Skip to main content

Tuesday 11 November 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Aragti

Haweenku isuma codeeyaan: Aragti haweenka lagu liidayo mise weedh run ah?

24 October, 2025
Image
Haweenku isuma codeeyaan: Aragti haweenka lagu liidayo mise weedh run ah?
Share

Dumarku waa laf-dhabarta bulshada. Iyaga ayaa dhisa, barbaariya, oo kobciya jiilka soo koraya. Iyaga ayaa nolosha qoyska iyo bulshada u ah saldhig, isla markaana door weyn ka qaata nabadda, waxbarashada, iyo dhaqaalaha. Si kastaba ha ahaatee, marka ay timaado siyaasadda, waxa jirta dood soo noqnoqota had iyo jeer dibna u soo labo kaclaysa marka ay gaadho xilliga doorashooyinka wakiillada ama deegaanka, waxa la yidhaa: “Haweenku isuma codeeyaan” ama “Dumarku ha is taageeraan.” Laakiin, waxa is wayddiin mudan haweenku in ayna isu codeyn oo is taageerin dhab ahaan maxaa ka jira? Si kale ma run baa in ayna haweenku isu codaynin, mise aragtidaasi waa mid dhaqan oo lagu dambabasayo kaalinta bulsheed ee caweenka?

Haweenka Somaliland, tan iyo markii ay bilaabeen in ay door muuqda ka qaataan arrimaha siyaasadda iyo bulshada, waxay la kulmeen caqabado badan. Ma aha in ay la tartamaan ragga oo keliya, balse sidoo kale, waxay la tacaalayaan dhaqan adag oo aan weli aqbalin haweeney hoggaan noqon karta. Sida aan hore ugu xusay maqaal aan ku faafiyey madasha Geeska haweenku waxay ka yihiin in ka badan 50% bulshada iyo 46.6% codbixiyeyaasha Somaliland, balse metelaaddooda siyaasadeed ayaa weli aad u hooseysa. Tani waxay muujinaysaa in dhibtu aanay ahayn istaageerid la’aanta haweenka ee ay tahay nidaam dhan oo aan haweenka siin fursad isku mid ah.

Odhaahdan waxaa inta badan adeegsada dad aan dhab ka ahayn taageerista haweenka. Ujeeddadeedu mararka qaar waa in la yidhaahdo “haddii haweenku is taageeri waayaan, cid kale ma taageeri karto.” Laakiin marka ay timaado in qof la doorto ka soo qaad nin isku soo sharraxay xildhibaan golaha wakiillada haddii uu ku guuldarraysto in uu xildhibaan noqdo, lama yidhaa “ragga ayaa u codeyn waayey.” Waxaa se la yidhaa “codkii deegaankiisa ayuu waayey,” deegaankii oo ay ka mid yihiin rag iyo dumarba. Haddaba, maxaa dumarka marka ay timaado loo odhan waayaa “haweenku bulshada ayey cod ka waayeen,” balse eedda loogu koobayaa “dumarka isma taageeraan oo isuma codeeyaan”?

Haddii aynu dhab u doonayno in haweenkeenu qayb ka noqdaan hoggaanka, waa in aynu ka kornaa liidista haweenka isku soofayntooda. Halkii laga odhan lahaa “Haweenku iyagu ha is taageeraan,” waa in la yidhaahdaa: “Bulshadu ha taageerto haweenka hoggaanka doonaya.”

Su’aashaas jawaabteeda waxaa laga helayaa sida bulshada looga dhigay ama la rabo in looga dhaadhiciyo in haweenku yihiin kuwo u taagan qadiyad gaar ah oo dumar uun khusaysa, halkii ay ahayd in loo fahmo in ay u taagan yihiin qadiyad bulsho oo lab iyo dheddig ba leh. Odhaahda “dumarku iyagu ha is taageeraan” waxay si qoto dheer u muujisaa aragti lagu faquuqayo — taas ujeeddada ka dambaysaa ay tahay in haweenka eedda dhabarka loo saaro sida horeba maahmaah loogu sameeyey “Wixii xunba Xaawaa leh.” Waxay ka dhigaysaa sidii in haweenku iyaga keliya masuul ka yihiin guuldarrada, iyadoo aan la tixgelin caqabadaha nidaamsan ee hortaagan: dhaqanka qabiilka, taageero dhaqaale la’aanta, iyo meel-mar la’aanta siyaasado jinsiyadeed oo dhab ah.

Dhaqanka noocan ahi wuxuu meesha ka saaraa masuuliyadda guud ee bulshada. Wuxuu ka dhigaa in taageerada haweenku ay tahay arrin ay iyagu isku xilqaamaan, halkii laga dhigi lahaa mas’uuliyad qaran oo wadaag ah. Taasina waxay dhaawacdaa fursadda haweenka ee ay ku heli lahaayeen taageero siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo dhab ah. Odhaahdani waxay sidoo kale xambaarsan tahay liidnimo qarsoon oo ku wajahan haweenka, taas oo ku dhisan fekradda ah in haddii ay is taageeri waayaan, aysan mudnayn in cid kale ay taageerto. Fekraddan waxay hoos u dhigtaa sumcadda haweenka, waxayna si dadban u sheegaysaa in ay yihiin dad “aan u taagnayn qadiyad bulsho,” halkii ay ka ahaan lahaayeen qayb ka mid ah bulshada inteeda kale oo wada dhisanaysa hannaanka siyaasadeed.

