Skip to main content

Sunday 20 April 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Buug

Hannaanka Macnola'aanta

28 February, 2025
Image
jkj
Share
Buuggani waxa uu ka mid yahay buugagga dhaliila ‘casriyowga’, ee gorfeeya natiijadiisa iyo sida ay ku dambayn doonto noloshan casriyoobaysaa. Gorfeyntani waxay isbarbardhiggaysaa qodobbada uu buuggu taaban iyo siduu yahay waaqaca dalalka Carabta oo aan waxbadan wadaagno, in kastoo xaaladeenu ka sii daran tahay.

Markii aan akhriyey buugga uu qoray Alain Deneault, waxa filanwaa igu noqday sida uu waaqaca u gorfaynayo. Waxa aan akhriyey tarjumaadda Carabiga ah ee ay tarjuntay, diktoorad Mashaacil Cabdicasiis al-Haajiri. Buugga ka sokow, ima seegin in aan akhriyo hordhaca ay buugga u samaysay, oo runtii ah hordhac waafi ah oo dhinac kasta koobsanaya. Intii aan akhrinayey waxa aan waday in aan is barbardhigo qodobbada buuggu ka hadlayo iyo sida wax uga socdaan jaamacadaha dalalka Carabta iyo guud ahaan jaamacadaha dunida, ee dhinacyada fanka iyo warbaahinta, gaar ahaan warbaahinta la daawado iyo baraha bulshada, isbarbardhiggaasna waxa iiga sii kordhay u qaadanwaa. Haddii aanay jirin goobo faro-ku-tiris ah oo ka shaqeeya iftiiminta fekerka, aqoonta, warbaahinta iyo fanka, sida Xarunta Carbeed ee Cilmibaadhisaha iyo Diraasadda Siyaasadaha, oo ah goobo aad ugu yar dunida Carabta, waxa aan aamini lahaa in buuggani si toos ah ugu saabsanyahay macnola’aanta lagu hayo dunida Carabta. Buuggu waxa uu khuseeyaa nolosha sii macno beelaysa iyo hannaanka lagu macnatirayo nolosha ee ka jira Galbeedka. Macnobeelku waxa uu la macno yahay feker la’aan iyo hoos u dhaca qaab fekerkii jiray, waxaana meesha ka baxaya halbeeggii wanaagga.

Macnotirka wax kasta oo qiimo badnaa iyo isku milka halbeegyadii kala soocnaa ee nolosha waxa aynnu ka dheehan karnaa bandhig faneedyada iyo farshaxanka. Xilligan waxa la isla yaqaan in qofi soo galo bandhig farshaxan, oo uu kolba ku hakado sawir si farshaxan leh boodh loogu xardhay, hor iyo dibna u dhaqaaqo oo dhugashada ku dheereeyo, oo uu muujiyo xiisaha uu u qabo. Waxyar ka dib, waxa uu raadinayaa saaxiibbadii, si uu u salaamo, oo uu dhawr koob ula cabbo, lana cunteeyo. Waxa uu ku celcelinayaa ereyo aan macno ku dhex jirin, sida: waa bandhig ashqaraar ah, boodhadhku waa qurxoonyihiin, midabbadu waa ay is leeyihiin, wax cusub baa sannadkan yaalla, ama hadallo kale oo la mid ah. Qaabkan ayaa uu fanku ku waayayaa ujeedkiisii ahaa in wax laga dheehdo, oo uu wax tibaaxo, oo waxa uu ku soo koobmayaa agab wax lagu qurxiyo oo aan lahayn macno intaas ka ballaadhan.

Buuggani waxa uu ka mid yahay buugagga dhaliila ‘casriyowga’, ee gorfeeya natiijadiisa iyo sida ay ku dambayn doonto noloshan casriyoobaysaa. Buuggani waxa uu markii hore kusoo baxay af Faransiis sannadkii 2015. Inta awooddayda ah waxa aan isku deyi doonaa in aan is dhinaca wado isbarbardhigga waxa buugga ku jira iyo mawduucyada hordhaca turjumaanka ku jira ee metelaya waaqica dalalkeenna. Macnaha waxa aan buugga ku akhrinayaa indho ka metelaya waaqaceenna dhaqan ee xilligan taagan, oo ah waaqac xulashada waxa wanaagsani hoos u dhacay, macno la’aanta, tayo dhaca iyo nolosha sar-ka-xaadiska ahi faaftay. Waa waaqac kooxo badan oo macnotirka nolosha ku hawlani meelo badan ku habsadeen, si gaar ah haayadaha aqoonta iyo warbaahinta talifeeshannada iyo baraha bulshada, oo qofka wakhti dheer ku dhex jiraa aanu ka dheefayn wax aan ahayn macnola’aan aan waaqaca waxba ka tarayn iyo buuqa dad aanay ahayn in qofku wax ka dhegaysto.

