Saturday 14 March 2026
Ka dib weerarkii 7-kii Aktoobar ay Xammaas fulisay, Benyamin Netanyahu waxa uu ballanqaaday in uu burburin doono iska caabbinta Falasdiin, xasuuq aan hore loo aragna uu ka gaysan doono Marinka Qasa. Waxa uu caddeeyey in aan xuduud la dhawro iyo wax laga sarriigtaa aanay jirayn, ee hab iyo tab kasta oo lagu baabi’in karo bulshada Qasa uu adeegsan doono. Muddadii xasuuqani socday, Netanyahu waxa uu bulshadiisa u ballanqaaday in “cadaadiska milatari socon doono ilaa guul laga gadhayo”, isla cadaadiskaas oo keli ahna lagu rumayn karo in la soo furto maxaabiista laga hayo. Waxa uu muddadaas ku celceliyey go’aankiisa jabinta iyo baabi’inta Xammaas, jihaadka Islaamiga ah iyo koox kasta oo kale oo iska caabbin wadda, waxaanu bulshada Israa’iil ugu laabqaboojiyey in cadawga Israa’iil ugu dambayn isa soo dhiibi doonaan.
Hase ahaatee, 467 maalmood ka dib, oo ay Israa’iil xasuuq ba’an ka gaysatay Qasa, oo ah marin cidhiidhi ah oo aan bedkiisu ka badnayn 365 kiiloomitir isku wareeg ah, muddo badanna la dhibtoonaa go’doominta Israa’iil oo haysatay muddo 16 sano ah, Netanyahu waxa uu 14-kii Jeenawari ee sannadkan cusub sheegay in uu jawaab togan oo ku saabsan heshiiska sii daynta maxaabiista ka sugayo Xammaas. Hadalkiisan waxa laga dhex akhristay isdiiddada cad ee ka dhex taagan halkudhigyadiisii hore iyo qirashadiisan muujinaysa jabkiisa, weliba xilli Maxkamadda Dambiyada Adduunku ay Netanyahu u aqoonsatay dambiile dagaal.
Bilawgiiba waxa uu Netanyahu dejiyey ujeeddooyin qayaxan oo u suurogalin kara in uu shaaciyo guul dhammaystiran oo uu gaadho, kuna loodiyo iska caabbinta. Waxa uu ku gooddiyey in uu marinka gebi ahaan baabi’in doono. Waa ballanqaad aan loo arkayn mid adag, sababtoo ah Maraykanku waxa uu la garabjoogay Israa’iil bil walba 22 bilyan oo doollar walba oo ka mid ah shan iyo tobankii bilood ee hore. Markii dambe Maraykanku waxa uu Israa’iil ku kaalmeeyey hubka ugu casrisan, si Qasa, Lubnaan iyo meelaha ka baxsanba loola beegsado. Maamulkii Biden waxa kale oo uu Koongarayska wayddiistay in uu Israa’iil siiyo kaalmo kale oo ah hub ku qiimaysan 8 bilyan oo doollar.
Netanyahu waxa uu muddadaas xasuuqu socday ballanqaaday in Xammaas baabi’i doonto, kaalin dambena aanay ku yeelan doonin Qasa. Waxa kale oo uu shaaciyey in uu dib u qaabaynayo khariidada Bariga Dhexe, gobolka oo dhanna ku fidin doono awoodda Israa’iil. Ka dhabaynta ujeeddooyinkan, Israa’iil waxa ay dhabarka saartay Maraykanka. Ka dib burburinta kaabayaashii Qasa, Israa’iil waxa ay xoogga saartay in ay Falasdiiniyiinta u barakiciso dhinaca Siinaay, iyada oo geysanaysa duqaymo aan loo meeldayin.
