Tuesday 21 April 2026
Marka hore su’aasha aan ka istaago dhinaca cilmiyeed: kolka si guud loo eego, waxaa laga yaabaa in ay u muuqato in saynisyahannada dhaqaalaha iyo kuwa xiddigisku ay u shaqeeyaan si isku mid ah, maadaama ay labaduba isku dayaan inay fahmaan sida ay wax u dhacaan iyagoo adeegsanaya xeerar guud oo sharxaya xidhiidhka u dhexeeya dhacdooyinka. Labaduba waxay doonayaan in ay helaan aragti guud oo lagu fahmi karo arrimaha ay daraasaynayaan. Haddana, run ahaantii way kala duwan yihiin. Saynisyahannada xiddigisku waxay badanaa la macaamilaan xaalado aad u cad oo si fudud loo cabbiri karo, sida dhaqdhaqaaqa meerayaasha ama falagyada. Laakiin dhaqaaluhu sidaas ma aha. Dhaqaaluhu waxa uu ku salaysan yahay nolosha dadka iyo go’aannadooda, taas oo ka dhigaysa mid aad u adag in la saadaaliyo ama xeerar sugan laga dejiyo. Dhibaato kale oo jirta ayaa ah in taariikhda bani’aadamka aynaan haysan xog badan oo qiimo badan leh oo ku saabsan dhaqaalaha oo aan lahayn waxyaabo kale oo saamaynaya sida siyaasadda, qabiilka, diinta iyo awoodda hubka. Intooda badan, taariikhda dawladaha waaweyni waxay ahayd mid ku dhisan xoog iyo qabsasho.
Hoggaamiyeyaashii xoogga ku qabsaday dhulka iyo dadka kale waxay samaysteen nidaam sharci iyo dhaqaale oo ay iyagu ka faa’iidaystaan. Dadkaas awoodda haystay waxay la wareegeen dhulkii, waxayna magacaabeen wadaaddo iyo maamuleyaal ka yimid beelahooda, si ay bulshada u xakameeyaan. Wadaaddadaasi waxay gacanta ku dhigeen waxbarashada iyo hab fekerka bulshada. Waxay abuureen nidaam bulsho oo dadka loogu kala qaybiyey dabaqado, waxaana dadka caadiga ah la baray inay u hoggaansamaan nidaamkaas iyagoo aan si buuxda u garanayn sababta, mararka qaarkoodna si toos ah looga dhaadhiciyey in nidaamkaasi uu yahay mid sax ah oo dabiici ah.
Inkaste oo aynu u malayn karno in taariikhdu tahay wax hore u dhacay oo laga gudbay, haddana run ahaantii dhaqamada iyo hab-nololeedyadii hore ee aadanuhu weli waxay si muuqata uga dhex muuqdaan bulshadeenna maanta. Waxaynu ku noolnahay xaalad aan si buuxda uga bixin marxaladdii uu Thorstein Veblen ugu yeedhay “wejigii ugaadhsiga ee taariikhda bini’aadamka” waqti uu xoogga iyo tartanku door weyn ku lahaayeen noloshii bulsho. Dhaqaalaha maanta jira iyo xidhiidhada bulsho ee la socda, dhamaantood waxay weli ku saleysan yihiin maskaxdaas gabowday. Marka laga eego xaggan, hanti-wadaaggu wuxuu doonayaa in uu jaro xididada dhaqankaas hore bini’aadamka na gaadhsiiyo marxalad cusub oo bulsho oo sarreysa, mid ku dhisan sinnaan, caddaalad, iyo walaaltinimo. Qof walba wuxuu heli karaa fursad uu ku noolaado nolol sharaf leh, halkii ay xoog iyo hanti-goosigu ka ahaan lahaayeen shardi. Haddana, sayniska casriga ahi uma sahlana in uu sawiro bulsho hanti-wadaag ah oo dhamaystiran, sababta oo ah saynisku wuxuu inta badan la tacaalaa xaalad taagan, ee ma aha mid saadaaliya waxa laga yaabo in ay bulshadu noqoto mustaqbalka. Waxa uu bixiyaa agab lagu fahmo ama lagu hagaajiyo waxa jira, balse yoolalka iyo himilooyinka sare ee bulshada, kuwaas oo ku saleysan qiyam, rejo iyo aragti nololeed waxay ka yimaaddaan maskaxda dadka u heellan in ay wax beddelaan, ee aan wax ka sugin keliya cilmiga. Sidaas darteed, waa qalad in arrimaha bulshada iyo habka loo maaraynayo loo daayo oo keliya khubarada ama saynisyahannada. Dadka caadiga ahi waa inay ka qayb qaataan doodda ku saabsan sida bulshadoodu u noqon karto mid caddaalad iyo horumar leh.
