Saturday 15 March 2025
Inta aynnaan guda gelin dulucda mowduuca qormadan oo cinwaankeedu yahay: "Hayaankii Hindisidda Far Soomaalida", waxaa muhiim ah in aan xusno munaasabadda maalinta caalamiga ah ee afka hooyo, oo loo asteeyay 21-ka Febraayo sannad kasta. Maalintan ayaa adduunka oo dhan looga dabbaaldegaa, maamuusidda iyo muuneynta afka hooyo, iyo in la is xasuusiyo muhiimadda miigganaanta afka hooyo ee kobcinta aqoonta, ilaalinta dhaqanka iyo horumarinta suugaanta. Waa maalin loo asteeyay hufidda, hagaajinta iyo horumarinta afafka hooyo si ay u sii jiri karaan oo facba faca xiga ugu gudbin karo.
Afka Soomaaliga, oo ah laf-dhabarta hidde-dhaqameedka iyo aqoonta ummadda Soomaaliyeed, wuxuu leeyahay sooyaal qoto dheer oo la xidhiidha qoraalkiisa iyo horumarkiisa taariikheed. Qoraalkan waxa uu iftiiminayaa marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray dhigaalka far Soomaalida iyo dadaalladii lagu hirgeliyay.
Ugu horreyn waxaa habboon in aan wax ka iftiimino isirka iyo abtiriska af Soomaaliga oo ka mid ah afka ‘‘Hamito-Semitic’’ oo ay ku hadlaan dad lagu qiyaaso in ay kor u dhaafayaan ilaa afar boqol oo malyuun.
Sida ay rumaysan yihiin khubarada ku talaxtegay aqoonta kasmo bulsheedda (sociology) iyo tan dhaqanka (anthropology). Afafka la isku yidhaa ‘‘Hamito-Semitic’’, fileyntooda waxaa loo maleeyaa inay ka soo jeedaan 6 ilaa 8 kun oo sanno ka hor dhalashadii Nabi Ciise (CS). Waxa kale oo loo yaqaan Erythraean, Afro-aasiyaatik iyo Afro-eeshiyaan. Waana Bahweynta ugu muhiimsan kolka af ahaan loo eego ee lagaga hadlo Waqooyiga Afrika iyo Koonfur-galbeed Aasiya.
Sannadkii 1860, ayuu Richard Lipsius soo if-bixiyey magaca ‘‘Hamito-Semitic’’, wuxuuna u kala baxaa af-guriyo isir wadaag ah, oo kala ah, Semitic, Egyptian, Cushitic, Berber iyo Chadic. Waxaana bah-weynta Kushitiga ku hirta af Soomaaliga iyo soddon af-guri (dialect) oo ay ka mid yihiin: Bijaha oo lagaga hadlo Bariga Soodaan iyo Galbeedka Eratariya, Iriqwe oo laga ga hadlo Tansaaniya, Canfariga oo lagaga hadlo Itoobbiya, Eratariya iyo Jabuuti, Oromada oo lagaga hadlo qaybo ka tirsan Itoobbiya iyo Waqooyiga Kiiniya.
Waxaase jirta dood xooggan iyo heshiis la'aan dhextaal xeeldheerayaasha afafkan wax ka qora, oo si weyn iskugu maandhaafsan in afka loo yaqaan Omotic, oo lagaga hadlo Koonfur Galbeed ee dalka Itoobbiya in uu ka mid yahay iyo in kale Bahweynta ‘‘Hamito-Semitic’’, sababta oo ah waxay qabaan aqoonyahanno badan oo ay ka mid yihiin, Joseef Harold Greenberg iyo Richard J. Hayward, in qaab dhismeedka afka Omotic-gu uusan waafaqsanayn xeerarka naxwe ee u degsan bahda Hamito-Semitic-ga.
Dhanka kale, isirka iyo abtiriska af Soomaaliga ayaan ka badbaadin doodaha la xidhiidha meel ka soo jeedka iyo asalka afka, tusaale ahaan: Suleymaan Geeddi Qayaad, oo ka baxay Kulliyaddii Lafoole sanadkii 1988 ayaa dhiganihiisa oo lagu magcaabo “The History & Development of the Somali Script” waxa uu ku sheegay in 75% ereyada Af-Soomaaliga ay asal ahaan ka soo jeedaan Af-Gaalla, 20% Af-Carabi, 3% Af-Hindi, iyo 2% Afafka Reer Yurub.
Waxaa aragtidan si weyn uga soo horjeeda aqoonyahanno badan oo Soomaali ah, kuwaas oo rumaysan in af Soomaaliga iyo guud ahaan afafka Kushitiga, ay ka suubsameen180 eray oo isku soo noqnoqda si ay u sameeyaan magacyo, weedho ama dhawaaqyo leh ujeeddooyin kala duwan.
