidh ahaan jiro oo nafi ku jirto iyo in qofku dareen ahaan, ruux ahaan, naf ahaan iyo jidh ahaanba caafimaad qabo oo nolosha la falgali karo. Hab barbaarinteennu waxay xoogga saartaa, korinta ilmaha jidh ahaan, muhimna uma arragto fayoqabka dhimir, ilaalinta dareenka iyo edbinta ubadka. Ilmaha lama baro xirfadaha noloshiisa muhimka u ah ee iscabirida nafeed, naqdinta iyo xidhiidhinta san. Maxaa yeelay, waalidka dhalayba waa ka arradan yahay! Waxaynu xasuusanahay weedhii caanka ahayd "hilibka adigaa leh, laftana anniga" waalidka Soomaalidu wuxuu eegtaa harag tawadhtawadh leh oo uu naf ahaan beri hore aasay.

Hees carruureeddu waa dugsigii bilawga ahaa ee ababinta ubadka. Nolosha iyo la macaamilkeeda ayaa wax looga iftiimiyaa, afkana waa lagu sii baraa. Sida qoraa Maxamed Baashe ku qeexay, (fiiri buugga, Afka hooyo waa hodan: bogga 29) si la mid ah, waxa lagu baraa cabsida, kala sarraynta labka iyo dheddigga, qabyaaladda iyo aamusiinta hablaha. Hees carruureeddu waa tu ilmaha ku beerta argagax; hooyo tagtay oo aan war loo hayn meel ay martay, bahal raba in uu cuno, naas godlan waayay, hooyo iyadduba ka gaajo badan ilmaha oo cabanaysa, aabbe safar tagay oo aan soo noqon. Had iyo gooraalle, dhiillo iyo wax laga xumaado ayuun bay xanbaarsan tahay. Sidaas oo ay tahay, haddana, waxa jira, eexasho wiilasha iyo hablaha loo kala eexdo. Hees carruureedda wiilasha, waa lagu ammaanaa, lagula dardaarmaa, masuuliyaddaha nolosha wax looga sheegaa, sida loogu farxay iyo weynida dhalashadooda la xusaa, loogu duceeyaa. Hablaha se, waa lagu hiifaa, oo lagu aamusiiyaa!

Hees carruureeddu maaha xarfo la iska yidhi oo aan macno badan lahayn, waa macallin wax weyn ka bara ilmaha waayaha sugaya, iyo, muraayad laga dhex arko duruufaha bulsheed ee qoyska. Waxa ilmaha la baraa waxyaabaha ummadiisu qiimayso ee ay tahay in uu weyneeyo, waxay yasto ee ay tahay in uu iska dhawro iyo, waxa laga rabo ee ay tahay in uu ka soo dhalaalo. Marka laga yimaaddo in uu afka ku barto, wuxuu ku bartaa kaallintiisa nolasha iyo sida uu ugu weyn yahay ama aanu muhimka ugu ahayn qoyska uu ka dhashay. Waxa ilmaha loogu sheegaa, dhacdo dhalashadiisa la xidhiidha oo hooyadii saamaysay, in kasta oo tani wiilasha gaar u tahay, haddana, hees carruureeddu waa arrin ka ballaadhan erayo ilmo lagu sabaalinayo. Waa mid u iftiimisa qiyamka bulshadiisa iyo kaalinta kaga aadan ilmaha.

Heesaha wiilasha:

Heesaha lagu sabaaliyo wiilashu tiro ahaan ka badan, ka hogga-tusaalayn badan, kana kalgacal iyo waano badan heesaha hablaha. Wiilku waa QOF nolol loo carbinayo, gabadhu se waa adeegto Hoggaansanaan loo carbinayo. Kala duwanaanta labadan u dhaxaysaa waxay tahay; qofka (inanka) waxa looga warramaa nolosha iyo waayaheeda:

Haddaad gaadhoo gabowdo

Markaad geeliinna raacdo

Haddii guluf kuu yimaaddo

Ma go'e geela ha ka roorin!

Wiilku waa QOF nolol loo carbinayo, gabadhu se waa adeegto Hoggaansanaan loo carbinayo.

