Skip to main content

Sunday 7 June 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Faaqidaad

Hawlgallada Cusub ee Budhcad Badeedda Soomaaliya

19 May, 2026
Image
Hawlgallada Cusub ee Budhcad Badeedda Soomaaliya
Share

Budhcad badeedda Soomaalidu waxa ay biyaha Soomaaliya ka fuliyeen bilihii lasoo dhaafay hawlgallo afduubasho oo ka badan wakhti kasta oo hore oo ka mid ah tobankii sanno ee ugu dambeeyey. Laga soo bilaabo 21-kii Abril waxa ay afduubteen saddex markab, ku kalena waa ay weerareen. 21-kii Abril, lix budhcad badeed Soomaali ah ayaa afduubtay markab Baakistaan laga leeyahay, iyagoo ka qabsaday meel ku beegan xeebaha Xaafuun, oo loo arko xarunta budhcad badeedda Soomaalida. Markabka waxa saarnaa 17 badmaax oo kasoo jeeda koonfurta Eeshiya iyo 18500 oo foosto oo shidaal ah. 

Budhcad badeeddu waxa ay markabka kaxeeyeen masaafo dhan 77 mayl oo dhinaca xeebaha Soomaaliya ah. Waxa la filayaa in kooxdani sidoo kale gacan ku leeyihiin hawlgal kale oo afduubasho, iyadoo koox la mid ah kooxdani ay afduubteen markab kale oo kalluumaysi oo sita calanka Soomaaliya, meel u dhow xeebaha Xaafuun. 23-kii Abril, laba laash oo budhcad badeed wataan ayaa weeraray markab xammuul iyagoo ku weeraray meel u dhow xeebaha koonfureed ee Buntilaan, balse markabkani waa uu ka hor tagay weerarkaas. 26-kii Abril ayaa koox ugu yaraan sagaal qof ah oo budhcad badeed ah ay afduubteen markab kale oo siday sibidh, sitayna calamka Kitts and Nevis, markabkan oo ka yimi Suways kuna wajahnaa dekedda Mumbaasa ee Kiiniya. Markabka waxa ay ka qabsadeen meel u dhow xeebta Garacad, waxaana saarnaa 15 shaqaale ah oo isugu jira Hindi iyo Suuriyaan. Masuul ka tirsan Buntilaan ayaa sheegay in dhallinyaro budhcad badeed cusub ah oo kasoo jeeda deegaanno sabool ahi ay wadaan dardarta cusub ee afduubashada maraakiibta.

Hawlgalladan cusubi waxa ay hawlgallada budhcad badeedda Soomaalida gaadhsiinayaan heerkii ugu sarreeyey tan iyo 2012-kii. Hawlgallada budhcad badeedda Soomaalidu waxa ay figta gaadheen bilawga tobankii labaad ee qarnigan, kolkaas oo hawlgalladoodu ahaayeen kuwo inta badan si toddobaadle ah u dhaca, arrinkan oo keenay inay xaqiijiyaan macaash sannadle ah oo lagu qiyaaso tobanaan milyan oo doollar, sidoo kalena dhaliyey khasaare lagu qiyaasay toddoba bilyan oo doollar oo dhaqaalaha caalamigaa ah, sannadkii 2011, sida uu sheegay urur cilmibaadhiseed oo Maraykan ah kuna takhasusay budhcad badeedda. 

Midawga Yurub iyo Isbahaysiga NATO ayaa hoggaamiyey dedaallo dhinacyo kala duwan ah oo lagu samaynayey kooxo shaqo oo caalami ah oo ka hawlgala Gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya, si halistan looga hortago. Joogitaanka ciidamada badani waxa ay si weyn u dhimeen budhcad badeeddii Soomalida, iyada oo muddadii u dhaxaysay 2014 ilaa 2022 wax afduubasho ah oo xeebaha Soomaaliya ka dhacay keliya la diwaangeliyey hal fal. Se waxa ay si tartiib ah usoo badateen sannadihii u dhaxeeyey 2023 ilaa 2026, walow hawlgallada budhcad badeednimo wakhtiyo kala fogi u dhaxeeyeen ilaa laga soo gaadhayey Abril 2026. Ururka Amniga Badda ee dalalka kala duwan kulmiya, waxa uu heerk halista xeebaha Soomaaliya ku sheegay mid sare, isagoo ururku tilmaamay in weerarradu aad u suurogal yihiin, halka Ururka Taabacsan Midawga Yurub ee Amniga Baddu, uu ku dardaarmay in digniin laga qaato xeebaha Soomaaliya.

