Skip to main content

Saturday 19 April 2025

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
Masrax

Hanaqaadka Filim-Samaynta Soomaaliya iyo Loollanka Cusub ee Shirkadaha Filimada

2 April, 2025
Image
Banaadir
Shaneema Banaadir
Share

Soomaalidu waa dad hodan ku ah suugaanta, fanka, iyo sheeko-faneedka, waana ummad fac weyn u leh hal-abuurka dhinaca hadalka, heesaha, gabayada, iyo riwaayadaha. Hiddahaas iyo dhaxalkaas suugaaneed ayaa noqday dhidibka ay ka soo unkameen filim-sameynta casriga ah ee Soomaalida, taas oo sannadihii dambe xawaare cusub ku socotay. Filimadu ma aha oo kaliya madadaalo, ee sidoo kale waa isha laga daalacan karo taariikhda, dhaqanka, siyaasadda, iyo waaqica nololeed ee bulshooyinka. Sooyaalka filim-sameynta Soomaaliya wuxuu leeyahay marxalado kala duwan, mid walbana waxay leedahay raad iyo dhacdooyin taariikhi ah oo mudan in la xuso. Haddii aan dib u milicsanno, filim-samaynta Soomaaliya waxa ay salka ku haysaa riwaayadihii waaweynaa ee ay horseedka ka ahaayeen fannaaniintii iyo jilayaashii mudh baxay xilligii dowladdii dhexe. Tusaale, Bandhiggii Qaranka ee 1970-meeyadii wuxuu dhidibada u aasay suugaantii casriga ahayd, gaar ahaan riwaayadaha faneed ee ay jilayeen kooxda Waaberi iyo kooxo kale. Riwaayaduhu waxay ahaayeen filimadii Soomaalida ee waagaa, waxaana la oran karaa muuqaalkii iyo filim-samaynta casriga ah waxa uu bilowday horaantii 1980, markaas oo la sameeyay filimo dhowr ah sida Xoog iyo Xigmad, Habboon, iyo Aqoon & Afgarad.

Si kastaba ha ahaatee, dagaalladii sokeeye ee dalka ragaadiyay waxay dib u dhigeen horumarkii filim-curinta, iyada oo mararka qaar la oran karo filimadu gebi ahaanba way istaageen. Hase yeeshee, fanka Soomaalida weligii ma damin, ee wuxuu sidii dab-qiiqaya u sii jirey, uguna gudbay xilliyadii burburka dowladnimadda.. waxaa na dib loo helay muuqaal cusub oo filimadu yeesheen, iyada oo dhalinyaro cusub ay usoo baxeen samaynta filimada ay uga sheekeynayaan xaaladda nololeed ee ummaddooda.

Loollanka Cusub ee Shirkadaha Filimada-Sameeya

Sannadihii u dambeeyay, waxaa mar kale nafta lagu soo celiyay filim-samaynta Soomaaliya. Shirkado tiro badan oo ku howlan filim-samaynta ayaa soo baxay, iyagoo adeegsanaya tignoolajiyada casriga ah iyo baraha bulshada, kuwaas oo sahlay in filimada la gaarsiiyo Soomaali da daafaha dunida ku kala nool. Waxaa jira filimo tiro badan oo ay sameeyeen dhallinyaro ka kala timid Muqdisho, Hargeysa, Nayroobi, iyo Landhan, kuwaas oo dhammaantood damacsan inay magac iyo maamuus u yeelaan filim-samaynta Soomaaliya. Haddana, loollanka ugu adag ee shirkadaha filimada Soomaaliyeed ay wajahaan waa tartanka ay la galayaan shirkadaha waaweyn ee caalamiga ah iyo kuwa dariska ah. Filimadu waxay noqdeen ganacsi caalami ah oo u baahan miisaaniyad, suuq-geyn, iyo xirfado sare. Shirkadaha filim-samaynta ee Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin in ay xoojiyaan xirfaddooda, maalgashadaan tayada filimadooda, ayna helaan suuqyo ay si dhab ah ugu tartamaan.