Macnotirka lacagta iyo jaamacadaha

Dadka macntotirka nolosha wadaa ma aha dadkii aan waxba baran gebi ahaanba, se waa dad heerdhexe iyo heer sareba ka gaadhay waxbarashada, oo waxii laga codsado fulinaya diidmo la’aan, danta keliya ee ay eegtaanna tahay abaalmarin ama dallacsiin shaqo. Macnola’aanta waxa minbar u ah baraha bulshada iyo talifeeshannada soo daaya barnaamijyo aan nuxur lahayn. Waxa kale oo macnotirka nolosha dhabta ah ka qayb qaata aqoonta guud ee nidaamka waxbarasho ee jaamacadeed soo saaro. Hannaanka macnotirku ma aha wax subax uun lagu waabariistay, ee waa natiijada sooyaal dheer oo ka yimi isbedelladii Hantigoosadka, si gaar ah wakhtiyadii isku furanka adduunka. Macnola’aanta nolosha cusub waxa la caabudaa saddex xagalka ah: lacag, qurux dumar iyo muusigga. Waa awoodda meesha ka saaraysa aqoontii dhabta ahayd iyo fankii sare ee macnaha lahaa. Nidaamkan cusub ee macnola’aanta ah waxa la isugu faanaa soo bandhigga qofku waxa uu haysto, inta miyirka qabta ee aan macnotirka ka qayb qaadanaynna lama jecla.

Sida lagu yaqaannay sooyaalka jaamacadaha, jaamacaddu waxa ay liddi ku tahay aqoondarrada iyo macnodarrada nolosha. Se nasiibdarro, jaamacadda lafteedii, oo qayb ka ah isbeddellada Hantigoosadka, ayaa si degdeg ah isu rogtay. Hadda waxa ay noqotay warshad soo saarta khubarada, halka ay hore u ahayd beer aqooneed, oo soo saarta dadka fikira, cilmibaadhayaasha iyo aqoonyahanka. Derajada ‘khabiir’ waa wax ku yimi kala jajabinta joogtada ah ee aqoonta, oo sidii inba loo sii kala qaybinayey ugu dambayn qaybo badani meesha ka baxeen. Khabiirku waa qof kharash lagu bixiyo si uu u dejiyo qorshayaal, usoo saaro warbixinno ama cilmibaadhiso metelaya danaha cidda lacagta bixisay. Xidhiidhka lacagta iyo akaadimiyadda ka dhexeeyaa waa wax aan qarsoonayn; oo sanduuqyada hawlgabka barayaasha waxa maamula maalgashadayaal Hantigoosad ah. Dhigaallada jaamacadaha waxa lagu maamulaa qaabab Hantigoosad, oo waxa loo maalgashadaa sida suuqyada kala iibsiga saamiyada, oo ah wax ka duwan ujeedkii jaamacadda. Cilmibaadhayaasha raba in ay jaamacad ku biiraan, deeq waxbarasho looma oggolaado ilaa inta laga helayo cid maalgelisa cilmibaadhistiisa. Jaamacadaha laftooda waxa maalgeliya shirkado ganacsi, sida shirkadaha dawooyinka iyo kuwa cuntada, sidaasna waxa ugu suurogala in ay maamulaan. Habkan ayaa ay jaamacaduhu uga beddelmeen in ay waxsoosaar aqooneed sameeyaan, oo ay soo saaraan khubaro suuqa u adeega. Waxa ay ka  gaabiyeen kaalintoodii ahayd in ay soo saaraan aqoonyahanno waajihi kara mushkiladaha, waxaanay soo saaraan khubaro ku takhasusay laan yar oo aqoonta ka mid ah, oo waxa ay isu rogeen xarumo ganacsi. Qoraagii Xaaji Khaliifa, waxa laga yaabaa in uu wax badan dareensanaa markii uu yidhi: “Ujeedka aqoontu ma aha in lagu shaqaysto, ee waa in xaqiiqooyinka la eego, anshaxana lagu hufo. Qofka aqoon u barta in uu ku shaqaystana laguma tirinayo aqoonyahanka, ee waa qof u eg uun culimadaas”.

