Skip to main content

Tuesday 9 December 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Buug

Haybta la Male-awaalay; Gorfeyn Ku Saabsan Buugga "Curintii Soomaaliya"

22 May, 2025
Image
Haybta Mala’awaalka ah: Akhrinta Gorfenta ‘Daahfurka Soomaaliya’
Share

Buugga ‘Daahfurka Soomaaliya’ waxa lagu tiriyaa waxqabadyada hormuudka ah ee si hal-abuurnimo leh uga hadlaya Soomaaliya. Qaar ka mid ah cilmibaadhayaasha ayaa u arka buugga ugu wanaagsan ee laga qoray Soomaaliya ee wax ka eegaya xagal gorfayneed iyo aqooneed. Buuggani waxa uu xuddun u yahay isbeddelka sooyaalka diraasadaha laga sameeyey Soomaaliya, oo waxa uu albaab cusub u furay cilmibaadhayaasha, waxaanu si qotodheer uga qaybqaatay dib u qaabaynta fasiraadaha caanka ah ee ku saabsan sooyaalka Soomaalida. Hadalhayntiisu weli waxay ka dhex guuxaysaa xarumaha akaadamiga ah, gaar ahaan cilmibaadhayaasha Soomaalida oo ka helay habraac cusub oo lafagur ah oo u saamaxaya in ay wax iska wayddiiyaan sawirrada caanka ah ee laga bixiyo sooyaalkooda iyo baadisoocooda.

Buuggani waxa uu u gogoldhigay soo ifbaxa hab cusub oo cilmibaadhiseed oo salkiisu yahay su’aal gelinta salkii gumaysigu dhigay iyo dib u qoridda sooyaalka Soomaalida, iyada oo markan ay qorayaan dad ku abtirsanaya waaqica Soomaalida. Baaqyo akaadami ah kaddib, koox cilmibaadhayaal ah, oo uu ka mid yahay bare sare Cali Jimcaale Axmed, tifaftiraha buugga, ayaa isku dayay in ay salka u dhigaan baaq aqooneed oo beddela, sidoo kalena dhaafsiisan, fasiraadihii gumaysiga, dibna u qora sooyaalka Soomaalida iyo ka sheekaynta baadisooca bulsho.

Inta badan, burburkii dawladnimada Soomaaliya ee 1991-kii iyo tobannaankii sanno ee dagaallada sokeeye iyo deggenaansho la’aanta waxa loo soo qaataa caddaynta guuldarraysiga mashruuca dawlad dhiska ama dhammaystirkiisa. Sheekooyinka soo jireenka ah, oo ilaa hadda si isku mid ah loogu qaadaadhigo xarumo akaadami ah iyo kuwo siyaasadeed, waxa sal u ah in uhda dhibaatada lagu saleeyo burburkaas, sababtana loo celiyo kala qaybsanaanta qabiillada ee ba’an amaba debacsanaanta tiirarka waddaniyadeed ee ay sameeyeen xuduudaha gumaysigu dhigay. Se, dib u milicsiga buuggan ‘Daahfurka Soomaaliya’ waxa uu soo bandhigayaa jidbixin aqooneed oo taas hore ka duwan, cutubbada buugguna waxa ay lafagur ku samaynayaan fasiraadahaas caanka ah, si ay dib wax iskaga wayddiiyaan qodobbada lamataabtaanka ah ee qoraallada hore lagu saleeyey. Cutubbadu waxa ay si qotodheer u lafagurayaan tiirarka baadisooca Soomaalida iyo sida ay ku samaysanto; ha ka samaysanto isbeddello gudeed amaba ha ku timaaddo faragelinno dibadeed.