Sii socoshada hawlgallada afduub ee budhcad badeeddu ka wadaan xeebaha Soomaaliya waa kuwo wiiqaya nabadgalyada marin kale oo caalami ah, xilli saamaynta dagaalka Iiraan taagan tahay. Ku dhawaad boqolkiiba 30 shixnadaha dunidu waxa ay maraan Badda Cas, se weerarradii hore ee Xuutiyiintu u gaysteen Badda Cas waxa uu kordhiyey kharashaadka caymiska iyo in la doorto jidad kale oo kan beddel u ah, se ka adeeg liita, kana kharash badan. Budhcad badeedda Soomaalidu waxa ay hore u sababtay in kharashaadka shixnaduhu kordhaan boqolkiiba siddeed, sabab la xidhiidha caymiska oo qaaliyoobay iyo lacagaha lagu bixinayey nabadgalyada maraakiibta. Natiijada ka dhalatay waxa ay ahayd in maraakiibta qaarkood ay beddeleen jidkii, oo ay kasoo wareegaan jidka Koonfur Afrika, oo ah jid ka dheer marinkan, kana kharash badan. Weerarrada Xuutiyiintu ay maraakiibta ku weerarayeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaalladu waxa ay kordhiyeen kharashaadkii caymiska, oo boqolaal kun oo doollar ku daray shixnad kastaba. Dhinaca kalena, weerarradaasi waxa ay hoos u dhigeen dhaqdhaqaaqii shixnadaha ee Badda Cas boqolkiiba 75, halka dhaqdhaqaaqa maraakiibta ee jidka Koonfur Afrika uu kor u kacay, sida Bangiga Dunidu sheegay.

Dagaalka Iiraan lagu qaaday waxa uu sababay khalkhal ku yimi isku socodkii dunida, si gaar ahna dalalka Eeshiya iyo Afrika, oo ku tiirsan carro nafaqeeyayaasha iyo shidaalka laga soo dhoofiyo Khaliijka Carabta. Marinka Hurmus oo qayb weyn ku leh shixnadaha gaaska iyo shidaalka caalamiga ahi waxa uu la kulmay in bilawgii qayb ahaan la xidho, ka dibna gebi ahaanba la xidho dhamaadkii Feebarweri ee 2026. Bangiga Dunidu waxa uu saadaaliyey kor u kac boqolkiiba 31 ah oo uu kor u kaco qiimaha carro nafaqeeyayaashu iyo kor u kac boqolkiiba 24 ah oo shidaalka ah, sannadkan 2026. Xukuumado badan oo Afrikaan ah ayaa soo bandhigay taageero shidaal, si ay hoos ugu dhigaan saamaynta shidaalka, se dalal ay Itoobiya ka mid tahay ayaa wajahaya suququl shidaalka iyo carro nafaqeeyayaasha ah.

Ururka Alshabaab waa uu ka faa’idaysan karaa xidhiidho uu la sameeyo shabakadaha budhcad badeedda ee dib loo dardar geliyey, si uu uga dhigto ilo dhaqaale oo cusub, una fududaysto la macaamilka Xuutiyiinta. Ilaha dakhli ee ururka Alshabaab waxa ay uga yimaaddaan cashuuraha maxalliga ah, walow ay bilawgii budhcad badeedda ka faa’idaysteen. Ururka Alshabaab waa uu hubeeyey budhcad badeedda, waxaanu kusoo rogay cashuuro marka ay joogaan deegaannada uu ururku gacanta ku hayo. 

Maraykanku waxa kale oo uu xaqiijiyey in ururku uu xidhiidh la yeeshay Xuutiyiinta, iyadoo labada dhinac isu tahriibiyaan hubka, iyadoo la sheegay in xitaa xubno ka tirsan Alshabaab ay tababbar u tageen Yaman. Mid ka mid ah dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ayaa sheegay in ururka Alshabaab uu budhcad badeedda usoo bandhigay inay kordhiyaan weerarrada budhcadnimo ee xeebaha Soomaaliya si ay helaan taageero hub iyo tababbar ah oo Xuutiyiintu siiso, sidan oo lagu go’aansaday wadahadallo la yeeshay 2024. Mid ka mid ah masuuliyiinta Buntilaan ayaa xusay in budhcad badeedda cusubi isu rogi doonaan Alshabab ama Daacish, haddii aan wax laga qaban xilligan.

Qormadan waxa laga soo turjumay halkan.