Tuesday 11 November 2025
New York oo ah magaalada ugu muhiimsan ee Maraykanka ayaa maayir u dooratay Zohraan Mamdaani oo ah Muslim ka soo jeeda Hindiya kuna dhashay Ugaandha, isaga oo helay 50.4% codadkii la dhiibtay. Waxa uu ka badiyay murashax madaxbannaan, se uu taageerayay Madaxweyne Trump, oo helay 41.6%. Madaxweyne Trump ayaa si xooggan isugu dayay in uu ka hortago guul uu gaadho Mamdaani, isaga oo ku hanjabay in uu dhaqaalaha federaalka ka jari doono haddii ay magaaladu doorato Mamdaani. Inta aanay natiijadu soo bixinna, waxa uu sheegay in aanu la socon wararka codeynta laakiin uu u badinayo in Mamdaani uu guuleysanayo ‘taas oo ah fallaagow’ ayaa uu yidhi.
Madaxweyne Trump oo sannadkiisii koobaad dhammeysanaya ayaa caadeystay in uu weerar ku qaado Maayirka London, Sadiiq Khaan, waxana uu ku soo qaaday kulankii Qaramada Midoobay ee bil ka hor ka dhacay New York, isaga oo ku sheegay in London lagu soo rogayo Shareecada Islaamka. Waxa uu hadalkiisa u aaneeyay in uu magaaladaas maamulo qof Muslim ahi, arrintaas oo uu ku macneeyay in ay dunidii reer Galbeedku ay khatar ku jirto.
Zohraan Mamdaani, oo hadda loo doortay New York oo ah magaaladii uu Trump ka jeedinayay khudbaddaas, waxa ay sifooyin badan wadaagaan Sadiiq Khaan, Maayirka London. Labadooduba waa Muslim, waxa ay ka soo jeedaan Hindiya, aragti ahaanna waxa ay u janjeedhaan bidixda iyo dhaqaaleha u daneeya danyarta. Dhammaantood waa tilmaamo ku filan in ay kula colloobaan Donald Trump iyo garabkiisa Jamhuurigu.
Dhanka kale, waxa Xisbiga Jamhuuriga lagaga adkaaday gobollo muhiim ah sida Virginia iyo New Jersey, arrintaas oo ah dhirbaaxadii ugu horreysay ee ku dhacday Trump, tan iyo markii dib loo doortay sannadkii hore, muddadaas oo uu si joogto ah ugu faanayay taageerada uu haysto kuna dheeldheeli jiray saameynta siyaasadeed ee Xisbiga Dimuqraaddiga. Doorashadan ayaa la filayaa in ay halbeeg u noqon karto doorashada kala-badhka muddo xileedka ee qorsheysan sannad ka dib.