Marka ay timaaddo doodda ku saabsan burburka dawladnimada Soomaaliya iyo halka uu ku dambayn doono baadisooca waddaniyadeed, buuggani waxa uu soo bandhigayaa albaab aqooneed oo dhiirran oo uu ku lafagurayo qodobbo lamataabtaan ah oo dhinaca sooyaalka iyo dhaqanka soomaalinnimada ah, oo ku tilmaama bulsho luuqad iyo dhaqanba wadaaga. Waa buug ka kooban cutubbo kala duwan oo ay ka qaybqaadanayaan cilmibaadhayaal Soomaali ah iyo kuwo aan ahayn, kuwaas oo yoolkoodu yahay lafagurka iyo furfuridda sheekooyinka soo jireenka ah ee ku saabsan asalka Soomaalida, kaalinta Islaamka, aqoonsiga qabiillada, xidhiidhada dabaqadaha iyo isirka iyo wax iska wayddiinta nooca bulshada, iyaga oo raacaya manhajyo sooyaal, antaraboolaji iyo luuqadeed oo isku dhafan, si dib loogu noqdo habfikirka salka u ah qoraallada akaadamiga ah ee ku saabsan Soomaalida. John Markakis oo gorfayn ku sameeyey buuggan ayaa ku tilmaamay mid aan ku koobnayn xididdo u siibidda fasiraadaha soo jireenka ah, se sidoo kalena albaab cusub oo gorfayneed u furaya fahanka Soomaalida, isagoo u tixgalinaya mafhuum la sameeyey ee aan ahayn jiritaan la dhaxlay.

Buuggu waxa uu u qaybsanyahay cutubbo si guud daahfuraya mashruuc gorfayneed oo is dhammaystiraya. Waxa uu ku bilaabmaya cutub uu kaga qaybqaatay Maxamed Xaaji Mukhtaar oo ku saabsan Sooyaalka Islaamka Soomaaliya: xaqiiqadiisa iyo mala’awaalkiisa. Waxa uu durayaa sheekada asalka Soomaalida ku aroorisa Carab, waxa kale oo uu dib u qorayaa saldhigashadii Islaamka ee Soomaaliya oo uu saldhigashadiisa ka dhigayo koonfurta dalka, si ka duwan sheekada caanbaxday ee waqooyiga ka dhigta. Waxa ku xigta cilmibaadhis Maxamed M. Qaasim kaga warramayo sooyaalka aqooneed iyo dhaqan ee Banaadir, isagoo diiradda saaraya culimadii Baraawe oo uu tusaale ka dhiganayo waxsoosaarkoodii aqooneed ee hoos loo dhigay. Catherine Besteman ayaa iyana kaga qaybqaadanaysa soo bandhigga Kusha, oo ah koox Baantuu ah oo webiga ku noolayd, iyada oo ka warramaysa addoonsigii saddexgeesoodka ahaa iyo gumaysigii. Christina Axmed ayaa sidoo kale lafagur qotodheer ku samaynaysa sawirka dhaqameed ee gabadha Soomaaliyadda ah, iyada oo ku tilmaamaysa “qof aan dhammaystirnayn dhaqanka dhexdiisa”.

Francesca Declich ayaa isaguna kaga qaybqaadanaya cilmibaadhis isireed oo ku sameeyey baadisooca, jaaska iyo diinta kooxaha Baantuuga. Cabdi Kuusow waxa uu isna kaga qaybqaadanayaa dib u akhrinta sheekada soo jireenka ah ee asalka Soomaalida, isaga oo bedka keenaya hindise cusub oo bilawgii Soomaalida sal uga dhigayo koonfurta Soomaaliya. Cabdalla Cumar Mansuur waxa uu kaga qaybqaatay gorfayn isku dhafan oo uu ku samaynayo dhaqanka siyaasadeed iyo qabiillada oo dhinac ah iyo habraaca dawladda qawmiga ah ee Soomaalida, isaga oo lafaguraya isdiiddada bulshada iyo dabeecadda nidaamka qabyaaladda. Axmed Qaasima ayaa isaguna kaga qaybqaadanaya maqaal udubdhexaad ah oo kaga warramayo dhibaatada deraasadaha Soomaalida, maqaal la mid ahna waxa kaga qaybqaatay Cali Jimcaale Axmed oo ka warramaya in laga gudbo khidaabka caanka ah ee deraasadda Soomaalida. Waxa buugga lagu soo gabagabaynayaa deeaasado gorfayn ah, sida maqaalka Edward oo gorfaynaya daahfurka Soomaaliya iyo diraasadda Christopher oo ku saabsan Xididdada Sooyaal ee Geeska Bari ee Afrika. Waxa buugga ku lifaaqan laba lifaaq oo luuqadeed iyo sooyaal oo soo bandhigaya khariidadaha iyo xidhiidhada afeed ee Soomaalida. Isku dhafkan ayaa buugga siinaya lafagur isla falgashan, oo dhinac sooyaal ka ah, dhinacna manhaj ka ah, waana sababta uu Markakis waxqabadkan ugu tilmaamayo mid udubdhexaad u ah dib u eegista siyaasadaha aqooneed iyo aqoonsi ee Geeska Afrika.