Maalmihii u dambeeyay waxaa isa soo tarayay walaaca ah in aadanuhu ku sugan yahay xaalad aad u adag, taas oo dadka qaar u arkaan mid horseedi karta burbur ballaadhan oo bulsho iyo bani’aadamnimo labadaba saameeya. Dad badan ayaa dareensan in tiirarkii ay ku dhisnayd nolosha bulshadu, sida kalsoonida, isu-tanaasulka, iyo wada-jirka ay daciifeen ama si buuxda u burbureen. Arrintaas waxa si cad u muujinaya dareenka sii fidaya ee ah in dad badan ay iska indho-tiraan ama ayba si cad u naceen kooxaha ay asal ahaan ka tirsanaayeen, ha noqdeen qoysaskooda, qabiilkooda, bulshadooda, qarankooda, ama xitaa bani’aadamnimada guud ee la wadaago. Si aan u muujiyo waxa aan ka hadlayo, bal aan idinla wadaago sheeko yar oo cajiiba: Waxa jirta dhacdo igu reebtay xusuus iyo dhugasho qoto dheer. Dhacdo markasta i xasuusisa heerka uu marayo niyad-jabka aadanuhu maanta. Waxaan la sheekeystay nin aan aad u qadariyo, oo cilmigiisu sarreeyo, garaadkiisuna furfuran yahay. Wadahadalkayagu wuxu ku saabsanaa khatarta dagaal caalami ah oo kale, dagaal horseedi kara baabi’inta bani’aadamka. Waxaan aaminsanaa in xal dhab ahi uu iman karo kaliya marka la helo hay’ad caalami ah oo ka sarraysa xuduudaha qarannimada, taas oo mideysa dadyowga dunida si ay uga hortagaan masiibooyinka waaweyn. Balse wuxu si degan, indhaha iigu soo jeediyay, isagoo leh: “Haddii aadanuhu dabar go’o, maxaa dhibaato ah ee ku jirta?” Wuxu ahaa hadal i gilgilay. Weedh bay ahayd si toos ah u muujinaysa quus, niyad-jab, iyo lumiddii kalsoonida bani’aadannimada. Qofkan, sida dad badan oo kale maanta, wuxuu u muuqday mid ka baxay xadhkaha rejada, ka tanaasulay qiimihii noloshu u lahayd, kana baxay xamaasaddii aayaha guud. Waxa uu ka dhawaajiyay dareen cidlo ah, mid bulsho ahaan baahsan oo la moodo in uu u faafayo si aayar-aayar ah. Dareennada noocaas ah ee go'doonka, kalinimada iyo niyad-jabku ma aha kuwo fudud, mana aha kuwo si kedis ah ku yimid. Waxa ay na hor keenayaan su’aalo culus oo mudan in la is weydiiyo: Sidee bay ku yimaadeen? Maxaa aas-aas u ah? Ma jiri kartaa waddo aynu kaga bixi karno? In la isweydiiyaa waa tallaabada koowaad ee wacyigelinta, balse in jawaab sax ah la helaa waxay u baahan tahay xallin maskaxeed iyo dareen qoto dheer. Inkastoo jawaabuhu u adkaan karaan sida ay su’aaluhu u fudud yihiin, haddana waa in aynu qiranaa in ay lagama maarmaan tahay in aynu fahamno waxaynu tabayno si aynu u gaadhno xal, ha noqdo mid shakhsiyeed ama mid bulsho oo guud.
Bani’aadamku waa makhluuq leh laba dabeecadood oo isku mar ku jira: waa naf gooni ah oo kali ah, isla markaana waa noole bulsheed.
