Skip to main content

Friday 17 April 2026

  • facebook
  • x
  • tiktok
  • instagram
  • linkedin
  • youtube
  • whatsapp
Buug

Halkan iyo xaggaaba hablo waa la xumeeyay

9 April, 2024
Image
two books
Share

Waa sannado hore oo tegay. Xilliyo kala duwan oo kala dambeeyey laba dhacdo oo xanuunkooda iyo damqashadooda leh ayaa gobolka Afrikada Bari kaga habsaday laba hablood oo curdin iyo ubax ahaa oo isla gobolka u dhashay kuwaas oo beri dambe taariikhdii ay soo mareen ka qoray laba buug oo malab ka macaan marna dacar ka qadhaadh. Labada hablood midda hore waa Soomaaliyad ku dhalatay miyiga Gaalkacayo, ta dambena waa Soodaaniyad ka soo jeedda Nuubiyiinta dalkaas. Labadooduba si la mid ah sida ay noloshoodu meel uga wada bilaabmayso ayey dhacdadoodu meel ugu wada arooraysaa. Labadooda oo xilliyo kala duwan ku kala dhashay miyiga Soomaaliya iyo Soodaan ayaa haddana xilliyo kala geddisan sheekadoodu waxay inoo soo werinaysaa iyagoo carra’edeg ka raadinaya nolol ka geddisan tii ay ka ordeen ama laga dayriyey. Rafaad ka dib marka ay saldhigasho isku hubsadaan ayey haddana baadidii ka maqnayd iyo reerahoodii gadaal u soo jalleecayaan oo dib raacdo u bilaabayaan, kolkaas oo ay dib Afrikada Bari ugu kacayaan baadidoon ku aaddan waalidkood iyo walaalahood nolol iyo geeri waxay ku sugan yihiin.

Weris Diiriye iyo Mende Nazer bulshooyinka ay ka soo kala jeedaan isuma diir eega oo keliya ee sidoo kale way isku duruuf iyo deegaan eeg yihiin, taas oo labada gabdhood iyo labada dhacdo ee ku kala yurursaday, marka si xor ah loo qiimeeyo, sida xadhigga isugu tidcaysa heer ay marka ugu dambaysa dhab ahaan labada qof ugu kulmaan caasimadda Ingiriiska, ka hor inta aanay middood meelo kale uga sii gudbin halka ta kale iyada oo weli halkaa ku sugan ay xaashiyaha buuggu inaga dhammaanayaan.

Weris Diiriye dabayaaqadii toddobaatannadii ayey reerkoodii iyo xoolihii ay u raacaysayba uga qaxaysaa oday lixdan jir ah oo dhawr halaad iyada aabbaheed u soo bandhigay si uu “naag” ahaan ugu kaxaysto, xilligaas oo da’ yaraan ka sakow, gudniin fircooni ah oo aad u arxan daran ay ka bogsatay ama bogsasho loogu tiriyey. Firxadkii iyo socodkii dheeraa ee lugta ahaa ee ay arrintaas kaga jawaabtay waxa inoogu xigtay iyada oo inta ay Gaalkacayo ka sii gudubtay habaryarteed jaariyad ugu ah magaalada Muqdisho halkaas oo ay sannado badan oo dambe ku sii noolayd iyada oo aan wax xidhiidh ah la yeelan qoyskeedii ay miyiga kaga soo baxsatay.

Dabadeed iyada oo sidaas xidhiidhkii hooyadeed iyo guud ahaan reerkoodu u go’an yahay waa ta haddana geeddi labaad oo ka dhashay shaqada keliya ee ay aqalka habaryarteed ka baratay loogu dirayo habaryar kale oo Landhan ka soo dalbatay gabadh aqalka uga adeegta, habaryartaas oo ahayd xaaska danjirihii Soomaaliya halkaas u joogay xilliyadaas. Buuggeeda ay ugu magac dartay Dessert Flower (“Ubaxii Saxaraha”) ayaa inoo soo gudbinaya iyada oo keligeed ah oo sidii neef xoolo ah oo meel kale loo iib geynayo diyaarad rakaab oo Xamar ka duulaysa la saarayo; dabadeed garoonka Landhan iyadoo kabna gashan kabna laadlaadinaysa waxa ka kaxaynaya dad u sii sugayey sida xoolaha miyiga laga soo raro sayladda loogu sii sugo.