Dumarku waa laf-dhabarta bulshada. Iyaga ayaa dhisa, barbaariya, oo kobciya jiilka soo koraya. Iyaga ayaa nolosha qoyska iyo bulshada u ah saldhig, isla markaana door weyn ka qaata nabadda, waxbarashada, iyo dhaqaalaha.

Xog cilmi-baadhiseed oo la sameeyey ayaa muujinaysa in haweenka Somaliland ay la kulmaan caqabado muuqda. Warbixin ay soo saartay Hargeisa Cultural Office Forum (HACOF, 2025) ayaa sheegtay in haweenka musharraxiintu aysan helin taageero ka timaada labada dhinac ee qabiilka dhalasho iyo dhaxdin— taas oo mid kale ku darsata caqabadaha ay la kulmaan dumarku Sidoo kale, deraasad ay samaysay Represent Women (2023) ayaa muujisay in Somaliland ay ka mid tahay meelaha dunida ugu hooseeya marka laga eego matalaadda haweenka ee heer qaran, xitaa marka la barbardhigo dalal aan la aqoonsan.

Marka la eego tusaaleyaasha caalamka, waddamo dhowr ah ayaa muujiyey sida nidaam siyaasadeed iyo taageero bulsho ay haweenka u gaadhsiin karaan heer hoggaamineed oo sare.
Tusaale ahaan, Ruwand ayaa ah dalka ugu horreeya dunida ee haweenku ka yihiin inta badan baarlamaanka 63.75% kuraasta golaha baarlamaanka waxaa haysta haween. Tani waxay ka dhalatay go’aan siyaasadeed iyo sharci ah oo lagu dejiyey “gender quota system” si loo hubiyo matalaad siman. Dhanka kale, Kiiniya oo ku dhisan nidaam dimuqraadi ah, waxay dastuurkeeda ku darsatay two-thirds gender rule — qodob dhigaya in “aanay xubnaha hay’adaha la doorto ama la magacaabo ka badnaan laba-meelood meel hal jinsi ah”. Inkasta oo hirgelintiisu adag tahay oo aan ilaa hadda ayna dhaqangelin, haddana waxay ahayd tallaabo geesinimo ah oo sababtay in tirada haweenka ee baarlamaanka iyo maamullada hoose ay si tartiib ah u korodho. Itoobiya ayaa dhankeeda waxa ay sannadihii u dambeeyey samaysay horumar la taaban karo. Xukuumaddii uu dhisay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed sanadkii 2018, waxa uu soo magacaabay golaha wasiirrada oo kala badh (50%) haween ah, iyadoo markii ugu horreysay taariikhda dalka haweeney loo magacaabay Madaxweyne iyo Xeer-ilaaliye Guud.

 

Saaxadda siyaasadeed ee Somaliland haweenku waxay la kulmaan caqabado is biirsaday kuwaas oo ay ka mid yihiin; dhaqanka bulshada ee qabiiliga ah ee labka wayneeya, siyaasadda ragga ku kooban, iyo jiritaan la’aanta taageero dhaqaale.

Dhanka kale, Doorashadii golaha wakiillada iyo deegaanka ee ka dhacday Somaliland 2021, haween badan oo aqoon iyo karti leh oo si adag u ololeeyey kana karti badnaa raggii la tartamay, markii natiijadii la shaaciyey waa ay wada dhaceen. Tani waxay markhaati u tahay in bulshadeennu aanay u arag haweenka sidii metelaad bulsho, balse weli ay u janjeedho feker ah “rag baa siyaasadda iska leh.”

Sidaa darteed, odhaahda “Haweenku iyagu ha is taageeraan” waa dood jaban. Waxay ku salaysan tahay faham khaldan oo meesha ka saaraya masuuliyadda guud ee bulshada. Ma aha haweenka oo keliya inay is taageeraan waa in bulshada oo dhan, rag iyo dumar, da’yar iyo duq, ay fahmaan in taageerada haweenku ay tahay taageero bulsho, ma aha mid jinsiyeed. Haddii aynu dhab u doonayno in haweenkeenu qayb ka noqdaan hoggaanka, waa in aynu beddelnaa weedhaas liidnimada ah. Halkii laga odhan lahaa “Haweenku iyagu ha is taageeraan,” waa in la yidhaahdaa “Bulshadu ha taageerto haweenka hoggaanka doonaya.”

Gunaanadkii, weedha ah “Haweenku isma doortaan” ma aha mid run ah; waa weedh dumarka lagaga garbinayo in ay siyaasadda saameyn ku yeeshaan. Waa dood dhinac ah oo lagu xoojinayo kala-sarraynta jinsiga. Taageerada haweenku waa masuuliyad bulsho, ma aha hawl ay keligood qaban karaan. Haddii aynu rabno bulsho caddaalad ah, waa in aynu aqoonsannaa in haweenku yihiin dhisayaal, hoggaamiyeyaal, iyo matalaayaal bulshada oo dhan uga fadhiya taageero isla markaas na matali kara.

Qoraallada kale ee qoraaga