Mid ka mid ah mawduucyada udubdhexaadka u ah buuggu waa lafaguridda “hindisaha midnimada isir ee Soomaalida”. Cilmibaadhayaal iyo dadka leh go’aanka siyaasadeed ayaa sannado badan Soomaaliya ku tilmaamayey mid ka mid ah dalalka Afrika ee farakutiriska ah ee isir ahaan midaysan, marka la eego dhinaca diinta, afka iyo dhaqanka. Midnimadan isir ee sheegashada ah waxa loo adeegsaday fasiraadaha ballanqaadyadii ku lammaannaa xornimadii, iyo xal u helidda dagaallada sokeeye. Se sidaas ka duwan, buuggan ‘Daahfurka Soomaaliya’ waxa uu dib ugu laabanayaa kalsoonida xad ka baxa ah ee hindisahan la siiyey. Isaga oo tixraacaya caddaymo sooyaal, afeed iyo antaraboolaji, cilmibaadhayaasha ka qaybqaatay buuggani waxa ay ku doodayaan in aanu baadisooca Soomaalidu ahayn mid sugan oo aanu midaysnayn, se uu samaysmay qarniyo badan oo isdh exgal iyo loollan ah.

Gumaysigu waxa uu kaalin weyn ka qaatay dib u qaabaynta Soomaalida. Maamulladii Yurubiyaanka oo baahi weyn u qabay qaybo kala xadaysan oo ay xukumi karaan, waxa ay Soomaalidii deegaanka ahayd u qaybiyeen habab waafaqsan salal qabiileed oo jaango’an, dhulkuna u kala qaybsanyahay. Waxa ay kala qaybintan ku dhigeen khariidadaha, arrinkanina waxa uu baadisoocii iyo xidhiidhadii siyaasadeed ee guurguurayey u beddelay mid sugan oo aan isbedbeddelin, sidaas darteed gumaysigu waxa uu si dhab ah uga qaybqaatay dib u qaabaynta Soomaalida. Buuggu waxa uu si laxaad leh u qaadaadhigay ikhtiraaca gumaysiga ee qabyaaladda Soomaalida, waxaanu su’aalo hordhigay aragtida qabiillada ka dhigta kooxo sugan oo aan guurguurin.

Lafagurka buuggu kuma gaabsan xilligii gumaysiga, ee waxa kale oo uu tiigsaday dib u qaabaynta ay sameeyeen gadhwadeenkii Soomaalida ee gumaysiga ka dib. Muran kuma jiro in mashruucii qawmiyadda (Soomaaliweyn) – gaar ahaan xilligii nidaamkii Siyaad Barre – uu ku qotomay sheeko sooyaal oo si gaar ah loo doortay, oo buunbuunisa midnimada Soomaalida, iyada oo isla markaaba mashruucani cabudhinayey kala duwanaanta gudeed iyo mucaaradadda. Mashruuca midnimada Soomaalidu ma ahayn mid metelaya dhaxal la wadaago, ee waxa uu ahaa istiraatiijiyad u dan leh adkaysiga maamulka. Isdiiddada ku jirta mashruuca midnimada isireed ee Soomaalidu waa in ay isku dayaysay  in ay meesha ka saarto kala qaybintii gumaysiga laga dhaxlay, se haddana ay ku tumanaysay oo ay cabudhinaysay codadka gudeed ee aan hadli karin, taariikhdoodana ay baabi’inaysay.