Waxa jira col u hawlan dhicida hantidaadda, dhiigya-cab shaqadiisu boob tahay, adigoo keli ah, haddii guuto kuu timaaddo, sidee baad ka yeeli? Jawaab baa loo laqimayaa; wax iska celi, ku mintid hantidaada, dhayal hawga tagin. Haddii se ay dhici waydo oo nafley baad tahay e' lagaa itaal badiyo, maxaad fali? Iyanna: haddaad fiigto, ha fogaanin. Ayay hooyadu kula dardaarmaysaa inankeeda yar. Waxa wiilkaas yar looga warramayaa waayaha sugaya ee colaadda iyo cadaawadda ah, waxa la barayaa sida uu noloshaas ugu noolaan karo oo wax iska celin ah. Waxa looga digayaa waxa raggannimadiisa ceebta ku ah oo baqdin ah. Dhiirani, adadayg iyo wax-iska- dhicin baa dhegta loogu ridaa isaga oo aad u da'yar wiilku, si uu u noqdo qof waayaha u dul leh. Gabadhu miyayna waayaha adag la waddaagin wiilka? Haa, dhaan bay aroorisaa, caws gurashadii bay degaan fog u aadaa, reer bay rartaa, qoryo soo guridood bay kayn fog u tagtaa, adhi bay raacdaa, xaabay doontaa. Jidkaas dheer bahal cunaya baa joogaa, nin kufsanaya baa jira, col dhacaya baa jooga, in bog iyo baabaco ku socota oo badan oo duulaan ku ah baa jira. Hase yeeshee, cidna lama soo hadal qaado sidii ay wax isaga celin lahayd iyo colkaas caynkii ay ka yeeli lahayd. Maxaa yeelay, codowgeedu waa nin, haddii geel jiraha dabadda jooga ay iska dhiciso oo tab iyo xeelad u barato, ka guriga u jooga ee dilmada iyo quudhsiga la dul joogana way iska celin. Sidaas daraadeed, waa in dhegta loogu ridaa iyada oo aad u yar; gabadhu waa cad bisil oo ninka uun baa ilaalin kara! Muxuu ka ilaalinayaa? Waraabaha adhiga u soo dhaca, yuu se siinayaa? Ninka la midka ah ee markii ay xaabadda u doontay jidka u galay, oo muxuu sidaas u yeelay? Wuu iska aamusiinayaa, dhaawaceeda ayuu iska dedayaa, sababtoo ah; dhibkeedu maaha waxa dhaqaajiya, se waxa dhibbaa waa, gabadh reer hebel ah baa la waxyeelay: sumcadda tolka!

Tacab baa wax lagu yahay, qofka dhaqaalaha leh, isagaa aqoonyahan ah, siyaasi ah, taloqabeen ah, magac leh oo dadku u tartamaa. Waxaagaa wax laguugu daraa, qof quraacdaa, qado la siiyaa, iyadoo halkaas ka shiidaal qaadanaysa ayay hooyadu tacab wiilkeeda kula dardaarmaysaa. Intaas ugama hadhaysee meesha isha leh ee uu wax ka heli karo ayay u tilmaamaysaa:

Billaawa Bilow Biloow wa

Bilow loo baahanoow wa

Baxreyn iyo beled shishiiye

Bariisku halkuu ka beermo

Tolkaa baa lagu boqraaye

Tagoo adiguba badh doono.

Waxa la barayaa in ganacsigu yahay, waxa lagu sharfayo ee uu qadarin bulsheed ku helayo. Waxa la barayaa in uu si walba xaq ugu leeyahay in uu hantidaa, sumcadaa iyo qadarintaa badhkiisa helo. Maxaa yeelay, bulshaddan, dadku in uu DAD yahay kuma sharfana, waxa uu ku sharfan yahay waxa uu hayo iyo reerka uu yahay. Sidaas daraadeed, wiilka yar ee nolosha loo tababarayo, waxay hooyadu u guntaysaa in tacabku yahay il uu qadarin bulsheed iyo sareedo nololeed ku kasbanayo. In uu baahida ka baxo, waa wax u weyn ee qof walba oo Soomaali ah dhaqaajiya, taas baa wiilka yaraan lagu barayaa, jidkaa dheer ee xoogsiga iyo tabcashada ah baa lagu boorinayaa. Waa han sare, waa himilo fog oo dedaal adag u baahan, dardartaas baa carruurnimo loogu carbinayaa. Ma gabadha? Digsiga ay sidato waa laga dalooliyaa, tacabkeedu waa biyo col dhaanshay, hanti naageed hoodo ma leh. Hana filan in yaraan loogu diyaariyo waxqabad, gabadha waxa la baraa sidii ay mulkiilaheeda ugu dheganuglaan lahayd. Waxa la barayaa sidii ay ninka u adeeci lahayd, nolosha kale se, waa iyada iyo ayaankeed.

