Skip to main content

Thursday 19 September 2024

Aragti

Halkee ayay Salka Ku haysaa Aragtida “Dhaxal Talyaani”?

2 August, 2024
Image
Menilik
Dagaalkii koowaad ee Itoobiya iyo Talyaaniga (1895-1896). Saraakiil Talyaani ah ayaa Menilik la kulmaya iyagoo u sida heshiis nabadeed... Farshaxankii Hector Ximenes (Sawirka: PHAS/Universal Images Group via Getty Images)
Share
Hordhac 

Waxa xaqiiqo ah in aragtiyuhu ay ku qotomaan ujeedooyin siyaasadeed, dhaqan ama dhaqaale. Aragti kaste waxa curiya qayb bulshada ka mid ah iyaga oo danahooda dhex marsanaya. Cid kaste oo aragtidaas lihi waxa ay u sii dhiibtaa si toosa ama si dadban cid kale oo ay is leedahay meel bay gaadhsiin kartaa, u dhow halkay la rabtay. Geeska Afrika waa goob istraatiiji ah oo ay ku kulmaan diimaha ugu saamaynta badan dunnidu. Sidoo kale waa goob ay ku dhaqan yihiin qoomiyado kala duwan oo ka badan boqol. Intaas uun maahin e, waa goob siyaasad iyo dhaqaale ahaan muhiim ah.   

Taariikh-da marka la eego gobolka Geesku waxa uu leeyahay dhinacyo badan oo leh macaan iyo mugdi. Ilaa intii la ogaa Geesku waa meel ay quruumo iyo aragtiyo lid isku ahi ay ku hirdamaan. Aragtiyahaa badi waxa Asal u ah diimo iyo qoomiyado isku sidkan. Ilaa xilli fog waxa isku hayay Geeska quruumo kala duwan oo kooxo u kala safan islamarkaana hirdankoodu uu salka ku hayo diimo. Diimaha laysku hayay waxa sal u ah oo ugu waaweynaa diinta Islaamka iyo diinta Masiixiga oo labada jiho ee waqooyiga Geeska ama dhulka joogiisu sareeyo iyo Koonfurta ama dhulka joogiisu hooseeya ka kala iman jiray. 

Intaas waxaa dheer in ay mar dhexa yimaadeen aragtiyo ku dhisan dawladnimo aan diin la socon oo badi la socotay shisheeyihii bariga yimid. Shisheeyahaas oo ahaa reer Yurub isla markaana u yimid inay dadka dhulka deggan xukumaan ama gumaystaan. Xilligan waxa ka dhacay Geeska isbeddel aad u weyn oo saameeyay xaallada deegaan, siyaasadeed ama dhaqan-dhaqaale ee dhulka iyo dadka ku nool Geeska. Aragtiyihii hore ee Geeska yaalay waa ay isbeddaleen waxaana meesha ka baxay kuwo horey u jiray, halka ay beddaleen aragtiyo cusub oo badan. Haddaba waxa aan qoraalkan ku faalaynaynaa halka ay salka ku hayso ama ka timid aragtida in dhul ama dad gooniya loogu yeedho “Dhaxal Talyaani” oo ka dhigan waa hadhaagii Talyaaniga. Waxa aan ku falanqaynaynaa sababtaa meelaha kale loo odhan waayay ama loo waayay aragtiyaha kale ee u dhigma tan ee ah “Dhaxal Ingriis” ama “Dhaxal Faransiis”, inaga oo og in ay saddexda gumaystaba Geeska joogi jireen iyo sidoo kale halka ay Soomaalida ka soo raacday aragtidaasi maadaama oo la arko intan danbe dad Soomaali ah oo adeegsanaya aragtidaas. 

Talyaanigu Muxuu Kaga Duwanaa Gumestayaashii kale ee Ingriiska iyo Faransiiska? 

Geeska waxa ka jirey boqortooyooyin diin salka ku haya oo isku hirdiyi jirey siday midba mida kale u muquunin lahayd ee ay dhulka Geeska oo dhan uga talin lahayd, eraygeeduna u gaadhi lahaa. Waxa boqortooyooyinkaas ugu tun weynaa laba boqortooyo oo kala metalayay diimaha Islaamka iyo ta Kiristanka. Ummadaha Geeskuna waxa ay u qaybsanayeen kuwa dawladahaa ama boqortooyinkaas hormuud ka ah oo labada dhinaca kala hogaaminayay iyo qolooyinka laysku haystay oo loo kala dheeraynaayay dhinaca ay raacayaan. Taasi waxa ay keentay in muddo badan Geeska boqortooyinkaas layskugu dilo oo kolba qolo la riixo oo la jabiyo. 

