Monday 24 March 2025
Soomaalidu waa ummad si weyn u qiimeysa curinta iyo hal-abuurka, gaar ahaan hal-abuurka maansada. Waxay leedahay dhaqan aad u fac weyn oo hodan ku ah dhanka suugaan-afeedka (oral literature). Kaas oo ah dhaxal lagu kaydiyo sooyaalka, aqoonta iyo xikmadda bulshada. Suugaan-afeedka ayaa kaalin muhiim ah ku leh hab-nololeedka Soomaalida, iyadoo loo adeegsado in lagu gudbiyo sheekooyinka, heesaha, halxiraalaha, iyo gabayada.
Qoristii af Soomaaliga ka horna, waxay suugaantu ula meel joogtey Soomaalida buug-taariikheed ay ka ogaadaan waayihii ay soo mareen iyo dhacdooyinkii waaweynaa ee noloshooda si taban ama togan u saameeyay. Waxaana la isku waafaqsan yahay in ay Suugaantu tahay dhaqan-gudbiyaha koowaad ee ay bulshada Soomaalidu ku cabbirto dareenkeeda, nolosheedana ku sawirto, iskuna guubaabiso, dulmiga iyo xumaha oo dhanna kula dirirto.
Sidoo kale waxaa lagu tilmaamaa gabaygu inuu yahay kaydiyaha sooyaalka Soomaalida. Taasna waxaa markhaati u ah gabayadii soo baxay xilligii dhaq-dhaqaaqii hubaysnaa ee Daraawiishta. Kuwaas oo hoggaamiye Sayid Maxamed Cabdulle Xasan uu ku taariikheeyey colaadihii dhex-maray ciidammadiisa iyo kuwii Ingiriiska.
Aqoonyahanno badan ayaa qaba ilaa maanta gabayadaasi inay yihiin halka ugu wanaagsan ee laga baran karo taariikhda geyiga Soomaalida intii u dhaxaysey dabayaaqadii qarnigii 19aad ilaa waaxdii hore ee qarnigii 20aad.
Sidoo kale, xilligii gobannimo-doonka iyo waddaniyadda casriga ah intii u dhaxaysey 1943 - 1960, maansayahannada Soomaalidu gabayadooda ayay ku diiwaaniyeen halgankii ay ummaddu u soo gashay madax-bannaanideeda.
Richard F. Burton oo socdaal ku soo marey magaalada Saylac, meelo ka mid ah dhulka Soomaalida sannadkii 1850kii, ayaa wuxuu qoray in waqtigaas ay qasab ahayd in nin kasta oo qabiil madax u ahiba uu leeyahay maansayahan garab-jooga, hiilkiisa u taagan, amaantiisana u jeebban.
Haddaba, inta aynaan sii guda-galin dulucda mawduuca. Waxaa la is-weydiin karaa, Suugaan-afeedka Soomaalidu goortii ay dhalatay, sidii ay ku soo if-baxday, wixii dhaliyey iyo ciddii ugu horraysay ee bilowday.
Hubaal shaki kuma jiro in su’aalahan kor ku taxan u baahan yihiin cilmi-baadhis qoto dheer. Waxaanse ka bixin doonaa jawaabo kooban oo ay isku raacsan yihiin cilmi-baadhayaashu.
Marka hore ma jirto cid gaar ah iyo xilli go’an oo loo aanayn karo bilawgii suugaan-dhaqameedka soomaalida. Hase yeeshee waxaa la rumaysan yahay inay la curatay billawgii nolosha Soomaalida.
Dhanka kale, marka aynu dib u raad-raacno aasaaska taariikheed iyo astaamaha Suugaanta Soomaaliyeed, waxaa muuqata inay salka ku hayso dhaqankii miyiga ama xoolo dhaqatada.
Aqoonyahanno badan ayaa qaba in ay suugaantu ka bilaabantay, waxa loo yaqaan ‘‘Hees-howleed’’, gaar ahaan heesaha xoolaha lagu waraabiyo, lagu kexeeyo ama lagu daajiyo. Dabadeedna waxaa soo if-baxay qaar ka mid ah ciyaaro Dhaqameedka sida: Saarka, Wilwilaha, Dhaantada iwm.
Haddii aynu u soo laabanno dulucda mawduuca, waxaa jira ereyo in aan macnahooda isla fahannaa ay muhiim tahay, sida: Suugaan, tix iyo maanso.
