Friday 17 April 2026
Muddo dheer, Dahraan waxa ay ahayd saaxiibka ugu dhow Talaabiib ee gobolka ka jirta. Dhibaatooyin soo noqnoqday oo wiiqay nidaamkii Khaamin’i , waxa ay Netanyaahu ka dhigeen mid kala doorta “beddelaadda nidaamka” iyo qalalaase gelinta dalka, isagoo garab ka helaya Waashinton oo awood milatari Bariga Dhexe isugu keentay. Sidoo kalena, Talaabiib waxa ay damacsantahay soo dhisidda Ridaa Bahlawi, wiilka Shaahii Iiraan ee u dambeeyey.
“Hase ahaatee, maxaa uu Ridaa Bahlawi ka qabanayaa Israa’iil” wayddiintan ayaa uu isa su’aalay taariikhyahanka reer Iiraan ee dhalashada Maraykan haysta, Arash Casiisi, gu’gii 2023. Isagoo ku gudo jira safarro uu ku marayey Yurub, wiilka boqorkii Shaaha Iiraan waxa uu afar cisho joogay Israa’iil, waxaanu booqday madxafka “Yad Vesham”, si uu u xuso xuskii xasuuqa, ahna meel ay waajib tahay in la mariyo marti kasta oo ajnabi ah, sidoo kale waxa uu duco u tagay Dayrka Oohinta ee Qudus. Waxa uu la kulmay madaxweynaha dalka, Raysalwasaaraha, Binyaamin Netanyaahu iyo dhawr ka mid ah wasiirradiisa, siiba Wasiirka Sirdoonka, dhammaanna waxa ay ugu yeedhayeen “mudane boqor”. Bahlawi muddadaas lagama maqal erey la xidhiidha Falasdiin, waana arrinka dad badan shakiga geliyey.
Haddiiba uu jiro dal maalin uun Iiraan jeclaa, muran la’aan waa Israa’iil. Muddo dheer baa labada dal xidhiidh adagi ka dhexeeyey. Sida uu qabay David Ben-Gurion (1886 – 1973), oo ahaa aasaasihii dawladda Israa’iil, cadawga rasmiga ahi waa dalalka Carbeed ee sunniga ah, siiba kuwa qawmiga ah ee kasoo horjeeda dhulboobka. Si dalalkaas looga hortagana, waxa uu lagama maarmaan u arkayey dhisidda isbahaysiyo gobolka ah, ha noqdaan isbahaysi dalal ah ama isirrada iyo diimaha laga tirada badan yahaye, sidoo kale waxa uu qabay inta kasoo hadhay dalalkaas qawmiga ah in lala yeesho xidhiidhada ugu wanaagsan. Laga soo bilaabo kontonaadkii qarnigii tagay, isbahaysiga Israa’iil kula jirtay boqortooyada Iiraan waxa uu ahaa isbahaysigeeda ugu muhiimsan gobolka.
Isbahaysigani caqabadihiisii ugu horreeyey waxa uu la kulmay sannadkii 1975-kii, kolkaas oo Shaah Maxamed Ridaa Bahlawi iyo Bacsigii Saddaam Xuseen, oo kolkaa madaxweyne kuxigeen ka ahaa Ciraaq, ay dhammeeyeen murankii muddada dheer taagnaa ee la xidhiidhay jeexidda xuduudda Shad al-Carab. Kolkan waxa is dhintay kalsoonidii Talaabiib iyo Dahraan dhex taallay, se Shaah weli waxa uu sii ahaa isbahaysi muhiim ah, oo Israa’iil siiya shidaalka isagoo u marinaya dhuumaha soo mara Iilaat, koonfurta Israa’iil.
Kacaankii Iiraan ka curtay 1979-kii iyo dhisiddii Jamhuuriyada Islaamiga ah ee Iiraan waxa ay gebi ahaanba dhinaca kale u geddiyeen isle’egyadii. Israa’iil waxa ay Iiraan u aragtay mid aan la isku hallayn karin. Laakiin haddana, arrinkani wax weyn kama beddelin seeska aragtida Israa’iil ee isbahaysiyada gobolka labaatankii sanno ee xigay. Sidan ayaa ay Israa’iil uga mid noqotay fadeexaddii Iran Contra, oo ah kaalmadii milatari ee qarsoonayd ee Maraykanka taas oo jabisay go’aannadii xayiraadda rasmiga ahayd ee uu Maraykanku kasoo saaray dhoofinta hubka intii uu socday dagaalkii Iiraan iyo Ciraaq (1980 – 1988).