Boqortooyooyinkii ugu waaweynaa waxa ka mid ahaa Boqortooyaddii Adal (Muslin) iyo boqortooyadii Solomoonik Dhaynasti (Kiristaan). Shucuubta Geeska ku nool siiba inta ka dhex leh Seylac illaa Musawac waxa loo kala safnaa labadaas garab. Muslinka oo ay matalaysay Boqortooyadii Adal, waxa hormuud u ahaa Soomaalid, Hararrida, Xarlada iyo qoomiyadaha kale ee kushitiga ah, halka Kiristanka oo ay metalaysay Boqortooyadii Solomoonik Dhaynasti, ay hormuud u ahaayeen Amxaarada, Tigreega, Agowga iyo qoomiyadaha kale Samatiga ah. Dawladii Muslimiinta xilligii uu Axmed Gurey hogaaminayay waxa ay guulo ka gaadheen dagaalo ay ku qabsadeen dhul badan oo Xabashidu leedahay, oo waxa ay gaadheen gudaha Abisiiniya, balse markii Axmed Gurey la dilay waxa ay reer Abisiiniya iyaga oo shihseeye gacan ka helaya, dib u qabsadeen dhul badan oo muslimiintu horey uga qabsadeen iyo kuwo ay horey u lahaayeen. 

Iyada oo sidaas arrini tahay oo ay reer Abisiiniya dhul badan haystaan oo ay Dawladoodu tahay ta ugu weyn ee Geeska ka talisa ayaa waxa Geeska soo caga dhigtay geeddigii gumaysiga ee reer Yurub isku balansadeen. Xilligan Xabashidu waxa ay liqeen badi qoomayadihii hormuudka u ahaa Boqortooyadii Adal sida, Hararida iyo Xarlada. Halka ay Soomaalidu ahayd bartilmaameedka kaliya ee u hadhsanaa si ay Geeska gabigiisaba uga taliyaan. Waxa Geeska yimid saddex gumayste oo kala ahaa Talyaani, Faransiis iyo Ingriis. Labada dawladood ee Ingriisku iyo Faransiisku waxa ay badi ka soo bilaabeen dhul qabsashadooda dhulkii uuna wada gaadhin xukunka dawlada Abisiinaya ama ayna si buuxda ula wareegin. Halka Talyaaniga ay is wajaheen dawladii Abisiiniya oo ahayd ta xilligaas ugu weynayd Geeska waayo, Talyaanigu waxa uu u socday inuu qabsado oo uu gumeysto Abisiiniya lafteeda. Talyaanigu waxa uu geeska galiyay Abisiiniya oo uu ka dhigay gobolo xataa uu qaarkood u aqoonsaday dawlado. Waxa uu noqday cadawga ugu weyn ee ay reer Abisiiniya leeyihiin. Waxa uu Abisiiniya ka jaray oo uu Dawlad ka madaxbannaan ka dhigay Caratariya. Waxa uu goostay inuu inta soo hadhayna dagaal uu ku qabsanayo in uu ku qaado. Sidoo kale waxa uu meesha ka saaray damacii ahaa inay qabsadaan dhulka soomaalida oo ahaa meesha kaliya ee u dhinayd dawladoodu inay gaadho oo waxa uu degay Koonfurta iyo badhtamaha dhulka Soomaalida. Walow dagaalkii Cadwa lagu jabiyay haddana ugu danbayntii waa uu qabsaday oo wuu ka taliyay Abisiiniya. Talyaanigu waxa uu kaga duwanyahay gumeystayaasha kale waxa uu wajahay oo uu kala jaray dawladii xilligaa ugu awoodda weynayd Geeska. Sidoo kale waxa uu meesha ka saaray riyadii Abisiiniya ee ahayd inay kaligeed ka talin doonto Geeska oo waxa dhowr dawladood ama gobolo u qaybiya isla intii ay haysteen. Talyaanigu ka sakow inuu ahaa gumayste aannay u kala soocnayn dadka Geesku haddana waxa uu ahaa cadawgii ugu weynaa ee Abisiiniya yeelatay. Waxa uu ahaa gumaystaha kaliya ee si dhaba u rabay inuu qabsado dhulka ay ka taliso dawlada Xabashidu, halka ay labada gumayste ee kale ayna halkaas u taagnayn.   

Halkee Ayay Salka ku Haysaa Aragtida “Dhaxal Talyaani”? 