Si kasta oo ay Israa’iil rabtayba, tallaabadani may qancin Masar, oo aan yeelin in ay qaabbisho qaxoonti Falasdiiniyiin ah. Waxa kale oo guuldarraystay qorshe ahaa in Falasdiiniyiinta badda la mariyo, laguna khasbo in ay gebi ahaan waqooyiga Qasa ka baxaan, baddana loo banneeyo. Qorshahani waa qorshaha la magacbaxay “Qorshihii Jeneraallada”. Intaas ka dib, ciidanka Israa’iil ayaa galay magaalada Rafax, waxaanay u gaysteen burbur laxaad leh. Waxa kale oo la isku dayay in Qasa loo qaybiyo laba qaybood oo ciidamo la kala dhex dhigo. Waxa ay xidheen marinka Philadelphi oo ku yaalla xuduudka Masar, waxaanay ballanqaadeen in aan cidi ka gudbin.
Dhammaan xeeladahani ugu danbeyn waa ay guul darraysteen. Adkaysiga iska caabbintu la timi iyo ciddiyo ku dirirka awgii, dhammaan ballanqaadyadii Netanyahu waxa ay noqdeen hal bacaad lagu lisay, waanu ku guuldarraystay in uu awood milatari kusoo daayo maxaabbiista laga haysto. Awoodda uu adeegsaday waxa ay sahayatay qaar ka mid ah maxaabbiista oo dhintay.
Heshiiska la gaadhay waxa uu kasoo bilaabmay hindise Xammaad aqbashay bilihii May, Juun iyo Julaay, se ay Israa’iil diidday. Sidoo kale Israa’iil waxa ay ku gacansaydhay qaab kale oo maxaabbiista lagu soo celiyo oo aan awood ciidan ahayn. Wayddiintu waxa ay tahay: hadda maxaa is beddelay? Waa muuqata in saamaynta u weyn uu leeyahay Donald Trump oo madaxweynannimada ku guulaystay. Xilligii uu ololaha ku jiray, Trump waxa uu ku baaqay soo afjaridda hawlgalka iyo cidhibtirka Xammaas, dagaalkuna sidaas ku istaago.
Trump oo qiray in xalka uu Netanyahu rabaa maangal ahayn, lana rumeyn karin, isagu ma rabo in Bariga Dhexe qalalaalse ku sii jiro, oo uu qodobbada mudnaanta u leh kaga mashquulo, sida socdaalka, cashuuraha, tartanka Shiinaha, xidhiidhka Ruushka xilli dagaalka Yukrayn weli socdo iyo arrimaha ganacsiga caalamiga ah. Waxa kale oo uu yaqiinsaday in aanu Netanyahu dhabayn karin ujeeddooyinkiisa istiraatiijiga ah, dagaal aan maangal ahaynna uu ku adkaysanayo.
Trump oo raba in dagaalkani soo af jarmo ka hor intaanu xilka la wareegin, waxa uu ku hanjabay in Bariga Dhexe holci doono haddii aan maxaabbiista lasoo dayn ka hor 20-ka Jeenaweri ee 2025. Dadka falanqeeya siyaasaddu waxa ay ku doodeen in hadalka Trump ahaa digniin uu u dirayo Xammaas, se hadalkiisu ma fasirayn cadaadiska milatari ee inta ka badan ee Xammaas u hadhay. Waxa kale oo muuqda in Steve Witkoff, oo ah ergayga Trump u magacaabay Bariga Dhexe, uu Netanyahu ku khasbay in uu heshiiska aqbalo.
Heshiiskani waa isla heshiiskii uu Netanyahu hore u diiday, sida uu qiray Itamar Ben-Gvir, oo ka mid ah wasiirrada Israa’iil, aadna ugu dhow Netanyahu. Waxa suurogal ah in Trump uu Netanyahu ku dhiirrigeliyey in uu ka tanaasulo yoolashiisa uu ka leeyahay dagaalka Qasa, oo ah kuwo aan la dhabayn karin. Waxa aan weli caddayn in ballanqaadyada uu Trump soo hordhigay Netanyahu uu ka mid yahay in uu xidhiidh wanaagsan uga bisleeyo Sacuudiga, amaba in uu Israa’iil ku taageero inay dhul Suuriya ka mid ah qabsato ka dib dhicitaanka nidaamkii Bashaar al-Asad, amaba in Trump oggolaado in milatari ahaan lagu baabi’iyo kaabayaasha nukliyeerka ee Iiraan.