Marka uu yahay naf gooni ah, wuxuu isku dayaa inuu ilaashado jiritaankiisa iyo kan kuwa ugu dhow, inuu ka gun gaadho rabitaannadiisa gaarka ah, iyo inuu horumariyo kartidiisa dabiiciga ah. Laakiin, marka uu yahay noole bulsheed, wuxuu doonayaa in uu kasbado ixtiraamka iyo jacaylka dadka kale, inuu la wadaago farxaddooda, uga garab istaago xanuunka iyo murugada, kana shaqeeyo hagaajinta nolol maalmeedkooda. Is-dhexgalka labadan rabitaan, kuwaas oo badanaa is khilaafsan ayaa keena dabeecadda gaarka ah ee aadamiga. Qaabka ay labadan danood isku dheelli tiraan ayaa go’aamiya inta uu qofku gaadhi karo xasillooni nafeed iyo sida uu ugu faa’iidi karo bulshadiisa. Waxaa suuragal ah in xoogga labadaas rabitaan uu si dabiici ah uga dhaxlo hidde-sideyaashiisa. Hase yeeshee, shakhsiyadda uu qofku ugu dambayn yeesho waxaa si weyn u saameeya deegaanka uu ku barbaaro, qaab-dhismeedka bulshada uu ku koro, dhaqanka bulshadaasi leedahay, iyo sida ay bulshadaasi u qiimeyso noocyada kala duwan ee dabeecadaha. Fikradda guud ee ah “bulsho” marka laga eego qofka keliya waxay u taagan tahay dhammaan xidhiidhadiisa tooska ah iyo kuwa dadban ee uu la leeyahay dad kale, kuwa la nool waqtigaas iyo dadkii hore u soo jiray. Qofku, wuu fekerayaa, dareemayaa, dedaalayaa, isla markaana shaqaynayaa keligii, balse nolol ahaan wuxuu ku tiirsan yahay bulshada, hadday noqoto dhinaca jiritaanka jidheed, garashada maskaxeed, iyo dareenka nafeedba. Sidaas darteed, qofka laguma fahmi karo, lagumana qiyaasi karo meel ka baxsan qaab-dhismeedka bulsho. Bulshadu waa tan qofka siisa cunto, dhar, hoy, agabkii shaqada, luqadda uu ku hadlo, hab-fekerka uu adeegsado, iyo inta badan xogta uu maskax ahaan isticmaalo. Noloshiisa waxaa suuragal ka dhigaya shaqada iyo waxqabadka malaayiin dad ah oo hore iyo hadda jira, dhammaantoodna waxaa loogu yeeraa hal erey oo fudud: “bulsho.”
Waa hubaal in ku-tiirsanaanta qofka bani’aadamka ah uu ku qabo bulshadu ay tahay xaqiiqo dabiici ah oo aan la baabi’in karin, sida xaaladda Jinaca ama shinnida. Laakiin, halka nolosha shinnida iyo Jinacu ay si buuxda oo adag ugu dhisan tahay dareenno hidde-side ah oo aan isbeddel lahayn, qaabka nolosha bulshada bani’aadamka iyo xidhiidhka dadka dhexdooda ahi aad buu u kala duwan yahay, wuxuuna u nugul yahay isbeddel joogto ah. Tusaale ahaan, bani’aadamku wuxuu leeyahay maskax furan, xasuus dheer, iyo karti uu fekradaha cusub ku curin karo. Sidoo kale, wuu is fahmi karaa, wuu wada hadli karaa, wuxuuna dhisi karaa bulsho leh nidaamyo iyo dhaqammo la isku raacsan yahay. Dhaqannadaasi waxay horseedeen in bulshooyinku horumar ka sameeyaan dhinacyo badan sida cilmiga, suugaanta, falsafadda, siyaasadda iyo farshaxanka, kuwo aan si toos ah ugu xidhnayn baahiyaha dabiiciga ah ee jidhka, balse ka turjumaya horumar maskaxeed iyo dareen bulsho. Markuu qofku dhasho, wuu dhaxlaa jidhka iyo dabeecadaha uu ku yimid, taas oo aan lahayn beddel. Laakiin, nolosha oo dhan wuxuu si tartiib tartiib ah u bartaa dhaqanka iyo hab nololeedka bulshada uu ku dhex korayo. Dhaqankaas, oo ah mid la is baro, la is dhaafsado, la iskana beddeli karo, ayaa qofka u ogolaanaya in uu u noolaado si ka duwan siduu u dhashay. Sidaa darteed, dhaqanka ayaa noqda furaha isbeddelka iyo horumarka. Aragtida casriga ah ee cilmiga bulshadu waxay caddeysay in dhaqamada bulshooyinku ay aad u kala duwan yihiin.