Waxa aan kor ku soo xusnay in Geeska ay ka jireen dawlado ku dhisan diimo oo midba ay rabto inay mida kale qabsato sidaasna Geeska kula wareegto. Waxa aan soo xusnay inay qoomiyadaha kushitiga iyo Samatiga ay kala hogaaminayeen labada dawladeed ee muslinka iyo kiristanka ee Geeska ka jirey. Waxa kale oo aan soo xusnay in xliligii ay dawlada Abisiiniya gacan sareysay ee ay ahayd dawlada ugu xoogga weyn Geeska ay ku soo beegan imaatinkii geeddigii gumaysiga ee reer yurub. Waxa kale oo aan soo sheegnay in Talyaanigu uu qabsaday dhulkii ay dawlada Abisiinaya ka talinaysay oo uu qaybiyay. Sidoo kale waxa aan soo xusnay in Talyaanigu ahaa kii wajahay dawladii reer Abisiiniya oo uu qaybiyay, sidaasna ku noqday cadowgii ugu weynaa ee ay Abisiiniyiintu wajahaan. 

Reer Abisiiniya waxa ay weligood ku taamayeen oo ilaa hadda qaarkood ku taamayaan inay Geeska keligood ka taliyaan iyaga oo cuskanaya in ay xitaa badda ka talaabeen oo ay dawladoodu ka talin jirtay Yeman. Indheergaradkoodu waxa uu aaminsanyahay in uu gumaystuhu ahaa cadowgii ugu weynaa ee ay wajahdo riyadaasi waayo, waxa uu kala jaray oo uu dawlado ka kala dhigay dhulwaynihii Abisiiniya. Waxa ay aaminsanyihiin in uu ku soo dhisay oo uu dawlado ka dhigay qoomiyado yaryar oo ay iyagu u talin jireen. Waxa ay aaminsanyihiin in ay ka guulaysteen oo ay liqeen Qoomiyadihii kale ee boqortooyadii Muslinka ahayd ee Adal marka laga reebo Soomaalida oo ay iyagana u socdeen oo Talyaanigu ka soo gaadhay. Waxa ay aaminsanyihiin in uu Talyaanigu ahaa gumaystaha sharkaas oo dhan hormuudka ka ahaa waayo, isaga ayaa markii ugu horeysay reero yaryar oo ay maamulaan dawladnimo siiyay oo kala jaray dhulkii Abisiiniya. Intaas uun kuma koobnaan ee waxa uu isku dayay inuu qabsaday dawladoodii. Waxa kale oo ay colaad ugu sii qaadeen in uu Talyaanigu hormuud ka ahaa aragtida Soomaali weyn taas oo ah aragti ka dhan ah in ay reer Abisiiniya Geeska Afrika ka taliyaan.

Indheergaradka Abisiiniya waxa ay aaminsanyihiin dawladaha Geeska laga sameeyay ee aan tooda ahayn siiba ta Soomaalida iyo Eratariya in ay yihiin Siidh (dhaxal) shar ah oo uu beeray Talyaanigu oo ay tahay in mar uun gacantooda iyo xukunkooda dib loogu celiyo. Waxa ay aragtida Dhaxal talyaani salka ku haysaa halkaas oo ay ka soo bilaabmaysaa. Abisiiniyiintu waxa ay u yaqaanaan labadaas dawladood Siidh shar ah oo uu Talyaanigu ku talaalay dhulwaynihii Abisiiniya. Waa ay yasaan oo waxa ay u yaqaanaan inay yihiin Siidh ama Dhaxal Talyaani loo sameeyay ximintooda oo ay xin ku dhisanyihiin isla markaana aanay meel gaadhayn. 

X/S:(https://miro.medium.com/v2/resize:fit:750/format:webp/1*X6z2_8HA-OgX3AtAvyUCFQ.png )

Sawirkan waxa aan ka qaaday qoraal ciwaankiisu yahay “Daah ka rogidda Dhaxalkii Gumaystihii Talyaaniga ee Eratariya iyo Soomaaliya” oo uu qorey qoraa aragtida “Dhaxal Talyaani” aaminsan. Waxa u sawirkan ku sameeyay aaladda Garaadka macmalka ah si uu u soo dhaweeyo fahanka ku salaysan aragtidan. Waxa uu ku tilmaamayaa in uu dawladaha Soomaaliya iyo Eratariya ay yihiin Siidh uu Talyaanigu ku beeray dhulkii Abisiiniya. Waxa uu tilmaamayaa in Siidhka ama Dhaxalka Talyaanigu uu lid ku yahay riyadii xabashida ama reer Abisiiniya. Aragtidan waa aragti ka timid Abisiiniya ama xabashida indheergaradkooda oo tilmaamaysa in uu Talyaanigu ahaa sharwadeen caqabad ku ahaa riyadii iyo aragtidii reer Abisiiniya ee ahayd in inay kaligood ahaadaan quwada ka jirta Geeska.

Halkee ayay Soomaalida ka soo gashay aragtida “Dhaxal Talyaani”?

