Sunday 7 June 2026
Bal akhri wadasheekaysigan:
Dr. Buddy: naftaada nooga warran, kuma ayaad tahay?
Dave: Waa tahay, waxaan ahay, maamulaha shirkadda calafka ee Dukaamaale, waxaan sidoo kale ka shaqeeyaa ...
Dr. Buddy: Maya, ma rabo inaad noo sheegto waxaad qabato. Waxaan rabaa inaad noo sheegto qofka aad tahay.
Dave: Haye, waa yahay. Hmm... Waxaan ahay nin aad u wanaagsan. Waxaan... mararka qaar jeclahay inaan ciyaaro kubadda cagta.
Dr. Buddy: u kaadi, sidoo kale, hiwaayadahaaga kuma weydiin, Daadir. Si fudud; noogu sheeg qofka aad tahay.
Dave: Een... ... ma i siin kartaa tusaale ku saabsan sida ugu fiican ee aan u jawaabi karo. Hmm... maxaad i tiri?
Dr. Buddy: Ma Cabdi baad rabtaa inuu kuu sheego qofka aad tahay?
Dave: Maya, een... waxaan ahay nin dabeecad dagan oo dabacsan. Mararka qaar... waxaa laga yaabaa inaan go'aan-qaadashada ku yara dhibtoodo. Een...
Dr. Buddy: War heedhe weli waxaad sifaynaysaa waa dabeecaddaada. Waxaan rabaa inaan ogaado... qofka aad tahay.
Dave: Wallay iga tahay, anigu ma garanayo waxa baas ee aad rabto inaan sheego!
Wadasheekaysigan waa qurub yar oo ka mid ah filinka Anger Management (2003), waxa uu dhexmarayaana labada jilaa Dr. Buddy Rydell (oo uu metelayo Jack Nicholson) iyo Dave Buznik (Adam Sandler). Muuqaalkani wuxuu muujinayaa dhibaato weyn oo casri ah: kala duwanaanshaha u dhexeeya aqoonsiga ku dhisan shaqada iyo hab-dhaqanka (waxa aan qabanno iyo sida aan u dhaqanno) iyo aqoonsiga asalka ah (nuxurka jiritaankeenna). Niyadjabka ka muuqda jawaabaha Dave waxay ka turjumayaan sida ay u adag tahay in qofku isqeexo. Qofku wuxuu si fudud u sheegan karaa magaciisa iyo abtirsiintiisa, wuxuu isku qeexi karaa qaabka waaxyaynta noolayaasha oo wuxuu dhihi karaa: “waxaan ahay, noole, waxaan ka sii ahay, xayawaan, xayawaankana waxaan ka sii ahay kuwa fekera”. Deegaannada shaqada, su’aashan waxaa inta badan loo adeegsadaa qalab lagu qiimeeyo qofka. Madalaha bulshada waxaa laga yaabaa inaad isku qeexdid, dhalashadaada, qabiilkaaga, waxaad baratay ama dabeecadahaaga. Haddana sidaas oo ay tahay weli waa mid adag in qofku si dhab ah isu qeexo. Su’aasha ah “kuma ayaad tahay adigu, sida dhabta ah?” waa su’aal la da’ ah su’aasha ogaalka. Waa su’aal ka mid ah su’aalaha waawayn ee falsafadda. Mufakiriin badan ayaa na isku dayey inay ka jawaabaan. Qormadan kooban, waxaan isku dayeynaa inaan jawaab waafi ah u helno halxidhaalaha jiritaanka.
