Skip to main content

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Feker

Hannaankii waxbarasho ee Malcolm X iyo waayihiisii maxbuusnimo

31 October, 2026
Image
Hannaankii waxbarasho ee Malcolm X iyo waayihiisii maxbuusnimo
Share

Halyeygii reer Maraykan ee ka soo jeeday shucuubta Madowga ah ee Malcolm X (El-Haaji Malik El-Shabazz), bilowgii waxbarashadiisa iyo hirdankiisii nololeed isku mar ayuunbay isla kawsadeen. Inta badan noloshiisa wuxuu ku majeeran jiray sannadihii uu hoyga u ahaa xabsigii dhaqan-celinta ee ku yiillay Norfolk, Massachusetts, xabsigaas oo ka qayb qaatay isbeddelkii nololeed ee uu ku noqday Malcolm-kii hadallada cadcaddaa ee gilgilay gobollada bariga sare ee Maraykanka. Halkan ayaynu isku dul taagaynaa habkii tacliineed ee uu Malcolm X maray sannadahaas.

Ka dib dhimashadii aabbihii, Malcolm waxaa soo wajahday xaalad argagax ku reebtay noloshiisa intii uu noolaa oo idil. Isla waqtigaana hooyadii waxay latacaalaysay xaalad jiro maskaxeed ah, oo ka soo gaadhay dilkii arxanka darnaa ee saygeeda loo gaystay, iyo caddaalad-darradii ka soo gaadhay markay doontay in ay saygeedii u soo dhiciso xaqiisa; kalena kulantay jawaab ahayd, ‘Ninkaagu isaga ayaa isdilay, ee cidi maydilin.’ 

Quus ka dib waxa kiiskii qoyskooda soo faragaliyey urur bulshada u adeega, kaas oo maxkamadda gobolka u gudbiyey kiiskoodii. Maxkamaddu waxay go'aamisay in lixda carruura ah ay hoos yimaaddaan daryeelka gobolka

Malcolm mar uu kaga warramay dhacdadan dhigaalkiisa taariikh nololeed ayaa uu ku soo koobay, “Nin caddaan ah oo gacanta ku haya carruurta nin Madow ah! Waa addoonsi casri ah oo sharciyeysan, inkasta oo ujeeddadu wanaag tahay.” 

Dhinaca kale, hooyadii xaaladdeeda caafimaad maskaxeed ayaa ka sii dartay, waxaana loo gudbiyey cisbitaalka dhimirka ee Kalamazoo, halkaas oo lagu hayey muddo 26 sano ah.

Bilowgii waxbarashadiisa: dugsigii ku yaallay Michigan

Dugsigan oo ahaa xarun carruurta lagu hayo (detention home) ayuu Malcolm ka bilaabay waxbarashadiisii, ka dib markii qoyska Gohannas loo xilsaaray daryeelkiisa. Muddo ka dib, waxa uu u gudbay dugsi rasmi ah oo dhaqan-celin ah (reform school). Halkaas ayuu waxbarashadiisa ka sii watay, isaga oo ka qalin-jabiyey fasalka siddeedaad sannadkii 1940.

Mar uu ka warramayey waayihii uu ku jiray dugsiga dhaqan-celinta, waxa uu xusay dhacdooyin aan caadi ahayn oo raad ku reebay. Aynu soo qaadanno laba ka mid ah.

Maaddooyinka Ingiriisiga iyo taariikhdu waxay ka mid ahaayeen maaddooyinkii Malcolm la dhacsanaa dhigashadooda. Macallinkiisa Ingiriisiga, Mr. Ostrowski, waxa uu ahaa nin talooyin badan, ardaydana ku dhiirrigelin jiray waxa ay mustaqbalka noqonayaan.

Dhanka kale, macallinkiisa taariikhda, Mr. Williams, uu marar badan ka maadaysan jiray dadka Madow, arrintaas oo Malcolm ku abuurtay nacayb xagjir ah.