Dhalashada wiilku waxay hooyada uga dhignayd cawo iyo ayaan. Waxay tolka iyo aabbaha u ahayd farxad iyo riyaaq, hooyadanna astaan badhaadhe oo qoyseeda u soo siyaaday. In ay wiil ku curataa farxad gaar ah bay ahayd, ifafaale san bay tilmaamaysay. Maxaa yeelay, haween badan baa lagu furay hablo badan oo ay dhaleen ama in ayna wiilal dhallin. Hablo dhallidu waxay ahayd iin, in hooyadu hablo kaliya dhashaanna waxay u ahayd halaag nololeed. Heestan, waxay tilmaamaysaa sida wiilku rejadda u ahaa:

Dhammow wa dhammow dhammow wa

Markaad dhalateed dhawaaqday

Dhammow dhaxan baa iga duushay

Dhulkaa ii wada iftiimay

Dhurwaagii baa dareeray

Dhirtaa ii wada magooshay.

Dareenkaas farxadeed ee wiilka dhalashadiisu lahayd, heeso badan oo kalgacal miidhan ah ayay hooyooyinku ka curiyaan. Duco, amaan iyo same ay u rajaynayaan aayahooda danbe ayay hagoojiyeen. Waa duco sedbursi ku jiro e, sida muuqata lama aqbalin. Oo samaha ay hooyadu u rajaysay wiilkeeda labo jirka ah, waxa ka awood batay, waayaha uu ku waajahay garashada qaloocda. Inta ay ku masaasho wixii ugu quruxda badnaa ee dhaayaheeddu qabtaan oo cir hooray iyo dhul doog leh ah, ayay uga ducaynaysaa waxa ugu fooshaxun ee ku dhici kara oo ah in uu ciirsi'la laga carraabay yuuruursado. Nasiibxumo se, xaaladdaas qarracanka ah ee ay ugu ducaysay ayay maanta innamadeedii joogaan oo dunidda dhawr qarni bay dhan walba ka danbeeyaan, si walba oo ay daaro dhaadheer u dhisteenna, caqligii kaynta ayuun bay fadhiyo qurxo badan u dhigteen. Waxay hooyadaasi tidhi:

Calowa calow calowa

Calow Cabdillaahiyow wa

Calaacalo maydhanow wa

Calow cir daroorayow wa

Calow cosob laacayow wa

Calow meel laga carraabay

Carruurii laga xanbaartay

Allow yaad carari waayin

Allow yaad ciil la hoganin.

Imisaa wiil tahriibay oo kolkuu carari waayay, hilbihiisii haad cunay? Imisaa barbaar waxbartay oo kolkuu ku shaqo waayay ciil la hoganaya? Imisa wiil kuwii aabbihii dilay xil u hayaan oo hoos u guuxaya? Imisaa qaraxa, busaaradda iyo waayaha qorfaha ahi waalaan ee cidla waleecaadaysa? Imisaa wiil yar inta la tuuray loogu daray "naag ma tihid oo laguma wasayee dunidda iska celi" oo maanta darbiyada jiifa? imisa iyo imisa!