Mende Naser-ta Soodaan iyada dhacdadeedu waa sagaashamaadkii, arrinkeeduna waaba mid ka culays iyo foolxumo badan ka gabadhaas hore. Mende markii ay gaadhay da’dii dadkeedu middida gudniinka ku dhufan lahaayeen, oo ‘dhoorray’ ah, ayaa waxa tuuladii yarayd ee ay ku noolaayeen iyada iyo qoyskeedii habeen madow oo la hurdo mirtay oo gabagabeeyey dablay beelaysan, markaas oo ay tuuladii yarayd iyo dadkeedii u qaybiyeen wax ay gawracaan, wax ay dhaawacaan, wax ay guryo ku gubaan iyo wax ay ubadkoodii qafaashaan. Mende habeenkaas ayey ku dhacaysaa gacantii cadawga iyo nacabka iyadoo ka baxaysa gacantii gacalka iyo naxariista. Geeddiga koowaadba isla habeenkaas ayaa loogu guuro gelinayaa dhanka caasimadda Khartuum iyadoo dillaaliin kale iyo gacmo kale oo isla nacabka uun ah ku sii dhex warwareegaysa, ugu dambayntana waxa qiimo jaban loogu gaynayaa mid ka mid ah guryaha magaalada Khartuum. Mende noloshaas ayey ku jiraysaa sannado xanuun kulul oo xabsi ah, kolkaas oo ay u dhaxaynayso maalintii oo ay kijada ku jirto iyo habeenkii oo ay jiirka iyo baranbarada ku weheshenayso qolka yar ee dayrka ku dhex yaalla ee reerka istoodhka u ah.

Muddo door ah oo ay Khartuum addoon ku ahayd ayey haddana geeddi labaad oo la mid ah ama u eeg midkii Waris Diiriye waxa lagu gaynayaa Landhan halkaas oo ay markale khaaddimad iyo addoon ugu ahaan doonto sidii Khartuumba ay ku ahayd. Meeshaas sannado kale oo addoonimo iyo gumeysi jidheed iyo mid nafsadeed ah ayey ku qaadan doontaa ka hor inta aan galab dahabi ah farashka xorriyadda Rabbi ugu soo dhiibin nin ay isku deegaan ka soo jeedaan oo reer Soodaan ah. Ninkaas oo ay arrinkeeda si qarsoodi ah ugu sheegtay maalintii keliya ahayd ee ay jaaniska u heshey in ay dibadda ugu baxdo hawl loo diray. Ninkaas oo in muddo ah dusha kala socday ayaa sabab u ahaan doona qorshaha iyo khidadda nugaylka badan ee nolosheeda dib u soo noolayn doonta. Waxay ugu waayo badan tahay amminta inta ay ganjeelka gumeysiga sida dhuumashada leh uga dusto ay alabaabka xorriyadda sida dareentaabadka leh u gaadayso, kolkaas oo tallaabo kasta oo ay dhulka ku ordayso aad moodaysid in ay lugahaaga iyo wadnahaaga u isticmaalayso! Ilbidhiqsiga aad sadarradaas akhriyeyso waa hubaal in dhaayahaaga mooyaane dareenkaaga kale oo dhami keeda ku milmi doono. Xadantaynta dareenka akhristaha ayaa garaaca wadnaha ee Mende iyo ka akhristaha isku mar si isku mid ah uga sanqadhinaya! Sidaas baanu ahaanayaa ilaa inta ay gaadhiga loo sii diyaariyey ee daaqaddiisa loo sii furay dhexdiisa isku hubsanayso iyada oo aan weli rumaysan in ay gurigii iyo gumeysigii ka baxday ama iyada oo rumaysan in ay riyo macaan oo baqdinteeda wadata badhtanka kaga jirto!