Tani waxay muujinaysaa in hab-dhaqanka iyo maskaxda bani’aadamku aanay ahayn kuwo go’an, balse ay is beddeli karaan iyadoo la adeegsanayo waxbarasho, is-dhexgal iyo waayo-aragnimo.
Taas macnaheedu waxa weeye, in dadka haysta rabitaan-wanaag iyo faham qoto dheeri ay wax ka beddeli karaan nolosha bani’aadamka, una jiheyn karaan xagga samaha, caddaaladda, iyo nabadda.
Haddii aan isku dayno in aynu ka fekerno sidii loo beddeli lahaa hab-dhismeedka bulshada iyo dhaqanka bini’aadamka si noloshu u noqoto mid buuxisa baahiyaha iyo rejada aadanaha, waa in aan mar walba xasuusnaano in ay jiraan arrimo aan gebi ahaanba wax laga beddeli karin. Sida hore loo tilmaamay, dabiicadda hiddo-sideed ee aadanuhu ma aha mid si fudud wax looga geddin karo. Sidoo kale, horumarrada tignoolajiyadda iyo kobaca tirada dadka qarnigii dhowaa la soo dhaafay waxay abuureen duruufo aan laga gudbi karin oo ah kuwa weligood jiri doona. Marka la eego bulshada maanta leh dad tiro badan oo si cufan u degan, isla markaana ku tiirsan alaabooyin lagama-maarmaan u ah jiritaankooda, waxay khasab ku tahay in ay yeeshaan kala-qaybsanaan shaqo oo aad u ballaadhan iyo nidaam wax-soo-saar oo si buuxda loo maamulo.
Xilligii hore ee taariikhda, waxaa jiri jiray waqtiyo ay dadku si buuxda iskood isugu filnaayeen, taasoo micnaheedu yahay in qofku ama kooxo yaryari ay heli jireen cunto, hoy, iyo wax kasta oo noloshooda muhiim u ahaa iyaga oo aan cid kale ku tiirsanayn. Noloshoodu waxay ahayd mid ku dhisan is-kaashiga qoysaska ama beelaha yar-yar, manay jirin baahi ay u qabeen wax ka yimaadda bannaankooda. Laakiin maanta, duruufahaas waa laga gudbay.
Kacdoonkii warshadaha, kobaca tiknoolajiyadda, iyo korodhka tirada dadka ayaa si isdaba joog ah u abuuray adduun si qoto dheer isu dhex galay.
Qof walba, xitaa mid ku nool meel aad u fogi wuxuu si toos ah ama si dadban ugu tiirsan yahay kumannaan qof oo kale oo aanu weligii arki doonin. Tusaale ahaan, cuntada uu cuno, dharka uu xidho, ama qalabka uu adeegsado, dhammaan waxa lagu sameeyaa ama laga keenaa meelo kala duwan oo caalamka ah. Haddaba, waaqica maanta jiraa wuxuu inoo muujinayaa in bani’aadamku si dhab ah u noqday bulsho caalami ah, bulsho ay dadkeedu isku xidhan yihiin iyada oo ay ugu wacan tahay baahida is-dhaafsiga badeecadaha, macluumaadka, iyo adeegyada. Mar dambe suurtagal ma aha in qofku gooni isu taago oo uu yidhaahdo “waxaan ahay mid aan cidna u baahnayn”, sababta oo ah hab-nololeedka casriga ah ayaa si dabiici ah u abuuray xidhiidh aan la jabin karin oo dadka dunida ku kala nool isu keenay.
Haatan, waxaan isku dayayaa in aan si kooban u muujiyo waxa aan rumaysanahay inuu yahay isha ugu weyn ee dhibaatada maanta haysata dadka casriga ah.
Dhibaatadani waxay salka ku haysaa xidhiidhka u dhexeeya shakhsiga iyo bulshada uu ku dhex jiro.
