Monday 17 February 2025
Waxa aan fadhinay makhaayad shaah oo ku taalla Hargaysa, lana dhaho Foolge, waxa ay ka furnayd aagga laga raaco basaska Xera Awr u baxa, koox dhallinyara ah oo falanqaynayey qoraallada Yusuf Garaad ayaa aanu ahayn, aakhirkiina waxa ay falanqayntu nala gashay qoraallada Cabdi Faarax Juxa, waxaana si aada ay dhallinyaro buugga Qab iyo Quursi akhriday ugu tiiqtiiqsadeen qaybo ka mida buugga oo xiisa gaara ku abuuraya qofka aan akhrin, xiise gaar ah oo akhrintiisa ah ayaa i qaadday, maadaama aan ka mid ahaa kuwa aan akhrin ee kulankan fadhiyay. Waxa aan si hoose u wayddiiyay ‘buuggan halkeen ka helayaa?’ mid ka mid ah saaxiibada aan wada fadhinaymid ka mida oo ahaa Saddiiq Jaamac, ayaa iigu warceliyay in aan ka helayo xarunta dhaqanka Hargaysa oo markaas hal nuqul ka yaallay.
Aroornimadii xigtay ayaan baska taga xaafadda Jigjiga Yar ee Hargaysa sii wada raacnay aniga iyo Cali Mahdi oo aan guri wada deganayn, waxa aanu u sii jeednay xarunta dhaqanka Hargaysa. Nasiib darro, kolkii aan hore u galnay xarunta, oo aan ka baadigoobaynay buugga Qab iyo Quursi, ayuu inankii joogay noo sheegay in halkii nuqul ee buugga ka yaallay laga qaatay, lana soo celin doono hal asbuuc ka dib. Safar aan ayaamahaa Itoobbiya ugu baxayay ayaan ii suurtagalin inaan isbuucaa sugo. Halkaas ayuu ka bilowday xiisaha aan u qabay akhriska buugga Qab iyo Quursi. Febraayo 2020 ayaan si kedisa bogga faysbuug ee shirkadda Hiil Press ugu arkay soo bandhigista daabacaadda buuggan oo aan afar bilood ka hor meelaan u doono waayay, war farxad leh oo bishaaro leh ayuu ii ahaa, kolkii aan dalka ku soo noqday, bishii Luulyo isla sannadkaas, ayaan buugga soo iibsaday oo gacantayda soo galay, xiisaha laygaga abuuray meheraddii Foolge ayaa sababay in aan muddo kooban ku dhammeeyo akhriskiisa.
Buugga waxaa qoray Cabdi Faarax Juxa, waxa uuna ka kooban yahay koob iyo toban qaybood oo ku qoran 292 bog. Buuggu waa taariikh nololeed dhab ah, balse, u qoran hab mala-awaal ah oo ay u dheer tahay farshaxan lagu soo tebinayo, waxaanay sheekadu ku socotaa Koombe. Juxa, waxa uu buugga kaga warramayaa nolol uu isaga tallaabayo meelo badan ayna u mudan tahay ku biirritaanka jabhaddii SSDF iyo safarkiisii waxbarasho. Horreyso iyo danbayso, ficilka ugu weyn ee qaybaha cutubka isku xirayaa waa socdaal, kolkaad warqadda ugu horraysa ee buugga furto waxaad sallaanka kasoo raacaysaa safarka uu Koombe kaga soo tagayo miyiga ee uu magaalada ku imanayo isaga oo ay soo jiidanayso jacaylka uu u qabo cunista timirta ilaa uu jaamacadda ka aadayo soona macasalaamaynayo Prague, intaa u dhaxaysana waxaa soconaya safarro isdabajooga.
