Wednesday 12 August 2026
Hadal-jeedintan waxa lagu falanqaynayaa hannaanka dhaqaale ee Somaliland, sida uu suuqa xorta ahi u shaqeeyo, macaashka xad-dhaafka ah ee ka dhasha marka aanu jirin nidaam dawli ahi, iyo kaalinta ay dawladdu ku yeelan karto ilaalinta tartanka, xuquuqda macaamiisha iyo danta guud. Barnaamijkan waxa marti ku ahaa Axmed-Xiis Dharbaan, isaga oo kaga hadlay caqabadaha ka jira dhaqaalaha Somaliland, saamaynta ay suuqyada aan la nidaamin ku yeeshaan bulshada, iyo sida loo heli karo hannaan isu dheellitira xorriyadda ganacsiga iyo masuuliyadda dawladda.