Tuesday 14 July 2026
Hadaljeedintan waxa uu Muxumed M. Muxumed kaga hadlay Gumeysi-tirka Daraasaatka Soomaalida iyo baahida loo qabo in dib loo eego sida aqoonta Soomaalida loo soo saaro, loo qoro, loona fasiro. Hadaljeedintu waxa ay ku saabsanayd waraaqdiisa aqooneed ee “Rethinking Somali Studies: Towards a Somali-centric Epistemology,” waxaanu ku falanqeeyay sida Daraasaatka Soomaalidu muddo dheer ugu tiirsanaayeen aragtiyo iyo kaydad gumeysi oo reer Galbeed ka yimid.