Buuggan waxa uu ka mid yahay buugta af Soomaaliga ku qoran oo loo qoray qaab farshaxana oo huwan hodantinimo afeed, qoraagu uma aabba yeelayo waxyaabaha ay reeban tahay in si furan looga warramo, waxa uuna isku si qalinka ugu faahfaahinayaa waxa ka dhacaya qolalka lammanaha iyo kuwa caadiga ah, waxyaalo badan oo uu ka af-gobaadsan lahaa iyada oo aan macnuhu lumayn ayuu qalinka ku duugayaa, taas oo muhiimad siinaysa in aan da’ walba akhrin karayn buugga.
Safarka kasoo bilaabmaya miyiga ee timir jacaylka, kan Qardho iyo shakiga dhilaysnimo, kii tuulada ee adeerkii, kii xerada jabhadka ee deegaanka Soomaalida, kii tumashada Gallaadi, kii Addis Ababa ee ka shaqagalka saxaafadda, kii Prague-Szechoslovakia ee waxbarasho, baxsadkii waxbarashada ee Frankfurt iyo ku soo noqoshadiisii Prague, dhaldhalaalkii iyo dalxiiskii Baarliinta galbeed, xagaa bixii Ingiriiska iyo aakhirkii nabagalyaynta Prague, dhammaan safaradani waa isku xirka taariikhdan, waxa uuna qoraagu u soo bandhigayaa qaab hab feker iyo qoraaleedkeedu sarreeyo, qayba qaybta ka dambaysana waxa ay xiiso galinaysaa akhristaha. Waa taariikh si guud u sawiraysa dhaqanka miyiga iyo magaalada ee Soomaalida, hab dhaqanka Afrikaanka dalalka shisheeye taga, dareenka Carabta iyo dhaqanka reer galbeedka ee falsafadda hablohooda ka aaminsan yihiin shukaansiga.
Buuggan waxaa ku jirta laba dhacdo oo dood badan ka dhex dhalisay Soomaalida, midda hore ayaa salka ku haysa tilmaan uu qoraagu ka bixiyay deegaanka Soomaalida ama Soomaali Galbeed, waxa uu deegaanka ku sheegayaa meel aan u qalmin in loo dagaalamo, isaga oo ku sababaynaya in dhulka Soomaali Galbeed yahay meel saxare xigeen oomane ah adduunkana ka go’an. Waxaa hadalkiisan (eeg bogga 59) laga dhadhansanayaa in dhulkaasi mudnaa in layska bixiyo halkii lagu dagaalami lahaa, maadaama uu yahay deegaan aan wax ku wanaagsanayn, taas oo aan ka turjumayn xaqiiqada dhabta ah kolka loo eego wax-soo-saarka iyo muhiimadda uu hadda Itoobbiya u lee yahay deegaanka Soomaalidu. Sidoo kale, waxaa dood badan ka dhalatay mar uu qoraagu ka sheekaynayay fasax uu Koombe helay uuna tumasho ugu tagay magaalada Gallaadi, qaybtan waxa uu kaga warramayaa qaabka uu ku tagay mid ka mida guryaha tumashada Gallaadi iyo sida uu habalaha jooga gorgortan ula galay. Waxa u badan ee dadka doodda ka dhaliyay qaybtan diideen ayaa ah, sida uu qoraagu afka ugu ballaadhinayo doonista dhillaysiga iyo gorgortankeeda, waana dood macquul ah, balse, waxa ay taasi sababtay in dadku iska indha tiraan arrinka muhiimka ah ee aan filayo in qoraaguna u socday oo ah, qisada ay ka waramayso gabadha uu aakhirka la heshiinayo oo ay wada tagayaan qolka ay ku bixiso adeeggeeda. Sida uu Koombe xusayo, uma uusan galmoon gabadha, badalkeedana waxa uu ka dhagaystay qisadeeda ama dhibaatada haysatay, waxa ku kalifayna ay tahay in gabadhu Soomaali ahayd uuna la yaabanaa waxa ku dirqiyay shaqadan, yaabkiisana ay ooga jawaabtay in duruufi ku kalliftay shaqadan, dhibta haysatana ay ku idlaysay; “Kuwanina [SSDF] ninkaygii bay dileen, kali ah in uu guursaday; kuwaasina [Dawladdii Kacaanka] aabahay bay xireen, waayo ninka gabadhiisa qaba ayaa fallaago ah!” waxa ay gabadhu tilmaamaysay in ninkeeda oo SSDF ka tirsanaa loo dilay in uu guursaday gabadh uuna jabiyay sharciga jabhadda oo mamnuucaya guursiga, dalkiina aanay ku laaban karin maadaama la og yahay in nin fallaago ah qabay, aabeheedna uuba u xiran yahay. Muhiimadda ugu weyn ee uu qoraagu ka lahaa qaybtan ayaa aan u fahmay in ay tahay; sheegista in aanay is dhaamin hab dhaqanka jabhadihii dalka ka kacay iyo dawladdii ay la dagaallamayeen, qofka Soomaaliga ahina uu dhexdooda ku silcayay.