Sababaha ugu mudan ee suugaantu u tahay halabuurka ugu quruxda badan ee basharku hindisay, waxa ka mid ah; sida ay u muujiso dareenka kalgacal ee aaddamuhu wadaago. Dareenkaasi kala xeel fog ee ka hooyadu u qabo ilmaheeddu waa ka ugu xerudhaladsan. Labadan heesood waxay baarka sare kaga jiraan, heesaha kalgacal ee hooyadu wiilkeeda u mariso, midiba xaalad gaar ah leh e. Waxa ugu dhadhan macaan marka ay hooyadu u heesayso, wiilkeedda oo xanuunsan. Dhul aan dhakhtar jirin, meel lagu la eerto ilmo kaa bukooda aadan haysan, haddii aad meel kaa fog uga baxnaanno dooni lahaydna aadan uba hayn hantidii aad ku kafayn lahayd. Xaaladdaas qalbijabka, werwerka iyo xanuunka leh ee ay hooyadaasi dareemayso ayay Rabigeedda weyn u magansanaysaa caafimaadsiinta wiilkeedda yar. Kolkaas bay hal mar damaqa wiilkeedda iyo quwada ay magansatay wada tilmaamaysaa:

Halkaad xalanow xoqaysay

Halkaad xaradhaaminaysay

Halkaad xalay ledis ka wayday

Malaa'iig ha kuu salaaxdo

Quweeye ha kuu qaboojo!

Heestan kale, waxay hooyadu wiilkeedda uga ducaynaysaa ehel la'aanta nololeed oo xaalad aad u xun ah, kuna sii foolxun dhul Soomaaliyeed. Ha xigto seegin oo waayuhu cidlo kuma dhigaan ayay ugu ducaynaysaa. Waa hees aad u qaayo badan:

Hobeeya hobeey hobeeya

Ha waayin ha waalalloobin

Ha waayin waxsiiso hooyo

Ha waayin wardheere aabbe

Ha waayin walaallo dhawr ah

Ha waayin wixii wax kuu ah

Hubkaaga nin kale ma qaato

Halkaaga lagaama seexdo

Hashaada lagaama maalo!

Heesaha hablaha:

Uma nasiib wacna sida walaalkood oo ma hellaan heesaha kalgacal ee walaalkood loo qaado oo kale, looguma farxo sida walaalkood loogu farxo. Ma arkaan koolkoolinta iyo xanaanaynta wiilka la siiyo, oo judha ay labo sanno u buuxsamaanba, waxa lagu bilaabaa u laylinta shaqo aan ka hadhayn illaa godka la dhigo, shaqo ayna mushaar iyo mahadnaq midna ku heli doonin. Shaqo ay ka dhex daawan doonto waxa ay naagnimaddu tahay, shaqo haddii ay lacagowdo la la yeelan doono, haddii kalenna shaqo naageed liidata ah. Waxa hayin looga dhigaa sidii ay waqeed u rarnaan lahayd. Lix sanno kolka ay gaadho, waxay la kulantaa argagax u bilow ah nolosha kadeedka badan ee sugaysa, saddex islaamood oo sida ay u dhego xidhnaan doonto u dhego malaasmay ayaa isu qabta, habar sida ay jaahilada u noqon doonta u ah baa xubin aad u muhim ah ka jarta jidhkeeda oo iyada oo maqlaysa saqaqafta sakiinta maarawday ee kuwo badan oo sideedda ayaandarran lagu qashay ku dhisha. Qodxo dhaadheer oo qudhac laga soo guray baa jidhkii la qalay laysugu geeyaa, xadhko adadag baa bawdyaha looga giijiyaa, kolkaas baa la dhahaa; intaad doonto hadaaf.

Waxa hayin looga dhigaa sidii ay waqeed u rarnaan lahayd. Lix sanno kolka ay gaadho, waxay la kulantaa argagax u bilow ah nolosha kadeedka badan ee sugaysa, saddex islaamood oo sida ay u dhego xidhnaan doonto u dhego malaasmay ayaa isu qabta, habar sida ay jaahilada u noqon doonta u ah baa xubin aad u muhim ah ka jarta jidhkeeda oo iyada oo maqlaysa saqaqafta sakiinta maarawday ee kuwo badan oo sideedda ayaandarran lagu qashay ku dhisha. Qodxo dhaadheer oo qudhac laga soo guray baa jidhkii la qalay laysugu geeyaa, xadhko adadag baa bawdyaha looga giijiyaa, kolkaas baa la dhahaa; intaad doonto hadaaf.

