Skip to main content

Sunday 14 December 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Aragti

Haweenka iyo siyaasadda Somaliland: Dedaal aan weli guulaysan?

3 September, 2025
Image
Haweenka iyo siyaasadda Somaliland: Dedaal aan weli guulaysan?
Share

Tan iyo dib ula soo noqoshadii dawladnimada Somaliland, sannadkii 1991-kii, haweenku waxay si joogto ah ugu halgamayeen sidii ay uga mid noqon lahaayeen hannaanka dawladnimo iyo go’aannada siyaasadeed ee dalka. Intaasi waxa ay ahayd safar siyaasadeed oo ay haweenku qayb ka noqdeen codbixiyeyaal, ololeyaal, abaabuleyaal iyo taageerayaal, balse aan weli ka helin metalaad muuqata oo heer hoggaan iyo go’aan qaadasho leh. In kasta oo ay haweenku yihiin in ka badan 50% bulshada iyo 46.6% cod-bixiyeyaasha la diiwaangeliyey, haddana saamigooda kuraasta siyaasadeed ayaa weli ku kooban wax ka yar 3% waa sida ay sheegay Akaademiga Nabadda iyo Hurmarka.

Bulshada Somaliland waa bulsho leh nidaam qabiil iyo dhaqan soo-jireen ah oo, inta badan, ay raggu hoggaamiyaan, halka haweenka badankoodu ay door ku leeyihiin dhanka qoyska, tarbiyadda iyo bulshada hoose. Sidaas awgeed, isku-day kasta oo ay haweenku ku wajahaan siyaasadda waxa hor istaaga caqabado dhaqan, dhaqaale, bulsho iyo siyaasadeed. Daraasad uu sameeyay Akaademiga Nabadda iyo Horumarka (Academy for Peace and Development – APD) ayaa muujisay in caqabadaha ugu waaweyn ee haweenku la kulmaan ay ka mid yihiin taageero la’aanta dhaqan iyo bulsho, dhaqaale xumo, cadaadis warbaahineed, iyo nidaam siyaasadeed oo aan si buuxda u dhiirrigelin doorka haweenka.

Maqaalkan waxa aynu ku lafaguri doonnaa caqabadahaas, sababta loogu baahan yahay metalaadda haweenka, iyo sida xal waara loogu heli karo xaaladda jirta, innaga oo ka duulayna tusaalayaal gudaha iyo dibedda ah.

Xogta rasmiga ah ee doorashooyinka

Xogta laga soo qaatay daraasadda APD (Academy for Peace and Development, 2022) waxa ay muujineysaa muuqaal adag oo ku saabsan metalaadda haweenka Somaliland, tusaale xogtaasi waxa ka mid ah:

  • Doorashadii 2005 ee golaha wakiillada: 7 haween ayaa isku soo sharraxay, hal qof ayaa ku guuleystay.

  • Doorashadii 2021 ee golaha wakiillada & deegaanka: 28 haween ayaa isu soo sharaxay, 3 ayaa ku guuleystay (oo keliya noqday xubno gole deegaan).

Tani waxa ay tusinaysaa in kasta oo tirada musharraxiinta haweenku ay soo badanaysay, haddana guulaha la gaadhay ay aad uga hooseeyaan heerka la filayey. Waxaa muuqata in haweenka Somaliland ay si buuxda uga qayb qaataan diiwaangelinta codbixinta iyo ololeyaasha, balse marka la gaadho heer go’aan qaadasho iyo hoggaamineed, laga xannibo fursadaha.

Caqabadaha ku gudban haweenka
  1. Hab-dhaqanka Bulshada iyo nidaamka qabaa’ilka

Nidaamka qabiilka ee Somaliland waa tiir muhiim u ah qaab-dhismeedka siyaasadda. Go’aannada siyaasadeed, badankood, waxa ay ku salaysan yihiin taageerada odayaasha dhaqanka iyo hoggaanka qabiilka. Taasi waxa ay haweenka gelisaa caqabado waaweyn, maaddaama oo inta badan la arko ragga oo u sharaxan xilalka siyaasadeed, qabiilkuna uu taageero.