Koombe oo ah qofka ay ku socoto sheekada buuggu, waxa uu xiriir la sameeyay dumar ku kala duwan af, dhaqan iyo deegaanba; Amran oo ah gabadh Soomaali ah oo shaah ku gadda Garoowe ayay ka soo bilaabanaysaa, xiriirkan wuxuu kaga duwan yahay xiriirrada kale, waa in uu u egyahay mid dhinac ka raran oo kaliya Koombe jecel yahay inanta. Gabadha labaad ayaa ah Baqalesh Tedese, iyana waa gabadh Itoobbiyaan ah oo ay Addis Ababa ku wada noolaayeen waqtigii uu ku tilmaamay in uu beenta iyo borabogaandada u qaabilsanaa jabhadda. Inanta Tedese way jeclayd Koombe, balse, dhanka Koombe wuu ka jilicsanaa suunku oo xiriirkan kumuu xoogaysnayn waxayse tilmaamaysaa heerka jacaylka dumarka iyo saamaynta ay ku yeelatay xiriirka uu hore ugu kaliyaystay. Gabadha saddexaad ayaa ahayd Sandara, waa gabadh u dhalatay Ingiriiska, sida uu Koombe sheegayna waa ay isla bixi jireen, xiriirkan waa mid da' wayn, si xooggan ayuuna qoraagu uga sheekaynayaa, waa mid talantaaliya oo labada dhinacba ku awoodaysan, waa laba qof oo laba dal oo kala duwan kasoo kala jeeda, haddana ku sugan dal aan labadoodu midna lahayn, waxa ay isla soo marayaan sida qoraagu tilmaamayo nolol ay ku dheehan tahay qosol, murugo iyo dareen. Waa xiriir layska gadayo, laysna jeclaysiinayo dhaqannada meelaha ay kasoo kala jeedaan. Aakhirka, Sandara ayaa soo afmeeraysa xiriirkan, malaha waa nabsigii inantii u ilmaynaysay Koombe kolkii uu Afrika kasoo dhoofayey ee Baqalesh.