Haddii ay aragtidani hesho taageero cilmiyeed oo xoojisa. Afafka Kushitiggu waxay noqonayaan kuwa ugu da’da weyn inta carra-edeg looga hadlo. Soomaaliguna wuxuu ahaan doonaa afka qudha ee looga martiyo macnaha 180-kaas eray. Inkasta oo aragtidan lagu kala duwanaan karo, haddana waxay saldhig u noqon kartaa cilmi-baadhis cusub oo lagu sahmiyo isirka iyo koboca af Soomaaliga.
Marka la isku eego saddexda af ee kala ah: Soomaaliga, Oromada, Saaxugu iyo Canfariga. Waxaa muuqata inay iyagu is-kaga dhow yihiin afafka kale ee bah-wadaagta la ah. Tusaale ahaan af Soomaaliga iyo kan Oromadu boqolkiiba 20 ilaa 40 bay erey wadaag leeyihiin, naxwahana 70 ilaa 80 buu raad-raacu sheegaa.
Dhanka kale waxaa la rumaysan yahay in af Soomaaliga, Oromada iyo Saaxugu ay isaga sokeeyaan Af-Canfarta oo bah-wadaag la ah.
Dhigaalka far Soomaalidu maaha wax dhawaan bilowday. Wuxu se ka soo jeedaa haddii uuna kaba horreyn badhtamihii qarnigii 19aad. Qoraallo la qoray sannadihii 1849 iyo 1897 ayaa ah kuwa fekrad inaga siinaya sida ay u daneynaayeen kuwii gumaystaha u adeegaayey ee u hayay hawlo kala duwan oo ujeeddoodu ku salaysnayd, gacan ku dhigidda dalka iyo dadkiisaba. Waxa iyana jiray aqoonyahanno badan oo isku hawlay in ay af Soomaaliga u dejiyaan far u gaar ah, waxaana ka mid ahaa: Sheekh Yuusuf Al-kawneyn, Sheekh Yuusuf Bin Axmed Al-Kawneyn wuxuu soo gaarey carriga Soomaalida, gaar ahaan Gobollada Waqooyi ee Soomaaliya qarnigii 13-aad, si uu u faafiyo diinta Islaamka, si uu dadka ugu fududeeyo barashada af-Carabiga iyo Qu’raanka , wuxuu markii u horreysay Soomaaliyeeyey higgaadda af-Carabiga. Wuxuuna soo saaray hab-higgaadeedka ilaa maanta ay adeegsato Soomaalidu.
Sheekh Uweys Maxamed Al-Baraawi wuxuu ahaa madaxii dariiqada ‘‘Uweysiya’’. Wuxu qoray waxqabad dhaxal gal ah oo lagu soo saaray ururin uu sameeyay Sheekh Cabdalla Ibnu Yuusuf Al-Qulunquuli, isaga oo kaalin door leh ka qaatay qorista Af-soomaaliga, wuxuuna ka mid ahaa dadkii taageersanaa in Af-soomaaliga lagu qoro xuruufta Carabiga. Waxa kale oo uu dareensanaa baahida loo qabo wax ka qabashada dhawaqyada aan ku jirin Carabiga sida: dh-da iyo g-da.
Sheekh Ibraahim Cabdalla Mayal waa aqoonyahan kale oo door ku leh dhigaalka farta wuxu ka mid ahaa culimadii rumaysnayd in sida keliya ee dadka Soomaaliyeed aqoon kaga bogan karaan ay tahay iyada oo afkooda la qoro oo wax ku barta. Ardaydii uu wax baray ee aragtidiisa halkii ka sii qaadday waxa ka mid ahaa Sheekh Maxamed Cabdi Makaahiil. Dhanka kale, bilowgii qarnigii 20-aad, waxa si weyn u soo if baxay Soomaalidii ku hamiyeysey in far la yeesho, waxay ka shidaal qaateen farihii jirey. Sidaa awgeed waxaa la odhan karaa, farahaas ayaa gacan ka gaystay hamiga yeelashada far lagaga maarmo tu shisheeye.
Sannadihii 1920 ilaa 1922 ayuu Cismaan Keenadiid dhamaystiray fartii ugu horreysay oo ahayd laatiin far Soomaali loogu magac daray, waxayna ka koobnayd 19 shibbane iyo 10 shaqal. Sannadihii 1923 ilaa 1924 maansooyinkii iyo qoraalladii muhiimka ahaa ee ku qornaa Af-Carbeedka, ayaa fartii cusbeyd loo adeegsadey oo lagu qorey.
1933 wuxu Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Nuur isna soo saarey far loogu magac darey Far-Saylici, kadibna loo bixiyey Far-Boorama, waxayna ku danbeysey Far-Gadabuursi iyada oo ka koobnayd 20 shibbane iyo 10 shaqal.