Isla wakhtigan, Bezalel Smotrich, oo isaguna ah xagjir aad ugu dhow Netanyahu, shaqooyinka Wasaaradda Maaliyaddana ka qabta Daanta Galbeed, ayaa ballanqaaday in qaybo badan oo Daanta Galbeed ah lagu soo dari doono Israa’iil, waana mawqif Trump kusoo celceliyey muddadii uu ololaha ku jiray. Siyaasaddan waxa Trump ku taageertay Miriam Adelson, waxaanay ku kaalmaysay ololihiisa boqol milyan oo doollar, waana qaddar ka badan intii ay 2016 ugu deeqday si uu Qudus caasimadda Israa’iil ugu aqoonsado.
Netanyahu waxa uu ku guuldarraystay in uu xaqiijiyo mid ka mid ah ujeeddooyinkii istiraatiijiga ahaa ee uu ballanqaaday, kooxaha iska caabbintuna waxa ay muujiyeen mintidnimo. Xammaas waxa ay ku adkaysatay in aanay wax heshiis ah galayn si kasta oo cadaadis ciidan iyo siyaasadeedba loo saaro, ilaa laga heshiiyo shan shardi. Shanta qodob waa: in xabbadjoojin rasmi ah oo joogto ah la sameeyo oo dagaalku joogsado, in Israa’iil gebi ahaanba ka baxdo Qasa, in kaalmo la gaadhsiiyo dadka Qasa deggan, dhaawacana dibadda loo qaadi karo, in dib u dhis lagu sameeyo Qasa, iyo in maxaabbiista lagu beddesho kumanaan Falasdiiniyiin ah oo ku xidhan xabsiyada Israa’iil.
Heshiiska hadda la gaadhay dhammaan qodobbadan wuu fulinayaa. Xammaas waxa ay heshiiska u samaysay habraac xaddidan, waxaana la filayaa in uu saddex marxaladood maro, marxalad kastaana 42 maalmood qaadato. Marxaladda koowaad waa in saddex meelood meel la sii daayo maxaabbiista, oo ah dumarka, carruurta 19 jir ka yar iyo dadka waaweyn ee 50 jir ka weyn. Xammaas waxa ay ka digtoontahay in Israa’iil dagaal kale bilawdo.
Hesiiska waxa garabsocda in Xammaas codsatay in ay dammaanad iyo dhexdhexaadin dhinacyada kale ah, lana ballanqaado in aanay Israa’iil dagaalka bilaabin soo daynta maxaabbiista ka dib. Heshiiskan hadda, Maraykanka, Qadar iyo Masar waxa ay ballanqaadeen in aan dagaalku dib u bilaabmin soo daynta maxaabbiista ka dib, waxaana taariikh cayiman loo dejiyey in Israa’iil si dhammaystiran uga baxdo Qasa. Iyaga oo ka duulaya madmadaw gelinta ay Israa’iil uga barteen iyo dhufays samaysashada, Xammaas waxa ay dejiyeen taariikh iyo khariidad qayaxan, waxaana dammaanad qaaday dhexdhexaadiyayaasha kale.
Intaas waxa dheer heshiisku waxa uu dadka reer Qasa u oggolaanayaa in ay marxaladda koowaad ku laabtaan guryahoodii iyaga oo aan la kulmin caqabad iyo hawgallo lagu baadho. Waxa kale oo heshiisku dhigayaa in ciidamada Israa’iil xuduudka Qasa dib looga qaado masaafo dhan 400 ilaa 700 mitir, bannaynta marinka Philadelphi iyo burburinta marinka Netzarim. Qodobbadani waa kuwii uu hore u diiday Netanyahu.