Qofka maanta nooli si weyn ayuu u ogyahay in uu ku tiirsan yahay bulshada xagal kasta, hadday noqoto dhinac dhaqaale, ammaan, iyo nolosha guud ahaan. Laakiin, haddana wuu dareemayaa in ku tiirsanaantaasi aanay aheyn mid si dabiici ah u kobcisa noloshiisa, ee taa beddelkeeda ay tahay cadaadis dul saaran xorriyaddiisa iyo badbaadadiisa. Halkii uu ka dareemi lahaa gacmo furan, wadajir iyo taageero bulsheed, wuxuu bulshada u arkaa meel uu cadaadis kala kulmayo. Dabeecadda bulshadu waxay mar kale xoojinaysaa rabitaanka nafeed ee qofka, aniga, danteyda, maslaxaddeyda. Laakiin dhinaca kale, dareenkii la xidhiidhay danta guud iyo is-waafajinta danaha dadka kale si tartiib tartiib ah ayuu u daciifayaa. Taasoo horseedaysa in qofku uu ku ururo dunidiisa gaarka ah, oo uu is-yidhaahdo: “Inta aan ka welwelayo kuwa kale, naftayda ayaa mudan.” Natiijadaasna waxa ka dhasha bulsho ay dadkeedu kala fogaadeen, dareen la’aanna u yeesheen dhibta iyo nolosha dadka kale. Qof walba wuxuu la daalaa dhacayaa kalinimo, cabsi iyo walbahaar uu sabab u yahay burburka xidhiidhkii bini’aadanimo. Inkastoo aanay si buuxda u garan karin sababta, haddana dadku waxay la ildaran yihiin nolol ay ka buuxdo niyad-jab iyo dareen la’aan farxadeed, middaas oo ah dareenkii nolosha loogu jeclaa waayihii hore. Marka la eego sida cimriga aadamigu u yahay mid gaaban oo u nugul dhammaad lama filaan ah, wuxuu macno u helayaa keliya marka qofku noloshiisa ugu hibeeyo wax ka weyn naftiisa oo ah dadka kale. Qofkaasi wuxuu ku noolaan karaa nolol qiimo leh haddii uu caawiyo bulshada uu la nool yahay, u adeego danta guud, oo uu dadaalkiisa u huro wanaagga dadka kale.
Anigu waxaan qabaa in dhibaatada ugu weyn ee maanta haysata aadanuhu ay salka ku hayso jahawareerka dhaqaale ee ka dhashay nidaamka Hanti-goosiga. Waxaad arkaysaa bulsho weyn oo ay xubnaheedu yihiin dad kala duwan, kuwaas oo si joogto ah ugu jira tartan is-daba joog ah, tartankaas oo aan lagu kala adkaan xoog, balse si buuxda ugu socda xeerar sharciyeed oo si rasmi ah loo dejiyey. Nidaamkani wuxuu oggol yahay in qalabkii wax lagu soo saari lahaa, sida warshadaha, dhulalka, iyo mashiinnadu ay noqdaan hanti gaar loo leeyahay. Tani waxay keenaysaa in inta badan dadka aan lahayn hantidaasi ay ku khasbanaadaan inay xooggooda shaqo iibiyaan, si ay nolol ugu helaan. Shaqaaluhu markuu shaqeeyo, waxa uu adeegsadaa agabyada hantida loo leeyahay si uu u soo saaro badeecooyin ama adeegyo. Hase yeeshee, wax walba oo uu soo saaro waxay si toos ah ugu dhacaan gacanta milkiilaha, sababtoo ah isaga ayaa leh agabyadii wax lagu sameeyay. Marka shaqada la eego, shaqaaluhu ma aha mid si toos ah ugu faa’iidaysta waxa uu soo saaro. Waxa la yaabka leh ayaa ah in inkaste oo la yidhaahdo shaqaaluhu waa “xor” oo isagaa doortay inuu shaqeeyo, haddana xaqiiqda ah in aanu lahayn hanti uu ku noolaado waxay ku qasbeysaa inuu iibsado waqtigiisa iyo tamartiisa. Lacagta uu helo (mushaharka) ma aha mid u dhiganta qiimaha dhabta ah ee shaqadiisa, balse waxaa lagu salaynayaa baahiyaha noloshiisa asaasiga ah iyo rabitaanka milkiilaha hantida inuu helo shaqaale u shaqeeya. Arrinta muhiimka ah ayaa ah in nidaamkani aanu dammaanad qaadayn in mushaharka uu shaqaaluhu helo uu la jaanqaadayo qiimaha badeecooyinka uu soo saaray. Tani waxay abuuraysaa kala fogaansho u dhaxaysa dadka shaqeeya iyo dadka hantida leh, taas oo keenta sinnaan la’aan baahsan.