Toddobaadkii ugu horreeyey ee uu dugsiga joogay, Mr. Williams ayaa maalin fasalka soo galay isaga oo qaadaya hees Malcolm ku dhalisay dareen cabsi iyo jidhidhico leh. Erayada heesta waxaa ka mid ahaa: ‘Beeraha cudbiga ee Koonfurta, dadka qaarkood waxay yidhaahdaan Madowgu waxba kama xado.’

Maalin kale, isaga oo cod dheer ku jeesjeesaya, ayuu akhriyey sadar ku jiray dhigaalka manhajka, kaas oo ka hadlayey sida dadka Madow loo addoonsaday dabadeedna loo xoreeyey, isaga oo ku tilmaamay kuwo caajis badan, doqomo ah, shaqadana ka dheeraada.

Waxa kale oo uu, isaga oo sharraxaya cilmiga shucuubaha (Anthropology), ka hadlay qaab-dhismeedka jidheed ee dadka Madow, isaga oo yidhi: ‘Nigarisku cagahoodu aad bay u waaweyn yihiin; marka ay socdaan raad caadi ah kuma reebaan dhulka, ee godad waaweyn ayay kaga tagaan.’

Dhacdada kale waxay wax ka beddeshay hab-nololeedkii Malcolm iyo aduun-aragiisi. Xilligaa waxa uu dhiganayey fasalka siddeedaad ee dugsiga, waxaana dabayaaqadii sannadkii ka horreeyey loo doortay madaxweynaha fasalka. Maalin isaga oo fasalka ku jira, ayaa wada sheekaysi dhex maray isaga iyo macallinkiisii Ingiriisiga, Mr. Ostrowski, kaas oo weydiiyey su’aal ahayd: "fikir iga sii waxaad aad rabtid in aad mustaqbalka noqotid?"

Malcolm: Haa, mudane. Waxa aan ka fikirayey, oo aan jeclaan lahaa in aan noqdo qareen.

Mr. Ostrowski: Malcolm, waxa ugu horreeya ee nolosha lagama maarmaanka u ahi waa in aad noqoto qof waaqici ah. Ha ii fahmin si khaldan. Waad og tahay in aanu dhammaanteen ku jecelnahay. Laakiin waa in aad waaqic ka noqotaa xaqiiqada ah in aad tahay qof Madow. Qareennimo ma aha hadaf waaqici ah. Waxa aad u baahan tahay in aad doorato xirfad kale oo aad noqon karto. Gacmahaaga wax baad ku farsamayn kartaa. Qof kastaa wuu ku farxi lahaa in aad noqoto nijaar xirfad leh. Maxaad u qorshayn weyday nijaarnimada? Dadka adiga kula midka ahi waxay qabtaan shaqooyinkaas.

Waayadaas, magaalada Lansing lagama heli jirin qareen ama dhakhtar Madow ah. Wada sheekaysigaas dhex maray Malcolm iyo macallinkiisii ayaa ku reebay calool-xumo iyo niyad-jab, taas oo sababtay in uu waxbarashadii xiisihii u waayo. Waxa kale oo uu go’aansaday in uu ka huleelo gobolkii uu ku soo barbaaray iyo qoyskii soo kafaala qaaday.

Isbeddelka nafsaaniga ah ee ku dhacay Malcolm waxa dareentay Marwo Swerlin, oo u ahayd hooyoda korsatay. Waxay isku dayday in ay ogaato waxa ku dhacay, balse kuma guulaysan.

Muddo yar ka dib markii uu dhammeeyey fasalka siddeedaad, Malcolm waxa uu u jihaystay Boston si uu ula noolaado walaashii dhinaca aabo, Ella.

