Skip to main content

Thursday 15 May 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Masrax

Haweenka iyo Shaneemada: Halganka Matalaadda iyo Awoodda Sheeko-Sameynta

8 March, 2025
Image
Masraxa Qaranka
Daawadayaal u fadhiya bandhigii filin ee u horreeyay ee lagu qabto Masraxa Qaranka ee Soomaaliya, sebtembar 2021. (Xuquuqda Sawirka: Cabdiraxmaan Yuusuf/AFP via Getty Images)
Share

Shaneemadu waa agab awood leh oo lagu gudbiyo sheekooyin, taasoo qaabeysa sida bulshooyinku u fahmaan taariikhda, dhaqanka, iyo aqoonsiga. Si kastaba ha ahaatee, doorka haweenka ee shaneemada—ha noqoto shaashadda horteeda ama gadaasheeda waxaa haystay caqabado nidaami ah (Systematic Problems) oo ka hor taagnaa in ay soo galaan saaxadda filimada. In kasta oo ay jireen caqabado badan, haweenku waxa ay u dagaalameen boosaskooda fanka filimada, iyaga oo horumar wax-ku-ool ah ka sameeyay dhinaca qoraalka, jilista, iyo sheeko-tebinta. Ka-qaybgalka haweenka ee shaneemadu waa lagama maarmaan, maadaama ay keento sheekooyin kala duwan, ay la dagaallanto fikirka xun ee haweenka laga haysto, isla markaana ay xaqiijiso matalaad dhammaystiran oo nolosha bini’aadamka ah.

Haweenka iyo taariikhda filin samaynta:

Laga soo bilaabo waagii hore ee shaneemada, haweenku waxay door ku lahaayeen sameynta filimada, hase yeeshee, waxqabadkooda si joogto ah ayaa loo dhayalsaday ama loo illaabay. Intii lagu jiray xilligii filimada aamusan (silent films), haween badan ayaa hormuud ahaa sida Alice Guy-Blaché, oo ka mid ahayd filim-sameeyeyaashii ugu horreeyay taariikhda, iyo Lois Weber, oo filimadeeda ku falanqeysay arrimaha bulshada, waxa ay sameeyeen horumar la taaban karo. Hase yeeshee, markii warshadaha filimadu kobceen, ragga ayaa xukumay, haweenkana waxaa laga riixay doorkii hal-abuurka.

Qorista filimada (screenwriting) waxa ay ahayd mid ka mid ah meelaha kooban ee haweenku ka heli karayeen fursado. Qarnigii 20-aad, qoraayo dumar ah sida Frances Marion iyo Anita Loos waxa ay qoreen qaar ka mid ah filimada ugu caansan Hollywood. Si kastaba ha ahaatee, markii warshaduhu noqdeen mid aad loo xakameeyo, ragguna doorka u weyn yeesheen, haweenka waa laga xannibay jagooyinkii muhiimka ahaa, taas oo xaddiday awooddoodii ay sheekooyinkooda ku sheegi lahaayeen.

Loollanka ka dhanka ah xagal araga ragga (Male Gaze):

Mid ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ee shaneemadu la tacaalayso waa waxa loo yaqaan "Male Gaze", oo ay hindistay falanqeeye filim Laura Mulvey. Ereygan wuxuu tilmaamayaa sida haweenka loogu muujiyo filimada iyaga oo u muuqda wax ragga u raaxeeya, halkii ay ka ahaan lahaayeen shakhsiyado leh awood, xorriyad iyo rabitaan u gooni ah. Tani waxa ay si gaar ah uga muuqataa qaabka doorarka filimaanta ee haweenka loogu koobo; jacayl, gabadh dhibban oo u baahan in la badbaadiyo, ama jilaa kaliya taageere u ah halyeyga ninka ah.

Qorayaada (Screen writers) iyo agaasimeyaasha (Directors) haweenka ah waxa ay loollan galiyeen aragtidan, iyaga oo keenay sheekooyin cusub. Waxa ay qoreen sheekada shaksiyado haween ah oo adag, kuwaasoo ka baxsan mala-awaalka xun ee hore loogu sawiri jiray. Filimada sida The Piano (1993) ee Jane Campion, Persepolis (2007) ee Marjane Satrapi, iyo Portrait of a Lady on Fire (2019) ee Céline Sciamma waa tusaale filimada dumarku xuddunta u yihiin, kuwaas oo si qotodheer uga hadlaya dareenkooda, rabitaankooda, iyo xorriyaddooda.