Sida aan soo xusnay aragtidani waa aragti ay hindiseen Xabashidu oo ku salaysan riyo ay lahaayeen oo ilaa hadda qaarkood leeyihiin oo la kala dhantaalay. Sidoo kale waxa jirta aragti taasi lid ku ah oo ay Soomaalidu leedahay oo ah “Soomaali weyn”. Aragtidaa isku day lagu fulinaayo waxa mar qaaday Dawaldii Soomaalida ee uu Siyaad Barre hogaaminayay. Waxa ay Soomaalidu degaal la galeen Itoobiyaanka si ay uga soo ceshadaan dhulkii Soomaalida ee uu gumaystaha Ingriisku ku wareejiyay. Isku daygaasi waa uu fashilmay oo ma suuroobin. 

Markii isku daygaasi fashilmay ka dib waxa ka bilaabmay gudaha Soomaalida isku day kale oo xukunka lagaga tuuraya dawladii milatariga ahayd ee uu hogaaminayay Siyaad Barre. Waxa abuurmay jabhaddo. Jabhaddahaasi waxa saldhig u noqday Itoobiya. Jabhaddahaasi waxa ay ka kala socdeen dhulka Soomaalida qaybtii uu Talyaanigu gumaysan jirey iyo qaybtii uu Ingriisku gumaysan jirey. Jabhaddii ka socotay qayb ka mid ah dhulkii uu Ingriisku gumaysan jirey, waxa ajandahooda qayb ka ahaa in dib dhulkii Ingiriisku gumeysan jirey laga jaro kii Talyaanigu gumeysan jirey ee ay midoobeen 1960-kii. Waxa isku soo hagaagay dawlada Soomaalida oo la geshay Itoobiya dagaal balaadhan, Xabashida oo u arkayay dawlada Soomaalida marka horeba Siidh ama Dhaxal shar ah oo uu gumaystihii Talyaanigu kaga tagay dhul ay isku dhigeen in ay kaligood ka taliyaan iyo dad Soomaali ah oo raba inay kala gooyaan dawlada Soomaalida. Sidoo kale Xabashida oo u yaqaan aragti shar ah oo Talyaanigu sameeyay aragtida “Soomaali Weyn” isla markaana ay tahay in la wiiqo sidii ay suurogal ku tahay ba.  

 Waxa la sheegaa in ay hogaankii iyo musdanbeedkii Addis Ababa joogay ee jabhaddii ka socotay qayb ka mid ah dhulka Soomaalida ay indheergaradka Abisiiniya u sheegeen in Soomaalida qaybtii uu Talyaanigu ka talin jirtay ay tahay Dhaxal shar ah oo uu Talyaani kaga tegay Geeska ayna ku garab taaganyihiin in la kala diro. Hogaankii jabhadaasi waxa ay u heleen eray bixin ay kaga duwanyihiin Soomaalida intii Talyaanigu gumaystay. Aragtid Dhaxal Talyaani in uu qof ama qayb Soomaali ahi ay u adeegsato qayb kale waxa ay ka soo bilaabantay halkaas. 

Gunnaanad 

Geeska ilaa waligii waxa ka jira aragtiyo ku salaysan diimo siiba Muslin iyo Kiristan. Sidoo kale waxa ka jira argtiyo qoomiyado iyo isir ku dhisan. Aragtiyahaas intan casriga waxa kala metala oo qaabeeya dawladnimada casriga oo la socotay gumaystihii reer Yurub. In kaste oo uu gumeystuhu wax ka beddelay qaabkii, dhaqan, siyaasadeed, juquraafi iyo dhaqaale ee Geesku u yaalay, haddana qolo kastaba gumeyste ayaa dhibta ugu weyn u gestay, halka aanu dhanka kale shar kaa u dhigma u geysan. Haddii Talyaanigu uu ahaa kan dhibta u weyn ay kala kulmeen Xabashidu, hubaal taa bedalkeeda Soomaalida waxa ahaa gumaystihii Ingriiska oo badi reer walba oo Soomaaliyeed dhulkiisii xuduud ku kala jaray. Gumaystihii Ingriiska ayaa qayb dhulkii Soomaalida aayar u hadyeey Qoomiyado la mid ah oo ilaa waligood ay jiritaan isku dilayeen isaga oo aan wax su’aal ah ka waydiin. Ugu danbayn haddii ay noqoto gumeyste, qofka Soomaaliga ah ee  inta laga dulboodsiiyo gumaystihii reer walba oo Soomaaliyeed oo isku dhaqan ah, diin ah, luuqad ah, abtirsi ah kala googooyay ee xuduud kala dhexdhigay isla markaana qayb ku wareejiyay Cadow ay ilaa weligood is hayeen isaga oo aan iyaga waxba ka waydiin ee farta loogu fiiqo gumeyste kale oo cid adiga xataa rabta inay ku qabsato wax yeelay, waa shaqsi cadowgiisii dhabtii inta laga qariyay waliba la dhex marsaday borobagaando cid kale oo isaga geed ugu jirta wax taraysa.