Waxa uu buuggu la gaar yahay kala duwanaanta manaahijta uu raacayo iyo aragtiyaha uu soo gudbinayo, oo waxa ka qaybqaatay taariikhyahanno, dad ku takhasusay antaraboolajiga iyo khabiirro afeed oo mid kastaa xagashiisa wax ka eegayo, soona gudbinayo fahan dhinacyo badan taabanaya oo ku saabsan baadisooca Soomaalida. Sidaas oo ay tahay, Markakis waxa uu xusayaa dhibaatooyin buugga haysta; oo sida uu u arko, buuggu sida uu ugu guulaystay lafagurka hababka jira, uguma guulaysan in uu bedka keeno kuwo lagu beddelo oo la taaban karo. Se kol haddiiba buuggu yahay mashruuc gorfayn ah, sida lagu yaqaan cilmibaadhis gorfayneed, muhiimadda u weyni ma aha in sheeko iyo fasiraad hore u jirtay lagu beddelo mid kale, ee waa in la furo albaab cusub oo dadku dib uga fekeraan soo jireenka iyo dib u akhrinta tagtada.

Mawduucyada soo jiidashada leh ee buuggan ku jira waxa ka mid ah mawduuca la xidhiidha dhaqanka tiraabta iyo ku tiirsanaanta xasuusaha. Marka la joogo bulsho dhaqan u leh tiraab xooggan, dhacdooyinka taariikheedna ku tebisa hadal, xaqiijinta dhacdooyinkaas taariikheed inta badan waxa ay u xaglisaa tiraab gaar ah, iyada oo ka dul boodaysa tebinta kuwo kale, gaar ahaan markii lodkii waxbartay iyo cilmibaadhayaashii ajaanibta ahaa bilaabeen diwaangalinta sooyaalka Soomaalida. Buuggu waxa uu ku baaqayaa in la dimuqraaddiyeeyo waxsoosaarka aqooneed ee sooyaalka, oo ay koobsato xoolodhaqatada, dumarka iyo beelaha la takooro, oo inta badan sheekooyinkooda la fogeeyo amaba hoos loo dhigo.

Buuggu waxa uu gorfaynta sooyaalkii gumaysiga iyo waddaniyadda ka istaagayaa meel adag oo dhaliil qayaxan ah, arrinkan oo ay ka didi karaan akhristayaasha raadinaya dood deggan. Haddana, dhaliishan qayaxani waxa ay lagama maarmaan u tahay waaqic la qariyey sheekooyin badan. Buuggani kuma koobsanayo waxkabeddelid fudud oo uu ku samaynayo tebinta sooyaalka, se waxa uu ku dedaalayaa in uu gilgilo, su’aalo geliyo oo uu dhiirrigeliyo habfikir cusub.

Raadadka mashruucan gorfayneed kuma koobna Soomaaliya, ee waxa uu ictimaadayaa in intaas ka ballaadhan. Waxa uu buuggu ku abtirsanayaa dhaqdhaqaaq cilmibaadhiseed oo dib loogu noqdo fahannada dawladnimo, aqoonsiga bulsho iyo sooyaalka Afrika. Gorfayno la mid ah buuggan ayaa laga qoray dalalka Nayjeeriya, Ruwaandha, Suudaan iyo dalal kale, oo ah dhulal inta badan awoodihii gumaysiga iyo gumaysiga ka dibba ka hirgaliyeen kala qaybin aan waaqaca dhabta ah ka tarjumayn. Sidaas darteed, ma aha deraasad meel ku kooban, ee waa qaadhaan qaaradaha iskaga gudbaya oo ku saabsan siyaasadaha waxsoosaarka aqooneed.

Ugu dambayn, buuggan ‘Daahfurka Soomaaliya’ waxa uu soo gudbinayaa caddayn feker oo xeeldheer oo ku saabsan aragtiyaha la xidhiidha Soomaaliya. Ma aha buug keliya tebinaya sooyaalka Soomaalida, se sidoo kale waxa uu jawaab ka bixinayaa habraacyadii lagu saleeyey sooyaalkaas. Sidaas darteed, waxa uu cilmibaadhayaasha, dadka leh go’aanka siyaasadeed iyo muwaaddiiniinta Soomaaliyeedba ugu baaqayaa in ay dib ugu laabtaan habfekerka seeska u ah aqoonsiga bulsho iyo adeegsiga xasuusaha marka ay noqoto tebinta sooyaalka. Iyada oo jidka siyaasadda Soomaalida madmadaw badani ku jiro, buug sidan oo kale ahi waxa uu ina xasuusinayaa in ka hor intaan laga fekerin dawlad dhis, ay habboontahay in la furfuro, oo la la faguro sheekooyinka dabarka innagu ah, lana beddelo aragtidii tagtada iyo wakhtiga la joogaba.