Caqabadaha u gaarka ah haweenka Soomaaliyeed iyo kuwa Afrikaanka ah:

In kasta oo ay jiraan caqabadaha haweenka caalamku ka midaysan yihiin, haweenka Soomaaliyeed iyo kuwa Afrikaanka ah waxa u dheer dhibaatooyin gaar ah oo la xiriira dhaqanka, dhaqaalaha, iyo aqoonsiga shaneemada Afrika.

1. Xannibaadaha Dhaqanka iyo Diinta

Haweenka Soomaaliyeed iyo kuwo badan oo Afrikaan ah waxa ay la kulmaan xannibaado ka imanaya dhaqanka iyo aragtiyaha diimeed. Filimada waxaa badanaa loo arkaa wax ay raggu hoggaaminayaan, haweenkuna ma helaan fursad ay si buuxda ugu muujiyaan sheekooyinkooda. Sidoo kale, waxaa jira aragtiyo bulshada dhexdeeda ka jira oo ka soo horjeeda in haweenku ka shaqeeyaan suuqa filin samaynta, iyaga oo loo arko in ay ku xadgudbayaan xurmada iyo anshaxa dhaqanka suubban.

2. Fursad La’aan Dhaqaale iyo Taageero La’aan

Shirkadaha filimada ee Afrika, gaar ahaan Soomaaliya, weli ma aha kuwo horumarsan sida Hollywood ama Bollywood. Dhaqaale xumo iyo maalgashi la’aan ayaa caqabad weyn ku ah filim-sameeyayaasha si guud, si gaar ahna haweenka, waa la dhayalsanayaa wax qabadkooda iyo macnaha sheekadooda taas oo xaddidaysa fursadaha ay heli karaan si ay u horumariyaan xirfadooda. Inta badan, waa inay iskaa wax u qabso ku sameeyaan filimadooda, taasoo adkeynaysa inay la tartamaan adduunka.

Ugu danbayn dumarku nolosha qaybaheeda kala duwan badi waa ay ku dulman yihiin, fankuna waa tan ugu badan ee faquuq ay kala kulmaan. Dhanka Hollywood isbeddel weyn ayaa ku socda shirkadaha filimaanta. Waxaa caddayn u ah sannaddii 2023 waxa ay agaasime Greta Gerwig oo samaysay filmka Barbie oo ka sheekaynaya shakhsiyad ku dhisan boombalaha caruusadda Barbie ee carruurtu ku ciyaaraan la kulantay loollan adag oo dhanka suuqa ah. Ka dib marka ay is wajaheen Film sameeye Christopher Nolan oo ah nin aad looga yaqaan saaxadda filimada caalamka film kiisii Oppenheimer oo uu jilayay Cillian Murphy oo ka sheekaynaya nolosha nin Fiisigisyahan ah oo dagaalkii labaad ee adduunka horumarinta Nukliyeerka u qaabilsanaa Maraykanka. Marka aad eegto labada agaasime oo aan sumcad ahaan iyo aqoon ahaan isu dhigmin, iyo sida sheekada Oppenheimer u ahayd mid taariikh iyo mawduuc xasaasi ah ku dhisan waxa aad sawiranaysaa in labadaas film aysan ahayn kuwo tartan wada gali kara.

Greta lafteeda ayaa ka sheekaysay in ay la soo hadleen kooxda filimka Nolan u qaabilsanayd suuqgeynta, oo ay u sheegeen in ay taariikh kale doorato oo aysan film kaan weyn isku maalin shaashadda ka soo wada muuqan karin. Margot Robbie oo ah jilaaga filmka, sidoo kalena ka mid ah soosaarayaasha ayaa sheegtay in ay ugu jawaabeen "Haddii aad cabsi dareemaysaan maalin kale waad dooran kartaan." War iyo dhammaan labadaas film ayaa is waajahay ayada oo Barbie ay guul weyn soo hoysay. Guul kaliya maaha, ee Barbie waxa ay kamid noqotay filimaanta dhifka ah ee Box Office ka gaara wax Billion ka badan. 1.4 Billion. Tani waxa ay bar bilow u tahay in dumarku guul ka gaari karaan dhanka shaneemada haddii ay helaan taageerada ay u baahan yihiin, kartina ku waajahaan caqabadaha ku gudban.