Si loo fahmo sababta ay su'aashu u adag tahay, waa in la eego sida maskaxda bini'aadamku u dhisto aqoonsiga. Cilmiga cilminafsigu wuxuu kala saaraa "Me/aniga” oo ah marka qofku isagu iska hadlayo iyo “I/aniga” oo ah marka qofku hadlayo. Fikraddan waxaa markii ugu horreysay soo hadal qaaday William James (1890). Mufakirka reer Ustareeliya ee Mateusz Wozniak, wuxuu ku doodayaa in tan hore ay ku qotonto marka qofku naftiisa ku qeexayo saamaynta waayo aragnimada nololeed ay ku yeelatay (object of experience), halka “Me” ay tahay isku qeexitaanka sameeyaha waaya aragnimada (subject of experience).
Sidoo kale qeexitaanka shakhsiga marka uu aabbaha kasmanafeedda Sigmund Freud ka hadlayo wuxuu xusayaa inay jiraan saddex qaybood oo shakhsiyadda qofku ka kooban tahay. “ID/isaga” oo ah shakhsiyadda dhalashada ah, kuna taxaluqda baahiyaha aasaasiga ah. Haddaynu si kale u dhigno qaybta xayawaanka ah ee bini’aadamka ayuu ku qeexayaa shakhsiyadda koowaad. Shakhsiyadda labaad waa “Ego/aniga” oo ah shakhsiyadda maangalnimada iyo dhab-abbaarka. Waxay ka dhalataa la falgelidda nolosha dhabta ah. Waxay miisaan u tahay oo dheelitirtaa shakhsiyadda koowaad ee baahiyaha xayawaannimada ah wadata. Waa tan la falgasha xeerarka bulshada iyo dad la dhaqanka. Qaybta saddexaad ee shakhsigu waa “superego/anigada sare - ama qabka”, waxaa qaybta damiirka xukunta, qaayasoorrada dhowrta ee canaanta badan. Waa qaybta ceebta iska dhowrta, sharafta na ilaalisa. Waxay xakamaysaa dardhaafka qaybta koowaad iyo qaybta labaad. Waxayna kugu hagtaa maxaa sax ah maxaa se qalad ah.
Dhanka kale cilminafsigu wuxuu diraaseeyaa noocyada kala duwan ee dabeecadaha, habdhaqannada iyo falcelinta shakhsiyadda. Waaxyayn badan ayaa lagu sameeyaa iyada marka laga hadlo, shakhsiyad furfuran iyo mid xidhxidhan. Hope Gillette qormo ay ku qortay shebekadda Psychcenteral aragtiyaha la xidhiidha noocyada shakhsiyadaha waxay soo guurinaysaa illaa lix waaxood oo loo dhigo noocyada shakhsiyadda. Waxaa ka mid ah bay leedahay, aragtida tilmaamaha qofka, sida shakhsi hiyisan, shakhsi taxaddar badan, mid faduuli ah IWM. Aragtiyaha aadaminimada sida aragti baahiyaha Maslow iyo tan isxaqiijinta Carl Rogers. Sidoo kale aragtiyaha bulsheed ee la xidhiidhaha habdhaqanka.
Isku soo duub oo kasmanafeeddu waxaad isugu qeexi kartaa siyaabo kala duwan adiga hadba dhinac iska eegaya, se waxaa xaqiiqo ah in qeexitaan iyo aqoonsi kasta oo aad isku sheegtaa uusan ahayn mid dhammaystiran.
Suuqa shaqada ee casriga ah dhexdiisa, su’aasha ah "Waa ayo qofka aad tahay?" waxay ka guurtay inay noqoto baadigoobka dabeecadda qofka, waxayna isu beddeshay codsi ku saabsan Summadda Shakhsiga ah (Personal Brand). Tan waxaa loo yaqaannaa badeecadaynta qofka – taas oo macneheedu yahay in qofka loola tacaamulo sidii badeecad la iibinayo. Aqoonyahanka cilmi-bulshada Erving Goffman (1959) wuxuu ku dooday in shakhsiyadda ay samayso "maareynta muuqaalkiisu" iyo sida ay dadka kale u arkaan. Inta lagu jiro wareysiga, qofka tartamayaa wuxuu soo bandhigaa nooc ka mid ah naftiisa oo ku habboon qaab-dhismeed gaar ah oo xirfadeed.