Dhaqanka qoyska iyo fekerka soo jireenka ah ayaa, sidoo kale, dumarka ka reeba ka qaybgalka siyaasadda. Qoysas badan waxa ay doorbidaan in gabdhuhu ay ka shaqeeyaan arrimaha guriga, halka raggu ay u bannaan yihiin siyaasadda. Sidaa awgeed, taageerada odayaasha dhaqanka iyo qabiilka oo dumarka ka maqani waxa ay si toos ah u yaraysaa fursaddooda metalaadeed ee dhanka siyaasadda.

Dhaqanka qoyska iyo fekerka soo jireenka ah ayaa, sidoo kale, dumarka ka reeba ka qaybgalka siyaasadda

  1. Dhaqaale la’aan

Ololayaasha doorashooyinka Somaliland waxa lagu galaa kharash aad u badan. Musharraxiinta waxa looga baahan yahay in ay maalgeliyaan olole ballaadhan oo ay ku gaadhaan bulsho kala firidhsan, taas oo u baahan lacag, shaqaale, iyo agab. Ragga badankoodu waxa ay dhaqaale ka helaan qoysaskooda, ganacsatada qabiilka, ama taageerada xisbiga. Dhanka kale, dumarku, inta badan, ma helaan il dhaqaale oo xooggan ama cid u hagarbaxda oo ah qabiilka, xisbiga, ganacsatada iyo xitaa kooxo haween ah oo u abaabulan in ay taageeraan metalaadda dumarka.

Arrintaasi waxa ay sababtaa in haweenka, intooda badan, ay ku adkaato in ay si buuxda uga qaybgalaan doorashooyinka, xataa haddii ay hayaan karti iyo aqoon siyaasadeed. Dhaqaale la’aantu waa sababta ugu weyn ee dumarka looga arki waayo loollanka siyaasadda, heer qaran iyo heer degmo, labadaba.

  1. Xisbiyada siyaasadda oo aan soo dhoweyn dumarka

Xisbiyada Somaliland, in kasta oo sharciyan ay yihiin kuwo dimuqraaddi ah, haddana waxa ay inta badan yihiin goleyaal ragga u xidhan (male-dominated). Musharraxnimada dumarka waxa, inta badan, caqabad ku noqda taageero la’aanta ay kala kulmaan hoggaanka xisbiga iyo xubnaha kale ee awoodda badan ku dhex leh, kuwaas oo u badan rag. Waxa jira tusaalooyin badan oo muujinaya in xisbiyadu ay doorbidaan in ay taageeraan musharraxiinta labka ah, iyaga oo u arka kuwo ku habboon nidaamka qabiilka iyo dhaqanka siyaasadeed ee dalka ka jira. Arrintani waxa ay dumarka ka fogaysaa go’aan-qaadashada iyo saameynta siyaasadeed ee irridihii laga soo galayay siyaasadda, waa xisbiyada e iyo murashaxnimada e.

  1. Warbaahinta oo aan si buuxda u baahin barnaamijyada siyaasadeed ee dumarka

Warbaahinta Somaliland waxa ay door weyn ku leedahay qaabeynta fekradaha bulshada. Si kastaba ha ahaatee, inta badan barnaamijyada siyaasadeed waxa maamula rag, halka dumarku lagu koobo barnaamijyada bulsho iyo dhaqan. Qiimaha xayaysiisyada iyo baahinta ololaha siyaasadeed ayaa, sidoo kale, aad u sarreeya, taas oo dumar badan ka hor istaagta in ay farriintooda gaadhsiiyaan bulshada ay rabaan in ay metalaan ama codka ka doonayaan.

Warbaahinta qaarkeed waxa ay door ku leedahay sii xoojinta fekradaha taban ee ku saabsan doorka haweenka, iyaga oo aan si isu dheellitiran u tebin haweenka isu soo taaga xilalka dawladda, marka loo eego sida ay u tebiyaan barnaamijyada iyo olaleyaasha ina rag.

Maxaa loogu baahan yahay in dumarku galaan goleyaasha siyaasadda?