Waaqac ahaan se, Maraykanku waxa uu hub siinayey Baqdaad, haddana judhiiba waxa uu si aan toos ahayn hub u siiyey Iiraan, Israa’iilna waxa ay hawshan ka qaadatay qaybteeda. Xitaa, Ezer Weizman, Hoggaankii Ciidamada Cirka ee Israa’iil, markii dambena noqday madaxweynaha Israa’iil (1993 – 2000), waxa uu ganacsigan hubka sharcidarrada ah ka sameeyey hanti badan. Xidhiidhka Iiraan iyo Israa’iil waa uu soo jiitamay ilaa dhammaadkii qarniga, isagoo ku jira xaalad taxaddar leh. Dhinaca Iiraan, hoggaamiyayaasheedu waxa ay Israa’iil u arkayeen cadow, se haddana aan lahayn mudnaanta u weyn. Dhammaadkii sagaashanaadkii, fustaqa Iiraan waxa uu soo gaadhi jiray suuqyada Israa’iil, iyadoo lasoo mariyo Qubrus, wararka qaar ayaana sheegi jiray in cidda sida qarsoodiga ah usoo dhoofisaa uu ahaa Aayaatullaah Haashimi Rafsanjaani, oo fustuqa u badan Iiraan soo saari jiray, sidoo kalena ahaa dadkii dhulalka ugu ballaadhan leh, noqday madaxweynaha dalka intii u dhaxaysay 1989 ilaa 1997.
Isbeddelka u weyn ee xidhiidhka Iiraan iyo Israa’iil waxa uu yimi ka dib kacaamiddii garabka “muxaafidiinta cusub” ee gudaha Xisbiga Jamhuuriga Maraykanka, sagaashanaadkii. Garabkani waxa uu bilawgiiba Iiraan u arkay udubdhexaadka sharka ee Bariga Dhexe. Garabkani waxa uu ahaa garabka ugu firfircoon baaqii ka aargoosiga wajigabaxii Waashinton kala kulantay qaddiyadda dadkii laga afduubtay safaaradda Maraykanka ee Iiraan.
Ka dib weerarradii 11-kii Sebtambar 2001, iyo curintii kooxda Madaxweyne Jooraj Buush “Wiilka” ee udubdhexaadka sharka, oo koobsanayey Ciraaq, Iiraan iyo Kuuriyada Waqooyi, dadka Maraykan waxa ay Iiraan ka aamineen mid ka mid ah dalalka argagixisada. Laga soo bilaabo kolkaas, Netanyaahu oo laftiisu ka mid ah muxaafidiinta ugu xagjirsan udubdhexaadkaas sharka waxa uu bilaabay in uu wacyiga Israa’iiliga ah, ka dhaadhaciyo aragtidan isagoo kolkan Iraan u soo raraya booskii Carabta qawmiyiinta ah. Waxa uu bilaabay in uu usoo dhawaado cadawga nidaamka Iiraan ee qurbaha ku nool, weliba si gaar ah kuwa weli taageersan boqortooyadii hore ee Bahlawiyada.
Afar maalmood ka hor 7-dii Aktoobar, 2023, wargeyska Haartis ee Israa’iil laga leeyahay, iyo iyo wargayska dhaqaalaha ee The Marker, waxa ay faafiyeen warbixin faahfaahsan oo ku saabsan hawlgal ay si wadajir ah u fuliyeen xukuumadda Israa’iil, maalgeliyayaal Maraykan ah iyo kooxda ku xeeran Ridaa Bahlawi. Warbixintu waxa ay soo bandhigtay in la fuliyey hawlgal “saamayn baro bulsheed ah”, oo looga dan lahaa in dib loo cimaamado Ridaa Bahlawi, boqorna ka noqdo Iiraan kolka wakhtigu munaasib noqdo. Hawlgalkan waxa laga qabanqaabinayey gudaha Israa’iil, waxaana maalgalinayey dhinac gaar ah oo ka faa’idaysanayey kaalmooyinka xukuumadda.
Hawlgalkan waxa kaalin xooggan ka qaadatay Gila Gamliel, oo kolkaas kuxigeen ka ahayd Xisbiga Likud, haddana ah Wasiirka Sayniska iyo Tiknoolajiyadda, ka dib shaqadeedii sirdoonka. Warbixintan wargeysyadaas, oo cuskanaysa laabka “Citizen Lab” oo Kanada laga leeyahay, takhasusyo badanna ka shaqeeya, waxa ay soo bandhigtay “boqollaal baro bulsheed oo bug ah”, kana jira barta X, una ololaynayey Bahlawi, dibna usii faafinayey farriimahaas, iyagoo adeegsanaya halkudhigyo, sida #KingRezaPahlavi.