Haddaba labada hablood mid ahaan, oo ah Mende Naser, iyadu way ka ayaan roonaatay taa kale maxaa yeelay isla judha ay laydha xorriyadda afka u dhiganayso waxa gacanta ku haya dadkii deegaan ahaan ugu xigay. Waris Diiriye se, si ka duwan gabadha hore, sannado badan ka hor markii ay Landhan waddooyinkeeda gaaf wareegaysay iyadoo nolol cusub raadinaysa waxay afka ka gashay dad dhererka jidhkeeda, midabkeeda iyo muuqa wajigeeda macaash ka raadinaya, kuwaas oo lacag iyo nolol u ballanqaaday, haddii ay oggolaato shardiga ah in jidhkeeda la sawirto dabadeedna sawirradeeda ganacsi loo isticmaali doono, waqtigaas oo aanay doorasho kale oo ay nolol ka dheefto Landhan ku haysan. Waris laydhii xorriyadda ee ay laabta u furtay iyo sawirradii jidhkeeda ee ay lacagta ku beddelatay waxay ugu dambayntii gaadhsiisay derajo aanay gabadh Soomaaliyeed oo caadi ahi gaadhin. Kol se haddii iyada dan laga lahaa iyaduna inan yar oo baahi iyo dan qabta ay ahayd, Waris waxay noqotay waxa ay maanta tahay, xumaan iyo samaanba!

Derajooyinka ay faanka ka dhiganayso ee buuggeeda ku qoran waxa ka mid ah: in muuqaalkeedu ku soo baxay waxsoosaarka shirkadaha ugu waawayn dunida ee alaabaha dumarka ka ganacsada; in shirkadaha ugu waawayn ee dunida galbeedka ay xayeysiis u samaysay; in ay mid ka mid ah filimaanta shirkadda dunida ugu caansan ee Holly wood ka dhex muuqatay; in Oprah barnaamijkeeda dunida laga qiimeeyo inta  lagu casuumay weliba Oprah lafteedu ku waraysatay; iyo waxyaabo kale oo badan oo maanta dunida maaddiga ah la isugu faano, dunida macnawiyaadkana laga yaso.

Maalmahaas ayey Waris markii ugu horreeyay ee nolosheeda ogaanaysaa in hablaha dunidan cusub ee ay ku soo biirtay aanay midabka oo keliya kaga duwanayn balse sidoo kale ay kaga duwan tahay qaabka ay u kaajayaan, markaas oo ay qalliin la xanuun ah midkii gudniinkeedii ciyaalnimo ay dhakhtar ugu tegeyso keliya si ay ugu eegaato oo ula jaanqaaddo caalamkan cusub ee ragga iyo dumarku sida xorriyadda ah ugu wada dhaqan yihiin iyada oo aan la is kufsanayn oo aan la isku xoogayn sidii loogu xoogi gaadhay iyada waddada Gaalkacayo iyo Muqdisho u dhaxaysa, xilli ay firdhad ku jirtay. Waris Diiriye, markii koowaad ee nolosheeda, ayey caalamkan cusub ku yeelanaysaa wax ay ugu yeedhay saaxiib imika wixii ka dambeeya ay u wada dhaqmi doonaan, u wada seexan doonaan una wada socon doonaan si xor ah.

Aynu ku noqonno Mende Nazer iyo buuggeedii SLAVE: My True Story (“ADDOON: Qisadayda Runta ah”) e, gebagebada waxay ku qiraysaa in ay xorriyaddu dhibkeeda leedahay gaar ahaan marka aanad u baran ee ay kugu cusub tahay. Waxay sheegaysaa in xorriyadda lafteedu ay markaas oo kale la qadhaadh tahay xorriyad la’aantii laga ordayey. Waxay sidoo kale sheegtay in xorriyaddii ay heshey bilawgii ay la qabsan wayday, isticmaalkeediina ku adkaaday oo haddii aan la caawin lahayn aanay dhadhankeeda dareenteen.