Marka qof xirfadle ah la weydiiyo "kuma ayaad tahay?" iyada oo aan laga rabin inuu soo hadalqaado shaqadiisa, wuxuu waayaa tiirarkii ugu muhiimsanaa ee uu ku dhisay qiimaha naftiisa. Tani waxay si gaar ah ugu badan tahay warshadaha iyo shaqooyinka muhiimadda weyn leh, halkaas oo isku-dhafka nolosha iyo shaqada uu meesha ka saaray xadkii u dhexeeyay qofka iyo jagada uu hayo.
Dhanka kale aqoonta cilmiga bulshadu waxay ku siin kartaa aqoonsi kale oo ka duwan mid aqoonsigaaga shakhsiyadeed. Aragtidan oo ay dejiyeen Henri Tajfel iyo John Turner sannadihii 1970-yadii, waxay soo jeedinaysaa in qayb weyn oo ka mid ah qofka laga dheegto ka mid ahaanshaha kooxaha bulshada ee uu ka tirsan yahay.
Waaxyaynta (Categorization): Waxa aan nafteenna iyo dadka kaleba ku qeexnaa xirfadda iyo waaya-aragnimad. Tusaale ahaan, "Injineer," "Maareeye," ama "Cayaartooy".
Is-aqoonsiga: Mar kale waxa aan qaadannaa aqoonsiga kooxda aan u tixgelinnay inaan ka mid nahay. Sida qaran ama qabiil ama diin.
Isbarbardhigga: Mar kalena waxa aan kooxdeena barbardhignaa kooxaha kale ee inaga duwan, taas oo abuurta dareen ka tirsanaan iyo ka soocnaan ah "innaga iyo iyaga".
Inta badan marka uu qof ku weydiiyo "isu kay sheeg?", wuxuu raadinayaan Aqoonsiga Bulsheed. Si kastaba ha ahaatee, marka su'aasha loo weeciyo dhinaca jiritaanka dhabta ah ee qofka — sida lagu arkay wadahadalkii u dhexeeyay Dr. Buddy iyo Dave — waxay meesha ka saaraysaa qaybahan oo dhan, waxaana laga yaabaa in aad dareento waxa loo yaqaanno "halis aqoonsi" (identity threat).
Si kastaba ha ahaatee, marka qofka la weydiiyo inuu isqeexo isagoon adeegsan calaamadihii dibadda (shaqada, hiwaayadaha, dabeecadda), maskaxdu waxay weydaa "qaab-dhismeedkii" looga baahnaa si ay u bixiso jawaab isku xiran. Tani waxay keentaa khalkhal garasho (cognitive dissonance). Qofku wuxuu dareemayaa inay tahay inuu garanayo qofka uu yahay, laakiin agabka luuqadeed ee uu heli karo ayaan ku filnayn inuu ku sifeeyo khibradda dhabta ah ee jiritaankiisa.
Si aynu ugu helno jawaab qotodheer su’aasha ah "Adigu kuma ayaad tahay?", waa inaan ka gudubnaa xayndaabka shaqada, shakhsiyadda cilminafsiga iyo aqoonsiga bulshada una tallaabnaa dhinaca falsafadda iyo jawaabaha ontoolajiyada — waa laanta falsafadda ee ka faalloota dabeecadda jiritaanka ama ahaanshaha. Wadasheekaysiga aan qaybta hore ku soo aragnay, marka uu Dr. Buddy diido jawaabaha doorarka shaqada, hiwaayadaha, iyo shakhsiyadda Dave, ee isku sifaynayo "sifooyinka korka xaadiska ah" wuxuu doonayaa in uu ka helo jawaab intaas oo dhan ka duwan, jawaab falsafi ah oo si dhab ah u qeexaysa ahaanshihiisa iyo jiritaankiisa qof ahaaneed wuxuu yahay.