Hantida gaarka loo leeyahay waxay si dabiici ah ugu ururtaa gacanta tiro yar oo dad ah.
Waxaa taas sabab u ah laba arrimood oo is biirsaday: marka hore, tartanka u dhexeeya maalqabeennada ayaa keenaya in kuwa xooggan ay liqaan ama ka adkaadaan kuwa tabarta yar; marka labaadna, horumarka tiknoolajiyadda iyo kala-qaybsanaanta shaqo ee sii kordhaysa ayaa keenta in wax-soo-saarka lagu sameeyo hannaan ballaadhan oo u baahan xarumo waaweyn, taasoo meesha ka saaraysa shirkadaha yaryar. Horumarradaasi waxay horseedaan samaysanka koox yar oo dhaqaale haysata oo awood ballaadhan yeesha, taas oo ah nooc xukun kooxeed oo ku dhisan raasamaal gaar loo leeyahay. Awoodda dhaqaale ee kooxdani ma aha mid si sahlan looga hor tagi karo, xataa haddii bulshadu ay si dimuqraadi ah isu maamulayso. Sababtaasi waxay tahay in dadka loo doorto golayaasha sharci-dejintu (sida baarlamaanka) ay si weyn ugu tiirsan yihiin xisbiyada siyaasadeed, halkaasoo xisbiyada badankoodna ay maalgelin iyo saameyn ka helaan ganacsatada waaweyn ee raasamaalka leh. Sidaas darteed, cod-bixiyeyaashu ma helaan wakiillo si dhab ah u metela danahooda, waana sababta wakiilladaasi u fashilmaan marka ay timaado difaaca xuquuqda iyo baahiyaha dadka danyarta ah ama bulshada ka liidata. Intaa waxaa sii dheer, iyadoo duruufahaas laga duulayo, ganacsatada waaweyn waxay si toos ah ama si dadbanba gacanta ugu hayaan ilaha ugu muhiimsan ee wargelinta iyo wacyigelinta dadweynaha, sida wargeysyada, idaacadaha, iyo xataa nidaamka waxbarashada. Tani waxay aad u adkaynaysaa, mararka qaarna ka dhigaysa mid aan suurtagal ahayn, in qofka caadiga ahi uu si madax bannaan u fekero, xog sax ah helo, oo uu si maskax leh ugu faa’iideysto xuquuqdiisa siyaasadeed.
Xaaladda dhaqaale ee ku dhisan lahaanshaha gaarka ah ee hantida waxaa lagu gartaa laba arrimood oo waaweyn: Marka hore, warshadaha iyo qalabka wax-soo-saarka waxaa iska leh dad gaar ah oo si xor ah u maamula sida ay doonaan, iyagoon ka fekerin danta guud ee bulshada. Marka labaad, heshiiska shaqadu waxa uu ku saleysan yahay xorriyad, taas oo micnaheedu yahay in shaqaaluhu ay u shaqayn karaan cidda ay doortaan, laakiin haddana, taasi sida runta ah aad bay uga fog tahay xorriyad dhab ah. Dhab ahaantii, bulsho aan ku dhisnayn xitaa wax yar oo faragelin dowladeed ah ama sharciyeysan kama jirto dunida maanta, lama helo nidaam si buuxda u ah “hanti-goosi nadiif ah”. Si kastaba ha ahaatee, waxaa la qirayaa in shaqaaluhu ay si adag oo dheer ula dagaalameen, uguna guulaysteen in ay helaan horumar yar oo ku saabsan sharciga shaqada ee loo yaqaan “heshiiska shaqo ee xorta ah,” gaar ahaan kooxo gaar ah oo shaqaale ah. Hase yeeshee, marka la eego guud ahaan nidaamka dhaqaale ee maanta jira, waxa uu weli aad ugu egyahay nidaamkii hanti-goosi ee aan farogalinta lahayn: wax-soo-saarka waxa uu ujeedkiisu yahay faa’iido samayn, balse ma aha in bulshada si dhab ah loogu adeeggo. Shaqaalaha awooda iyo rabitaanka leh ma helaan mar walba fursad ay ku shaqeeyaan, waxaana jira tiro badan oo shaqo la’aan ah, kuwaas oo loo yaqaan “ciidanka shaqa-la’aanta”, kuwaasoo markasta bulshada dhexdeeda ka jira.