Haddii aan ku bilowno ereyga "suugaan", Soomaalidu waxay u taqaanney asalkiisii hore dhowr macnayow oo kala duwan. Kuwaas oo uu ka mid yahay, cosobka iyo madowga dhirta: oo ninka sahan u baxaa markuu meel doog leh soo arko wuxuu odhan jirey: meel heblaayo suugaan bay lahayd. Waxa kale oo dadka qaarkii suugaan u yaqaanney hadalka gunuunuska ah, ee aan ujeeddadiisa si fiican loo garanayn, oo waa tuu ninkii ku mahmaahay yidhi, ‘Hilib sooryo maaha, doqoni sokeeye maaha, suugaani hadal maaha. Hese yeeshee, Suugaan’’ waxay ku caan baxday oo carrabka dadku u badnaa, in ay tahay hadalka dhaqan-galka ah ee dhuuxa iyo murtida leh.
Sidoo kale Suugaanta waxaan ku tilmaami karnaa ‘‘magac hadh ah oo dallaalimeeya macnayaal iyo fikrado badan. Suugaanta kol waxaannu uga hadalnaa qayb ka mid ah wax-qabadka Aadanaha ee kala duwan sida: ‘Ciyaaraha iwm’’. Haddaan si kale u dhigno waxaan odhan karnaa: ‘‘Suugaan waa xulka quruxda iyo murtida Afka oo lagu tebiyo tix iyo tiraab mid kastaba’’.
Abwaan Cumar Daahir Cabdi oo ka jawaabaya mahmaahda: ‘‘Suugaani hadal maaha’’. Ayaa tiriyay maansadan oo ugu magac-daray: ‘Suugaani waa hadal’.
Suugaantu waa hadal
Sida ugu habboon iyo
Sifa gaara loo yidhi
Sawdka iyo sheekada
So’da lagu hiraabtee
Seeska u ah weeyaan
Soo jirasho taariikh
Afka sabanna badan jirey
Haddii uu sibqilahaa
Ama saawir noqon laa
Seeraha ilaashee
Soofeeya weeyaan
Kolla sidiko xiisale
Da'du beri samaadkii
Safsaf ugu caweysiyo
Sacab tumasho weeyaan
Suugaantu waa soor
Waa siiga ma arkaan
Iyo sidig an gaagixin
Mana laha sir iyo caad
Haddii aan isla aragney macnaha ereyga suugaan. Muxuu yahay macnaha ereyga "Tix"?
Marka si kooban aynu uga jawaabno su’aashan. Waxaan odhan karnaa: ‘‘Tixdu waa jaad ka mid ah jaadadka suugaanta ee tixaysan. Taas oo miisaanka iyo xarafraaca leh, fikrad iyo ujeeddo xambaarsan, dareenka raadaysa, dhegtuna aad u jeclaysato'.
Marka laga hadlayo xagga nuxurka iyo ahmiyadda, tixdu waa xubinta ugu mudan suugaanta Soomaalida. "Waxayna tayo sare u leedahay tebinta fikradaha iyo xog-rumeedyada ku duugan heer-nololeedka xilli-qaaran ee ay leedahay bulshadu, gaar ahaan bulshada soomaaliyeed oo ay maansadu ugu fadhido qiimo gaar ah".
Dhanka kale, tixda waxaa sal iyo xeer u ah: yeelashada dawliid (xaraf-raac, tidcin iyo miisaan) iyo dabuub (murti) uu yeesho unug kasta oo ku soo arooraa tixda. Waxayna u kala baxdaa laba waaxood oo kal ah: ‘‘Erey (maanso) iyo Or heello (ciyaar-dhaqameed) ’’
Haddii aynu ku horreyno tan hore, waa tixda ku dhisan ereyga iyo luuqda oo keliya sida: Gabayga, Geeraarka, Buraanburka maahmaahda dawliidda iyo miisaanka leh iwm. Halka ay Or-ta ereygeeda, jaan iyo jiibi weheliso sida: ciyaar-dhaqameedda iwm.
Waxa kale oo isna jira ereyga "maanso" oo muhiim u ah daraasaddan "Saafidda Salka Maansada". Kaasoo ah "magac guud oo kooba dhammaan jaadadka suugaanta Soomaaliyeed ee tixaysan", waxaa lagu qeexi karaa inuu yahay: "Tix miisaan iyo xaraf-raac leh, oo lagu luuqayn karo sida gabayga, geeraarka, guurowgu buraanburka, heesaha iwm".
Sidoo kale, maansadu waxay leedahay sooyaal fac weyn oo ku saabsan dhaqanka iyo aqoonta bulshada Soomaaliyeed, waxayna kaalin muhiim ah ka qaadataa isdhaafsiga fikradaha, barashada hal-abuurka, iyo kobcinta wada-noolaanshaha bulshada.
Qormada soo socota waxaan ku eegaynaa jaadadka maansada ee kala duwan, waxaanan isku dayi doonnaa in aan baadi-sooc u sameeyo, si akhristuhu ugu fududaato fahamka hab-dhiska salka maansada. Annaga oo is-barbardhig ku samayn doonna aragtiyada kala duwan ee ku saabsan miisanka Maansada Soomaaliyeed.