Sida warbixinta ku xusan, Gila Gamliel waxa ay maanta noqotay “cidda ugu habboon dhinaca Israa’iil ee xidhiidh la leh Rida Bahlawi”. Kolka si waafi ah loo eego, hawlgallada sifaynta ah ee sannadihii dambe laga fuliyey dhulka Iiraan waxay muujinayaan heerka sare ee xogaha sirdoon ah ee Israa’iil hayso, kana imanaya badhtamaha Iiraan, sida hawlgalladii lagu beegsaday hoggaamiyayaal sarsare iyo saynisyahanno, hawlgalladii lagu beegsaday saaxiibbo Iiraan leedahay sida Xisbullaah iyo Xammaas, iyo ugu dambayn duqaymihii 2024 iyo 2025 lala beegsaday goobaha nukliyeer ee Iiraan, oo siday u muuqdaan aan guulaysan.
Sidaas oo ay tahay, inta badan Israa’iiliyiinta ku takhasusay arrimaha Iiraan, waxa ay muujinayaan heersare oo ka gaabsasho ah. Waxa ay aaminsanyihiin in Rida Bahlawi, oo Maraykanka tagay isagoo 18 jir ah, sannad ka hor dhicitaankii aabbihii, in uu dalkiisa muddo nus qarni ka badan kasoo maqan yahay, sidoo kalena waxa ay shaki gelinayaan awoodda uu u leeyahay in uu gudaha dalka ka kiciyo abaabul la taaban karo oo taageera. Hase ahaatee, xilli aanu jirin dhinac lagu kalsoonaan karo oo gudaha Iiraan ka taageersan, haddana Rida Bahlawi waxa uu Israa’iil u yahay cidda ugu habboon ee lagala hadli karo hoggaanka dalka “ka dib wadaaddada”, se Trump aragtida ma la qabaa?
Ilaa hadda, marar badan Trump waxa uu diiday inuu muujiyo taageerada uu Rida Bahlawi u hayo. Laakiin, haddana Rida waa qofka ay muxaafidiinta cusubi wataan. Maraykanka waxa jooga jaaliyad reer Iiraan ah, oo taageersan boqortooyadaas, jaaliyaddan oo qaatay mawqif ay ku taageerayaan Israa’iil laga soo bilaabo bilawgii dagaalka Qasa, iyagoo ku marmarsoonaya in nidaamka Iiraan taageero Xamaas.
Bishii Juun ee 2025, iyadoo ay socdaan duqaymihii Maraykanka iyo Israa’iil u gaysanayeen goobaha nukliyeerka ee Iiraan, Binyaamin Netanyaahu oo waraysi siiyey Fox News, waxa uu caddeeyey sida uu u taageersanyahay beddelidda nidaamka Iiraan. Waxa uu xusay in xukuumadda Dahraan aad u taagdarantahay, oo haddii fursad la siiyo, “boqolkiiba siddeetan shacabku eryi doonaan axmaqyadaas wadaaddada xagjirkaa ah”. Isaga oo ka warramaya weerarrada Israa’iil wadday, muu fogaysan suurogalnimada in weerarradaasi gaadhaan Saldhiga Ciidamada Ilaalada Kacaanka, Saldhiga Booliska iyo Talafeeshanka Xukuumadda.
Wargayska Guardian, ayaa baahiyey falcelinta “kooxaha dimuqraaddiyada u ololeeya ee Iiraan ku sugan”, iyagoo hadalka Netanyaahu kaga jawaabay in “dagaal Israa’iili ahi aanu marna dantooda dhabaynayn”. Aragtidooda, Israa’iil keliya waxa ay u socotaa duminta nidaamka, iyada oo aan danaynayn mustaqbalka Iiraan, se keliya rabta inay meesha ka saarto tartame gobolka la jooga. Runtiina, xamaasadda Netanyaahu u qabo beddelidda nidaamka Iiraan xitaa Waashinton buu shaki geliyey. Waa siddeed bilood ka hor, waxaana la moodaa in shakiga Trump sii xoogaystay.
Halkan bay ku sal leeyihiin khilaafyada aynnu si goosgoos ah uga dhex aragno Trump iyo Netanyaahu, ee ku saabsan faylka Iiraan. Laga soo bilaabo labadii Jeenaweri ee 2026, kolkaas oo uu Madaxweynaha Maraykanku shaaciyey inuu diyaar u yahay faragelin – isagoo hadalkiisa si toos ah ugu wada dibadbaxayaashii Iiraan: “Dibadbaxa wada, kaalmadu way imanaysaaye” – lasoo gaadho hadalladiisii u dambeeyey ee qaboobaa, Israa’iil markasta waxa ay isku dayaysay inay la falgasho isbedbeddelladiisa isxgixigay.