Shaqaaluhu si joogto ah waxay u dareemaan cabsi ku saabsan in ay shaqadooda waayi karaan. Dadka shaqo la’aanta ah iyo kuwa mushaharka yar helaa ma abuuraan suuq faa’iido leh oo lagu iibiyo badeecadaha, taas baa keenta in wax-soo-saarka alaabta macaamiisha la yareeyo, waana mid la socota dhibaato weyn oo nolosha dadweynaha ku dhacda. Marka tiknoolajiyada la horumariyo, halkii ay shaqaalaha ka yareyn lahayd culayska shaqada, waxay badanaa keentaa in shaqooyin la waayo oo dad badan la fasaxo. Dhiirrigelinta faa’iidada oo ay weheliso tartanka xoogan ee ka dhexeeya Hanti-goosiga ayaa sababa inaan si xasilloon loo ururin karin ama loo adeegsan karin hantida, taasoo sababta hoos u dhacyo dhaqaale oo is-daba-joog ah oo aad u ba’an. Tartanka xad-dhaafka ahi waxa uu sidoo kale sababaa khasaaro xoog leh oo ka dhasha waqti iyo awood shaqaale oo la lumiyo, wuxuuna dhaawacaa wacyiga bulshada ee qofka, kaasoo hore loo xusay in uu si guud u hoos u dhaco.
Mid ka mid ah waxyeellada ugu xun ee uu nidaamka hanti-goosigu leeyahay waa sida uu u curyaamiyo shakhsiyadda qofka. Hanti-goosigu wuxuu dadka ku reebaa dhaawac maskaxeed iyo mid bulsho oo aad u weyn, taasoo saameyn ku yeelata hab-dhaqankooda, niyadooda iyo himilooyinkooda. Tani waxay si gaar ah uga muuqata nidaamka waxbarasho ee hanti-goosiga ku dhisan, kaasoo aan u adeegayn horumarinta qofka guud ahaan, balse diiradda saaraya in qofka lagu barbaariyo tartan xad-dhaaf ah oo lagu gaadho guul shaqsiyeed oo ku saleysan maal iyo magac raadis. Ardayga, laga bilaabo marka uu yaryahay, waxaa lagu barbaariyaa in noloshu tahay tartan joogto ah; in guusha noloshu tahay in uu ka sarreeyo dadka kale, hantidoodana dhaafo. Waxaa labarayaa in uu u hollado wax kasta oo uu naftiisa ku horumarin karo, xataa haddii ay taasi ka dhigan tahay in uu dadka kale ka faa’iidaysto ama lunsado fursado ay iyagu lahayeen. Sidaas darteed, nidaamka waxbarasho ee hanti-goosiga ku dhisani wuxuu horumariyaa dad aan u fekerin danta guud ee bulshada, balse ku mashquulsan danahooda gaarka ah iyo meel-marinta yoolal ku saleysan hantida iyo awoodda.
Anigu waxaan rumeysanahay in xalka lagu joojin karo dhibaatooyinkan aan kor ku xusay uu yahay hal waddo oo keliya: waa in la abuuraa nidaam dhaqaale oo ku dhisan hanti-wadaag, kaas oo hantida wax-soo-saarka la wada leeyahay, islamarkaana la qorsheeyo sida loo isticmaalayo.