1. Jawaabta Ahaanshaha iyo Heidegger
Martin Heidegger, buuggiisii caanka ahaa ee Ahaanshaha iyo Amminta (Being and Time, 1927), wuxuu ku soo bandhigay fikradda Dasein (oo macneheedu yahay "ahaanshaha-halkan"). Wuxuu ku dooday in bini'aadamku uu gaar yahay sababtoo ah "ahaanshaheenna" laftiisu waa arrin inagu taagan oo inna khuseysa. Annagu uma jirno sida dhagaxu u jiro; balse waxaan nahay kuwo ka warqaba jiritaankooda – baraarugsan. Heidegger Jawaabtiisa ontoolajiyadeed nuxurkeedu waxaan ku soo uruurin karnaa iyada oo aan sharraxaad laga bixinayn sifooyinkaaga, balse la sheegayo amminta joogitaankaaga. "Waxaan ahay kan hadda waaya-aragnimada u leh daqiiqaddan taagan.” Tani waxay qofka ku soo koobaysaa inuu yahay maado saafi ah. Waxay soo jeedinaysaa in aqoonsigaagu uusan ku dhisnayn waxa aad leedahay (shaqo, magac, ama taariikh), balse uu ku dhex jiro xaqiiqada ah in aad "tahay" uun.
2. Jawaabta Jiraalleyda iyo Sartre
Falsafadda jiraalleyda ah ee Jean-Paul Sartre waxay qabtaa in bini'aadamku uusan lahayn dabeecad "hore loogu dhex dhisay". Si ka duwan walxaha kale (kuwaas oo loo naqshadeeyay ujeeddo gaar ah), qofka bini'aadamka ah jiritaankiisa ayaa horreeya, ka dibna wuxuu isku qeexaa doorashooyinka uu sameeyo. Jawaabta Jiraalleyda oo kooban waa: “waxaan ahay meel madhan oo suurtogalnimo kasta qaadan kara, taas oo lagu qeexo doorashadayda xigta." Middani waa nooca ugu xagjirsan ee xorriyadda. Haddii aad dhanka ontoolajiyada ka tahay "waxba" (aan ahayn walax go’an), kuma xidhnid fashilladii hore ama cinwaanka shaqadaada ee hadda. Hase yeeshee, tani waxay sii kordhinaysaa "werwerka jiritaanka" sababtoo ah ma jirto meel adag oo aad ku istaagto.
Ugu danbaynta, Jawaabaha falsafadeed waxaa laga yaabaa in ay ina siiyaan nuxur dhaafsiisan qolofta sare ee aan isku qeexno, oo aan jiritaankeena iyo shakhsiyaddeenna u helno aqoonsi ka baxsan waxa aan qabo iyo kooxda aan ka tirsanahay.
Gunaanadka qormadeenu, dhibaatada jawaab la’aanta ee uu wajahay Dave waa ififaale lagu diraaseeyo aqoonta neerfaha. Qeexidda naftu waxay u baahan tahay kicinta qaybta dhexe ee qolofka hore ee maskaxda (Medial Prefrontal Cortex - mPFC), taas oo ah aagga maskaxda ee mas'uulka ka ah fikirka nafta lala xiriiriyo (Gusnard et al., 2001). Dr. Dan McAdams wuxuu sheegayaa "Aqoonsigu ma aha adke meel yaalla oo aan isbeddelin; waa sheeko aan nafteenna uga sheekaynno si aan macne ugu yeello jahawareerka khibradaheenna." The Redemptive Self (2006).
Si kastaba ha noqotee, su’aasha is-aqoonsiga waxaan ku soo uruurin karnaa, in qofku yahay iskudhaf aqoonsiyo badan oo uu midba meel ugu baahan yahay, goobta, goorta iyo giraanta ujeeddada ee uu markaas joogo ayaana xaddidaysa qaabka uu isu qeexayo.