Maadaama Waris lafteedu ay noloshaas iswaayitaanka ah uga aqoon badnayd oo ay kaga horreysey isla markaana ay kaga khibrad iyo waaya’aragnimo dheerayd walaasheed Mende, wax lala yaabo ma aha markaa in magaceeda aynu ku aragnay isaga oo ku jira liiska dadka ay Mende Nazer ugu mahadcelinayso buuggeeda dhadhanka iyo dhawaqa dheer leh ee laga qoray mid ka mid ah addoonsigii ugu xumaa ee qarnigan 21-aad dunida galbeedka lagu dhex arkay.

 

Si kastaba ha ahaatee labada gabdhood iyo dhacdooyinka ku duugan labadooda buug ee Dessert Flower iyo SLAVE  waa kuwo akhriste kasta dareenkiisa raad iyo saamayn ku yeelanaya sidoo kalena waa buugaag doodo iyo waydiimo badan ku reebaya maanka cid kasta oo dunida ku nool gaar ahaan kuwa ay dalalkooda iyo degaankooda ka soo jeedaan ee ay dhiigga iyo dheecaanka wadaagaan. Doodaha iyo waydiimaha ugu horreynba dhalanaya waxa ka mid ah:

Intaas oo sannadood ka dib dalalkii iyo degaannadii ay hablahani ka irdhoobeen ma yihiin kuwa wax isbeddel ahi ka muuqdo? Dalalkii Waris iyo Mende ay ka tahriibeen ama laga tahriibiyey maanta nabadgeliyo ahaan, siyaasad ahaan, dhaqan ahaan iyo dhaqaale ahaan ma yihiin kuwo Warisyo dambe iyo Mendooyin dambe aan bustaha dibadda ugu tuurayn? Gaalkacayo maanta ma ka duwan tahay middii ay sannado ka hor inantu kaga carartay guurka godobta ah iyo gudniinka bahalnimada ah mise taasi waaba sahaalo oo in lagu noolaado ayaaba maanta khatar ah? Tuulooyinkii Soodaan dilalkii iyo dagaalladii qabaliga ahaa ee dhexdooda ka socday ma ka gudbeen? Guud ahaan Afrikada Bari shalay iyo maanta tee bay ladan tahay ama degen tahay gaar ahaan Soomaaliya iyo Soodaan? Reer galbeedka sida naf la caariga ah dadkeennii ay u magansadeen ee ay isugu dhiibeen, qudhoodu ma yihiin ama ma hayaan goob, guri iyo weliba xorriyad ay gabadha dalkeedii ka soo qaxday ku nabadgeli karto, maadaama la yidhi “kabo-tolahaaga kabihiisaa la eegaa”?

Aniga waxay ila tahay dhacdooyinka sannado badan hortood Waris iyo Mende dalalkoodii ka caydhsaday kuwo ka daran oo dib u joogso yidhi ayaa maanta daqiiqad kasta, saacad kasta iyo maalin kasta ka dhaca Afrikada Bari! Labo waa salleelee, kumannaan Waris iyo Mende oo kale ah ayaa maanta Yurub iyo meelo kale ugu baxsaday balaayooyin dalkoodii kaga habsaday, oo kaaga sii darane haddii waagaas Waris sawirrada jidhkeedii lacag laga siistay maanta meelo badan jidhkooda bilaash ama faro guudkood looga muraadsadaa! Maanta hablo dhawrsanaan jiray ayaa kufsiga, gumeysiga iyo addoonimada ugu tagay goobo aanay xaaraan ka ahayn oo inta magacyo kale loola baxay lagu caadaystay laguna xalaashaday. Markaas oo natiijada doodahaas iyo jawaabaha su’aalaha buugtaas ka dhashay ay sida biyaha ugu shubmayaan meel godan oo kor u leh: Halkan iyo xaggaaba hablo waa la xumeeyay!