Jidkii isbeddelka iyo waxbarashadii rasmiga ahayd ee ka bilaabatay maktabadda xabsiga

Muddo kooban ka dib markii uu u guuray Boston, Malcolm waxa uu sannado ku qaatay waddooyinka Boston iyo Harlem, isaga oo ku noolaa nolol garaba-rarato ah si uu u helo waxa uu ku noolaado. Shaqooyinkii uu qabtay waxa ka mid ahaa wayternimo, iibinta maandooriyaha, dilaalnimo iyo kuwo kale. Ugu dambayn, waxa lagu xidhay fal dhac ah oo uu qayb ka ahaa. Falkaas waxa kula jiray saddex saaxiibadii ah, oo laba ka mid ahi ahaayeen dumar caddaan ah. Markii lagu helay caddaymo la xidhiidha falka, isaga iyo saaxiibkiis Shorty midkiiba waxa lagu xukumay toban sannadood oo xadhig ah iyo ganaax dhan 10,000 oo doollar. Labadii haween ahna midkiiba waxa lagu xukumay shan sannadood oo xadhig ah.

Bishii Febraayo 1946, Malcolm iyo Shorty waxa loo gudbiyey xabsiga Charlestown State Prison. Bilowgii xabsigiiisa, Malcolm weli muusan la qabsan in uu maanaco dhaqammadii uu dibadda kala yimid. Waxa uu si joogto ah u isticmaali jiray maandooriyeyaashii uu ku qabatimay wadooyinka Harlem. Marar badan ayaa lagu xidhi jiray qolalka karantiilka, sababo la xidhiidha rabshado uu ka qayb qaadan jiray. Dhaqankiisa awgii, waxa uu xabsiga dhexdiisa ka helay naanaysta Satan (Ibliis), oo uu u bixiyey mid ka mid ah maxaabiistii la xidhnaa.

Sannadkii 1948, waxa uu la kulmay Bimbi, oo Malcolm ka da’ weynaa, aqoon ahaan ka badnaa, sumcad weyna ku dhex lahaa maxaabiista. Bimbi waxa kale oo uu ahaa qofka sida joogtada ah uga faa’iidaysan jiray maktabadda xabsiga. Xidhiidhkooda waxa udub-dhexaad u ahaa doodaha iyo wada sheekaysiga aqooneed. Bimbi mar walba si wanaagsan ayuu u soo dhawayn jiray Malcolm, isaga oo ahaa qofka keliya ee si waaqici ah ugala doodi jiray fikradihiisa ilxaadka ah ee uu aaminsan yahay, si uu u tuso inay yihiiin kuwo madhalays ah. Taasi waxay Malcolm ku dhalisay in uu dib u eego shakhsiyaddiisa, isla markaana bilaabo in uu iskiis wax u barto. Waxa uu aad ugu dhowaaday saaxiibkiisa aqoonta badan ee Bimbi, isaga oo mararka qaarkood si gaar ah u dhegaysan jiray doodihiisa ku saabsan dabeecadda aadamaha (Human Behaviour).

Malcolm waxa uu bilaabay in uu qaato casharadiisi ugu horeeyey ee xabsiga kuwaas oo ahaa maadada Inglishka, halka Bimbi iyo walaashiis Hilda ay talo ku siiyeen barashada luqadda, maadama tacliintii uu soo qaatay ay ka guurtay intuu dib-jirawga ku jiray. Waxaa jirtay qoraallo kooban uu u dirijiray walaashii halkaas oo ay adkeed in lafahmo micnahooda, midaas oo ay sabab u ahayd qoraalkiisa oo liitay. 

Muddo sannad ah ayuu ku dedaalay sidii uu u hagaajin lahaa qoraalkiisa, isaga oo qaadan jiray casharro, isla markaana samayn jiray laylisyo luqadeed. Intaa ka dib, waxa uu bilaabay kooras kale oo ku saabsan luuqadda Laatiinka. Waxa kale oo uu muddadaas ku dadaalay in uu joojiyo cunista hilibka doofaarka iyo cabista sigaarka, oo uu muddo dheer la tacaalayey joojintooda.