Heshiiskan oo dhaqangalay 19-kii Jeenaweri, waxa kale oo uu ku baaqayaa in kaalmo la gaadhsiiyo dadka Qasa ku go’doonsan, lana furo marinka Rafax oo dadka iyo alaabuhu mari karaan. Inkasta oo la oggolaaday soo gelinta teendhooyinka, guryaha ku meelgaadhka ah, korontada iyo biyaha, haddana dib u dhiskta dhammayska tiran waxa la oggolaaday in marxaladda saddexaad ka dib la bilaabo.
Inkasta oo reer Falasdiin dhib badan muteen shan iyo tobankii bilood ee u dambeeyey, haddana in kumannaan Falasdiiniyiin ah xabsiyada laga soo daayaa waxa ay ka dhigantahay guul weyn iyo dhirbaaxo ku dhacday gumaysiga xasuuqa waday. Waa kumannaan Falasdiiniyiin ah oo la dhaafsanayo 33 maxbuus oo Israa’iliyiin ah. Maxaabbiista Xammaas lasoo wareegaysaa kuma koobna dadkii la qabtay wixii 7-dii Aktoobar ka dambeeyey, se waxa ku jira kumanaan carruur iyo haweenba leh oo hore u xidhnaa, waxa kale oo ka mid ah 250 maxbuus oo xabsi daa’in ku xukunnaa.
Guud ahaan waxa la rejaynayaa in lasoo daayo saddex kun oo Falasdiiniyiin ah wejiga koowaad ee heshiiska, wejiga labaadna waxa la rejaynayaa gorgortan kale oo laga galo maxaabbiis kale. Waxa lagu qiyaasay in halkii maxbuus ee nin ah ee Yahuuddi ah lagu beddelanayo 30 qof, halkii gabadh ee Yahuuddi ahna lagu beddelanayo 50 maxbuus oo Falasdiiniyiin ah. Ugu dambayn waxa la filayaa in shan boqol oo Falasdiiniyiin ah oo xabsi daa’in ku xukumnaa la soo dayn doono.
Hubaal waxa ah in heshiiska sidan ah haliso badani ku gadaamanyihiin, gaar ahaan haddii awooddu u jadhjeedhsato dhinaca Israa’iil. Hase ahaatee, halista sidan ahi Falasdiiniyiinta oo keliya cabsi kuma hayso, se waa wax ay tahay in dunida oo dhammi ka cabsato. Haddii Israa’iil xasuuqa ka sii waddo Qasa ka dib marka maxaabbiisteeda hesho, waxa markaas bilaabmaya dagaal loo galayo xorriyadda. Hawgalkii 7-dii Aktoobar waxa uu Qasa u beddelay xero ciidan iyo dhul laa baabi’iyey, waana wax aan habboonayn in uu soo laabto.
Bulshooyinku waxa ay nafhur badan u sameeyaan u dagaallanka xorriyaddooda, gaar ahaan marka cadawga lala dirirayaa yahay awood gumaysi oo dhulballaadhsi raba, aydhiyoolajiyad cunsuriyad ahna uu ka duulayo, oo ay ka go’antahay in uu dabarjar ku sameeyo dadka dhulkooda difaacanaya.
Muddadii xadgudubka Yahuuddu socday ee qarniga ku dhow, waxa caddaaday hal arrin: si kasta oo dhibbanayaal badan iyo dhibaatooyinba u jireen, haddana adkaysiga iyo dhabar adayga Falasdiiniyiinta ayaa markasta guulaysanayey. Waxa jira hal ku dhig halgamaa Maraykan ah, Patrick Henry, laga qoray sannadkii 1775-kii, oo ah: “Xorriyad i sii, ama geerida ii door”. Dhawaaqa xorriyadda ee reer Falasdiin ma aha wax la dhayalsan karo, hoosna loo eegi karo.