Hablaha looguma duceeyo sida wiilasha loogu duceeyo, loo lama dardaarmo sida wiilasha loo la dardaarmo, waanada iyo waxsheegga ay heshaanna waa dhengedda ku lammaan. Haddii ay khaldanto aabbuhu kolkiisa ayuu bakoorad u qaadi doonnaa, walaalku markiisa ayuu ku durdurin doonnaa, hooyaddunna kolkeedda ayay malaas ama kab ula tagi doontaa. Haddii ay khalad weyn samayso, tusaale ahaan, haddii ay garcato iyada iyo dhasheedda waa laysku tuuri doonnaa, haddii laga fiirsan waayana ninkii diiday baa la la baryi doonnaa. Xadgudub kaste oo guriga ay kula kullanto xitaa haddii ragga xigtada ahi kufsadaan, waa la qarin doonnaa. Maxaa yeelay, cidna ma aqbali karto in la dhaho "rag baa hablihii xigay kufsaday" haddii se uu nin qabiil kale ah sidaas yeelay, markaas waa arrin laga wada hadli karo. Sababtoo ah, qabiilka inantu ka dhalatayna ku sharafla' ka denbiiluhu ka dhashayna haween badan baa laga kufsan doonnaa, haddaanu arrintaas xaal ka bixin. Muhiimaddu se waa kala ilaalinta qabka ragga, intaasi wixii ay dhibbanaha u goyso iyadda iyo nasiibkeed.

Hooyo loo quudhsaday sida ay inanteeda u quudhsanayso, oo dhalashadeeda looga naxay sida ay ta inanteedda uga naxday, oo loo xaqiray sida ay inanteeda u xaqirtay, ayaa hees karaahi leh si karoox leh ugu qaadda abaydin soo luggo'ay:

Dhibaay ya dhibaay dhibaay ya

Dhibaay gabadh dhalatay waa dhib

Dhibaay gabadh dooni maayo

Dhibaatiyo halalacteedda

Dhibbaad soo doonadkeedda

Dhig iyo caws qaadadkeedda

Aqalkii ma dhammaaninteedda

Ninkii ma dharaaranteedda!

Tirooyinka adhiga ah ee illaa maalinkii ay afar jirka ahayd ku tacab beeshay, orgac kama raaco. Cawska kunka nooc leh ee ay samaysay, guriga quruxda badan ee ay dhistay, agabka wax lagu cuno ee ay qortay ama toshay, xadhkaha ay soohday; labo dhigood, caws iyo xoogayga muqmada ah ee inanta la raacin doonno ayaa werwer ku sii haya hooyada. Waa layska hilmaamaa geela badan ee laga bixiyo ee walaalaheed ku guursan doonaan, farshaxanka ay reerka uga tagtay iyo tacabka badan ee ay adhiga reerka gelisay. Inanta waxa guriga hooyadeed u yahay goob ay ninkeeda ku sugto, marka ninkaasi yimaadanna, guriga cusubi waa hanti ay ninka dhistay u dhaqdo. Dhab ahaan, iyadu guri ma leh.

Dhibta soo noqnoqonaysa ee heesta ku jirtaa maaha dhibaato run ah oo ay gabadhu reerka ku hayso, xitaa maaha dhibaato ay qeexi karto maskaxda heestan curisay. Waa dhibaato ka jirta khiyaalka qof is nacay oo inta la caynka ah nacay, oo ay dhibayso ahaanshiiyaha jinsigan garaadxumida socota laga dhigay, dabadeed, maqaadiirtii ka dhigtay mar kale dhabta u saartay. Karahsiga ay hooyadu inanteeda dhibsanaysaa ka qotodheer inta yar ee ay raacin doonto marka ay guursata, waa arrin ay sal u tahay; jinsi la quudhsaday oo is quudhsaday, waa dhaxalka suugaanta goddobaysan iyo dhaqanka labaysan.