Ka maqnaanshaha haweenka ee goobaha go’aan qaadashadu waxa ay keentaa in siyaasadda Somaliland aanay si buuxda u metalin bulshada oo dhan. Bulshada Somaliland kala badh iyo ka sii badanba waa haween, balse metalaaddooda siyaasadeed waa mid aad iyo aad u hoosaysa. Dumarku waxa ay leeyihiin oo ay hayaan door muhiim ah oo aan la dafiri karin, waxana ka mid ah:

  • Nabad-dhis iyo wada noolaansho: Haweenku waxa ay door weyn ka qaataan xalinta khilaafaadka iyo dhismaha nabadda.

  • Cadaaladda iyo sinnaanta: Dumarku, inta badan, waxa ay mudnaanta siiyaan danaha guud iyo ilaalinta dadka jilicsan ee bulshada.

  • Horumarinta waxbarashada iyo caafimaadka: Taariikh ahaan, haweenku waxa ay hormuud ka ahaayeen horumarinta adeegyada bulshada oo dhan.

  • La dagaallanka musuqmaasuqa: Daraasado caalami ah ayaa muujiyey in haween badan oo siyaasadda ku jira ay ku adkaystaan hufnaan iyo isla xisaabtan.

  • Haddii Somaliland ay rabto dimuqraadiyad buuxda iyo horumar waara, waxa lagama-maarmaan ah in dumarka si dhab ah loogu daro go’aan qaadashada iyo goleyaasha qaranka.

Bulshada Somaliland kala badh iyo ka sii badanba waa haween, balse metalaaddooda siyaasadeed waa mid aad iyo aad u hoosaysa.

Xalka iyo Wacyigelinta

Sida dabiiciga ah mushkilad kasta waxa ay leedahay sabab riixaysa iyo dhanka kale xalka mushkiladdaas. Sida aynu soo aragnay doorka haweenka ee siyaasadda Somaliland waa mid aad iyo aad u liita oo u baahan in wax laga qabto. Haddaba xalka mushkiladdan waxa aynu ku soo ururin karnaa:

  1. Taageero dhaqaale

Waxa muhiim ah in la helo sanduuqyo dhaqaale oo taageera haweenka isu soo taaga xilalka dawladda, si ay uga gudbaan caqabadaha ku saabsan kharashka ololaha. Xukuumadda, xisbiyada iyo ururrada bulshada rayidka ah waa in ay ku baraarugaan arrintan.

  1. Dhisidda wacyigelin bulsho

Bulshada waa in lagu baraarujiyo in dumarku ay yihiin hoggaamiyeyaal awood leh. Wacyigelin joogto ah oo lagu qabto jaamacadaha, iskuullada, iyo warbaahinta ayaa yarayn karta ama meesha ka saari karta fekradaha beenta ah ee sheegaya in dumarku aanay siyaasadda ku fiicnayn.

  1. Xoojinta kaalinta warbaahinta

Warbaahintu waa in ay si siman ugu adeegto murashixiinta ee ayna jinsi u eegin. Waa in ay qayb ka noqoto barnaamijyo gaar ah oo lagu dhiirrigelinayo hoggaan qabashada haweenka, arrimahaasina waxa ay door weyn ka qaadan karaan kobcinta kalsoonida bulshada iyo taageerada siyaasadeed.

Gunaanad

In kasta oo ay jiraan caqabado badan oo dhaqan, dhaqaale, siyaasadeed iyo warbaahineed, haddana haweenka Somaliland waxa ay leeyihiin awood iyo rejo ay ku beddeli karaan xaaladda. Ka qaybgalka haweenka ee goleyaasha talada lagu gooyo waa shuruud lagama-maarmaan ah oo lagu xaqiijinayo dimuqraadiyad dhab ah, sinnaan bulsho, iyo horumar waara. Taageerada dhaqaale, hirgelinta kootada siyaasadeed, iyo wacyigelinta bulshada ayaa noqon kara xalka ugu habboon ee lagu xaqiijinayo in dumarku ay kaalin muuqata ka qaataan siyaasadda Somaliland. Haddii arrintaas la hirgeliyo, mustaqbalka Somaliland waxa uu noqon karaa mid ay ka muuqdaan haween hoggaamiyeyaal ah oo wax badan ku soo kordhiya siyaasadda, dhaqaalaha iyo horumarka guud ee dalka.