Nidaamkan cusubi wuxuu noqonayaa mid bulshada danteeda guud u adeegaya, halkii uu noqon lahaa mid u adeega danta yar ee dadka hodanka ah ama ganacsatada waaweyn. Dhaqaalaha noocaas ahi wuxuu awood u yeelanayaa inuu si qorsheysan u habeeyo wax-soo-saarka si uu u daboolo baahiyaha bulshada, halkii uu xoogga saari lahaa faa’iido shakhsiyadeed. Shaqada waxaa si siman loogu qaybin doonaa dadka awoodda u leh, waxaana la damaanad qaadi doonaa in qof kastaa helo nolol sugan, ha ahaato rag, dumar iyo carruurba. Lama oggolaan doono in qofna gaajoodo, hoy la’aan noqdo, ama daawo la’aan u dhinto. Sidoo kale, nidaamka waxbarasho ee la socda dhaqaalahan hanti-wadaagga ahi wuxuu noqon doonaa mid lagu kobciyo kartida iyo hibada qofka, laakiin taas kaliya kuma ekaan doono.
Waxbarashadu waxay sidoo kale xoogga saari doontaa sidii qof kaste loo barayo in uu ka fekero dadka kale, oo uu fahmo mas’uuliyadda ka saaran bulshada uu ku dhex nool yahay. Waxaa la horumarin doonaa dareenka is-kaashiga iyo midnimada bulsheed, halkii la faafin lahaa damac xooggan oo ah in qof walba isagu kali ku noqdo guusha, awoodda iyo magaca. Haddaba, si bulsho caafimaad qabta loo dhiso, loona yareeyo nacaybka, sinaan-darrada iyo dulmiga bulsho, waxaa lama huraan ah in aan ka gudubno hanti-goosiga oo aan dhisno nidaam cusub oo ku dhisan hanti-wadaag iyo is-kaashi bulshada oo dhan dhexmara.
Inkaste oo dhaqaale qorshaysan uu yahay hab lagu maamulo wax-soo-saarka iyo qaybsiga kheyraadka si nidaamsan oo dhexe, haddana tani keligeed kama dhigna in la gaadhay nidaamka hanti-wadaagga dhabta ah. Waxaa suuragal ah in waddan uu yeesho nidaam si buuxda u qorshaysan oo dawladda dhexe ay maamusho dhammaan ilaha dhaqaale, haddana ay dadka caadiga ah ka maqnaato xorriyadda ay noloshooda ku maamulan lahaayeen. Natiijadu waxay noqon kartaa nolol ay dadku ku nool yihiin iyagoo la haysto, lagu amar ku taagleeyo, laguna khasbayo in ay qaab gaar ah u fikiraan, u shaqeeyaan ama u noolaadaan, taas oo u dhiganta addoonsi casri ah oo la qurxiyey. Haddii la rabo in la gaadho hanti-wadaag dhab ah, kaas oo ah nidaam dadka oo dhan ay si siman u leeyihiin hantida iyo awoodda go’aannada, waxaa lagama maarmaan ah in marka hore la xalliyo caqabadaha siyaasadeed iyo bulsheed ee aadka u culus. Su’aalaha muhiimka ah ee u baahan in si dhab ah loo wajaho waxaa kamid ah: sidee lagu suurtagelin karaa in awoodda dhaqaale iyo tan siyaasadeed oo si aad ah loogu ururiyey gacanta dawladdu aanay u noqonin mid ay si xad dhaaf ah ula wareegto koox aan la xakameyn karin? Sidee xuquuqda qofka loo ilaalin karaa si aanu qofku ugu dambeyn ugu dhex lumin nidaam awood leh oo dadka gumeynaya? Faham dhab ah oo cadaynaya ujeedada hanti-wadaagga iyo caqabadaha hor yaalla waa muhiim xilli kasta, balse xilligan kala guurka ah oo dunidu ay la daalaa dhaceyso isbeddello dhaqaale, siyaasadeed iyo bulsheed oo waaweyn, muhiimaddaasi aad bay u kordhaysaa. Hase ahaatee, nasiib darro, maanta arrimahaas muhiimka ah looma oggola in si xor ah oo furan looga doodo. Waxaa laga dhigay mawduucyo laga baqo, laga aamuso ama si ula kac ah loo cabudhiyo. Taas awgeed, in la aasaaso joornaal u heellan inuu si xor ah oo cilmi ku dheehan yahay uga doodo arrimahaas muhiimka ah, waa tallaabo u adeegaysa danta guud ee bulshada, waana adeeg muhiim ah oo waqti dheer la sugayay.