Dadaal badan oo ay samaysay walaashii, Ella, ayaa ugu dambayn xaqiijisay in Malcolm loo wareejiyo xabsi kale. Sannadkii 1948, waxa loo wareejiyey xabsiga Norfolk Prison Colony, oo ku yaallay Norfolk, Massachusetts. Xabsigani aad ayuu uga horumarsanaa kii uu markii hore ku xidhnaa. Malcolm, isaga oo ka warramaya dareenkii uu ka qaaday xabsiga cusub, waxa uu ku tilmaamay “janno”. Waxaan iyana laga tagi karin habkii uu u jantay maktabaddii xabsiga, isagoo midaa ka warramaya, waxa uu yidhi:

“Maktabadda xabsiga Colony waxay ahayd mid heer sare ah. Maalqabeen lagu magacaabi jiray Parkhurst ayaa xabsiga ugu deeqay maktabaddiisii, isaga oo aad u danayn jiray mashaariicda dhaqan-celinta. Taariikhda iyo diintu waxay ahaayeen maaddooyinka uu aadka u xiisayn jiray. Kumannaan buug oo ka mid ahaa maktabaddiisa ayaa laga heli karay khaanadaha, halka qaar kalena aan weli laga furin kartoonadii lagu keenay. [...] Buugaagta kale ee maktabadda xabsiga badankoodu waxay ahaayeen majallado qadiimi ah, qaar ka mid ahna aad bay u naadir ahaayeen. Waxaan markii hore bilaabay in aan si aan ujeeddo lahayn wax u akhriyo, ilaa aan bartay in aan si xulasho leh oo ujeeddo cad leh wax u akhriyo.”

Qiyaastii 15% maxaabiistii ku xidhnaa xabsigan waxay ahaayeen dad Madow. (Ka eeg bogga 250, cutubka “Satan” ee buugga The Autobiography of Malcolm X.)

Shan tallaabo oo Malcolm u adeegsaday waxbarashada
  1. Qoraalka: Sannadihii uu xabsiga ku jiray, Malcolm waxa uu si weyn u horumariyey hab-qoraalkiisa. Fariimaha uu heli jiray iyo kuwa uu diri jirayba waxay isugu jireen farriimo ay is dhaafsan jireen macallinkiisii diinta, Elija Maxamed, iyo walaalihii. Waxa kale oo uu farriimo u diri jiray saaxiibbadii ay soo wada mareen waayihii anbadka ahaa, kuwaas oo u badnaa waano iyo talooyin.

    Waxaa xusid mudan warqad uu u diray badhasaabka gobolka, taas oo uu ku soo bandhigay soo jeedin la xidhiidha arrimaha dadka Madow iyo takoorka lagu hayo. Qoraalku waxa uu ahaa farsamada uu ku xeeladeeyo gudbinta fariimihiisa.

  2. Isbaridda Qaamuuska: Barashada qaamuusku waxay Malcolm ka caawisay laba arrimood oo muhiim ah: korodhsiga eray-bixinta iyo horumarinta far-qoraalkiisa.

    Markii ugu horraysay ee uu qaamuuska furay, waxa uu la kulmay erayo iyo weedho cusub oo aad ula yaab geliyey. Bog kasta oo uu akhriyo, waxa uu isku dayi jiray in uu dib ugu xardho miis dushiisa, isaga oo ujeeddadiisu ahayd in uu eray kasta barto oo xafido. Waxa uu hawshaas sii waday ilaa uu gaadhay heer uu dib u qoro erayo aad u tiro badan. Dadaalkaasi waxa uu ka caawiyey in uu horumariyo hab-qoraalkiisa, isla markaana uu si dhakhso leh u fahmo waxa uu akhrinayo.

  3. Akhriska Tolmoon: Ka dib markii uu bilaabay barashada qaamuuska, waxa si weyn u kordhay fahamkiisa iyo awooddiisa wax-akhris. Mawduucyada uu xoogga saari jiray waxa ka mid ahaa addoonsiga, ilbaxnimadii qaaradda Madow, loollankii gumaysi-diidka ahaa ee Hindidu kala hortimid reer Yurub iyo dagaalkii Opium-ka ee Shiinaha.