Aamusiintu waa hab lagu gumeeyo maskaxda aaddanaha. In qofka la aamusiiyo, waxa ka horaysa in la baqa galiyo oo la tuso wax uu ku aamuso. Waxa dhaqankeenna ku jira guur-ku-gooddin, haweenka loogu hanjabo in aan ciddi guursan doonnin haddii ay dhaqamada qaar yeelato. Waxa dhaqamadaa ka mid ah: hadalka badan. Waxa jira qalabyo u adeega adeecida qabka ninka, kuwaas oo gabadha ka reeba wax kaste oo hanjabaad ku noqon kara isla weynida la rabo in uu ninku dareemo kolka uu gabadh la hadlayo. Waxa ay fahan aad u liita saaraan sifaadka iskood qaayaha u leh ee dadnimadda bila, tusaale ahaan, geesinnimada, aftahanimada, ku dhaca iyo deeqsinnimada oo ah sifooyin iskood u mudan, kolka ay gabadhi yeelato, waxa la hagoojiyaa iino ayna lahayn. Waxay dhahaan; haddii gabadhu deeqsiyad noqoto hantida ninkeeda ayay cid walba siin, haddii ay ku dhac yeelatanna ninkeedda ayay ku afcelin oo lama rabo! Waa wax laga wiswiso marka qof u baahdo in uu qof kale hoos u eego si uu u jiro.

Aamusnaantu waa dhidibbada dulmiga waariya, waa xidid seejin nololeed ah oo gabadha yaraan loogu talo. Haddii erayada oo qalabka fikirka ah qofka loo qadhiidho, waxay ka dhigantahay; qofkaasi wuxuu la cayn yahay shinbirta qafaska ku jirta ee midhadhka hadhuudhka ah ee sagxada loogu daadiyay u haysata abaal loo galay. Haweenka, yaraan baa hadalka loogu miisaa, waxa la baraa in ay hadalka gaagaabsato, si gaar ah, haddii nin ka ag dhow yahay. Maxaa yeelay, waxay u nooshahay in nin xusho! Halkan, hooyo qayb ka mid ah nafteeda la aasay si loo xusho, ayaa inanteeda baraysa sidii ay qayb ka mid ah u xabaali lahayd:

Gadooy ya gadooy gadooy ya

Gadooy gaagaabso hadalka

Rag baa goonyaha fadhiya'oo

Fardiyo geel bay wadaane!

Waligeedba, waxa jiray haween dulmi-diid ah. Haween aan aqbalin kaalinta liidata ee bulshadu dhigtay dumarka. In kaste oo codkaas la moosay, haddana, ma dhiman ee dhawaq dheer buu ku soo mudh dhahaa, mararka qaar. Hooyooyinku waxay ahaayeen lafdhabarta suugaanta. Hees carruureedka, sheeko-xariirrooyinka, maahmaahda iyo murtidda badan ee curiyeen, waxa caan baxay intii fahanka jiray qaadan karayay ee haweenka liidaysay. Maadaama, murtidda waxa waariyaa ay adeegsiga bulshada tahay, suugaantii iska caabinta ahayd ee haweenku waxay ku dhex luntay wacyixumida bulshada. Hooyo arkaysa tacadiga af iyo addinba leh ee haweenka loo gaysto ayaa inanteeda ugu heestay:

Gudooy way innagu gafeenne

Ardaa aan gabadhi joogin

Gudooy geel laguma maalo

Gammaan faras laguma raaco.

Mar kale, hooyo la yaaban sida wiilasha loogu qamaamay ee gabdhihii loo hilmaamay ayaa gabadheedda ugu heestay:

Waxaa wiilowda la hayo

Waxaa loo waalanaayo

Aduun baa ila wanaagsan.

Waa hooyo ku iimaanqabta gabadhnimadeedda oo aan dayro ka joogin, hooyo aan u arkin iin in gabadh la dhalo oo ku faanaysa inanteeda. Hooyo ay u muuqatay xaqiiqada bulshadeedda laga qariyey ee ah; ma jirto wax ninku gabadha dheer yahay oo ay tahay in dhalashadiisa loogu farxo ta gabadhanna looga naxo.

Qoraallada kale ee qoraaga

Feker

Maxaynu dhibbanaha u eedaynaa?

Sheeko

Dhanbaal Dibjir