Ka badan rubuc qarni, intii la sheegayay ama la isku mudayay irbadda suuxdinta ah ee Dhulkeenna nimcaa fadhida, hana la sugo inta la faagayo. Haddaba su’aashu waxay tahay: siyaasaddani ma dhab bay inoo waddaa, mise waa iska hadal iyo hawo-beenna?
Qarannimadeennu ma leedahay jiho, mise waxay hadba u leexataa halka ay la qummanaato cidda midida daabkeeda haysa? Horumarkan aan weli la gaadhin ee had iyo jeer la sheegaa ma mid aan la arag baa? Mise waa kaadh uu xoqdo marba kii inna maamula?
Intaas ka-gadaal, maansadan la magac baxday ‘Hadba Gees u Roor’” waxa ay inna tusinaysaa in aynu hoos isu eegno oo isweydiinno: ma joognaa meel laga daba-qabatayn karo iyo in kale? Maansadu waa muraayad laga dhex dheehan karo nolosheenna, siyaasaddeenna, hoggaankeenna, iyo sida ay bulshadu ugu jahwareersan tahay hadba midka ay doorato.
Waxa ay inna tusaysaa sida runta, caddaaladda, aqoonta iyo wax kasta oo nafci lihi ugu hoos burbureen nidaamka aan lahayn falsafad siyaasadeed oo ay isku waafaqsan yahiin gebi ahaan dadka ku hoos nool qarankan. Waxa kale oo ay inoo tibaaxaysaa in mararka qaarkood ay ummadda duufsadaan laba qolo: qolo hawlgab ah iyo qolo, in yar mooyee, aan garasho iyo aqoon midna lahayn. Dhallintiina way kala qoqobeen, qaybqaybiyeen, camal-tireen, wax nafci lehna way u diideen.
Dadkan badankoodu waayihii dhallaanimadooda waxay ku soo qaateen nolol leh wanaag, xaddaarad iyo waxbarasho tayo leh. Wallow fursaddu ay yarayd, haddana ma aysan jirin tan oo kale. Anigu weli ma aanan garan sababta middani intan iyo wax la halmaala u yeelan weyday.
Su’aalaha iyo walaaca ay xaaladdeennu igu dhalisay ayaan maansadan ku cabbiray. Akhris wacan.
Siyaasaddu ma hadimaa?
Ma habaasiyo hoog baa?
Mise haybta guudiyo,
Heer iyo ennay baa?
Horta anigu yaabaye!
Ma heer iyo hagaag baa?
Halka maanta joognee,
Adduunkii na hoos dhigay.
Haddii qaran la doonaayo,
Habkii loo hirgelin laa,
Baa haatan maqan bee,
Ma iska hal-adayg baa?
Haddii hadalka beentiyo,
Hawo been siyaasiga,
Ama hadurba uu jirin,
Hubaal way wacnaan layd.
Hagar daamo mooyee,
Hilin toosan maba jiro,
Hadba waa kalkaygii,
Iyo heesta reeraha.
Kuwo haybad sheegtiyo,
Kuwo maanku hawl-gabay,
Hayin looba yahay oo,
Kolba hooto nala dhaca.
Kol haddii run hiil iyo,
Ummaddeeda helaysaba,
Hadimooyin badan baan,
Haldooradu u leedeen.
Horumarkan la sheegiyo,
Iska haybi waxaan jirin,
Hanti laguma gaadhine,
Wax na hoos maraa jira.
Halka maanta joognana,
Inta hoos u eegtaan,
Hurdaduun ka toostaan,
Hadyi wacan bal daydaya.
Kuwa heello tumayow,
Heemaarka sugayow,
Heemaalka raacow,
Ka cabsada bal Haawiya.
Aflaadoon hoggiisii,
Hoggaamiye aqoon-liyo,
Hagar-laawe caadila,
Baa umadda hagi kara.
Jeen Jaak halkiisii,
Habka shacabku uu rabo,
Haddii loo hoggaanshaba,
Waa lagu hagaagaa.
Jaarlees halkuu yidhi,
Haddii xoog hal meel galo,
Halis baa ka dhalatoo,
Husta laguma waaree.
Maarkis hawlahiisii,
Hanti-goosi koox qudha,
Madaxduna hormuud tahay,
Waa lagu habaabaa!
Hadal kale wuxuu yidhi,
Bulsho haybtu waa qaran,
Mar hadii la baal maro,
Hoombaro maxaa xiga?
Mar haddii siyaasiga,
Hawshiisu dano tahay,
Ruuxii harraadiyo,
Midka hoy la’aantaa,
Midka hiif ku nooliyo,
Midka hoog u shidan yay,
Inuu hoojo mooyee,
Hiil daa warkiisaba.
Hooyada dhallaankiyo,
Haybta qaranka guud iyo,
Hadday umadda dhowraan,
Marba good ma hiiqeen.
Haqadkii la beeraba,
Haddii haramo mooyee,
Hadhuudh wacan kasoo bixin,
Sow hinqasho ma fiicnaba?
Haddii haabi talin laa,
Oo halbeegu jiri laa,
Wax kastoo hadhiino leh,
Soo muu hageejeen?
Horta hadafba muu jirey,
Anigaa iska heesoo,
Hirar beena laacoo,
Hadba meel huleelee.
Haddii hiigsi uu jiro,
Iyo meel han-keennuba,
Dhammi loo hayaamaa,
Mar uun baa la heli laa!
Haddii qaran la doonayo,
Dadka maanku hodan yahay,
Hadraawiyo filkiisii,
Baa lagu hallayn laa.
Sida haadda duushaan,
Hadba gees u roornee,
Oo hallaabay maankuye,
Allahayow halkii roon.