    Dhigaalada uu muddadaas daalacday waxa ka mid ahaa Wonders of the World, oo ka warramaya raadadkii qadiimka ahaa ilbaxnimooyinkii hore ee dadyowga aan reer Yurub ahayn. Waxa kale oo uu akhriyey The Story of Civilization iyo Outline of History, oo labaduba soo koobaya taariikhda dunida. Buugaagtaasi waxay ka mid ahaayeen qoraalladii aragtidiisa ku ballaadhiyey intii uu ku jiray maktabadda xabsiga.

    Dhigaallada kale ee uu akhriyey waxa ka mid ahaa The Souls of Black Folk iyo Negro History, kuwaas oo ka warramaya taariikhda dadka Madow, gaar ahaan waayihii ka horreeyey addoonsigii iyo keenistoodii qaaradda Ameerika.

    Saddexda majalladood ee Sex and Race ayaa iyaguna ka mid ahaa qoraalladii uu xiisayn jiray. Waxa ay ka warramayeen ilbaxnimooyin kala duwan oo dunida soo maray, sida bulshooyinkii Coptic-ga ee Masiixiyiinta, ilbaxnimadii Faraacinada, ilbaxnimadii guunka ahayd ee Itoobiya iyo ilbaxnimada Shiinaha.

    Waxa kale oo uu akhriyey buugga qadiimka ah ee Finding in Genetics, oo uu qoray Gregor, kaas oo faahfaahinaya hidde-sidayaasha aadamaha. Sidoo kale, waxa uu akhriyey sheeko-faneedka Uncle Tom’s Cabin, oo ahaa buuggii sheeko-faneed ee keliya ee uu akhriyey muddadii uu bilaabay akhriska mitidkaa.

    Buugga The Story of Oriental Civilization ayaa isaguna ka mid ahaa dhigaalladii uu ka akhriyey dugsiga orientalism-ka, isaga oo ka hadlayey taariikhda iyo ilbaxnimooyinka Bariga iyo Bariga Dhexe. Waxa kale oo uu akhriyey Paradise Lost, oo ka warramaya qisada Ibliis ee Jannada laga soo eryey.

    Ugu dambayn, taariikh-nololeedyada sida dhaw saamaynta ugu yeeshay waxa ka mid ahaa buugga Nat Turner, hoggaamiyihii dadka Madow ku boorrin jiray in ay xuquuqdooda u halgamaan xilligii addoonsiga; John Brown, oo ka mid ahaa dadkii caddaanka ahaa ee ka qayb qaatay halgankii lagu soo afjarayey addoonsiga; iyo Mahatma Gandhi, halgamaagii Hindiga ahaa ee halgankiisu ku dhisnaa hannaanka salmiga ahaa, kaas oo sumcad u noqday shucuubaha koonfureed.

  4. Ku xifaaltanka doodaha xabsiga: Toddobaad walba waxa maxaabiista loo agaasimi jiray doodo loogu talagalay in kor loogu qaado wacyigooda iyo aqoontooda. Waxa kale oo jaamacadaha Harvard iyo Boston ay xabsiga u soo diri jireen macallimiin bixiya casharro ku saabsan mawduucyo kala duwan.

    Fursadahani waxay Malcolm ka caawiyeen in uu horumariyo awooddiisa doodda iyo habka uu fikradihiisa u difaaco. Waxa uu sidoo kale fursad u helay in uu dood kula galo maxaabiistii caddaanka ahayd ee dadka Madow u muujin jiray nacaybka.

    Waxaa xusid mudan dood kulul oo uu ka qayb galay, taas oo ku saabsanayd sida Itoobiyaanku isaga caabiyeen gumaysigii Talyaaniga, iyaga oo adeegsanayey tababar ciidan oo khasab ah. Dooddaas waxa uu si dhiirran ugu soo bandhigay naf-hurnimadii iyo iska-caabbintii Itoobiyaanka.