Waxa maangal ah in la aamino in Trump, mawaaqiftiisa, keliya aanu tixgalin saldhiggiisii doorashada – MAGA – oo keliya, ahna garab diiddan dagaallada Maraykan ee aan “dhabta ahayn”, se sidoo kalena uu rabay in aragtidiisa lagu dabbaqo Iiraan –-
aragtidiisa ah in hanjabaad xooggani ka qiimo badan tahay, kana halis yartahay, farageiln milatari iyo halisaha ku jira, sidoo kalena ay tahay in Netanyaahu sidaa la qaato.
Sidaas darteed, 12-kii Jeenaweri ee 2026, xilli warbaahinta Maraykanku qaadadhigaysay weerarro dhow oo lagu qaado Iiraan, Karoline Leavitt, oo ah afhayeenka Aqalka Cad, waxa ay xaqiijisay in “diblumaasiyaddu markasta jidka koowaad u tahay Trump”, maalinkii xigayna waxa ay caddaysay in Dahraan “diyaar u tahay dib u bilaabidda wadahadallada” Maraykanka, iyadoo tilmaantay in “jidad wadahadal u furmeen” Cabbaas Ciraaqji iyo Witkoof, ergeyga gaarka ah ee Bariga Dhexe ee Trump. Waxa caddayd in Trump hoggaaminayey siyaasaddiisa Iiraan, isaga oo aan danayn badan siinayn mawaaqifta fof ee Netanyaahu.
Si ka qotodheer haddii loo dhigo, Maraykanka iyo Israa’iil ma wadaagaan hal aragti oo ku saabsan Iiraan. Trump waxa uu mudnaanta siinayaa in uu ka eego xagal danaha dhaqaale ee caalamigaa ah, siiba foodsaaridda Shiinaha oo danayntiisa ku xooggan. Hase ahaatee, Netanyaahu, waxa uu Iiraan ka eegayaa xagal siyaasad goboleed. Uma dan laha in heshiis lala galo Iiraan, mana rabo in uu arko Iiraan oo bad qabta, booskeedii gobolkana dib usoo ceshata. Suurogalnimada la’aanta soo laabashada nidaamkii boqortooyo ee xidhiidhka la lahaa Israa’iilna, waxa uga habboon Iiraan taagdaran oo qalalaase ku jirta.
Arrimaha oo sidan ku salaysan, intii uu socday Shirkii Golaha Israa’iil iyo Maraykan, oo lagu qabtay magaalada Miyaami maalmihii 15, 16, iyo 17-kii Jeenaweri, shirkan oo Netanyaahu u diray madaxa Moosaad, David Barnea, Steve Witkoof waxa uu taxay qodobbo, isagoo yidhi: “Waxa aan rejaynayaa in xal diblumaasiyadeed la gaadho”. Waxa uu xaqiijiyey in heshiis kasta oo diblumaasiyadeed oo lala galayo Iiraan, ay waajib tahay in uu xalliyo afar arrimood: “Marka koowaad, bacraminta yuraaniyamka, marka labaad, gantaallada balaastiiga ah [in awooddooda hoos loo dhigo], marka saddexaad, maaddooyinka nukliyeerka ah ee ay haysato, oo qiyaas ahaan gaadhaya laba kun oo kiiloogaraam oo bacrimisan heer u dhexeeya 3.67% ilaa 60%; mar afaraadka, wakiilladeeda [kooxaha gacmaha midig u ah ee Iiraan taabacsan, Xisbullaahna uu ugu horreeyo]”, waxaanu hadalkiisa kusoo xidhay: “Waa suurogal inaynu furdaamminno afartan dhibaato iyadoo hab diblumaasiyadeed loo marayo, furdaamin habboon ayaanay noqon doontaa, se beddelku [dagaalku] waxa uu noqon doonaa musiibo”.
Waxa cad in mawduuca ugu xasaasisan afartan arrimood, kolka Iiraan iyo Israa’iil la eegaba, uu yahay arrinka la xidhiidha gantaallada balaastiga ah. Waa ay adagtahay in la sawirto u diyaarsanaanta Iiraan ee ah inay ka tanaasusho arrinkan, siiba iyadoo gantaalladu yihiin hubka kaliya ee ay isku difaacayso.
Qormadan waxa laga soo turjumay halkan.