Sannadihii 1940 iyo 1965 ayay faro kale soo if-baxeen. Hase yeeshee wax wara oo tafaqyotiran lagama hayo, wuxuuna dhaqankoodu ku koobnaa kuwii soo saarey. Sannadkii 1943 waxaa la furay Xisbigii Leegada ee SYL waxayna ahayd Himiladiisu midaynta ummadda Soomaaliyeed iyo qoritaanka af Soomaaliga oo lagu dhaqan-geliyo fartii jirtay. Muddo yar dabadeedna xafiisyada Leegada ayaa howlgalkeeda laga dhaqan geliyay. Beryo danbe ayaa lagu magacaabey fartaas ‘‘Far-Cusmaaniya’’. Sanadkii 1960 ayay Wasaaradda Waxbarashadu guddi u magacawday Af-Soomaaliga hawshii guddigaas loo igmaday na waxa ay ka socon wayday isqab-qabsi dhexdooda ka jiray, maadaama rag guddiga ka mid ahi ay u halgamayeen in fartii iyagu hindiseen la qaato. Si kastaba ha ahaatee, dawladdii Soomaaliya ayaa keensatay sannadkii 1964, khubaro ka socday UNESCO si ay arrintan wax uga qabtaan. Taasina ma dhicin in laga midho dhaliyo.
Guddigaasi wuxu ka koobnaa afar nin oo kala ahaa, Ingiriis, Faransiis, Talyaani iyo B.W. Andrzejewski oo u dhashay Poland. Waqtigaas waxa la hayay 18 farood, se kuwii tixgelinta mutaystay waxaa ka mid ahaa:
Markii ay soo if-baxday in Farta Laatiinka lagu qorayo af Soomaaliga, waxaa mudaharaadyo laga ga soo horjeeday Laatiinka ay ka dhaceen Soomaaliya. Culimo-awdiinka iyo kooxihii taageersanaa in af Soomaaliga lagu qoro farta Carabiga, ayaa masaajidda kaga baaqey in shacabku ka soo hor-jeestaan farta Laatiinka, iyaga oo adeegsaday weedho iyo hal-haysyo ay ka mid ahaayeen: ‘‘laatiin waa laa-diin’’, oo macnaheedu yahay, farta Laatiinku waa diin la’aan.
Oktoobar 21, 1969 kolkii uu xukunka dalka la wareegay Maxamed Siyaad Barre, waxa uu dib u soo nooleeyay fekraddii qoraalka far-Soomaaliga. 21 Janaayo 1971-kiina waxaa la dhisay guddigii af Soomaaliga oo lagu magacaabay go’aan ka soo baxay Gollihii Sare ee Kacaanka, waxaana loo xilsaaray inay soo xulaan farta ugu habboon ee lagu qoraayo af Soomaaliga. Guddigan ayaa ka koobnaa 21 xubnood oo xeeldheerayaal afafka ah iyo labo la taliye.
Dhanka kale, Guddigu wuxu lahaa guddi hoosaadyo kale oo qaabilsanaa arrimo ay ka mid ahaayeen, qorista Qaamuuska, Taariikhda, Juquraafiga, Sayniska, Naxwaha iyo diyaarinta Manhajka dugsiyada. Muddo 22 Bilood gudahood ah, ayaa lagu diyaariyey manhajkii waxbarashada ee dugsiyada hoose iyo kuwa dhexe. Sanadkii 1972 ayaa rasmi ahaan la go’aamiyay lana hirgeliyay qoraalka far-soomaaliga, waxaana la qaatay fartii uu soo bandhigay Shire Jaamac Axmed oo ahayd xuruufta Laatiinka oo ka koobnayd 22 shibbane (Consonne) iyo toban shaqal (Voyelle), oo shan yihiin shaqal dheerayaal, shanta kale na shaqal gaab.
Fannaaniintii qaranka iyo abwaannadii ayaa dhankooda tiriyay heeso iyo maansooyin ay bulshada ugu sheegayaan muhiimadda ay ummadda u leedahay inay hesho for u gaar ah oo ay kaga xorowdo kuwa qalaad oo kii Cabdulle Raage sannadkii 1972 ku maansooday:
Labaatan iyo laba aammustiyo, shaqal irmaaneeya
Amraniyo tilmaamiyo gudbiyo, aade iyo jooge
Isku-dare xidhiidhiye falkaab, ereyadiinaaya
Abyaniyo haddaan magac u yaal, ku arkay joornaalka
Mar haddii afkeygii la qorey, aabbe iyo hooyo
Mar haddaan amaahsigii ka baxay, lagu agoontoobay
Abaal waxaa leh nimankii fartaa, soo abaabulaye
Amiirnimo sin iyo garab jirtey, nagu abuureene
Anaa macallinow raba dad loo furo iskuulade'e