Waxaa xusid mudan in dhowr filim oo Soomaaliyeed ay gaareen heer caalami ah, sida filimka The Gravedigger’s Wife, oo ah filim Soomaaliyeed oo lagu soo bandhigay caalamka, islamarkaana guulo ka gaaray bandhigyada filimada ee Yurub iyo Afrika. Taasi waxay caddeyn u tahay in haddii hal-abuurka, xirfadda, iyo dadaalku is biirsadaan ay suurtagal tahay in filim-samanta Soomaalidu gaarto heer ay suuqa kula tartanto shirkadaha caalamiga ah.

Tiyaatarka Qaranka: Halbowlihii Fanka iyo Suugaanta

Tiyaatarka Qaranka Soomaaliyeed waa mid ka mid ah astaamaha ugu muhiimsan ee fanka, suugaanta, iyo dhaqanka Soomaalida. Waa goob dhaxal-gal ah oo muddo dheer u ahayd xarunta ugu weyn ee ay ka hana-qaadeen jilayaal, heesaa, iyo hal-abuur magacooda iyo mirahooda weli lagu xasuusto. Tiyaatarka Qaranku wuxuu lahaa door weyn oo uu kaga qayb qaatay kobcinta fanka iyo suugaanta, isagoo saldhig u noqday riwaayadaha, filimada, iyo majaajilada bulshada wacyigelisa.

Tiyaatarka Qaranka waxaa si rasmi ah loo furay sanadkii 1967, isagoo xilligaas noqday tiir-dhexaadka horumarka fanka Soomaaliyeed. Dowladdii Dhexe ee Soomaaliya ayaa maal-gelisay dhismahiisa, waxaana la doonayay in uu noqdo xarunta ugu weyn ee lagu soo bandhigo riwaayadaha, suugaanta, iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

Markii ay filimadu soo baxeen, Tiyaatarka Qaranka wuxuu noqday goob muhiim u ah jilayaasha iyo filim-sameeyayaasha Soomaaliyeed. Waxaa lagu soo bandhigi jiray filimada ugu horreeyay ee ay sameeyaan jilayaashii Soomaaliyeed, oo ay ka mid ahaayeen, filimadaas waxa ka mid ah: Xoog iyo Xigmad, Aqoon iyo Afgarad, Habboon iyo Run iyo Been. Filimadan waxay xambaarsanaayeen dhanbaallo qoto dheer oo bulshada wax u ifinayay, isla markaana suugaanta iyo dhaqanka Soomaaliyeed si qurux badan ugu muujinayay.

Goobihii Kale ee Filimada Lagu Daawan Jiray ama Lagu Curin Jiray

Inkasta oo Tiyaatarka Qaranka ahaa xarunta ugu weyn, haddana waxaa jiray goobo kale oo muhiim u ahaa filim-samaynta iyo daawashada fanka waxaana ka mid ahaa:

  • Sinema Soomaaliya – Oo ahayd goob laga daawan jiray filimada shisheeye iyo kuwa maxalliga ah.
  • Sinema Equator – Oo ka mid ahayd meelaha ay dadka Muqdisho si weyn ugu daawan jireen filimada.
  • Goobo kale oo lagu qaban jiray bandhigyada faneed sida hoolalka waaweyn ee hoteellada iyo xarumaha dhaqanka.

Magaalooyinka kale sida Hargeysa, Boosaaso, Kismaayo, iyo Baydhabo ayaa iyaguna lahaa goobo faneed, hase yeeshee, Muqdisho waxay ahayd xarunta ugu weyn ee filimada iyo fanka lagu horumariyay.

Hanaqaadka filim-sameynta Soomaaliyeed wuxuu u baahan yahay in la xoojiyo, la horumariyo, loona abuuro xarumo waxbarasho oo kor u qaada xirfadaha jilayaasha, qoraayaasha, duubayaasha, iyo farsamayaqaannada ka shaqeeya fanka. Waxa kale oo muhiim ah in la dhiso suuq filimeed gaar u ah Soomaalida, halkaas oo filimadu ku yeelan karaan qiimo iyo baahi ay dadku u qabaan. Dunida maanta la joogo, filimadu ma aha oo kaliya madadaalo, balse waa warbaahin awood leh oo wax lagu beddelo. Sidaas darteed, waxa la joogaa waqtigii la xoojin lahaa filim-samaynta Soomaaliyeed, si aan uga dhigno mid ka dhex muuqata fanka caalamiga ah, loona xaqiijiyo in sheekooyinka Soomaalida la dhagaysto, la daawado, oo ay taariikhda ka galaan meelo sharaf leh.