    Ugu dambayn, doodihiisa iyo ka qaybqaadashadiisa hawlahaas ayaa ka qayb qaatay baraarugga maxaabiista Madow. Sidaas darteed, waxa la sheegay in arrimahaasi door ku lahaayeen in xabsi kale loo wareejiyo, dabadeedna dib loogu celiyo xabsigii hore ee Charlestown.

  5. Dhageysiga qotada dheer: Dhegaysigu waxa uu ahaa mid ka mid ah hababka ugu muhiimsan ee Malcolm aqoonta ku raadsan jiray. Inta badan waxa uu marka hore si feejigan u dhegaysan jiray dadka kale, ka hor inta aanu su'aalo weydiin.

    Booqashooyinka ay walaalihii ugu iman jireen xabsiga waxa uu uga faa'iidaysan jiray in uu xog ka helo waxa dibadda ka dhacaya. Waxay uga warrami jireen casharrada iyo kulamada ay qabanqaabin jireen xubnaha Nation of Islam, iyo waxbaristii Elija Maxamed. Xidhiidhkaas ayaa ugu dambayn qayb ka qaatay barashadiisii diinta Islaamka.

Mar wax laga waydiiyey xiisihiisa ku aadan wax akhriska qotoda dheer waxuu uu ku jawaabay:

“[Waxa aan ugu jecelahay waa] dhigaalka. Marnaba ma arki kartid aniga oo shan iyo toban daqiiqo fadhiya oo aan waxba baranayn, hadii kalo oo aan umaleenayo in aan dadka madaw caawinaayo.”

Dhanka kale, xiiso badan uma hayn shaqooyinkii ay ka tageen faylasuufyada reer Galbeedka sida Schopenhauer, Kant iyo Nietzsche. Waxa uu ku naqdin jiray in fikradahoodu jidka u sii xaadheen aragtiyihii Faashiistaha iyo Naasiyiinta.

Gunaanad

Dadaalkaas muddada tobanka sannadood qaatay waxa uu Malcolm u dhaxalsiiyey in uu noqdo hoggaamiye saamayn weyn ku yeeshay shucuubtiisi Madowga ahayd. Waxa kale oo muddadaas la sheegay in araggiisu daciifay, arrintaas oo ay sababtay akhriskiisii xad-dhaafka ahaa isagoona uu ku dhacey xanuunka indhaha ee loo yaqaan Astigmatism. Wax-isbariddiisu waxa ay u furtay fursado kala duwan, sida tifaftirka qoraallada, ka qaybgalka doodaha iyo jeedinta muxaadarooyinka jaamacadaha iyo ururradii uu hoggaanka u hayey.

Waxa aynu ka baran karnaa wadiiqada waxbarasho ee uu Malcolm iskii u jeexay dhawr qodob. Kow, joogtaynta waxbarashada iyo sida hab-raac miisaamani qofka muddo kooban ku gaadhsiin karto aqoon ballaadhan. Laba, waqtiga oo dheeraada ma aha in uu caqabad ku noqdo qofka waxbaranaya, haddii uu la yimaaddo dadaal iyo juhdi joogto ah oo uu ku gaadhi karo maxsuul la taaban karo. Saddex, waxbarashadu kuma koobna sannadaha cayiman ee jaamacadaha lagu qaato; mana aha in marka waxbarashada rasmiga ahi dhammaato uu qofku halkaas ku joojiyo. Wax-is-waxbaridu waxay saamayn ku yeelan kartaa qofka iyo bulshadaba.

Aragtidiisa ku saabsan waxbarashada jaamacadaha, waxa uu ku cabbiray hadalkan:

“Waxaan doorbidi lahaa xabsiga, waayo waxa aan ka badbaaday in ay mawjadaha mashquulku i jiitaan.”