Xirfaddaha

Kaaral Maarkis, 180 sanno ka hor, waxa uu ka sheekeeyey sida shaqaaluhu uga fogaaday wax-soo-saarkiisii, iyo sida Hantigoosadku uga fogaysay qofkii xirfadda lahaa hab-nololeedkiisii ahaa in uu isagu wax soo saaro, ee ay uga dhigtay aalad keliya qayb ka ah hannaanka wax-soo-saarka. Xaaladda uu berigaas Kaaral Maarkis ka sheekaynayey hadda ayaa ay figtii u sarraysay gaadhay, oo xirfaddu xidhiidh lama laha cidda ku shaqaysanaysa, ee keliya waa wax adduun lagu raadiyo. Kuwo badan ayaa ka ganacsada buugagga, oo macaamiisha u sharraxa waxa ay ka hadlayaan, iyaga oo akhrinba. Shaqadu xilligan keliya waxa ay u baahantahay suuqgayn iyo in aad cid ku qancin kartid. Qaabkan ayaa uu Hantigoosadku ku abuuray shaqooyin tirobeel ah oo aan u baahnayn khibrad iyo aqoon, se keliya u baahan tababbar fudud oo degdeg ah, oo ay sameeyaan khubaro aan iyaguba wax ka fahansanayn, se keliya raaca hannaan hore loo dejiyey. Xisaabiyuhu waxba kama fahansana dhaqaalaha iyo cilmiga bulshada, dhakhtarku uma fiirsanayo indhaha bukaanka ama maqaarkiisa, bal in uu shaybaadh dheeraad ah samayn karo, dhammaan waxa ay raacayaan hannaan dejisan oo aan u baahneyn feker. Qofka u fiirsada dunida macnola’aantu waxa uu ogaanayaa in buugagga ugu iibka badani ay yihiin kuwa ugu hooseeya feker ahaan.

Macnola’aantu waa in siyaasaddii ahayd manhajka sharfan ee kala sheegaysay xaqa iyo waajibka, ee sarraysiinaysay anshaxa suubban, danaha bulshadana mudnaanta siinaysay, loo beddelo keliya tilmaamo iyo halbeegyo madhan oo aan waxba u hoosayn, sida daahfurnaan iyo isla xisaabtan. Tani siyaasadda waxa ay ka dhigtay in lagu faano waxqabadyo qof u gaar ah iyo wax lagu shaqaysto. Dunida ganacsiga waxa ay kusoo koobtay isugu faanidda dallacaadda, se aan loo dhugyeelan curin iyo aqoon. Waxa la yaab leh, markasta oo adeegsiga ereyada isla xisaabtan iyo daahfurnaan bato, waxa kale oo sii bata musumaasuqa.

Fekradahan cusub iyo siyaasadaha ka dhalanayaa waxa ay shaqadii dawladda u rogayaan shirkad saddex shaqo oo keliya qabata: nabadgalyada gudaha, arrimaha dibadda iyo garsoorka. Macnaha waxa ay dawladdii kusoo koobtay ilaalinta danaha maaliyadeed ee dad gaar ah, waana natiijada libiraaliyadda cusub. Waxa meesha ka baxay kala duwanaantii feker, sooyaal iyo siyaasadeed ee dhinacyada bidixda iyo midigta, oo ka dhigan dhimashada siyaasadda. Luuqadda siyaasiyiinta cusub, aydhiyoolajiyiinta iyo gorfeeyayaasha nolosha maalinlaha ah ee talifeeshannada ka hadlaa ma laha wax curin ah, waxaanay kusoo celceliyaan ereyo madhan oo aan waxtar ku lahayn nolosha waaqaca.

Waxa la yaab leh in macnotirka lagu wado noloshii rasmiga ahayd, haddana ay hesho weyneyn iyo u sacabbin. Dadka macnolawaayaasha ahi ma shaqo la’, oo waxa ay ku xiiqsanyihiin soo saaridda wax macno la’. Soo saaridda barnaamij talifeeshan, tusaale ahaan, waxa uu uga baahanyahay in buuq badan la diyaariyo, in lasoo fadhiisiyo khubaro wax kasta uga hadla si aan qotodheerayn, waxaana la diyaariyaa jawi la qurxoon oo aan dhaafsiisnayn qurxinta gidaarrada iyo adeegsiga calaamado ganacsi.

Quud iyo madaddaalo

Waa laba lammaan quudka iyo madadddaaladu.  Dadku waxa ay rabaan wax ay quutaan oo ay ku noolaadaan, xilliganna waxa ay dadku la daalaadhacaan sicirbararka quudkooda, mushaharka, cashuuraha iyo caymiska, se waxa ay ku madaddaashaan talifeeshan, gaar ahaan barnaamijyada madaddaalada, sida abaalmarinaha, heesaha la kharribay. Warbaahinta muuqaalka ahi waa waxa u weyn ee lumiyey halbeegyadii korranaa. Qof kasta oo loo arko in uu soo jiidasho leeyahay, kana soo muuqan karo muuqaal, aad baa loo buunbuuniyaa, dadkana qofkaas baa halyeyga lagu daydo u noqda. Alain Deneault waxa uu aaminsanyahay haddii dadku ku dhacaan dabinka lammaanaha quudka iyo madaddaalada ay ku dhacaan, waxa ay gunta u fadhiyaan nolosha macnola’aanta ah ee keliya la qiimeeyo caannimada iyo hantida.

Waxa laga soo turjumay halkan.