Tuesday 18 February 2025
Buugga “From Tyranny to Anarchy: The Somali Experience” ee uu qoray Xuseen Maxamed Aadan (Tanzania), waa mid ka mid ah buuggaagta ugu caansan ee ka hadla taariikhda siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaan burburkii dowladnimada iyo safarkii adkaa ee uu waddanku u soo maray sidii uu dib ugu soo kaban lahaa. Xuseen, oo ah aqoonyahan Soomaaliyeed oo caan ah, waxa uu buuggan ku soo bandhigayaa falanqeyn qotodheer oo ku saabsan sababaha keenay burburka Soomaaliya iyo caqabbadaha hortaagan dib-u-dhiska dowladnimadeeda. Waa buug si gundheer uga warramaya taariikh nololeedkii siyaasadeed ee ummadda Soomaaliyeed, isaga oo diiradda saaraya isbeddellada waaweyn ee uu soo maray qarankii Soomaaliya, laga soo bilaabo xilligii kelitalisnimada ilaa fowdadii ka dambeysay ee daba dheeraatay.
Buugga waxaa si heer sare ah loogu lafagurayaa cawaaqibkii ka dhashay nidaamkii kelitalisnimada ee Maxamed Siyaad Barre. Qoraagu, waxa uu qeexayaa in nidaamkaasi uu ahaa mid si qaldan u isticmaalay awoodda dowladnimo, taas oo ugu dambeyn horseeday burburka dhammaan hay'adihii dawladda iyo kalsoonidii bulshada dhexdeeda. Xuseen, waxa uu ku doodayaa in Siyaad Barre uu si khaldan u adeegsan jiray qabyaaladda iyo awoodda ciidanka, si uu kursiga ugu sii negaado, taas oo abuurtay xasarado siyaasadeed iyo isku dhac bulsho oo aakhirkii horseeday burbur weyn.
Mid ka mid ah mowduucyada ugu muhiimsan ee buuggani taabanayo waa sida nidaamkii kelitalisnimada ahaa ee Siyaad Barre uu ugu dambeeyay in uu waddanka geliyo marxalad fowdo ah. Xuseen, waxa uu sharraxayaa in xukunka Barre uu ahaa mid si arxan darro ah u cidhib tiray mucaaradkii siyaasadeed, isaga oo ku tiirsanaa adeegsiga xad dhaafka ah ee awoodda ciidanka iyo u kala qaybinta bulshada qabaa’ilo. Markii nidaamkiisu burburay, waxa uu waddanku galay xaalad aan haysan dariiq cad oo loogu soo noqon karo xasillooni iyo dawladnimo.
Fowdada ka dhalatay burburkaas. waxa ay soo bandhigtay in nidaamka siyaasadeed ee Soomaaliya uu ahaa mid aad ugu nugul xasaradaha, iyada oo hay’adihii dowladnimo ay noqdeen kuwo aan jirin. Qoraagu waxa uu si cad u muujinayaa in qabyaaladda siyaasadaysan ay ahayd hubka ugu weyn ee lagu kala qaybiyey bulshada, taas oo keentay in qabiilku uu noqdo mid horseeda dagaallo iyo khilaafaad joogto ah.
Xuseen Aadan, sida oo kale waxa uu si xeeldheer uga hadlay kaalinta faragelinta shisheeye. Waxa uu ku doodayaa in faragelinta caalamiga ah, halkii ay ka caawin lahayd Soomaaliya in ay ka soo baxdo xaaladda fowdada ah, ay qayb ka noqotay dhibaatooyinkeeda. Dalalka shisheeye ayaa mararka qaar si dadban u xoojiyay qabaa’ilka ama kooxaha hubaysan, iyaga oo doonayay in ay ka helaan saameyn siyaasadeed ama dhaqaale dheeraad ah. Waxa uu qoraagu ku baraarujinayaa akhristaha in mustaqbalka Soomaaliya ay tahay in Soomaalidu si madaxbannaan uga shaqeeyaan sidii ay ula soo noqon lahaayeen dawladnimo dhab ah oo ku saleysan rabitaanka shacabka.
Buuggu waxa uu akhristaha ku dhiirrigelinayaa in uu iswayddiiyo su'aalo muhiim ah. Tusaale ahaan, sida uu Xuseen Tansaaniya ku doodayo, nidaamka qabiilka ee Soomaalidu waxa uu lahaa faa’idooyin taariikhi ah oo ku saleysan isku xidhka bulshada iyo wadajirka, laakiin maxay tahay sababta uu u noqday caqabbad weyn marka laga hadlayo dawladnimada casriga ah? Ma laga yaabaa in nidaamka qabiilku uu yahay mid ku habboon bulsho aan lahayn nidaam dawladeed casri ah, laakiin uu noqon karo mid halis ah marka laga tago nidaamkii sharciga iyo kala dambeynta?
Dhanka kale, qoraagu waxa uu farta ku fiiqayaa kaalinta ay Soomaalida lafteedu ku lahayd fashilka dhismaha dawladnimo. Ma tahay mid la saari karo hoggaamiyeyaasha oo kali ah mise bulshada Soomaalida oo dhan ayaa qayb ka ah dhibaatada?
Marka buuggan la barbardhigo buuggaag kale oo laga qoray Soomaaliya, sida The Somali Dilemma ee uu qoray Axmed Samatar, waxa uu leeyahay aragti qotodheer oo diiradda saaraysa dhinacyada siyaasadda iyo nidaamka dawladeed. Waxa uu lafagur ku samaynayaa dhismaha bulsho iyo dhaqanka siyaasadeed, halka Xuseen Tansaaniya uu si gaar ah u falanqeynayo saameynta taariikheed iyo dhacdooyinka keenay burburka. Sida oo kale, buuggan waxa uu si qotodheer u sharraxayaa adkaysiga shacabka Soomaaliyeed oo muddo dheer ku noolaa xaalad aad u adag. Xuseen Aadan, waxa uu tusaale u soo qaadanayaa in xitaa iyada oo ay dawlad la’aan jirtay, haddana ay bulshada Soomaaliyeed sii wadeen nolol maalmeedkoodii, iyaga oo adeegsanaya farsamooyin bulsheed oo ku saleysan iskaashi iyo is-waafajin.
Buugga “From Tyranny to Anarchy: The Somali Experience” waa mid aan la baal mari karin. Waa mid muhiim u ah qof kasta oo danaynaya taariikhda Soomaaliya iyo sababaha keenay burburka dawladnimada. Waa mid ku baraarujinaya akhristaha in uu dib u milicsado khaladaadkii dhacay iyo caqabbadaha hortaagan mustaqbalka Soomaaliya. Xuseen Aadan, waxa uu buuggan ku dhisay baaq ah in Soomaalidu aysan keliya xasuusan taariikhdooda, balse, ay sida oo kale ka barato casharro si looga hortago in khaladaadkii hore ay dib u soo noqdaan.
Akhristuhu waxa uu buuggan ka heli karaa aragtiyo waaweyn oo ku saabsan sida loo dhisi karo dawladnimo waarta iyo sida bulshada Soomaaliyeed ay ugu baahan tahay in ay dib u heshiiso oo u xoojiyaan wadajirkooda, una sameeyaan nidaam siyaasadeed kaas oo ku saleysan cadaalad iyo rabitaan shacab. Ugu danbeyn waa buug xanbaarsan sooyaal, dhiirrigelin iyo baraarujin oo mudan in la tixraaco.