Qoraaga buuggu waxa uu dhiganahan ku soo gudbinayaa afkaaraha uu aminsan yahay ee ku lammaan noloshiisa. Waxa uu marar kala duwan dhinac ka istaagayaa qaab aragga siyaasadda Soomaalida iyo halgannadii ay soo gashay, waxaana ka mid ah; (eeg bogga 155) mar isaga iyo saaxiibkii Dalmar oo fadhiya meherad, qorshaynayana safar in ay ku tagaan Jarmal ay arkayaan gabadh gaaban oo meel ku dhow fadhida, waxa ay soo hadal qaadanayaan Sayid Maxammed Cabdulle Xasan iyo waxa uu ka yidhi hablaha noocan ah iyaga oo su’aal galinaya sheekhnimadiisa, waxaase yaab leh qaabka ay isugu raacayaan in hore loo waayay Soomaali isku raacda ammaanta iyo cannaanta Ina Cabdulle Xasan. Waxa kale oo aynu xusi karnaa, kolka uu Koombe xagaabaxa u aadayo Ingiriiska, wuxuu booqanayaa beer lagu magcaabo Hayde Park isaga oo waxyaalo badan kala kulmaya, balse, waxaa jirta dood ka dhacaysa beerta oo uu qoraaguna u xushay cinwaanka qaybta, ‘Doorka Dumarka iyo Doodda Soomaalida’, oo ay falanqaynayaan laba hablood oo la kala dhaho Layla iyo Ladan, waxa ay ka hadlayaan gudniinka, qoraaguna waxa uu si dadban u sawirayaa aragtidiisa kaga aadan gudniinka.
Dhammaadka buugga, Koombe ayaa ku xusaya qaabka uu ku macasalaamaynayo magaalada Prague, taas ayaana keenaysa in uu wax badan iska wayddiiyo dalkiisa oo qorshuhu ahaa inuu ku laabto. Su'aalahan ayaa dhalaya in qoraagu soo qaato ama allifo sheeko uu ku tusaalaynayo xaalka dalka, sheekadaas oo uu ugu yeedhay Guur Xumaaday. Hooyo la dhaho Axado iyo laba carruur ah oo agoon ah oo lagu kala magcaabo Gardiid iyo Gurrac ayay sheekadu ka bilaabanaysaa, kolka aad dalka barbar dhigto si toosa ayaa qof walba oo sheekadan ku jira u dhahaysaa qoraagu hebel ayuu ula jeedaa, tusaale; Gardiid waxa uu kuula muuqanayaa Madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharmaake, halka Gurrac u muuqanayo Madaxweyne Maxammed Siyaad Barre. Gurrac wuxuu dhimanayaa isaga oo aan kala hagaajin xaasaskiisa iyo carruurtiisa, kuwaas oo isku haysta hantidiisa, dhimashadiisa ka dib, ayay seefaha isku afaysanayaan si ay u hantiyaan xoolahaas, taas oo u muuqata in uu tusaalaynayo xaaladda dalku ku jiray ee kasoo bilaabmaysa dawladnimadii curdinka ahayd ee lagusoo gardaadshay dimuqraadiyadda, dilkii madaxweynaha iyo afgambigii kaligii taliska, baraarihii kacaanka, huqdii jabhadaha iyo waliba bilowgii dagaallad da sokeeye, dhammaantood waxa ay toos u abbaarayaan guurkaa xumaaday ee qoraagu tusaalaha u soo qaatay, magaca buuggana waxa uu u bixiyay qoraagu dhaxalka carruurta Gurrac ay ka dhaxleen aabbahood oo uu yiri waa Qab iyo Quursi.
Buuggan oo ah taariikh nololeed kooban oo u qoran hab mala-awaal ah, waxa aan kula talin lahaa in uu akhriyo qof walba oo danaynaya arrimaha Soomaalida, gaar ahaan, habdhaqanka jabhadihii dalka soo maray. Sidoo kale, waa buug qayb ka qaadan kara abuurka qoraalka sheekooyinka oo iba fur u noqon kara dadka daneeya curinta ama qorista sheekooyinka. Waxa aan u mahadcelinayaa qoraaga buugga Cabdi Farah Juxa, sida qurxoon ee waaya-aragnimada iyo hodontinnimada afeed leh ee uu noogu soo gudbiyay taariikhdiisa, waxaan kaloo iyana u mahadcelinayaa madbacadda Hiil Press oo sabab u noqotay in dib loo daabaco buugga. Waxaan kaloo xusayaa in asalka qoraalkan aan qoray Julaay 2020, aanse wax ka bedel ku sameeyay, sidoo kalena, wax badan ku daray Jannaayo 2025.